Mudane maammadan musharraxeedii ma tahay?! W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

Somalia/internally displaced people (IDPs)/ IDPs evicted from Shabelle settlement in Bosasso are relocating themselves in the outskirts of town. UNHCR/R. Gangale/May 2011

Mudane maammadan musharraxeedii ma tahay?!

Aniga oo la yaabban, hal ku dhigyada quruxda badan iyo sawirrada musharrixiinta ee la isku qoofalay, laguna dhejiyay boorarka magaalada Muqdisho, oo is weydiinaya; tolow ma iyaga oo dhab ahaan u aamminsan miyay si niyad ah u qoreen hal ku dhigyadan, mise, micnahoodaba ma dhuuxin, ee waa laab la kac? Ayaan imid isgoyska Tarabbuunka. Waxaa ku dheggan sawirrada musharrixiinta u tartamaya Filla Soomaaliya. Dhammaantood boorarka waxaa ugu qoran erayo aad u qoro weyn, oo haddii laga dhabeeyo, lana hirgeliyo ay baahideenno inta badan daboolmi lahayd. Wuxuu mid kasta sawirkiisa ku lifaaqay, in haddii la doorto uu nugu na dejin doono guri barwaaqo, oo aan heli doonno: nabad, ammaan, dhaqaale, caddaalad, caafimaad, waxbarasho IWM – waaba intii aan rabnaye –

Intii aan lahaa: is sharraxa shacabkuna idin og, in aadnaan ka dhabeyn doonin, ayaa waxaa indhahayga aad u soo jiitay hooyo Soomaaliyeed, oo Lows ay gadaysay la hoos taagan boor uu ku sawiranyahay mid ka mid ah ragga ku hamminaya hoggaanka dalka. Baabuurta dadweynaha ayay midba mar daaqaddisa istaagtaa, oo tiraahdaa: LOWS LOWS, intii aan rakayay cidina wax ka ma iibsan! Hooyadan runtii waxaa ka muuqday tabardarro aad u daran; waxaa laga dareemayay baahida ay u qabto waxa uu musharraxani ballanqaaday ama uu meesha ku qortay.

Hooyadan oo sida ka muuqata ah ilmooley, kana timid meel ka baxsan magaalada Muqdisho, waxaa wejigeeda laga aqrisan karay nafaqadarro; waxay baahi weyn u qabtaa caafimaadka uu musharraxni sheeganayo, in uu hirgelinayo. Waa hooya soo barakacday, oo deegaankeedii uga soo carartay nabad la’aan; waxay jeclaan lahayd, in ay ku noqoto deegaankeedii, si beereheedii ay u falato, nolosheediina ay dib ugu anba qaaddo. Ma ahayn hooyo awoodda, in ay carruurteeda dugsi u dirto, waxayna u baahantahay, iskuul ay dhallaankeedu si bilaash ah wax uga bartaan.

Markaas ayaan is weydiiyay; tolow musharraxani hooyadan baahideeda ma ogyahay?  Haddii la doortase saameyn noocee ah ayuu nolosheeda ku yeelan doonaa? Waxaan is iri; malaha hooyadani sawirka ku dheggan boorka ay hoos taagantahayba ma oga! Ama uun waxay u aragtaa dad xil doon ah, oo aan haba yaraatee nolosheeda saameyn taban mooyee mid togan ku yeelan doonin.

Waxaa halkan iiga soo baxday, sida ay u ka la fogyihiin dadka xil doonka ah, iyo kuwa ay rabaan, in ay madaxda u noqdaan; waa kaaf iyo ka la dheri. Haddaba, baahida ay qabto hooyadan Soomaaliyeed iyo inta kale ee la mid ka ah, ama ka liidata maxaa xal ah oo ay musharrixiintu u hayaan?

Markii aan magaalada maro waxaan arkaa dad indha la’ oo gacanta la hayo, kuwo si kale naafo u ah, hooyooyin carruur wata uurna leh aadna u liita, dad aan isku filnayn oo gaari gacan lagu riixayo. Ma ogi, in ay dadka madaxda u ardayaahi arrintan dareensanyihiin, balse, waan hubaa, in nikii madaxweyne u noqda dadkaas, aakhira la weydiin doono waxa uu u qabtay dadkaas dhibban, ee uu mas’uuliyaddooda qaaday, iyada oo aysan cidi ku qasbin.

Ninka u ordaya, in uu mas’uul ka noqdo hooyada saan u tabaaleysan, ee haddana aan rabin in uu wax u qabto maxaa damiir Aadane ah oo ku jira? Maxaa dadnimo iyo daryeel ku jira? Maxaa diir SOOMAALINNIMO ah, oo uu leeyahay?.

Waxaad halkan ka garan caqliyarida Aadanaha iyo sida uu xilka u jecelyahay, iyada oo la ogyahay, in dhulka iyo cirkuba ay ka sheexeen, in ay mas’uuliyadd qaadaan, ka dibna uu Aadanuhu dusha u ritay xilkii ay dhulka iyo samaduba culeyskiisa ka carareen, isaga oo Insaanku is moodsiiyay, in uu qaadi karo wixii ay labadaasi ka awoodi waayeen!

Adduunyada horumartay dadka hoggaanka raadinayaahi damiir laawayaal ma ahan, siyaasadda iyo ganacsiguna is ku ma labna, oo ganacsiguna waa shaqo gaar ah, oo qofku si madaxbannaan u maareeyo, siyaasadduna waa mid danaha dalka iyo dadka lagu hagaajiyo, mana ahan meel dhaqaale laga soo raadsado.

Soomaaliya kii hanti helaaba siyaasadda ayuu ku hammiyaa, halkii uu ka sii fekerin lahaa horumarinta dhaqaalihiisa, caawinta cidda gacantiisa u baahan iyo shaqa abuur.

Siyaasaddu waxay noqotay halka ay is ku warsadaan kuwo nacfi doonka ihi, dowladdana inta badan waxaa gala ragga aan sarriigan, in kasta oo aan marar badan arkay dad aan wanaag, dhowrsanaan, howlkarnimo iyo akhyaarimo ku aqaannay, oo galay nidaamka dowladda, ha yeeshee, dad cusub u xuub siibtay, oo aan ogaaday, in aysanba ahayn kuwii aan garanayay, haddana, waxaan soo xasuustay hadalkii ahaa: bey’adu way ku saameysaa, haddii aadan adigu saameyn.

Si kal iyo kaab ah ayaan hooyadaas guul ugu rejeeyay, Allena uga baryay, in uu ka saaro xaaladda adag ee ay ku jirto.

 

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

E-mail: abdulkadiralieco@gmail.com

Facebook: Abdulkadir Ali

SHEEKOOYIN