Maansada Soomaali-baan ahay W/C:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
540

Maansada Soomaali-baan ahay

Maansada soomaali-baan ahay, waa maanso aan shalay ka soo jeediyey xus iyo xasuus aan u sameynay dharaaraha Cawaale (Calanka iyo xornimada), laga soo billaabo 26-juun ilaa shalay oo ahayd kowda-Luuliyo, waxa carra-edeg ka dhacayey dammaashaadka iyo dabbaal-degga maalmaha xorriyadda iyo midowga Soomaaliyeed. Waa maalinta kaliya ee cadawga ummadda soomaaliyeed uu ciishoodo, waayo maalintaa waxaa mideysan cududda iyo cindiga soomaaliyeed. Maansada SOOMAALI-BAAN AHAY waxay leedahay sidaan:-

  1. Soomaali-baan ahay
  2. Soomaali dhalayee
  3. Soomaali sii dhalay
  4. Sinjigaya abkiisana
  5. Saafi laga abuurooy
  6. Soomaali wada yihiin.
  7. Soomaali-baan ahay
  8. Soomaalinimo jecel
  9. Sowracaygu waa dhalad
  10. Midabkayga suganiyo
  11. Suuradeyda muuqiyo
  12. Sawdka iyo hadalkiyo
  13. Sinji waa ma guuraan
  14. Koluu suulka kaa galo
  15. Sugay ruuxa aan ahay
  16. Saameelay dulucdana.
  17. Saadkaygu waa diin
  18. Sumaddaydu waa calan
  19. Sifadaydu waa qaran
  20. Sahankaygu waa guul
  21. Socodkaygu waa nabad
  22. Waxaan saadinaayaa
  23. Safar dheer u galayaa
  24. Dadkaygoo sarreeyiyo
  25. Bulshadoo sinnaatiyo
  26. Umaddoo sal iyo baar
  27. Quwadaha saree tegay
  28. Safka hore ka joogtoo
  29. Saxariirta laga baxo.
  30. Inta saban xumaadkiyo
  31. Salowgiyo dhibaatada
  32. Salaqlaynta lagu jiro
  33. Ma saldhigan naftayduye
  34. Waxaan saadiyaa abid
  35. Sadrigana ku haystaa
  36. Qalbiguna sug leeyahay.
  37. Safka reer jabuutiyo
  38. Soomaalida galbeed iyo
  39. Sabadii wajeeriyo
  40. Labadii sareedada
  41. Lixdankii u sara kacay
  42. Soomaaliweynoo
  43. Salabkiyo awooddiyo
  44. Saadkiyo dhaqaalaha
  45. Kulligeed ka simano
  46. Sama iyo ku wadajira
  47. Gobonnimo sareedo leh.
  48. Seerma waydo roob iyo
  49. Cirka saymo ka onkoday
  50. Caadku sare istaagooo
  51. Hillaac salalag leeyahay
  52. Galliix sagal arooryaad
  53. Cad-ceeddii ku soo simay
  54. Dhulka saba la jiiftiyo
  55. Ciiddu saxar la’aan tahay
  56. Xareedduna sin iyo baar
  57. Xaabka saaftay geedaha
  58. Salka dalagga loo dhigay
  59. Saxal iyo dhib lagu arag
  60. Suluf iyo colaad jirin
  61. Xooluhuna soofeen
  62. Soomaaliyoo idil
  63. Qof saboola lagu arag.
  64. Afartaa siday tahay
  65. Saanqaadka maansada
  66. Saldhigiyo u jeeddada
  67. Qofki aan la soconow
  68. Halkaan saanta soo dhigay
  69. Ka salraac ammuuraha.
  70. Siday diintu nagu tiri
  71. Muslim gaal la saaxibay
  72. Ama sooryo doqoneed
  73. Ku sasabay adduunyada
  74. Silac kama dhammaadee
  75. Adooy buuxda sabadaa
  76. Dhammi soofka xoolaha
  77. Kuu baxay sabuulkii
  78. Samak iyo kalluunkuna
  79. Xeebaha sunsumayaan
  80. Sed quureed ka dheerow
  81. Haw hoorsan sacabada.
  82. Dhanka kale ka saaraye
  83. Sifaan dagaye xaajada
  84. Su’aal baan hor dhigayaa
  85. Nin ku siray dorraad galab
  86. Seedahana kaa jaray
  87. Sahansaday cadkaagii
  88. Inaad wada socdaashaan
  89. Sax miyaad u aragtaan?
  90. Ma sugnaa sabaabada ?
  91. Siriq maan lug galinnaa?
  92. Mise suurka dhacayaan
  93. Saymo rooba moodnaa ?
  94. Maya saan is leeyahay
  95. Sahal waa ismaan oran.
  96. Inkastoon safaadoon
  97. Silicaya dhibaatada
  98. Meel sarraysa gaaroo
  99. Cadow saanta ii jaray
  100. Hilibkayga saanyaday
  101. Si xun duni u noolahay
  102. Faceey iga sarreeyaan
  103. Sabar kama idlaadee
  104. Saadir-baan baryaa wali.
  105. Suuradaha qur’aankiyo
  106. Sunnadii rasuulkiyo (S.C.W.)
  107. Sanulqii baqara iyo
  108. Sal-banii cimraan iyo
  109. Sammiyaashi miisqaad
  110. Saad iyo wasaafaad
  111. Sina ugama quustee
  112. Saadirkii na uumaan
  113. Sacabbada u taagtaa!
  114. Seddaxdaa riddada hore
  115. Sadarradii abwaan iyo
  116. Ku sifeeyay taydee
