Sooyaalka Nabaddii Sillooneyd Q27AAD

Sooyaalka Nabaddii Sillooneyd Q27AAD

Samatar

Hanad waa miyir doorsoomey,mana oga wax ku dhacay,Samatarna oohin iyo ciil ayaa isku gadaamay,isaga oo ilmada iska duugaya,oo dadkii ka dhex baxay bannaankana ka hiqle, yaa wuxuu arkay arkay gabadhyar oo miskiina aan ka dheerayn oo geed weyn oo beerta nasashada Isbitaalka ku dhex taal kursi ku fadhida oo ooyeysa keligeedna ah,gabadhan ayaa qiyaas ahaan jirta 17 jir ama ka yar.

Samatar oo neefneefsanaya ayaa dhankeeda u soo weecdey, wuxuuna isku dayey inuu oggaado sababta ay keligeed meesha ugu ooyeyso,wuu dul yimid wuxuunna weydiiyey waxaa ku dhacay? balse uma juuqin waa ka sikatey kana sii jeesatay,haddana wuu la hadlay, Samatar durbaba wuu ilaaway dhibkiisii, wuxuuna isku dayey inuu ku qanciyo inuu caawin karo wayse ka diiday inay wax jawaaba siiso.Wuxuu aad uga xumaaday, ilmada gabadhaa yare e miskiinta ka qubaneysa, wuxuuna dareemay in dhib ka baaxad weyni haysto, isaguna intuu is celin waayey ayuu la ooyey wuxuuna u sheekeeyey Sooyaalka Noloshii Sillooneyd ee uu soo maray, iyo in adduunka aysan cidi shansado ama tirsado u joogin aan ka ahayn dadka soo garab qabtey, sidoo kale in mid ka mid ah walaalaha uu yeeshay ee uu ku xisaabtamayey inuu maanta nolol iyo geeri u dhaxeeyo uu isbitaalka jiifo.

Markuu billaabay sheekadiisa, wuxuu yidhi:

“ Hooyaday markay dhimatey waan ooyay, waxaanan u ooyey maxaay wax kuu siin weydey,Ayeeydeyna markey dhimateyna waan ooyey waxaanan u ooyey maxay u toosi weyday”

 

Gabadhii Sareedo ayaa af kala qaad ku dhacay, markuu uga sheekeeyey culeyskii iyo cadibkii nololeed ee uu soo maray yaraantiisa, way aamustay ilaa uu ka dhameynayeyna Afkiisa ayay eegaysay, waxayna si quman u dhegaysatey, Sooyaalka Noloshiisii Sillooneyd, ee Samatar soo maray iyoiyo eedaadkii iyo dhibkii uu la kulmay, sidoo kale wuxuu u qaaddaa dhigay, qof walba oo ka mid ah, Saaxiibadiisa noloshu walaaleysay, Hanad, Doolli, Dalmar iyo Ilbir.Wuxuuna u sheegay inay dhammaantood duruuftu walaaleysay, Dalmar oo la garan waayey maahine, sidoo kale wuxuu ugu buhsaareeyey, in laga billaabo aysan werwer iyo walaac arkaynin. Sareedo ayaa weedhahani noqdeen kuwo hurdada ka kiciyey, iyadoo u arkay Samatar yare Haatuf alle usoo diray.Samatar ayaa markuu dhammeeyey warkiisa, weydiiyey mar kale waxaa ku dhacay?

Sareedo ayaa uga billowday sheekada, maanta waxaa lay sheegay markaan imid isbitaalka, arrin aanan weligay maqal, Samataroow maanta waxaan ahay gabadhan ku hor fadhida ee ee dherer iyo dhumucba leh, balse, sheekadeeydu waxay ku billaabatey sidan:

Markii ay dagaalladu dhaceen, waxaa ahaa ilmo yar oo mujo ah, waxaanan dhalanaa muddo yar oo aan bil gaadhayn, waxay dhashey Gu’gii baas ee la kala guurey, waxaanna dhacdey in hooyadeey oo ummul ahi ay ila carartey, dhibkii iyo dagaalkii, ka dibna waxay orodoba ay markii dambe siday hadba meel uga carareysay, madfac ku dhacay agteeda firidh ka soo duulay uu maskaxda iyo madaxa kala dhambalay, anigoo maydkii dhinac aalla, Hooyadeeyna dhaawacii soo gaadhay la rafatey xanuunkii iyo xakaarkii, ayaa waxaa isoo qaaddatay, Islaan waayeel ah oo aan ka foggeyn meesha wax ku dhaceen,oohinta iyo jaqaaqda ilmaha yarna u adkaysan wayday.

Waxay ahayd goor fiidadow ah oo ay rasaastii kala yaraatey,ilaahay amarkiisa Xanjeerka ay hooyaday igu xambaarsaneyd ayaa ii debcay oo waa ka furatey xambaarkii balse kama fogi maydkeedii ayaan dhinac jiifay anigoo dhiigii hooyadeey ka qulqulayey dhex dabaalaynaya, ayey Hooyo Asli oo ah qof waayeel ah, gu’geeduna toddobaatan caga cagaynayo iga soo qaaday meeshii aan ku rajoobay,

Halkaa markay marineysay ayay haddana ilmo indhaheeda ka soo qubatey, oo is celin wayday, waxay tidhi:

“ Halkaas waa meeshaan ku rajoobey ee aan hooyaday ku waayey, balse, ma ogi meeshaan aabbahay ku waayey ee aan ku agoontoobey”

Sheekadii bay sii waday, waxaa halkaas iga soo xambaaratey Hooyo Asli iyadaana iila baxday magaca sareedo oo ah, waxayna i keensatay gurigeeda, Hooyo Asli waxay dhashay carruur badan waxayna leedahay qoys oo alle ballaadhiyey, inkastoo aysan jirin cid markaas la joogtay oo la deganayd, hase yeeshee waa isku filneyd, keligeed ayaana xoogsan jirtey, oo danaheeda qabsan jirtey, waana xammaalan kartay oo waayeel fayo qaba ayay ahayd.

Markay guriga I keentay ayay i qubeysay, oo dhiigii iga maydhay, waxay qaylodhaan kula dhex dhacdey, dad u ag dhawaa oo aan guryaha ka qixin, waxaana meel aan dheerayn lagu duugay oo lagu aasay maydkii hooyadeey,Sareedo oo sheekadii wada ayaa tidhi.

“ Naftaydu maalintaas waxay gashay gacan wanaagsan, muddo billo ah ka dib waxay hadba lia kacaa kufto, Hooyo Asli korinta iyo xannaanadayda, waxaa soo noqday dadkii qaxay, waxaana dadkaas ka mid ahaa wiil ay dhashay oo markuu guriga yimid ee i arkay weydiiyey cida aan ahay, waxaana uga sheekaysay, siday ii   heshay iyo qaabkaan ku soo galay.

Wiilkeeda Kayse ayaa aad ugu farxay wuxuuna hooyadii horteeda ka ballan qaaday inuu kaalintii aabbenimada i buuxiyo waxaanan maalintaas magacayga lagu ladhay magaca Aabbahayga aan adduunka ugu jeclahay ee Kayse, waxaana maalinkaas ilaa maalintan aan joogno laygu yeedhi jiray, Sareedo Kayse, halkaas waxaa iigu dhammeystirmay lahaanshaha labada waalid oo kaalintii hooyonimo waxaa ii buuxisay, Hooyo Asli, halka Kaalintii aabbennimona uu ii buuxiyey Aabbe Kayse, oo is wanaagsan oo naxariis leh isoo koriyey iina koolkoolin jirey,Sareedo ayaa tidhi:

“ Anigu maalmaha qadhaadh ee ku soo marey Samatar ma aanan arag oo ha dhicin ha jebin ayaan ku jirey, muddo ka dib, waxaa iyaduna god gashay oo geeriyootey Hooyo Asli, waxaanna igu soo hadhay Aabbahay Kayse gabadh kalena u dhalatay”.

