Maansada Soomaali-baan ahay
Maansada soomaali-baan ahay, waa maanso aan shalay ka soo jeediyey xus iyo xasuus aan u sameynay dharaaraha Cawaale (Calanka iyo xornimada), laga soo billaabo 26-juun ilaa shalay oo ahayd kowda-Luuliyo, waxa carra-edeg ka dhacayey dammaashaadka iyo dabbaal-degga maalmaha xorriyadda iyo midowga Soomaaliyeed. Waa maalinta kaliya ee cadawga ummadda soomaaliyeed uu ciishoodo, waayo maalintaa waxaa mideysan cududda iyo cindiga soomaaliyeed. Maansada SOOMAALI-BAAN AHAY waxay leedahay sidaan:-
- Soomaali-baan ahay
- Soomaali dhalayee
- Soomaali sii dhalay
- Sinjigaya abkiisana
- Saafi laga abuurooy
- Soomaali wada yihiin.
- Soomaali-baan ahay
- Soomaalinimo jecel
- Sowracaygu waa dhalad
- Midabkayga suganiyo
- Suuradeyda muuqiyo
- Sawdka iyo hadalkiyo
- Sinji waa ma guuraan
- Koluu suulka kaa galo
- Sugay ruuxa aan ahay
- Saameelay dulucdana.
- Saadkaygu waa diin
- Sumaddaydu waa calan
- Sifadaydu waa qaran
- Sahankaygu waa guul
- Socodkaygu waa nabad
- Waxaan saadinaayaa
- Safar dheer u galayaa
- Dadkaygoo sarreeyiyo
- Bulshadoo sinnaatiyo
- Umaddoo sal iyo baar
- Quwadaha saree tegay
- Safka hore ka joogtoo
- Saxariirta laga baxo.
- Inta saban xumaadkiyo
- Salowgiyo dhibaatada
- Salaqlaynta lagu jiro
- Ma saldhigan naftayduye
- Waxaan saadiyaa abid
- Sadrigana ku haystaa
- Qalbiguna sug leeyahay.
- Safka reer jabuutiyo
- Soomaalida galbeed iyo
- Sabadii wajeeriyo
- Labadii sareedada
- Lixdankii u sara kacay
- Soomaaliweynoo
- Salabkiyo awooddiyo
- Saadkiyo dhaqaalaha
- Kulligeed ka simano
- Sama iyo ku wadajira
- Gobonnimo sareedo leh.
- Seerma waydo roob iyo
- Cirka saymo ka onkoday
- Caadku sare istaagooo
- Hillaac salalag leeyahay
- Galliix sagal arooryaad
- Cad-ceeddii ku soo simay
- Dhulka saba la jiiftiyo
- Ciiddu saxar la’aan tahay
- Xareedduna sin iyo baar
- Xaabka saaftay geedaha
- Salka dalagga loo dhigay
- Saxal iyo dhib lagu arag
- Suluf iyo colaad jirin
- Xooluhuna soofeen
- Soomaaliyoo idil
- Qof saboola lagu arag.
- Afartaa siday tahay
- Saanqaadka maansada
- Saldhigiyo u jeeddada
- Qofki aan la soconow
- Halkaan saanta soo dhigay
- Ka salraac ammuuraha.
- Siday diintu nagu tiri
- Muslim gaal la saaxibay
- Ama sooryo doqoneed
- Ku sasabay adduunyada
- Silac kama dhammaadee
- Adooy buuxda sabadaa
- Dhammi soofka xoolaha
- Kuu baxay sabuulkii
- Samak iyo kalluunkuna
- Xeebaha sunsumayaan
- Sed quureed ka dheerow
- Haw hoorsan sacabada.
- Dhanka kale ka saaraye
- Sifaan dagaye xaajada
- Su’aal baan hor dhigayaa
- Nin ku siray dorraad galab
- Seedahana kaa jaray
- Sahansaday cadkaagii
- Inaad wada socdaashaan
- Sax miyaad u aragtaan?
- Ma sugnaa sabaabada ?
- Siriq maan lug galinnaa?
- Mise suurka dhacayaan
- Saymo rooba moodnaa ?
- Maya saan is leeyahay
- Sahal waa ismaan oran.
- Inkastoon safaadoon
- Silicaya dhibaatada
- Meel sarraysa gaaroo
- Cadow saanta ii jaray
- Hilibkayga saanyaday
- Si xun duni u noolahay
- Faceey iga sarreeyaan
- Sabar kama idlaadee
- Saadir-baan baryaa wali.
- Suuradaha qur’aankiyo
- Sunnadii rasuulkiyo (S.C.W.)
- Sanulqii baqara iyo
- Sal-banii cimraan iyo
- Sammiyaashi miisqaad
- Saad iyo wasaafaad
- Sina ugama quustee
- Saadirkii na uumaan
- Sacabbada u taagtaa!
