TALAXUMO!
Waxaa jiri jiray, oday miyiga dagganaan jiray, maallana ahaan jiray, xoolihiisana aan laysku celin, sida geela, ariga, iyo lo’da, sidoo kalena ahaa nin aad loo xushmeeyo, kana dhex tilmaaman bulshada uu markaa la daggan yahay.
Ninkan odayga ah, oo ah nin aysan ka qasnayn, ayaa waa talaxumadiisa, maalin maalmaha ka mid ah, wuxuu yiri: “waxaan ka war doonayaa waxa la yiraahdo, TALAXUMADA.”
Waxay ahayd xilli jiilaal ah, omosna ah, aadna kuleyle u ah. Subax subaxyada ka mid ah, ayuu wuxuu soo watay: neef ido ah, xigyar oo biyo ah, oo buraashad ugu jirta iyo tarraq ama kabriid.
Wuxuu dhaqaaqay qaboono hore, markii oogtu dillaacday. Wuxuuu sii dhalandhoolaba, oo uu qorrax kulul is la markaana cirrid abuurtay ugu sii wirwiraba, habeenkii ayaa u galay, oo gabbalkii ayaa u dhacay, aaskii ayaana u madoobaaday, xilliga loo yaqaanno cillalaawga, ayuu geed ku xirtay neefkii idaha ahaa, asna agseexday.
Subaxdii kale ayuu haddana safarkiisii sii ambaqaaday, oo halkii ka sii xawaareeyay, waloow uu dareemayay subaxdaan dambe, dhacsaal tiro badan, gaajo farabadan, oon iyo tabar darro baahsan, haddana, u ma uusan joojin taa, ee socdaalkiisii dheeraa ayuu sii labajibbaartay.
Wuxuu sii dallaalaba, intaa asagoon nasan, oo aan geed madaxa galin, harsi iyo hoyaad warkiisaba daaye, ayaa gabbalkii labaad u galay, oo uu habeenkiisii labaad cidlo hoyday.
Socdaalkaas oo kale carabtu waxay tiraa afar dibi rar, annaguna waxaan niraahnaa afar cabbaarood, ama laba ari guul.
Odaygii nin wayn buu ahaa, waligiisna aan dhibaato arag Allana kuba kallifin, oon, baahi, iyo balaayo kale toona’e, markaanse waa la tabatusay, oo asaga ayaa kasbaday ama shaqaystay dhibaatadaan soo qaabishay, hase ahaatee, ku ma quusqaadan, oo naftiisa inuu badbaadiyo intaan wixii ka dambeeya, muusan garowsan, markuu arkay iney suuragal tahay inuu u dhinto dhibaatadaan, ee waaba sii wataa safarkiisii.
Indha adeyggu waa ebtalo, tanise waaba TALAXUMO loo qasday. Habeenkaan dambe meesha uu u soo hoyday, waa aaf, gabaahirig ah, waliba xagaf ah, kuleylkii maanta farasaaray dhirta, ayaa habeenkii uumi is baddalay, oo kuleylku waaba kii maalinkii oo kale ama ka maba shiiqiyo, wax hu’ nafta ku ceshto ma haysto, oo hadduu haystana malaha maba ku ceshteen, illeyn waa qof talaxumo ka wardoon ehe, ayadoo goobtuna aan shimbiraha dhawaaqooda mooyee sharqan kale lahayn.
Subaxdii saddexaad ayuu haddana jaarriyay, oo sii hadaafay. Subxdaan saddexaad wuxuu safarka u sii watay waxay ahayd, inuu gaaro xilliga kuleylku saa’id ka yahay, oo qorraxdu aad u kululaato. Wuxuu u dooranayaa waa inuu sameeyo ujeedka safarkiisa markii uu gaaro xilligaas,
Waa inta u dhaxaysa 12:00 oo ah waqtiga loo yaqaanno harka, illaa 2:00. Ogaaw waxay ka qayb tahay, talaxumada, inuu doorto waqtigaas.
Odaygii markan waa ka dhammaatay, waana isugu soo aruurtay, oo wuu aqan rabaa. Kolkuu saan gaddin waayay, ammintuna ku beegan tahay, koowda duhurnimo, ayuu meel dhadi ah, cirrid ah, ruubadna ah yimid. Wuxuu soo gudhay, damallo waawayn, dabna waa uu shiday. Biyihii yaraana wuxuu siiyay neefkii idaha ahaa oo uu ku qaloomiyay, waana uu gawracay neefkii, markuu biyihii siiyay ka bacdi.
