Taf aan dhalin dharabi ma qabato Q1AAD

Taf aan dhalin dharabi ma qabato Q1AAD

Dhacdadan waa dhacdo dhacday Qarniyaal ka hor waxaa iiga sheekaysay Hooyaday Eebbe haw naxariistee.

Ninbaa qabay laba Xaas midna waa u jeclaa oo farxadeeda ayuu ka shaqeyn jirey, midna waa uu hagardaameyn jirey oo mida kale ayuu madiidin iyo adeegto uga dhigey.

Tan uu jecelyahay ayaa maamusha,xoolaha ikshinka ah oo dhan.

Tan kalena Adhi keliya oo aan weliba badnayn ayaa hanti u ahaa, tan la dhibaateeyey ayaa samaysa dhammaan agabka guryaha, Dhigaha, loolka, udbaha,Aloolka, Hararada, Kebbada, saamaha, Weedhka iyo haamaha.

Ta lajecelyahay baana qoondeysa sida loo maamulayo ama loo qaadanayo.

Tan la jecelyahay Aqal laba daryaale ah ayey degan tahay oo loo dhisaa, tan kalena Buul cooshad ah oo dal daloola.

Tan la jecel yahay weel walba caano iyo subag kala duwan baa uga buuxa, Sixin ka yimid ib xoolaad,Xuuko laga shiiley Kurus, Xaydh adhi iyo Subag badhiyeed, Heen laga miirey lafaha geela .

Halka ta kale wax ay wax ku iidaanto aysan haysan.

Iyadoo sidaa loo kala saarey ayay labadoodiiba laba habeen oo isku xigta Uur wada qaadeen.

Tii boqorada la jeclaa iyaday tan kale u adeegtaa. Tan kale diif, darxumo, dil iyo daqaraa u dheer hagardaamada.

Waxaa habeenkii dambe wada fooshay, labadii haweenka ahayd, Nasiib wanaag waxaa habeenkaa u hoyatey haweenaydii dhibaateysnayd islaan socota ah, iyada oo baaxaadegaysa ayaa islaantii socota ahayd u baxday oo ka foolisay, kaddibna waa ka umulisay wiil bay dhashay caafimaad qaba, waa qof daalane hurday biliq la tidhi odaygii qabaybaa u yimid islaantii socotada ahayd ka codsadey tii uu jeclaana in ay caawiso, Ayaandarrose ilmo Mayd ah ayey dhashay.

Odaygii baa islaanta wareystay, waxa ay u sheegtay in ay u socoto reerkoodii iyo reerka qabo col yihiin in ay xoolo iyo dhibaad ka rabto, oo abaartii kal hore iyo cuduro xoolihii ka dhameeyeen.

Odaygii baa yidhi”Xoolo intaad rabto anigaa ku siinayee, mid ii samee, Naagtaasi ilmaha ay dhashay tan u keen taasna midka dhintey hoosta u geli, hana i sheegin.

Islaanti taladii xumeyd waa yeeshay 40 adhi ah iyo Awr buuxa agab iyo Badarna wuu siiyey.

Islaantii la necbaa waxa uu ka dhaadhiciyey in ay ilmihii yaraq ku seexatey oo dishay, iyana waa rumetsatey iyadoo ooyeysa….

La soco qaybaha kale.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN