SOOYAALKA AUSTRALIA- SHAN (5) SHAY OO AUSTRALIA SAMAYSAY
Maanta 26 January Australia waxa ay u dabbaaldegtay maalinta qaranimadeeda.
Waa maalin in badan oo Australian ahi ka horjeedaan in ay maalin qaran noqoto. Dadka asalka ah ee dalka loogu yimid waxa ay u yaqaannaan maalintii dhulkooda la qabsaday. Bannaanbaxyo waa wayn oo looga soo horjeedo maalintaan ayaa dhaca sannad walba.
Maanta oo kale 26 Janaayo 1787 Kabtan Arthur Phillip oo wata 11 markab oo ay saaran yihiin 1480 qofood oo u badan maxaabiis ayaa ku soo xirtay halka ay maanta ay ku taal Sydney. Kabtanka iyo maraabkiibtu waxa ay ka soo baxeen dekadda Portsmounth ee Engaland. Sannado kadib waxaa halkaaa ka abuurmay mustacmaraddii New South Wales haddana ah Ismaamul ka mid ah dal waynaha Australia. Arthur Phillip ma ahayn Yurubiyaankii ugu horreeyay ee Australia yimaada waxaa ka sii horreeyay rag badan. Kii asaga ka horreeya sababna u ahaa in Ingiriisku dego Australia waxa uu ahaa Kabtan James Cook oo soo sahmiyay inta badan bariga iyo waqooyiga Australia 1770-aadkii.
Dhulmareennadii kale ee Reer Yurub ee Australia tagay waxay kala ahaayeen:
Abel (Haabiil) Tasman oo Reer Holand ahaa Australia na u bixiyay New Holland markii dambana loogu magacdaray Ismaamulka Tasmania ayaa asna Australia tagay.
Dirk Hartog oo Reer Holand ahaa oo 1616 tagay xeebaha galbeed ee Australia,
William Jansz oo Reer Holand ahaa oo maray xeebaha galbeed ee Austalia 1606, iyo Luís Vaz de Torres oo Spanish ahaa oo maray xeebaha waqooyi ee Australia loogu na magacdaray jasiirado badan oo halkaas ku yaal oo dadka degganba.
Zheng He oo ahaa Admiraal Shiinays ah ayaa la sheegay asna in uu yimid maray Australia qarnigii 14aad.
Magaca Australia
Magaca Australia oo haddii Soomaali ahaan loo akhriyo ugu yaraan noqonaya Oostareeliya ama Oostareyliya waxa uu ka yimid Australis oo laatiin macneheedu yahay koofureed (Southern). Roomankii iyo Giriiggii ayaa malayn jiray in qaarad wayn ku taallo cirifka koofureed ee dunida ayaga oo ka qiyaas qaadanayay culayska tan waqooyi ayay tan koofureed oo aysan waligood arag ku magacaabeen Terra Australis oo macneheedu yahay dhulka koofureed. Macrobius Ambrosius Theodosius oo ahaa Giriik-Roomaan noolaa horraantii qarnigii 5aad ayaa khariidado uu qoray ku adeegsaday magaca Australis. Roomaanka qiyaastoodi run bay ahayd oo qaaradda barafka ah ee Antarctica ayaa Terra Australis loo aqoon jiray ilaa qarnigii 18aad markaa oo Mustamaraddii New South Wales ay magacaas (Australis) ka soo boobeen Antarctica kaddibna qaaraddii New Holand (Australia) inta ay magicii Holandeeska ahaa ka xayuubeen u bixiyeen AUSTRALIA.
Inkasta oo Holandeesku ahaayeen Yurubiyaankii ugu horreeyay ee socdaallo ku mara Australia haddana ma aysan deegaamayn ilaa Jaalle Ingiriis ka yimid kaddibna qabsado dhul waynaha Australia oo dhan.
Ka hor intii Kabtan Matt Flinders xaqiijin 1801-03 dadku ma aysan ogayn in Australia jasiirad tahay.
