GOD MADOW | W.Q. Cali M. Diini

GOD MADOW

Waxaa qoray Cali M. Diini

Waxaa tahay abris wax walba liqa. Waxaa tahay dilaa aan nixin oo aan jixinjixin. Miyuu dunida soo maray dilaa adiga kaa wayn, kaana arxandaran? Miyuu se jiraa dilaa aan adiga ahayn? Waa maya. Koonka waxii noole iyo manoole soo maray adigaa qudha ka jaray, inta nool iyo inta aan noolayn ee weli koonka dulasaaranna dil bay kuugu xukuman yihiin oo adiga ayaa birta ka asli doona; birta lafteeda ayaad birta ka asli doontaa. Dadka aan weli dhalan, xoolaha iyo dugaagga weli jidka soo haya; geedaha aan weli abuurmin, guryaha aan weli la dhisin, baabuurta, diyaaradaha iyo maraakiibta weli aan la nashqadayn adiga ayaa gunaanadi doona. Xataa kuwa aad dishay kaama nabad galaan ee inta aad ka dabatagtid baad baduugtaa ilaa aad waxbana (wax aan jirin) ka dhigtid.

Magacaagu waa GOOR (time). Ma lihid guri iyo goob laguu gu hagaago oo aad deggan tahay. Ma jirto cid si dhab ah kuu garanaysaa, haddana adiga la’aantaa cidna wax ma qabsateen. Ma lihid dherer iyo dhumuc, baac iyo baaxad la jijimiyo, ma lihid culays iyo cuf, ma na lihid muuq iyo maqaar lagu gu aqoodo. Lama yaqaan bar-bilow aad ka soo uskuntay iyo bar-dhammaad aad ku idlaan doontid. Sidaa oo ay tahay, haddana ma jirto cid aan ku garanayn, waayo koonka iyo dadkuba adiga la’aantaa waxa ay noqon lahaayeen wax deyaysan oo derderan. Maya, koonkuba ma jireen haddii aadan adigu jirin. Ma ay jireen maalin iyo habeen; jir iyo jilaalna lama kala kala aqoodeen adiga la’aantaa. Dabcan waxaa oo dhani ma jireen haddii aadan adigu jirin. Haddana jiritaankaaga ayaa keena oo sababa jiritaan la’aanta noole iyo manoole walba oo koonka saaran. Uu jiritaankaagu sii dheeraadaba, waxa jira oo dhani waa gaboobaan waxa ay na sii dhowaadaan godka madow ilaa ay ku dhacaan. Dalaq! Dib dambena looma arko waxii jiritaankaagu godkaa madow ku rido. Xataa noolaha ama manoolaha asaga oo aan gaboobin godkaa ku dhaca uunku waa og yahay in aad adigu ku ridday, waayo waa ayaga dhaha “waqtigiisi baa dhammaaday ama goortiisi baa go’day.” Waqtigu sow adiga maaha gooreey? Ma go’did sow maaha? Waayo, haddii aad go’do lama arkeen wax dambe oo godkaa madow ku dhaca, sax?

Horta goorey godkaaga madoobi cir waynaa miyuunan buuxsaminba? Waxii noole iyo manoole intii koonkani abuurnaa soo maray sow asagu ma liqin? Waxa hadda jira iyo waxa jiri doonana sow asagu afka uma dhigan doono? Maalin walba, saacad walba iyo daqiiqad iyo ilbiriqsi kastaba sow malaayiin noole iyo manoole godkaaga madoobi ma dejiyo?

Anigaygan kula hadlaya sow godkaaga madoobi i ma uu liqi doono marka aad i cuntid oo i feenatid? Haddaba sow ima cunaysid? Dhabtii ilbiriqsigii aan uurka hooyaday ka soo baxay baad cunid igu bilowday. Mise gabow i la ma sugayside inta aan xooggan ahay baad igu garbin doontaa godkaa madow? Runtii labadaa middoodna ma jecli. Maxaa ka argagax badan hummaagga aniga oo gaboobay, maya, aad u cuntay aan dhaho, oo inta cad noqday sariirta la iga xambaarayo welina godkaagi madoobaa i sugayo? Maxaa se ka murugo badan in aad jeegada i qabatid aniga oo dhallinyaro ah oo yoolal iyo himmooyin fog fog jirinaya? Ma doonayo, ma doonayo, labadaa midkoodna ma doonayo. Waan og ahay in aad dhahaysid “doon ama ha doonin, horta yaa kaa talogelinaya?” waaba sababtaa, in aanan wax talo ah ku lahayn, sababta aan u jeclayn midkoodna. Hehehe! Ha kugu taagnaato.

Laakiin runtii mid baa aad ii murjisa aadna aan uga naxaa: marka aan arko qof bulshada qiime wayn u lahaa, dedaal iyo nafhurnimo badnaa, qurux iyo karti iyo firfircooni badnaa oo inta aad feenatay saanta qaadi la’. Dabadeed aan xusaynno waayihii iyo waxqabadkii qofkaa, annaga oo jilaynna in aan qofkaa u abaalgudaynno. Dhab ahaan se u ma abaalgudaynnee waan gebegebaynaynnaa oo macsalaamaynaynnaa. Waayo, waxa aan og nahay halka aad u waddid. Waxa aan og nahay in uu socdo oo adiga jiritaankaagu uu jiritaankii qofkaa gunaanadayo, maya, uu jiritaankaagu jiritaankiisi cunayo. Bal eeg muuqaalka baraha bulshada la wareejinayo. Waa Maryan Mursal Ciise Bootaan oo gacanta la hayo fadhigana laga hinjinayo ayada oo ul cuskanaysa. Waa Maryan, hibadii iyo muunaddii masraxa iyo fanka Soomaaliyeed. Waa taa caawa, ma boodayso, ma gaardinayso, codkeedi dahabka ahaana kuma haaneedinayso:

Qoortiisa dheer labada qaar

Qoortiisa dheer labada qaar

Qaaddir bay u sameeyee sameeyee…  Ama

Indha caashaq buu igu eegayoo 

Anna waan arkoo imbiriirsadee; 

Oogada sariyo

Uurkiyo wadnaha

Ku abuuranyee….  

Ku ma na luuqaynayso waddanigii:

Soomaali u diida ceeb

Naftiina u diida ceeb….

Balse cod nuxuus ah ayay ku leedahay: “Fankii waan ka baxay ee ii soo duceeya in Ilaahay iga cafiyo.” Dhabtii Maryan fankeedu ma lahayn dambi looga duceeya, bal’e waxa ay gar u leedahay abaalgud uunku siiyo. Laakiin, goorey, goor baas socdaay, hubaal li’ida godkaaga madow ka dambaysa ayaa Maryan warkaa ka keentay oo fankii Maryan sidaa ku gunaaday. Fankii Soomaaliyeed na god madow kaga tagtay. Maryan la’aanteed fanka Soomaaliyeed waa god madow, sidii uu u mugdiyoobay Magool dabadeed.

Dhammaad

SHEEKOOYIN