- Seddaxdaa riddada hore
- Sadarradii abwaan iyo
- Ku sifeeyay taydee
- Haddii aan ka sara koco
- Horta mayla socotaan?
- Sagaal laba kasoo gooy
- Tira siman ha noqotee
- Hal ku biiri saaxiib
- Seddax jare shan soo reeb
- Bal sifeey u jeeddada
- Seeska hadalku meeshu
- Ku socdaana ila garo.
- Ka la saare ila goob
- Halka sarena meele
- Ku sifeey nabdiiniyo
- Silic qola ka gudubtiyo
- Seyr ma weydo ruux dega.
- Kan labaadna saxariir
- Ku safaaday dunidoo
- Saqmi loogu daaw galay
- Sirqa aan dhammaan iyo
- Safar lagama daaliyo
- Soddon sano tahriib iyo
- Sii socodya soo socod
- Sunta cadaw walaaqiyo
- Waxay dhuuqayaan sibir.
- Sakaraatul mowdeey
- Sa kalaha hayaanoo
- Geeribaa la sugayaa.
- Saynti cirir la sheegiyo
- Waxa saaqay kalinnimo
- Ceelka gebi ma saartaan
- In la saxana ma oggola.
- Seddaxaad warkii daa
- Waa qola sirgaxanoo
- dabeyshaa si sidatoo
- Sagallaha galbeed iyo
- War sacuudi yiriyeey
- Sacabbada u tumayaan.
- Saxariirku kama kaco
- Siliciyo abaaruhu
- Salow dirir sokeeyaad
- Sidka dhalay ma maalaan
- Ma suntana sidii qaran
- Sabarkana ma goobaan
- Saamaxaadna ma oggola.
- Sawir geed la suray-bay
- Waa saldanadii leeyiin
- Been bay sax moodeen
- Riyeey saani u arkaan,
- Dhulka waa saluugeen
- Samadey hamminayaan
- Cirka sarena may tegin.
- Aan hadalka saafoo
- Awrka rarada saaree
- Soddon sano haddaan weli
- Saba lagu negaadiyo
- Sayr ma weydo loo helin
- Soomaali udubkeed
- Sabanbaa ku dhacay weyn.
- Ma saxbaa nin saanyaday
- Sedkaad adigu leedahay
- Inow saami koo qoro?
- Sakalaha dhexdoodaa
- Dadkii kala suntadayoo
- Midba soohdin yeeshee
- Saad dambo maxay noqon
- Saakuunta noo dhiman?
- Sannad guura baasee
- Saancaddaala tegay iyo
- Soomaali loo dhigo
- Konton iyo sagaal sano
- Haddey maanta socotaa
- Xaalkina sidaan yahay
- Sallalaadin beeniyo
- Sacab aan garraaciyo
- Sabiyadoo la sira iyo
- Maxaan saba u dhigayaa
- Sideen soorya doqonnimo
- U siiyaa naf saafiya.?
- Ayadoon sicii dhalin
- Dambar seen u maalaa?
- Anoon dhaaydi suusicin
- Sideen subag u ruxayaa?
- Anoon neef socdaa qabin
- Seka seen u bixiyaa?
- Anoon waajibkii sugin
- Sunna seen u ooggaa?
- Anoon suurad qura baran
- Sideen subac u hoorshaa?
- Anoon sowja soo helin
- Sideen ubad u sugayaa.?
- Bulshaan samaxaad baran
- Sed ma qaybsan karayaan?
- Waa la kala socdaalaye
- Sideen u hambalyeeyaa?
- Sagaal maamul beeleed
- Midba saami uu rabo
- Summad iyo dastuurna leh
- Soomaali kala jecel
- Anoo saaka dhaafsane
- Silicii xad dhaaf yahay
- Ma saxbaa inaan wali
- Xornimada u sacab tumo?
- Su’aashaas dhabtaa-baan
- Jawaabteeda sugayaa.
- Haddaan sanadda dheer iyo
- Seddex boqol lix maalmood
- Xornimada la siineyn
- Maxaa loo sacbinayaa?”
- Ha sal dhigata beentuye
- Sirta caad ma qariyee
- Intaad dunida saaxiib
- Wadamada saboolkaa
- Ka samey lehaydeen
- Shanta sacabbaduu toga
- Calankeenna Soomaal
- Sidow yahay u soo celi
- Seddexdii maqnaa doon
- Kala sooca quursada.
- Midna aan dul saaree
- Inaad sax u ogaataan
- Sadrigiinnu yow dayn
- Dhulkaan Eebbe nagu sugay.
- Qorrax maaha saan kulul
- Baraf samada kama da’o
- Suluf maaha cimiladu
- Waa mid udug u saaxiba
- Waa sahay Ilaaheey
- Kaligeen na siiyeeee
- Ha saluugin waligaa
- Midnimana u sabab noqo.”
W/C:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”