  117. Haddii aan ka sara koco
  118. Horta mayla socotaan?
  119. Sagaal laba kasoo gooy
  120. Tira siman ha noqotee
  121. Hal ku biiri saaxiib
  122. Seddax jare shan soo reeb
  123. Bal sifeey u jeeddada
  124. Seeska hadalku meeshu
  125. Ku socdaana ila garo.
  126. Ka la saare ila goob
  127. Halka sarena meele
  128. Ku sifeey nabdiiniyo
  129. Silic qola ka gudubtiyo
  130. Seyr ma weydo ruux dega.
  131. Kan labaadna saxariir
  132. Ku safaaday dunidoo
  133. Saqmi loogu daaw galay
  134. Sirqa aan dhammaan iyo
  135. Safar lagama daaliyo
  136. Soddon sano tahriib iyo
  137. Sii socodya soo socod
  138. Sunta cadaw walaaqiyo
  139. Waxay dhuuqayaan sibir.
  140. Sakaraatul mowdeey
  141. Sa kalaha hayaanoo
  142. Geeribaa la sugayaa.
  143. Saynti cirir la sheegiyo
  144. Waxa saaqay kalinnimo
  145. Ceelka gebi ma saartaan
  146. In la saxana ma oggola.
  147. Seddaxaad warkii daa
  148. Waa qola sirgaxanoo
  149. dabeyshaa si sidatoo
  150. Sagallaha galbeed iyo
  151. War sacuudi yiriyeey
  152. Sacabbada u tumayaan.
  153. Saxariirku kama kaco
  154. Siliciyo abaaruhu
  155. Salow dirir sokeeyaad
  156. Sidka dhalay ma maalaan
  157. Ma suntana sidii qaran
  158. Sabarkana ma goobaan
  159. Saamaxaadna ma oggola.
  160. Sawir geed la suray-bay
  161. Waa saldanadii leeyiin
  162. Been bay sax moodeen
  163. Riyeey saani u arkaan,
  164. Dhulka waa saluugeen
  165. Samadey hamminayaan
  166. Cirka sarena may tegin.
  167. Aan hadalka saafoo
  168. Awrka rarada saaree
  169. Soddon sano haddaan weli
  170. Saba lagu negaadiyo
  171. Sayr ma weydo loo helin
  172. Soomaali udubkeed
  173. Sabanbaa ku dhacay weyn.
  174. Ma saxbaa nin saanyaday
  175. Sedkaad adigu leedahay
  176. Inow saami koo qoro?
  177. Sakalaha dhexdoodaa
  178. Dadkii kala suntadayoo
  179. Midba soohdin yeeshee
  180. Saad dambo maxay noqon
  181. Saakuunta noo dhiman?
  182. Sannad guura baasee
  183. Saancaddaala tegay iyo
  184. Soomaali loo dhigo
  185. Konton iyo sagaal sano
  186. Haddey maanta socotaa
  187. Xaalkina sidaan yahay
  188. Sallalaadin beeniyo
  189. Sacab aan garraaciyo
  190. Sabiyadoo la sira iyo
  191. Maxaan saba u dhigayaa
  192. Sideen soorya doqonnimo
  193. U siiyaa naf saafiya.?
  194. Ayadoon sicii dhalin
  195. Dambar seen u maalaa?
  196. Anoon dhaaydi suusicin
  197. Sideen subag u ruxayaa?
  198. Anoon neef socdaa qabin
  199. Seka seen u bixiyaa?
  200. Anoon waajibkii sugin
  201. Sunna seen u ooggaa?
  202. Anoon suurad qura baran
  203. Sideen subac u hoorshaa?
  204. Anoon sowja soo helin
  205. Sideen ubad u sugayaa.?
  206. Bulshaan samaxaad baran
  207. Sed ma qaybsan karayaan?
  208. Waa la kala socdaalaye
  209. Sideen u hambalyeeyaa?
  210. Sagaal maamul beeleed
  211. Midba saami uu rabo
  212. Summad iyo dastuurna leh
  213. Soomaali kala jecel
  214. Anoo saaka dhaafsane
  215. Silicii xad dhaaf yahay
  216. Ma saxbaa inaan wali
  217. Xornimada u sacab tumo?
  218. Su’aashaas dhabtaa-baan
  219. Jawaabteeda sugayaa.
  220. Haddaan sanadda dheer iyo
  221. Seddex boqol lix maalmood
  222. Xornimada la siineyn
  223. Maxaa loo sacbinayaa?”
  224. Ha sal dhigata beentuye
  225. Sirta caad ma qariyee
  226. Intaad dunida saaxiib
  227. Wadamada saboolkaa
  228. Ka samey lehaydeen
  229. Shanta sacabbaduu toga
  230. Calankeenna Soomaal
  231. Sidow yahay u soo celi
  232. Seddexdii maqnaa doon
  233. Kala sooca quursada.
  234. Midna aan dul saaree
  235. Inaad sax u ogaataan
  236. Sadrigiinnu yow dayn
  237. Dhulkaan Eebbe nagu sugay.
  238. Qorrax maaha saan kulul
  239. Baraf samada kama da’o
  240. Suluf maaha cimiladu
  241. Waa mid udug u saaxiba
  242. Waa sahay Ilaaheey
  243. Kaligeen na siiyeeee
  244. Ha saluugin waligaa
  245. Midnimana u sabab noqo.”

W/C:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”