Sooyaalki Siyaad Dheryadhoob Q1AAD. W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Sooyaalki Siyaad Dheryadhoob Q1AAD.

Siyaad Qaasin Dheryadhoob wuxuu ahaa nin indheergarad ah oo garasho badan, wuxuuna ku noolaa deegaanka Mudug ammin laga joogo laba boqol oo gu‘ Siyaad wuxuu ahaa nin ku xeeldheer dhaqanka, deegaanka, Afka iyo Arrimaha nolosha badankooda.

Waxa uu ahaa nin hadalka uu yidhaahdo iyo falka uu falayaaba ahaa mid sooyaal reeba, sheekooyin badan oo laga soo wariyey intuu noola ayaan halkan idin kula wadaagayaa haddii eebbe oggolaado.

Siyaad wuxuu ahaa nin wixii la maareyn waayo loo geeyo oo kala saaristooda loola tago, isagu eebbe waa ku guuleyn jirey, wax uuna keeni jirey xalkeeda iyo maareeynteeda Siyaad ayaa ahaa nin si qotodheer u bartey una yaqaanay dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, eebbena siiyey maskax iyo maan fayoow.

Bilkaydkii Hasha.

Siyaad oo wixii loo geeyaba kala saara ayaa waxaa. dhacday in ragg u tashadeen si ay u bilkaydaan una jirabaan. Ujeedka laga lahaana wuxuu ahaa iyadoo wax walba oo laga yaabo uu keeni jirey xalkeeda ayaa waxa u tashaday rag doonaya inay jirabaan oo ka maajiyaan.

Waxay sameeyeen hal ayey soo qabteen waxayna ku rideen Afkeeda Masaarta ama Gudin qoraarta yar. Hashiibaa Jiif iyo joog diiday ileyn bir ayaa caloosheeda dhex taale, kaddibna iyadoon cod kale ogeyn ayaa hashii loo keenaySiyaad oo lagu yaqaanay Geel aqoon iyo daweynta cudurrada Geela nimankii ujeedka lahaa ayaa yidhi Siyaadoow waa garan weynay hashan wax helay bal noo sheeg waxa haya iyo eelka ay tabanayso?

Siyaad hasha meel walba waa ka eegay intii cudur ee uu ku yaqaanay geela astaamahoodiina waa ka waayey, kaddib wuxuu ka amakaagay waxaa hasha haya ee ay la riimeyso.

Siyaad baa yidhi:“Heedheh hashani maankay gadaye ma masaar bay liqday“

Raggii ayaa is eegay lana anfariirey sida uu ku ogaadey, kaddib ayay u sheegeen inay masaar ku rideen isagana jirabayeen, maalintaas ayaa Siyaad loo aqoonsaday ABWAAN dhur iyo dhaqan yaqaana.

La soco qaybta labaad.

Cabdiraxiin H Galayr

 

SHEEKOOYIN