Marka hore aan soo qaato Aqoonyahano badan oo aan Islaam aheyn iyo waxay ka yiraahdeen Nabi Muxamed (c.s.w.s).
1.Taariikh yahanki Gibbon buugiisi Decline and fall of Roman Emire (hoos u dhici iyo burburki boqortooyadi Roomaanka) wuxuu ku qoray “Muxamed (c.s.w.s) wuxuu ahaa mid ka fog in laga shakiyo oo aan la aaminin, Quraankana waa mid loogu dhawaanaayo xiriirka Alle” sidaa oo ay tahayna wuxuu ku dhintay gaalnimo.
2.Thomas Carlyle buugiisi (Hiroes and Hiro worship) asagoo ka hadlaayo nabiyadi caanka ahaa wuxuu yiri: “haddii hadal qof la dhegeeysanaayo ama codkiisu uu dhexgelaayo qalbiga,Muxamed (c.s.w.s) wuxuu ahaa mid la dheeysto inta kalana waxay ahaayeen wax kama jiraan-dabeyl” haddana wuxuu dhintay asagoo aan Islaamin.
3.Ninki Diinta Masiixiga faafin jiray R.Boswoth-Simth wuxuu buugiisi (Mohammed and Mohammedisum) ku qoray: “qof aan waxba aqoon, waxba qorin, waxna akhrin hadana soo saaray buug ka mid ah lixda mucjiso ee caakamka maanta yaala, Mohammed wuxuu ahaa mucjiso wakhti kasta jirta” laakiin wuxuu ku dhintay kirishtaanimo.
4.La Martine taariikhyahanki Faransiiska buugiisi (History of Turks) wuxuu ku qoray: “Muxamed waa filosofar, hadal yaqaan, sharci dejiye, dagaalyahan sameeyay imbaraadooriyad weyn, ma dhihi karnaa ninbaa ka sareeyay?” Laakiin ma islaamin.
5.Jules Masserman psychologtihi Mareykanka ayaa joornaalka Time wuxuu ku qoray 15ki july 1974 maqaal ahaa (where are the Leaders) wuxuu sheegay: “Muxamed wuxuu ahaa hogaamiyaha ugu horeeyo xili kasta” kaalinta 2aad wuxuu geliyay Nabi Muse (c.s) 3aadna Nabi Ciise (c.s) haddana ma islaamin.
6.Michael H. Hart, Taariikh, Xidigis iyo Xisaabyahan Mareykan oo qoray buuga (the greatest 100 people) oo ka koobnaa 572 bog wuxuu buugaas ka qoray dadki adduunka ugu falsafad fiicnaa, No.1 wuxuu siiyay Nabi Muxamed (c.s.w.s) waxaa lala yaabay asagoo Nibi Ciise (c.s) u aaminsanaa inuu illaah yahay ayuu kaalinta 3aad geliyay, balse Michael ma islaamin.
Axmed Deedat (R.A) wuxuu yiri haddii aan soo qaadano kuwo kale oo badan oo Aqoonyahano ah ama ah dad caan ka noqday adduunka sida Mahatma Gandi,George Bernard Show, John Devenport iwm, waxyaabihi ay qoreen waxaa ka mid ah sida (Muxamed wuxuu ahaa mid laga dhex helo Malyan qofood) (majirin Nabi ka caqiido fidin badnaa) (hogaamiyihi ugu weynaa caalamka) iwm, haddana waxaa su’aal noqotay oo dhib keentay maxay u raaci waayeen? waxaan shaki iyo muran lagelinin inuu Nabi Muxamed (c.s.w.s) la yimid diin aan laheyn meel laga saluugo, Aqoonyahanada iyo indheergaratada aan Muslinka aheyna way isku raaceen inay fiicneyd Diinta Nabigeena loo soo waxyooday, laakiin sababta ay ku diideen inay qaataan waxay ku sheegeen inuu Rabbi u soo dhiibin, laakiin ay tahay falsafad ka sareeyso kuwa ay u aamisan yihiin inay Alle wakiil u ahaayeen ama ay u caabudaayeen inuu illaah yahay, way diideen Aayaadka sheegaayo inuu Muxamed (c.s.w.s) aanu laheyn kitaabkan balse Rabbi ku soo dejiyay, marka sidee ugu haboon in loo fahamsiiyo runta ay arkeen inay tahay mid Nabi Muxamed (c.s.w.s) loo soo dhiibay oo ay uga timid xagga Rabbi?.
Ustaad Axmed Deedat (R.A) wuxuu soo qaatay Suurada 74aad Aayadeeda 30aad (Korkeeda waxaa ahaaday 19) korkeeda waxaa ahaaday 19, waa Nomber 19 oo ah 10+9, tafsiirka Aayadaas oo culumada qaar ay ku sheegeen 19 malag oo naarta waardiyeeya, laakiin raaciyay (Allahu aclam) Alle ayaa naga og, qaarna waxay ku fasireen 19ka qeybood ee Ibnu Aadamka, waxayna raaciyeen (Allahu aclam) Rabbi ayaa naga og, qaarna waxay isku dardareen shuruucda iyo arkaanta islaamka kuwaasoo sheegay weliba in aanay hubin fasirkooda.
