Maansadan Qarib waxaa curiyey Laashin Bashiir Cali Bare, Waa maanso ka hadlaysa waaqica taagan iyo dhibaatada geyiga Soomaaliyeed ka jirta, haddaba waa tan ee ka bogo:
- Dalkeenna waxaa qarribay
- Waxaa qadaf noo horkacay
- Dumiyay qarankeeniyoo
- Dunida kale naga qoqobay
- Qabiil ku jeclaansho iyo
- Nacayb qolo gooniyoo
- Qalad weeye ficilkaase
- Quursigu illaa heedhe
- Quuri weyto iyo hoog leh
- Qolada kaan wadaagno iyo
- Dhammaanba qaraabadiyo
- Qofkii aan rafiiqno iyo
- Qabiilkeyga oo kaliya
- Ayun baa wax qaban karaya
- Inta kalena qabad weeye
- Ilaahoow qaaddiroow
- Aday quwaddaa tahaye
- Sidii qurxan noogu door
- Qur’aankiyo sunnada nabiga
- Dhabtii niman qaaddacaa
- Dadkeenna qalloociyoo
- Habka qaraxa loo duugo
- Dadka looga guro qoorta
- Shaqsigoo qabsani hawlo
- Nafta looga qalaf siiyo
- Asoon qoommamaynaynin
- Ku qanciya dhallaankeenna.
- Qarnigiyo la yaabkiisa
- Naf la qalay ku faraxeeda
- Shacbi oomman qixintiisa
- Qorshe baas ku doonkiisa
- Adoo qoorta ruux jaraya
- Toowxiid ku qowlkiisa
- Rabbow nimankaas qarriban
- Adaa naga qaban karee
- Dhawaan dalka nooga qabo.
W/T: Bashiir Cali Barre