Isma guursan karno!
Waxaa in muddo ah waxbarasho jaamacadeed isla dhiganayay wiil iyo gabar soomalideed kuwaasoo intey waxbarashada ku gudajireen uu dhexdooda ka beermay jaceyl. Jacelkoodii waxaa u sii dheeraa iney ahaayeen dad qurbo ku waxbaranaayo, oo dadka kale iskaga sokeeyo iskuna ujeeddo meeshaas u joogo, ilaa ay guusha ka hantaan in ay halkaas waqtigooda ku qaadan doonaan.
Dhanka waxbarasha labadoda waxey kala dhiganayeen labo kulliyadood oo kala duwan. Gabadha waxey baraneysay cafimaad, halka wiilka uu baranaayay ingineerin. Labadooda waxaa maalinba maalinta ka danbeyso sii siyaadaayay jaceylka ka dhexeeyo iyo kalsoonida guulaha xinbaarsan, oo ay u arkaan iney hadda gacanta ku haayaan mustaqbal ifaayo, guushiisuna ay dhowdahay.
Waqti badan oo jaceyl iyo farxad ay isla soo qaateen, ka dib waxey ku heshiiyeen, iney is guursadan markey jaamacadda dhammeyaan. Wiilkii ayaa jamacaddii u dhammaatay, waxuuna billaabay siduu cilmiga uu soo bartay wax ugu qabsan lahaa. Shirkad ayuu shaqo barasho uga shaqo billaabay, si uu qibrad ugu qaato waxuu soo bartay.
Gabartii ayaa iyaduna jamacaddii soo dhammeysay, muddo ka din waxaa la gaaray xilligii ay ku ballameen iney is guursadaan. Waxey go’aansadeen, in ay u gudbiyaan waalidiintooda si arrintooda loo soo gabagabeeyo.
Gabartii ayaa waxey u sheegtay ciddeeda in ay rabto iney guursato, waxeyna ku dhahday waxaan guursan rabaa wiil ingineer ah, ee waxaa la idinka rabaa goorta la idiin soo gogol fadhiisanayo (la i soo doonanaayo).
Ciddii gabadha dhashay ayaa gabadhii su’aashay wiilka qabiilkiisa, waxey ugu jawaabtay ma aqaanno oo lix sano ayaan wada soconnaa, maalinna ma weydiin. Ciddii ayaa waxey ku celisay soo ogow reerkiisa, nin aan la kaseyn gabar ma siisaneynee.
Gabartii oo yaabban isna weydiineyso siday su’aasha u weydiin lahayd, ayaa wiilkii wacday, waxeyna ku dhahday inaan is aragno ayaan hadda rabaa, oo arrin ayaa igu taagan.
“haddey fududdahay, maad talka iiga sheegtid” ayuu wiilkii dhahay.
“maya aan is aragno hadhow” ayey ku, celisay.
ayadoo yaabban oo ka fakireyso sidey ku weydiin laheyd heybtiisa, ayaa la gaaray xilligii ballanta. Ballantii ayey iskugu imaadeen, waxeyna uga sheekeysay, in ay ka warbixisay go’aankii guurkooda.Wuu ku farxay arrinkaa, waxuuna weydiiyay hadda xilligee aan ka dhiganeynaa meherka?.
Waxey ku tiri waxaa la igu soo xujeeyay, waxaanan waligey is weydin intaan is kaseynay, waana qabiilkaaga!
Intuu qoslay ayuu ku dhahay;
“taas soomaali ma aqaanno goortey ka gudbayaan” waxuuna u sheegay heebtiisa.
Gabadhi oo qanacsan ayaa waxey u laabatay ciddeedii. Sey u siisocotay ayey u sheegtay heybtii wiilka, markaas ayadoo u arkesay, inuu ka soo jeedo beel weyn.
Ciddii ayaa halmar si xanaaq ah u wada dhahay;
“naa ma qabiilkii aabbahaa dilaad guursaneysaa? Hadii aad rabto raac anaga ma kugu dareyno!”
“Laakin asaga aabbahey ma dilin, oo waxaa dilay qof jaahil ah, oo aan aqoonin qiimaha qofku leeyahay.” Ayey ku tiri reerkeeda.
“Anaga qabiilkaas mana soo galo, haddaa raacdana waan kaa samreynaa, oo aabbahaaba waan ka samirnay, ee ogow.” Ayaa si qallafsan loogu jawaabay.
Gabadhii ayaa waxaa ku yaraaday adduunka, oo waxaa la soo gudbonaaday ciil iyo caloolyow, dhan ay raacdo ayey garan weysay;
“ma waalidkaa warkiisa qaadataa misa saaxiibkaa ayaad raacdaa” ayey is weydiisay. Labo daran mid dooro ayaa heshay. Reerka ka go’, oo ha ku deyriyaan ama gacalkaa u go’ oo dareenkaaga iyo dookhaaga meel mari. Labada marba waxay dhuminaysaa dad ku qaali ah, oo aysan ka maarmin.
Waxey go’aansatay, iney qaadato warka waalidkeeda, ayna iska illowdo jaceylkeedii, maadaama ay heerka ay taagan tahay ay hooyadeed madaxeyda ku soo gaartay, oo aysan hore u helin gacan aan iyada ahayn iyo taakulo aan teeda ahayn.
Waxey ballan la sameysatay jaceylkeedii, ayadoo ka caloolxun arrinta murugada leh, ee la soo gudbonaatay, waxeyna ku dhahdhay;
“SAAXIIBOW ISMA GUURSAN KARNO! Maxaa yeelay, qoyskeyga ayaan wali ka samrin dilkii aabbahey uu u geestay nin jaahil ah, oo aad isku heybtihiin, saas darteed, ayey ciddeydu igu dhaheen na ma soo galaan dadkaas.” Inta ay hadalka u sheegee, way oynaysaa, oo illin ayaa dhabannadeeda ka qubanaya. Hadal toos u ma tebin karto, way ka la goygoynaysaa, waxayna ugu dartay;
“waxaa la ii soo jediyay labo arrin middood; in aan adi ku raaco, oo walidkey illoobo iyo inaan waalidkey raaco, oon adiga ku illoobo!” Ayadoo sidii u oyneysa, ayey ugu xirtay hadalkii:
“waxaan go’aansaday, inan adiga ku illoobo, marka iga raalli noqo walaaloow!” weyna ka soo dhaqaajisay, ayado jawaab ka sugin.
Asagoo la hadlaayo ayey iskaga tagtay, ayadoo oyneysay, waxuuna ku dhahay;
“bal soo naso waan kala warqabeynaa”
Labadooda maalintaa ayaa isugu dambaysay, oo ilaa iyo hadda wey kala warqaadayaan.
Qore: Cabdinaasir Maxamad Cali