Dabkii markuu qamcay, ayuu hilibkii neefkii uu biyihiisii yaraa siiyay, is la markaana gawracay, dabkii saarsaaray, qaab solid la yiraahdo ama salid ayuuna ugu dubtay, ka bacdina hilibkii waa uu cunay.
Waa hilib la solay, markuu qofku cuno, waa in uu biyo helaa, ama wax qabow, oo uu dhuunto iyo bugga ku qaboojiyo, haddii kale wuu aqanayaa, wuuna lohmayaa, odayganna ku mabaa sii jiroo, oo waxaaba u dheer, waa qof muddo ka badan afar iyo afartan saacdood aan waxba dhadhamin, kiiyoo kuleylka qorraxdu dhakadiisa dulhogan u sii dheertahay misne. Ha hilmamin inuu biyihii laxda siiyay, ka bacdina bireeyay, hana illaabin, in meesha uu joogaa tahay, cidlo, waa marka la yiraahdo; cir u ma muuqdo, ceelna u ma qodna, cidina u ma maqna.
Hilibkii solnaa, ayuu cunay, qorraxdii oo aad h kululeydna, madaxa ayey ku dhufatay, oon iyo omos meel ay jireenna waa is ku wareysteen. Ninkii odayga ah, candhuufta ayuu laqi waayay, tufina waayay, oo dhab xanagga kaga qallashay, carrabkiisii iyo faruuryihii ayaa midiba meel ku angagtay. Wuxuu gaaray inuu gees u faniino, diirad bannaan, isla markaana kulul, illaa naftu kaga haabaansatay halkaas.
Hadda waxaan kaga socdaa qisada ninka odayga aha, Soomaalidu waxay ahaan jirtay, dad magac, muuqaal, mansab, madax, mihnad, marjac, maamul, masiir, micne, muunad, milge, iyo meheradba leh, dunidanna kaga jira nambar culus, gaar ahaanna qaaradda habacsan ee Afrika.
Soomaaliya, waxay lahaan jirtay oo soo maray, maamullo iyo dowladu awood leh ka gadaal heeryadii gumeysigii caddaa, dowladahaas, dhib iyo dheefba waa ay lahaayeen, dalkana waxna waa tareen waxna waa ka rideen. Waxaa ugu dambeysay dowladdii millatariga taas oo aan aammin sanahay aragti ahaan, in lagu talaxumooday qaabkii loo abbaaray riddeeda. Habase la ridee, markii ay dhacday in la rido dowladdaas, dadku ma garawsan oo ma billaabin, in ay ka gudbaan, wixii sababay kuna qasbay, iney ku ridaan dowladdii dhexe, oo tabasho ahaa, wax ka wanaagsanna qabsadaan, is la markaana buurtaan, balse, taasi ma ay dhicin, oo noloshooda ayey mugdi galiyeen, waxayna noqdeen ummaddu, ninkii odayga ahaa oo asagoo baahan, oomman, daallan, diifeysan, arkayana inuu dhimanayo, haddana sii socdaalay, oon is oran marna, noqo, oo meel cid leh ciirso.
Jabhado, qabqablayaal, wadaaddo, hadda oo aqoonyahan miiska saaran yahay, ka la qaybsanaan laxaad leh, goobaynta dalka, ka la sii fogaasho daran iyo rajoxumo weyn ayaa wali noo hoggaan ah, si looga baxayana aysan muuqan, taa baddalkeedna aan wali TALAXUMO sii wadno.
Waqti dheer bay Soomaalidu ku jirtaa dhibaatadan, is kana daa wax ay qabsadaane, wixii jiray markaa ayey baabi’iyeen, oo meesha ka saareen, mana jirto duruuf u dhimman.
Dabku mar waa qoryo iyo dhuxulo, oo waxbuu taraa, marna waa dambas, oo waa baqti ama mayd, Soomaalidu maanta waxay ka dhigan tahay, dambaska dabkii baqtiyay.
Walise Soomaalidu waxay haystaa fursad, ay ka faa’iideeysan karaan, taasoo ka dhigan iney is ku yimaadaan, aayahoodana ka baxshaan gacanta siyaasiga dhuuni raaca ah, kuna soo dabbaalaan tooda, haddii kale sidey u luudayaan, daalka iyo diiftuna ugu taallo, siyaasiga xunna midba maalin ugu dhiibayaan masiirkooda iyo taladooda, hubaal, waxaa ah, in kab cidlo ah ay naftu kaga dhici doonto, qarankii mugta iyo maqaamka lahaa, Alle ha u naxariistana la oran doono.
W/Q: Hodan Sheekh Cumar