Aroortii lay haleelay.
Aroortii lay haleelay jaamacadda aan dhigto ayaan joogay. In kasta oo jawigu aad u qaboobaa hadda na xilli hore ayaan soo jarmaaday. Kuulliyaddayada horteeda ayaan fadhiyay markii uu soo maray hortayda isaga oo isla maqan. Anigu se ma maqnayn ee qalbigayga iyo indhahaygu ba bannaanka ayay soo yaaleen. Waa halka uu ka qaadan doonee. Si fudud ayuu dareenkaygii ku qaatay, indhahaygiina uga daba tageen. Illaa maanta sidii ayay isaga ugu maqan yihiin indhihii iyo qalbigii ba. Aroortaa wixii ka danbeeyay isaga ayuun baan raadiyaa. Muuqiisa ayaan ku qaboojiyaa meelo aanan garanayn oo kurbanaya. Daqiiqad kasta codkiisa in aan maqlo ayaan jeclahay, way se suurtagalayn, taa beddelkeeda anigaa ka sheekeeya isaga. Hablaha aan asxaabta nahay ayaan uga sheekeeyaa muuqaalkiisa. Dhibka iigu weyn ee i haysta ayaa ahaa; qofka aan ka sheekaynayo magaciisa in aanan aqoonin bilo dhan. Jaamacadda waan wada dhiganaa, bal se kursi iyo fasal toona ma wadaagno. Dal iyo gobol uu ka yimi midna ma aqaanno. In uu jaamacadda dhigto, oo Soomaali yahay wax ii raacaa ma jirto, hadda na waan ka sheekeeyaa maalin iyo habeen.
Jacaylka waan aaminsanaa inuu yahay wax jira, oo noocyo badan, bal se noocan aragtida kaliya ah ma filanayn inuu aniga i haleeli doono. Qof aanan aqoon u laheyn inuu ii geyn doono ama dareen ii galin doono waligay meesha ma keenin. Waligay ba waan jeclaa in aan helo nolol wanaagsan oo lammaane. In aan saaxiib yeesho, oo dareenkayga jacayl iyo kayga nacayb ba la wadaago waan ku riyoon jiray. Garabkayga midig inuu ahaado anna kiisa bidix aan ahaado waa ku hamiyi jiray. Gabadh kasta ayaa jecel inay hesho nin jecel oo iyadu na ay jeceshaya, bal se waligay noloshaa noocaas ah iyo riyadaa quruxda badan sidii aan ku heli lahaa ma qorshaysan. Wax kasta oo riyadaa quruxda badan ku saabsan waxa igala weynaa waxbarashada iyo jaamacadda. Horta jaamacadda dhammee oo naftaada, ta qoyskaaga iyo ta bulshadaada ba waxtar ayaan islahaa.
Niyadda ba ma gashan adiga oo iska fadhiya ayuu dareen jacayl kugu abuurmi doonaa. Riyooyinkayga aan sawiran jiray waligay ba kuma darsan inuu jacaylku aniga igu horrayn doono. Wiil aan ii oggeyn in aan jeclaan doono, oo u dhafri doono, ka sheekayn doono, marna muuqiisa iyo codkiisa raadin doono. Waa adduunyo!
Mudo bilo ah kolkii aan sidaa ku noolaa ayaan go’aan saday in aan raadiyo cid isaga taqaanna si aan xog iyo war igu filan uga helo. Wiil aan isku fasal nahay ayaan weyddiiyay magaciisa iyo halka uu ka yimi. In Mustafe la yidhaa oo gobol kale uu ka yimi ayuu ii sheegay, bal se gobolka aanu garanayn. Waan ka tagay. Kolley maalintaa wuu ila yaabbay wiilkaasi, sababta oo ah waxa aan sameeyay wax aanay habluhu inta badan ku dhiiran. Wiil inay wiil kale ka wareystaan way ku adag tahay hablaha, anigu se waan sameeyay. Waa geesinimo iyo dhiiranaan aan isku oggaa haddii aan ku idhaa waa beentay, bal se dareenka jacayl ee Mustafe aan u hayo ayaa iga tan badiyay oo i duufsaday. Isagaa indha’adayga intaa leeg igu kalifay. Maalintii aan magaciisa iyo halka uu ka yimi aan oggaaday farxadii adduunka oo dhan ayaa lugahayga hoos timi. Sidii in aan jacaylkaygii sheegtay oo layga aqbalay ayaan u farxay.
Dhowr bilood oo danbe aniga oo sidii muuqiisa iyo magaciisa ugu nool ayuu willkii aan weyddiiyay maalintii hore ii sheegay war i farxad geliyay. In Mustafe uu u yimi, ayuu ii sheegay. Magacayga iyo lambarkayga inuu weyddiiyay ayuu ii raaciyay, ka dib magacayga uu u sheegay, bal se lambarkayga aanu u sheegin. Aniga oo is adkaynaya afkana taagaya ayaan madaxa luxay. Ma u sheegaa lambarkaaga ayuu igu yidhi hadda na. Intaan “Haa” idhi, ayaan farxad iyo xishood la sii jeestay. Intii aan baacsanayay Mustafe, maalin iiga farxad badneyd maalintaa waligay imay soo marin.
Haddii uu oggaan lahaa sida aan u raadinayo isaga miyuu aniga ba wax i su’aali lahaa? Miyuu “Ma u sheegaa ba” i odhan lahaa? Sida aan maalintaa u farxay waligay noloshayda uma farxin qofkii aad raadsanaysay oo isagu ku raadsanaya ayaan wax loo dhigaa jirin.
Mustafe waanu wada xidhiidhnay, oo wada hadalnay. Sheeko gaaban iyo kaftan ba waan wadaagnay, bal se in aan jacaylkayga u sheegto waan ka gaabsaday. Haa, waan ka gaabsaday, maadaama uu isagu ba dhiniciisa iga soo raadiyay in uu i jecel yahay ayaan u qaatay. Intii aan kaga horrayn lahaa inuu isagu igaga horreeyo ayaan jeclaystay. Maalin ba maalinta ka danbaysa jacaylkiisu wuu igu sii kordhayay, isaga xaggiisa se wax ba kama dareemayn. Haddii aan arrimaha jacaylka kala hadli lahaa oo xaggaa aan ka soo gali lahaa, kama ba hela ba arrimaha jacaylka ku saabsan, sababta oo ah waa qof xidhxidhan Mustafe, oo hadal gaaban. Aroortii aan bartay illaa maanta sidii iyo si ka darran ayaan u jeclahay Mustafe, uma na sheegan karo, mana awoodo. Heestii Saado Cali ayaan marna dhagaystaa, marna qaadaa.
- Haddaan kuu jeedi laayoon
- Jabka kuu sheegi laa
- Awood baan jirin xagaygoo
- Afkii baa juuqda gabay.
—–Saado Cali Warsame
Haddii aan u sheegan lahaa waxa aanan garanayn habkii aan ugu sheegan lahaa ba. Isaguna ma garan inuu sheekada godlo oo u gogolxaadho, Weli waxaan la maqanahay jacayl igu gaara haddana igu gaaxday, weli waxaan la maqanahay, dareen i damqaaya haddana ila deris ah, weli waxaan la maqanay, Jacayl I jujuubay, haddana ila jooga!!
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Warmooge)