Qaabka ku habboon ee ubadka loo baro afka hooyo
Nolosha aadanuhu waa mid qori-isu-dhiib ah, waalid walbaa waxaa soo barbaariyay waalidkiisii isaga dhallay, qaab, hannaan iyo xirfaddo kala duwan ayay usoo koriyeen, qoysku waxuu si toos ah iskugu xirnaadaa marka ay wax isla fahmi karaan isku dhawyihiin, ayna ka wada doodi karaan, hadba qorshaha horyaal reerka.
Haddii ilmahaagu gabadhaada ama wiilkaaaga aysan si wanaagsan u aqoon afkooda hooyo, waalidkuna uusan si waafiya u aqoon luuqadda qalaad ee uu ku dhexnool yahay, waxaa billowda kala fogaansho iyo isku kalsooni la’aan, waxuu ilmuhu dareemayaa in aadan fahmi karin ama aadan garan karin halka uu ka hadlayo oo ujeedadiisu tahay.
Haddaba waxaa jira waqti ku habboon in uu ilmuhu baran karo luuqadiisa, waa xilliga uu ilmuhu yaryahay, waana waqtiga aad ku qabadsiin karto, qaab waxbarasho iyo mid madaddaalo loogana faa’iidaysan karo in aad u gudbiso fariintaada taasoo ah inuu kaala wareego dhaxalkii ay kuu dhiibeen hooyadaa iyo aabahaa ee ahaa af-soomaaliga.
Si uu ubarto ilmuhu af-soomaaliga waa mid u baahan, qaabab xirfadaysan iyo is jeclaysiin aad ilmaha is jeclaysiinayso, waxayna fududaysaa inuusan ka caajisin marka aad u sheekaynayso, taasoo ah in hadba loo badallo cayaarta mida uu ku daallo loona hindiso nooc cusub oo uu xiisaynayo.
Magacyo iyo muuqaallo aad is waafajiso si uu u garto shayga iyo waxa lagu sameeyo, midabaynta warqadaha nooca wax lagu sawiro adigoo markaas ooga faa’iidaysanaayo in kolba midab aad u sheegto magaciisa, si uu ubarto iyo haddii ay jirto dhir, qudaar ama dhar uu la midab yahay hadba midabka aad markaas rabto inaad barto.
Qiyaas iyo waqti macquula si uusan u nicin uguna caajisin ugu badnnaan 10-15 daqiiqadood markiiba maalin walba, waxaana kuu sahlanaanaysa sidoo kale inuu la qabsado, ag fadhigaaga halkaas oo aad ku helayso fursad kale oo mihiim ah.
Waa qasab oo way dhacaysaa in ilmaha yari uu marwalba uu soo dhexgalinayo wada sheekaysigiina, erayo ka mid ah luuqadda qallaad ee uu ku dhex koray ama ku dhashay ilmaha yar, balse waxaa habboon in loogu war-celiyo oo loogu jawaab afkiisa hooyo ee Somaaliga, isla markaasna eraygii uu soo dhex galiyay mid la macnaa loogu sheego.
Tirsiga farah, magacyada xubnaha iyo waqtiyada cuntada waa meelaha ugu horeeya oo ay ilmuhu ku bartaan afka, kadib haddii uu ilmuhu yahay mid gaaray heer waxbarasho waxaa iyana loogu dari karaa maalmaha toddobaadka, saacadda iyo waqtiga maalintii ku dhex jira sida; aroor, barqo, har, galab, fiid, habeen iwm.
Haddii aad dareento ku adkaansho uu ilmuhu ku adag yahay dhawaqa ama codaynta erayada qaarkood, taasi malaha wax dhibaata ah oo waxaa jira goobo si gaar ah loogu caawiyo carruurta ay ka qaldan yihiin, xarfaha, dhawaqa, labo ama seddex xaraf oo ay ugu dhawaaqaan hal xaraf, oraah dhan oo ay ugu dhawaaqaan si rogan, taasi maahan in uu waalidku ku niyad jabo, dhammaan caqabadahaas waxaa xalliya, xirfadle yaal kusoo tababartay dhawaaqa iyo cododka, balse mihiimadu waa inuu ku hadli karro, fahmi karro sidoo kale si wanaagsana loo fahmi karro waxa uu ilmuhu sheegayo marka uu ku hadlay afkiisa, luuqadda Somaaliga.
Midabaynta ku sar go’an callaamad ama xaddid loo qiyaaso meel go’an, waxaad ku ogaan kartaa in ilmahaagu uu u baahan yahay caawinaad iyo in kale, haddii ay ku adagtahay inuu ku ekeeyo halkii loo calaamadiyay taas oo ah inuu midabayntu ku sar gooyo callaamada,in yar wuu dhaafin karaa meesha u suntan, haddii uu si aad ah u qaldo, waa in lagu celiyaa illaa laga hubsado, marka aad ogaato inay baahi caawimaad jirto, waxaa habboon in waalidku uu raadiyo goobaha loogu talagalay in lagu taakuleeyo ilmaha u baahan caawinaada dhanka Therapy- ga ah,
Waxaana kuu sahla naanaysa inaad wax ka ogaato maskaxdiisa iyo wali ba la socoshada da’diisa, waxaa dhacda in qaar ka mida ilmaha aadan horay u dareemin marka uu ku jiro isbadalka koriimada oo ah heerar iyo marxallado kala duwan balse lagu garto dhawaaqa, waxqabashada iyo dareenka wax hareerihiisa ka socdo.
Haddii uusan aqoon luuqada uu u dhashay mar walba waxuu ka hoos maraa ilmaha la da’daa illaa 1-2 sanno heerkii laga rabo inuu ahaado, ilmahaasi aan kasoo hadalnay waa midka caafimaadka qaba balse u baahan ku dedaalka.
Waxaase jira kuwa qaba xanuun Rabbaani ah oo aan looga qiyaas qaadayn karin kuwa caafimaadka qaba.
Mihiimadda uu ilmaha u leeyahay barashada afka hooyo, waxaa lagu ogaaday baaritaano badan oo ay sameeyeen aqoon yahano sare, adiguna waalid ahaana aad dareemi karto.
W/Q: Nimco Noor