Aabbe Kayse weligiis ima dareensiin inuu i helay iyo inuusan dhalin toona, sidoo kale arrintaas wuu kala dardaarmay xaaskiisa iyo walaalihiis, weligay na ma maqal cidina iguma faquuqin.Waxaa dhacdey in markii dambe Aabbe Kayse naga socdaalay, ka dib markii xaalka dalku soo rayn waayey, wuxuuna go’aan ku gaadhay, inuu dhoofo oo dalka iskaga dhulyaallo, waxaa ugu war dambaysay isagoo maraya waddamada waqooyiga Afrika.Aabbe Kayse war dambe lagama helin, marba meelbaa lagu sheegi jirey, kolay waan dareemay ineysan cid laxawgii iyo lexajecladii Hooyo Asli iyo Aabbe Kayse ii haysaa inaysan jirin, hawl walba oo culusna anigaa laygu qaban jirey, xitaa habeen badhkii ayaa magaalada aad aragtay xaafad ka xaafad layga adeejin jirey, waa dhibtoodey, haddana, si gaar ah, ma jirin cid iigu soo bandhigtey, Sooyaalkayga nololeed, waayo, waxaa laga baqayey inaan ka tago, oo xoogga ayaa laygu dhaqaalaysanayey iyo in laysku shaqaysto.

Maalin baas ayaa waxaa dhacay, dagaal dhex maray, beesha Aabbahay Kay ka dhashay ee aan ku dhex noolaa iyo beello kale, waxaanna duulaan culus soo qaaday, beeshii kale taasoo qabsatay dhammaan deegaankii ay ku nooleyn, waxay laayeen raggii intii ay qabteen, waxayna boobeen hantidii, sidoo kale waxay dhaqan xumo iyo faraxumeyn kula kaceen gabdhihii.Gabdhaha la faraxumeeyey ayaan ka mid ahaa ee kuwa badan ayaa ku jirey, balse, wax turxaan ah kuma reebin gabdhihii kale kufsigii loo geeystay , nasiibkayga ayaa xumaaday, waxaa ii baryey saaka waa xun, waan xanuunsadey, waa tabar beelay, ka dib waxaa lay keenay isbitaalka si jiradeyda loo oggaado.Markii Isbitaalka lay keenay ayaa dhakhtarku noo sheegay inaan Xaamilo ahay oo ilmo caloosheeda ku jiro.

Mar qudha ayaa adeerkay iyo Hooyadii lagu ammaanaystey ee Aabbaheey kayse qabay ku jirto ay iigu bishaareeyeen, inaysan I dhalin, iigana sheekeeyeen, sheekadan aan hadda kaaga sheekaynayo, sidoo kale waxay ii sheegeen, inaysan jirin, jirina doonin wax xidhiidh ah oo naga dhaxeeya, waxaana lay sheegay in awalba lay helay oo aan lay aqoon, hadda oo aan Wacal caloosha ku sidona aan sharaftooda wax u dhimayo, sidaa awgeed aan bannaanka ka maro.

Ma aqaano cid kale oo ii ehel ah, inkastoo aan aqaano, deris iyo ood wagaagtii xaafada aqoonin iyo indhagarad, haddna ma jiro, waxaa dadkii dadka iigu dhawaa igu diideen ee bannaanka ii dhigeen qof igu soo dhaweysanaya, sababta aan u ooyayaana waa taas, oo ah, in lay kufsaday oo aan ilmo aan aabbe lahayn caloosha ku sito, iyadoo la ogyahay inaanan anigu sababteeda lahayn.Waxay la ooyeysay markay u sheegtay Samatar ayuu illaaway tiisi iyo wuxu soo maray, markas dib ayuu yidhi:

“ Iska aamus walaal, haddey ku cidleeyeen, maanta cidla ma tihid, anigu gabadh walaal ah ma lehi, maanta laga billaabona waxaad tahay walaashay, weligaana anigaa ahaanaya walaalkaa oo garabkaaga taagan meelna aan kaaga tegayn”

markay maqashay hadalkaas Sareedo farxad haddana la ilmeysay, isaguna waa ku daray Samatar iyagoo isku dul ooyaya, tirtirey, iyagoo isku ooyaya, ayaa Korneylkii ku soo baxay, wuu la yaabay wuuna garan waayey xidhiidhka ka dhaxeeya, ka dib ayuu u yeedhay Samatar oo meel gooni ah ula baxay, markuu sheekadii uga sheekeeyey ayaa Korneylkiina aad uga calool xumaaday, wuxuu aad ula dhacay dadnimada iyo kartida Samatar iyo go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay, wuxuuna ku yidhi:

“Orodoo kaxee gabadha oo gurigii gee, waa walaashaa anigana waa gabadheydii, waxaanan kugu ogahay inaad qof walba oo dhibaateysan taageerto inta noloshaada ka dhiman”.