Ingiriisku sannadihii hore Australia waxa uu u soo dhoofin jiray maxaabiis badan kuwaas oo markii hore uu Maraykanka u tarxiili jiray laakiin kacaankii Maraykanka iyo xornimadii ku xigtay ayuu Ingiriisku u baahday dhul uu maxaabiista u tarxiilo sidaaa ayuuna Australia ku yimid.
Dadka la soo tarxiili jiray qaarkood waxa ay ahaayeen dad dambi yar yar galay sida rooti uu dukaan ka xaday, neef ari ah oo qashay iyo wax la mid ah.
1851 dahab ayaa laga helay goballada New South Wales iyo Victoria. Victoria na isla waagaas ayay ka go’day New South Wales.
1868 waxaa la joojiyay maxaabiistii Ingiriiska laga soo daabbuli jiray
1901 mastacmaradihii Ingiriiska ee Australia ayaa midoowbay ayaga oo noqday hal dal oo la yiraahdi Barqaawo-sooranka Australia (Commonwealth of Australia). Dadkeedu waxa uu ahaa 3.8 milyan oo 2.8 milyan oo ka mid ahi dalka ku dhasheen halka inta kale ahaayeen kuwa yimid.
Melbourne, Victoria ayaa noqotay Caasimadda Australia inkasta oo xukuumaddu Sydney ku shaqayn jirtay.
1927 ayaa l Camberra noqotay Caasimadda cusub ee Australia. Camberra waxa ay ku dhextaal gobolka New South Wales waxaa loo dhisay in ay caasimad noqoto. Maanta Camberra waxaa ku nool 400,000 oo qof.
Edmond Barton ayaa noqday madaxa xukuumadda halka madaxa dalku noqday Boqorka Ingiriiska ilaa maantana waa sidaas oo madaxa dalku waa Boqoradda Ingiriiska. Waxaa u jooga wakiil (Governor-General).
Australia waxa ay ka qaybgashay dagaalkii labaad ee dunida waxaana si fiican loogu xasuustaa dagaalkii ka dhacay meesha la yiraahdo Gallipoli, Turkiga, 1915, halkaas oo tobanaan kun oo ciidan Australian ah Turkigu ku xasuuqay.
Laga soo bilaabo dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida Australia waxa jaal la noqotay Maraykanka ayada oo ka qaybgashay dhammaan dagaalladii Maraykuna galay wixii markaas ka dambeeyay.
Maanta Australia waxa ay ka mid tahay 15ka dal ee ugu dhaqaale badan adduunka waana mid ka mid ah dalalka dadkoodu ugu dakhliga sarreeyaan caalamka dadkeeduna waa 25 milyan oo qofood.
Waxyaabaha Australia samaysay oo caanka
- Santuuqa madow (black box flight recorder). Diyaarad walba manta waxaa ku xiran sanduuq madow oo duuba dhammaan waxyaabaha diyaaradda ka dhacaya inta ay hawada ku jirto. Waxaa sameeyay Dr. David Warren oo aabbihiis ku waayay shil dayuuradeed sannadkii 1934tii.
- Electronic pacemaker oo qalab lagu xiro dad wadanaha ka jirran si gacan u sii garaaca wadnohooda. Waxaa sameeyay Mark Lidwill iyo edgar Booth oo ahaa labo dhkhtar oo Australian ah.
- Google Maps. Waxaa Sydney ku sameeyay Lars iyo Jens Rasmussen kaddibna Google ayaa ka iibsatay.
- Wi-Fi oo aad wadataqaannaan. Waxaa sameeyay John O’Sullivan iyo hay’adda CSIRO (The Commonwealth Scientific and Industrial Research Organisation).
- Ultrasound scanner oo aad taqaannaan. Waxaa sameeyay Ultrasonic institute oo Austalia laga leeyahay.
WQ: CALI M. DIINI