Seddexdi habeenimo ayay Codweyn soo toostay, markay hubsatay in ay gabdheheedu u jiifaan, ayay soo aaday qolki uu Daahir ku jiray, waxay aragtay in albaabku u soo iilan yahay, oo aanu dhexda ka xiran, intay fiirisay isaga oo hurdaaya ayay ka soo tagtay.
Qorshaha albaab iilashada waxay u aragtay, in loogu tala galay in laysu soo dhuunto oo tuuganimo laysku arko.
Wixii saacadaa ka dambeeyay Codweyn ma seexan, ayada oo sariirteeda saaran ayay Raxmo ka soo toostay hurdada, Codweyna waxay iska dhigtay qof weli hurda oo kale, waxayna gaad gaadeeysay in ay Raxmo aado qolka Daahir jiifo.
Waxay Raxmo gashay kushiinka, waxayna fiirisay gesaca (qasaca) qaxwada, markay aragtay inuu faaruq yahay, ayay dukaanka ka doontay qaxwo iyo sokor.
Bunka jamrada ah ee qaxwada laga dubo, waxaa soo iibin jirtay hooyo Codweyn, oo aan jecleyn qaxwada laga soo gado dukaanka, jamradana waxaa dubi jirtay Raxmo oo soo shiidi jirtay, laakiin ayaamahaan hooyo Codweyn way ka mashquushay howlahaas.
Markay maqashay in ay Raxmo furtay albaabka bannaanka, ayay Codweyn qolka ka soo baxday, gabadheeda markay timid oo ay u sheegtay sababta ay u baxdayna waxay ku tiri: “sanjabiil ma ku soo dartay qaxwada?” Raxmo ayaa tiri: “hooyo waan soo illoobay sanjabiilka”.
Codweyn ayaa weydiisay: “ma soo illoowday, mise Daahir ayaan jecleyn sanjabiilka?” Raxmo ayaa ugu jawaabtay: “Daahir qaxwo inuu cabo iyo in kaleba ma ogi” markaa ayay mar kale dukaanka ka doontay sanjabiil.
Daahir oo xalay si fiican u hurday ayaa ka soo toosay, ayadoo Codweyn loo shubay koob qaxwa ah, wuxuuna bariidiyay Raxmo iyo hooyadeed, Codweyn ayaa ku tiri: “annaga waa fiicanehee adiga see tahay” Daahir oo u qaatay in ay hooyo Cambaro Codweyn ka naxeyso, ayaa yiri: “aad iyo aad ayaan u fiicanahay, laakiin weli xanuun yar yar ayaan dhaawacyada ka dareemaayaa” markaa ayuu suuliga aaday.
Raxmo waxay dabka u saartay biyo kulul oo cusbo leh si ay nabarada uga dhaqdo, waxayna qolkiisa u geeysay qaxwo iyo moos, waxayna ka soo qaaday boorsadi oo ay ku jiraan biyo qaboobay, si ay kuwo kulul ugu soo shubto.
Daahir markuu qaxwadi iyo mooski cunay, ayay Raxmo u timid ayadoo wada baaquli ay ku soo shubatay biyihi cusbada lahaa iyo boorsadi biyaha kulul ay ku soo shubtay.
Marka ay daaweeynta ku billoowday ayay ku tiri: “Daahir aboowe, waxaan xalay ku fekeray in aan reerka u soo sheegno dhaawaca ku soo gaaray” Daahir ayaa yiri: “waxay ogyihiin in aan todobo ku jiro, sidaa daraadeed looma baahna in ay ogaadaan wax walba” Raxmo ayaa ku dooday: “laakiin, dhibka na gaaray soow maaha in ay ogaadaan?”.
Daahir oo kala gartay farqiga u dhexeeya erayada ay kala isticmaaleen ayaa yiri: “abaayo, iga raali ahoow, waan khaldamay marki aan dhahay todobo in aan ku jiro, waxay aheyd in aan dhoho todobo in aan ku jirno, sida aad adigu u tiri dhibka na soo gaaray” Raxmo ayaa weydiisay: “aaway bacdi daawada noogu jirtay?” Daahir oo markaan wadarta la qabsaday ayaa yiri: “bacda waxaan noo geliyay sariirta hoosteeda”.
Raxmo intay bacdi la soo baxday ayay Daahir ku tiri: “marki aan lahaa dhibka na soo gaaray, waxaan ula jeeday in aan isku mid nahay iyo in aad gurigeena ka mid tahay” Daahir ayaa yiri: “wax walba iskaga mid ayaan nahay” Raxmo ayaa tiri: “goor hore ayaan arkay in aad tahay nin ila wadaagaaya dhib iyo dheef, taana shaki kama qabo, waayoo marka aan afka kala furo si fiican ayaad ii fahamtaa, waxaan ku farxay sida aad iila garatay furiinka ay hooyo iga dalbatay, habeenkaana waxaan ka seexan waayay eray aad hooyo ku tiri oo ahaa (Raxmo waxaan ka ballan qaaday in aan ka tegin ilaa aan ka dhinto) boqol jeer ayaan ku soo ceshceshtay, wuxuuna ku qormay laabteeda”.
Daahir farxaddii adduunka ayaa hareysay, wuxuuna yiri: “aniga iyo walaasheey Baariis waxaan kaa qaadanaa duruus” Raxmo ayaa tiri: “maxaad duruus iga qaadataa, adiga ayaa macalin ii ehe!” Daahir ayaa yiri: “haddii aan runta kuu sheego, habeenkaa waan ka carooday hooyo Cambaro, haddii ay igu billaabi laheyd su’aashana, xaaladeenu intaan way ka duwanaan laheyd” Raxmo oo hadalka ka dhex gashay ayaa tiri: “wax walba hooyo ayaad ku raaci laheyd soow maaha?” Daahir ayaa ugu jawaabay: “sidaa iyo si la mid ah” Raxmo oo wejigiisa ka garatay sida uu uga xun yahay jawaabtaas ayaa ku tiri: “haddii aad sidaa ku baxdo, aniga ayaa ku soo raadin lahaa”.
Daahir ayaa ku yiri: “xumaanta haddii aan hooyadaa la walaaqdo, sidee ii soo raadin laheyd?” Raxmo ayaa ku tiri: “waxaan kuu arki lahaa in aad tahay qof xaqiisa la duudsiyay, waayoo waxaad haddaba awoodaa in aad xaqaaga ku raadsato sharciga, oo kuu ogolaanaaya in aad gacanta iga qabsato, laakiin damiirkaaga ayaan ogoleyn”.
Raxmo oo daaweeynti dhammeysay, ayaa baaquligi u qaaday kushiinka, waxayna u soo laabatay in ay boorsada xabadka ka saar saarto.
Daahir oo wejigeeda fiirinaaya ayay ku tiri: “aabaheey (A.H.N) waxaan ka bartay qaabka hooyadeey loola dhaqmo, waxaan arkay inuu mar mar badan ka aamusaayo, ka dibna uu hal mar furka ku tuuraayo iyo qaabka ay isu beddeleysay hooyadeey, ilaa uu aabe gaaray inuu noqdo nin ay wax ka maqasho oo ayada xukuma, laakiin aniga meeshaas ma gaari karo, waayoo waa waalidkeey”.
Raxmo oo hadalka sii wadata ayaa tiri: “wuxuu aabe awood u yeeshay inuu Aamina ku daro Cabdullaahi, ayada oo ay hooyo diidan tahay, welibana ay la degto guri kale” Daahir oo dhegeysanaaya ayay ku tiri: “waxaan maalin aabe ka maqlay, isaga oo leh: (haddii aan ogahay inuu Cabdullaahi sidaan yahay, Aamina kuma dareen, waxaana u maleynaayay inuu hooyadiin kasban karo) maalintaa ayaan Alle bari billaabay iyo inuu adiga ii kaa sahlo, sidaa daraadeed hanti ma rabo, lacag, guryo, baabuur, dahab iyo wax kasta oo la jecel yahay, waxaan rabaa in aan adiga calaf kula wadaago, kol ay ku tahay in aan derin kula seexdo iyo in aad hooyadeey iigu dulqaadato” Daahir ayaa yiri: “Raxmo ha welwelin anigaa kaa daran oo diyaar kuu ah, hooyadaana igu halee in aan kasbado” Raxmo intay sanka ka taabatay ayay tiri: “adduunka adiga, aakhirana jannada” ka dib waxay galeen sheeko caadi ah.
Daahir ayaa uga sheekeeyay reerkiisa iyo inuu ugu jecel yahay walaashiis Baariis, isagoo sheekada wada ayay Raxmo ku tiri: “aboow raali ahoow, waxaan soo dubaa canjeerada quraacda, ka dibna waa kuu imaanaa”.
Kushiinka waxay ugu tagtay hooyadeed oo isu diyaarisay in ay canjeerada dubto, markay ka qaban rabtayna waxaa lagu yiri: “adiga iyo Daahir maxaad ka sheekeeysaneeyseen?” Raxmo ayaa tiri: “reerkiisa ayuu iiga sheekeeynaayay” Codweyn ayaa weydiisay: “adigana reerkaaga ayaad uga sheekeeyneeysay soow maaha?” Raxmo ayaa tiri: “Daahir wuu yaqaanaa reerkeeyga, laakiin aniga ma aqaano reerkiisa”.
Raaxo oo hurdada ka soo toostay ayaa aragtay qolka reer Daahir oo furan, xalayna isaga oo aan imaan ayay seexatay, waxay soo gashay qolka, markay aragtay Daahir ayay ku tiri: “aboowe Daahir yaa ku dilay? hooyaa!” wuxuu u sheegay in mootada ay la gaddoontay, markay ka soo bixi rabtay ayuu u soo dhiibay biilka reerka, wuxuuna ku yiri: “lacagtaan hooyo u geey”.
Raaxo markay lacagti geysay, waxay gashay is diyaarin, marki ay cuntay labadi canjeero oo u horeeysayna, waxay aaday iskoolkeedi.
Raxmo oo hooyadeed u ammaaneeysa wanaaga Daahir, oo ay markaa Codweyn damacsan tahay in ay Raxmo u sheego qorsheheeda raritaan Daahir iyo alaabtiisa, ayay Aamina guriga soo gashay.
La soco. ……20aad.