Hodan habeenkii waxay sugeysay inuu u yimaado Ilbir, mase dhicin, oo waxaa dhex ku qabsaday shil, balse, Abuu Salmaana oo ka war helay ujeedada iyo halka uu u socdey Ilbir, ayaa ka faa’iidaystay, maadama warbixintii uu gudbiyey Shuutiye ay ku jirto meesha Ilbir u socdo, waxaa halkaas uga soo baxday fursad.

Abuu Salmaan  markuu oggaaday in ciidankiisii jabay oo maxaabiis badana laga haysto, ayuu isaguna wuxuu u dhaqaaqay dhinacay jirtey Hodan, isagoo arrinkiisu yahay, “Qaniinyo qaniinyo ayaa kaa fujisa” ayuu si gaadmo ah wuxuu tegay goobtii ballanta, wuxuuna isugu sheegay markuu la kulmay Hodan iyo saaxiibadeed, in Ilbir usoo diray, iyaguna maba dareensan ee waa rumeysteen, ka dib gaadhi yaroo cad buu ku ritey, markuu xeradiisii ciidanka geeyeyna karbaash ayuu kala daalay, isagoo leh, waa Caariyaad weliba Afla gaadooyin kale ugu daraya.Markii galabnimadii laysu yimid,Maydkiina la soo aasay,Hanadna weli isbitaalka ku jiro isagoo ogaal lahayn, ayaa Ilbir isu diyaarinaya inuu duulaan ku qaaddo, talisyadii Abuu Salmaan, isaga iyo taageerayaashiina cidhibtiro   waxaa soo dhacay telefoonka Ilbir.

 

Helo Ilbir may maqlaysaa?

Abuu Salmaan ayaa hadalkii ku billaabay:

“waxaa kula hadlayaa Seedigaa Abuu Salmaan”

Ilbir oo yaaban ayaa yidhi:

“ Seedi lahayne aashaa hadal, xageedse ka keentay telefoonkayga”

Abuu Salmaan ayaa yidhi:

“ Telefoonkaaga iyo meel kasta oo aad joogtaba waan ogahay, haddaad doonayso inaad isu diyaarinayso duulaana waa ogahay, waad riyooneysaa, balse hadalkayga dhegayso, waa inaad dhammaan maxaabiistayda, soo deysaa, sidoo kale, xaaskayga iyo wiilkayga Salmaana igu soo wareejisaa”

Ilbir ayaa yidhi:

“ Awoodda haddaad leedahay, I sug meeshaad joogtaan kuugu imanaya weliba maxaabiistana horre ayaan u soo kaxaysanayaa, haddaad iga adkaato xadhiga ka furo, haddaanse kaa adkaado, meelbaan idinku wada duuggayaa.ee haddaad nin ragga tahay ha cararin”

Ilbir oo Telefoonkii ku hadlaya weli ayaa maqlay, dhawaqa iyo cabbaadka Hodan oo leh, “iga daaya, hay dilina, alle ilaahay ka baqa”

Ilbir ayaa sidii barafka dhalaalay, hadalkii ku dhegay, wadnuhuna sidii durbaan nin xoogle garaacayo daryaan bixiyey, xubnaha oo dhan baa sidii qof daalan ruuxda gabay, wuxuuna dareemay awood darri badan, markaasuu hadalkii isku dhex daray, isagoon is ogeyn, ayuu ku hadaaqay

“ Abuu Salmaan maxaad samayneysaa? Miyaadan ilaahay ka baqayn? Ka daa gabadha dilka iyo dhibka aad ku wado maxay kuu geeysatay?”

Abuu Salmaan oo arkay inuu guuleystay fursadna haysto ayaa markan isagoo libin geeraaraya ugu warceliyey:

“ Hadda waa karbaash keliya, haddiise aadan 24 saacadood shuruud la’aan ku soo deyn, dhammaan maxaabiista aad qabsatey oo aadan xaaskayga Sacdiyo iyo wiilkayga Salmaan ku soo darin, weliba ciidankayga oo hubkoodii aad kaa qaadateen soo diin ,Dhagax baa lagu dilayaa,waxaanan u sheegayaa inay gogol dhaaf sameysay iyada oo la qabo”.

Ilbir ayaa waagu ku baryey, wuxuuna yaqiinsaday inay dhab ka tahay Abuu Salmaan, wuxuu sameeyo ayuu garan waayey, waxaana ku dhacay niyad jab laxaad leh.

 

La soco qaybaha dambe.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN