Maansada: goormay xamar fayoobaan waa maanso digniin ah, sidoo kalena, waa farriin-danabeed gudbineysa in laga fayjignaado shar-wada-yaasha qaraxa iyo qarbudidda la daba taagan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Muqdisho, dhankeey doonaan ha ku yimaadiin e. Maansada waxa curisay, Farax Sheekh Cabdirisaaq {zedra Sheekh}
GOORMAY XAMAR FAYOOBAAN
- Goormay xamar fayoobaan
- Fatahaadda qaraxiyo
- Firkaagguna ka baxaya ?
- Falalkaan qarsooniyo
- Fool-xumo ninkii wada
- Waad foorartaa weli!
- Faralkiyo salaaddiyo
- Qofka fiirsanaayoow
- Inaad diinta fidisiyo
- Inaad fooqyo dumisood
- Farta keebka saartood
- Qof iskii u foof tegay
- Fagaaraha ku laysaa
- Laba kala fog weeyee!
- Inta dhiiggu faan yahay
- Dhimashaduna fududdahay
- Fakataye dalkaygoow
- Fanku wuxuu ku leeyahay
- Waxa falay dhibkaase
- Kugu furay balaayada
- Rabbi kaa furdaanshiyo
- Faataxa ha qabatoo
- Ha kaa fuqo cadaawuhu!
- Inta kaa faqaysee
- Dadka kala faquuqdee
- Farta noo qaniintana
- Cudurkiyo fantada baas
- Feedhaha ha gooyaan!
- Ummadyahay filkaagii
- Wuxu fadal ku dhaafaa
- Fadadkiyo daruuraha
- Dayaxaanu fuulaa
- Falaggiyo dabayshana
- Wuxuu saarayaa fuudh!.
- Umadyahay fantaysani
- Soomaali falaneey
- Hooyooyin fooshiyo
- Waxaad fara xumaysaa
- Hablahaagii fiicnaa.
- Bakhtigaaga fuudkiyo
- Waxaad feenataa weli
- Qudhun aad faqaysoo
- Farxad baabay kuu tahay
- Inaad maydka fadhataa!
- Fud la tuuray ruuxii
- Fahmi waaya meeshuu
- Faalloodku uu yahay
- Een faaqidaynee
- Iska soo fadhiistoow
- Garo inay fallaadhuhu
- Inta aanay soo fidin
- Laga feejignaan karo!.
- Fashilkuna dadkaygoow
- Abid waa fin iyo boog
- Ku fidaayo jiirkoo
- Hadday soo faruurmaan
- Talo fara ka haaddoo
- Fulay naga baqaayaa
- Farta noogu yeedhiye
- Fikirkeenu yuu noqon
- Furayaasha geerida
- Ha la fiiqdo dhaayaha
- Runta yaan la fiigtayn
- Haw feedhan ceebaha
- Ha furnaato garashadu
- Xaqa faafintiisana
- In la faydo weeyaan
- Si aan fiixda doogta ah
- Fajac noogu sii noqon
- Doqonkiyo fariidkuba
- Fooxlaha hallaabiyo
- Ninka fuliyaha dhagaraha
- Colka noo fadhiya hoos
- Waa inay figeeyaan.
- Faallada gunteediyo
- Falkintiyo ujeeddada
- Ninka faashanaayee
- Xamar faayaheedii
- Duminteeda filayoow
- Ha ka filannin guul abid.
- Dhibtaad faafinaysiyo
- Hadimada firdhinaysa
- EEBBE faraqa kuu geli
- Inaad faalig qaaddoo
- Faracaagu guuroo
- Lagu aaso fiidkaan
- Faxanaha ka doonnaye
- Firaashkaaga aakhiro
- Lagu filiq cadaabtoo
- Rabbi nagaga kaa filan!
W\C. Farax Sheekh Cabdirisaaq {Zedra Sheekh}