Qiimo nambareedka 786 (Numerical values) haddii aad waydiiso dadka yaqaan waxay kuu sheegaayaan inuu yahay tirada Bisinka, marka loo xisaabiyo qaab Abjadiga ah inuu noqonaayo 786, Dalka South Africa marka guryaha la siinaayo nambarada waxaa loo qoraa sidan (1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, 9, 10, 11,12, 12a, 14, 15….) nambarka 12a wuxuu ku jiraa booska 13, sababtoo ah cid yeeleeyso majirto inay degto unlucky nomber 13 laakiin waxaa u dhigma 12a oo la ogolyahay inay tahay 13.
India iyo Bakistaan haddii aad tiraahdo 420 waxay fiirinaayaan dhinacyada iyo tuuga aad sheegeeyso, waayoo 420 waa nambarka qaanuunka tuugada.
No.666 haddii aad waydiiso dadka reer galbeedka waxay ku leeyihiin waa calaamada sheeydaanka.
Al ustaad Axmed Deedat ayaa soo qaatay shanta Aayadood ee ugu horeeyay suuratu Calaq oo ah suurada 96aad ee kitaabka, shantaa Aayadood ayaa ka kooban 19 eray taasoo ah (19×1=19) maalinti koowaad shan aayadood ayaa Nabigeena (c.s.w.s) ku soo degay, ilaa maalinta afaraad loogu soo daray 14 aayadood kuwaasoo isku ah (5+14=19) oo ay ugu dambeeyso aayada (Caleeyhaa tiscata cashara) (korkeeda waxaa ahaaday sagaal iyo toban) fiiri waa aayada 19aad uu Alle soo dejiyay aayadaas, Alustaad Axmed Deedat ayaa yiri: arrimahaas isku ekaaday kawarana yaa ka masuul ah?.
Midda kale shanta Aayadood ee suuradda 96aad oo ah 19ka eray ayaa haddana ah 76 xaraf oo ah (19×4=76) taana waa isku ekaan kale, haddii aan gadaal ka soo bilowno tirada suuradaha quraanka, waxay Suuratul Calaq noqoneysaa suuradda 19aad, waa isku ekaan fara badan, laakiin su’aashu waxay tahay yaa Nabi Muxamed (c.s.w.s) ku yiri sidaa iskugu ekeeysii haddii aan awood ka sareeysa hogaanka u haaynin?.
Alustaad Axmed Deedat oo su’aalo waydiinaayo kuwi aaminsanaa inuu Nabi Muxamed (c.s.w.s) asagu qoray Kitaabka Quraanka Kariimka ah ayuu yiri: haddii aad aragteen in ay soo degeen 19 eray oo 76 xaraf ah, oo afarti maalmood oo ku xigtay ay soo degeen 19 aayadood oo erayga ugu dambeeya uu yahay 19 intaas oo ah wax isla kulmay (coincidence) bal ka warama haddii ay 23 sano ku qaadatay inuu ku qoray Buug ka kooban 114 chapter (suuradood) oo ah (19×6=114) waxaa su’aal ah muxuu Nabi Muhammad (c.s.w.s) uu 114 uga dhigay? muxuu uga dhigi waayay 113 ama 115? Yaa ku yiri kuwaas uma qeybsamaan 19? Taasina waa wax isla kulmay (coincidence).
No.19 waa namber buuxa oo ka kooban No.1 oo ah midka tirada tirirsiimo laga billaab iyo 9 oo ah nambarka ugu dambeeya (1, 2, 3……….9) waa namber aan wax kale u qeybsamin asaga iyo No.1 maahee, haddana waxaan soo aragnay mucjisooyinka uu leeyahay.
Nabi Muxamed (c.s.w.s) waagaas ma haaysanin waraaqo iyo qalmaan uu ku xisaabiyo wuxuu qoraayay haddaana wuxuu ku billaabay (Bisinka) oo ka kooban 19 xaraf, marka aad qoreyso Alphabet ka ingiriiska waxaad qortaa (the quick brown fox jamps over the lazy dog) oo ah (A-Z) mataqaan inta xaraf aad qortay? Maya waayoo kuuma tirsana waa 35 xaraf, ka waran haddii aad Buug qoreeyso ma ku saleyn kartaa nambar?.
Markaad fiiriso erayada (isim) oo ah (alif siin miim) (magac) waxaa quraanka ku jira 19 oo ah 19×1=19.
(Allaahi) waxaa ku jira 2698 waana 19×142=2698.
(Araxmani) waxaa ku jira 57 waana 19×3=57.
(Araxiimi) waxaa ku jira 114 waana 19×6=114.
114 suuradood waxaa bisin ka bilowda 113 mana u qeybsamaan 19, waayoo suurada 9aad Towba malaha bisin, sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay bisin 114aad, waxaa laba bisin leh suurada 27aad Alnamal, haddana mucjisada ku jirta waxay tahay, marka laga soo tiriyo Suuratu Towba oo ah suurada aan bisinka laheyn, waxay Suratu Alnamal noqoneeysaa tan 19aad oo labada bisin leh, sidaa daraadeed yaa Nabi Muxamed (c.s.w.s) ku yiri waxaa loo baahan yahay bisin 114aad? Si ay 19 ugu qeybsamaan, haddana yaa yiri geli suurada 19aad?.
Xuruufta afka Carabiga waa 28 (Alif-Ya) haddana 14 ayuu Rabbi s.w. ku dhaartay oo ka bilowda 29 Suuradood, markaad isku darto 29 ka Suuradood iyo 28ka xaraf waa 57 oo ah 19×3.
La soco qeybaha dambe Inshaa Allaah