Riyadii rumowday Q 4AAD
———————————————-
“Abbaayo galabta makuu imaan karaa ayaan ku dhahay sahra”
“haa waad ii imaan kartaa abboowe”
Mahadsanid abbaayo waa inoo galabta macsalaamo igu soo warceliyey.
Waxaan dareemay farxad Saa’id ah, waan aqoon waayey meel Aan joogo lama filaan ayey igu noqotay inuu faarax isoo booqanaayo.Waan istaagaa misna fariistaa, wadnaha ayaan farta ku haayaa waxaanba mooday wadnahayga booskiisa inuu ka soo bixi rabo garaaca tirada badan ee Aan ka dareemaayo awgii waxaan fadhiistoo kacaba waxooga adayg ayaan iska raadiyay waan is taagay.
Saaxiibtay faaduma ayaan ku iri marti baa inoo imaaneyso Faadumaay ee heegan gal soo dhaweyn baa lagaaga fadhiyaa saaxiibtay faaduma horey ayeyba faarax ugu kacsaneedee halmar bay inta qaylisay tiri:”Naa walaal ma kii warka badnaa ee wicitaankiisaba aanku dhibka ku qabay baad guriga noo keeneysaa, hoogayeey! way noo dhammaatey! Iyo war badan bay is raacisay dabadeedna tiri maxaan sameeyaa waanku qasbanahay inaan soo dhaweeyee maadaama aad adiga wadato”
Waxaan galnay hawl aad utira badan, anigoo shaqo gacanta kula jiro bay Faaduma igu tiri naa Sahraay shaqadaan kale faraha kala bax oo adiga is qurxi, oo sifiican isu diyaari waliba inta dhoola caddeysay bay kaftan yar ii raacisay oo ay tiri Sahraay ninka maskaxda ka qabso markuu ku arko indha daraandar haku dhaco.
Cakuye dumar haddeey kuu tashtaan wey kuu dhammaatay ileyn, waxaan guda galay inaan labisto halka hawlaha kalana ay waxaa isku dubariday Faaduma iyo gabar kale oo guriga na la degeneyd, gurigi ayaa waxaa loo qurxiyay si aadan maleysan karin. Qolka fadhiga ayaan albaabka ka istaagay mise waxaa lagu xardhay ubaxyo qurux badan waxaa kasoo baxaysa caraf aad u udgoon oo jawigaaga dejineysa markaad dareento, kolkaad soo gasho waxaa ku qabanaysa ma iska dhex seexataa qolkaan quruxda badan ee uduga badan, haa waa dhab wax kastoo wanaasgan naftu waa jeceshahay, tanina waa qayb ka mid ah soo jiidashada gabdhaha markay si dhab ah kuu danaynayaan.
Inta waxaan sheego oo aan ugu mahad caliyo Faaduma aqoon waayey ayaan halmar ku booday laabtana galiyay markaasaan iri mahadsanid, Waxaan u raaciyey: “Faaduma abbaayo waxaa tahay saaxiibta dunida ugu qaalisan, Faaduma inta halmar iga fuqday bay tiri: “Aamus dabaalyahay saaxiibadu iskuma lahan mahadnaq, waa waajib isaaran inaa ku garab istaago ee wixii kaa dhiman iska boobsii” Ana waxaan iri: “Haye abbaayo Faaduma waqtiga wuu is guraayaa mar walba waxaan fiiriyaa saacadda gacanteyda ku xiran si waqtiga aan u eego waxaan hamminaayaa waqtiga inuu halmar dhammaado oo mar uun Aan Faarax indhaha saaro.
Wuxuu waqtiga is guraba waxaa ka haray wax bar saac ka yar, waxaa soo dhacay Aleenkii gacanta “mobelkeyga” Faarax ayaa isoo wacay farxad iyo naxdin is wata aawadood waan qaban waayey, Aleenkiina aad buu u dhawaaqayaa, waxaan eegaayey daqiiqado markuu is jaray buu kusoo celiyay haddana kaddib ayaan go’aan ku gaaray inaan qabto anigoo jaraynaya xishood Dumarnimana igu jiro ayaan qabtay.
“Hello Sahra galab wanaagsan abbaayo waqtiga wuu dhawyahay waan sugi la’ahay waqtiga aan wada qaadan doono iyo wajigaaga cadceeda la moodo quruxdiisa inaan arko”
“Haa Faarax abboowe galab wanaagsan inshaa allaah nabad ku imaaw waan ku sugayaa waana is arkaynaa”
Markii uu telefoonka dhigay, ayaa neef weyn iga soo fuqday, wejigii aan maantoo dhan tirtirayeyna dhidid yar ayaa ka soo fiixay, oo yaa i eryaday waanigan neef tuurayee? cidna! waxaa nafteydu is weydiinaysaa cabsida iyo werwerka ku soo biirey haddana qofka ay ka cabsanaysaa uusan ahayn mid nafteeda halis ku ah! waa arrin ku cusub dareenkayga qofeed, weligay tanoo kale ma arag, tollow wiilku miyuu iga burji adagyahay? maya Sahraay cidina kaama burji adkee wax kalaa jiraa, sidan ayaan iskula hadlayaa, War jiraaba cakaaruu iman dood cuslu ayay naftaydii gashay, waxaanan ku qanciyey inaan is dejiyo oo aan soo dhaweeyo Faarax degdega iyo werwerka iska waabiyo, waxaan sugaayaa Faarax daqiiqadaha uu isoo gaari doono sidii madaxda si kadaran ayaana heegan loogu yahay soo dhaweyntiisa, isaguna hilow iyo hammuunba waxaanu isla qaadaynaa heestii ay isu jiibin jireen, Fannaanadii Boqorada Codka Xaliimo Khaliif Magool iyo Axmed Mooge liibaan AUN.
Xaliimo:
- Afar iyo tobnaad iyo
- Dayaxii adduunkoow
Axmad:-
- Iftiinkii arooryo iyo
- Cadceedii adduunkaay
Xaliimo:-
- Markaan ku eegaba
- Indhahaad u roontee.
Axmad:-
- Anna aragtidaadaa
- Iimaanka deeqdee
Xaliimo:-¨
- Ammaantaada inanyahaw
- Inyarbaan ka sheegee
- Maxaan kugu idhaahdaa
- Allaa ku dhammeeyee.
Axmad:-
- Amaantaada inayahey
- Inyar baan ka sheegee
- Maxaan kugu asteeyaa
- Allaa ku dhammeeyee.
La soco qeybaha kale.
W/Q maryan ibraahim cali.