UGAASO BUTIYA
Kumanguuro hore ayaa ugaaso Butiya oo reer Butiyaalo ahayd, magaceedana lagu maamusay magaalada, saygeeda oo ay wehliyeen saddex carruur ah, oo ay isu dhaleen waxay ugaarsasho u aadeen dhul-webiyeedka u dhexeeya labada webi ee Maroodiga iyo Dharoor, oo waayadaas aad uga duwanaa sida maanta ay yihiin, oo kaymo dhireedyo, ugaar iyo dugaagba jiq ka ahayeen.
Waxay xeraguul ka dhigteen hoorriyo ood ka sameysan, oo dadka joogaa aaney is arki karin, balse is maqli karaan. Aroortii markii la soo kacay oo ay hammuuntirkoodii cunayaan, ayaa ugaaso Butiya waxay ku tiri carruurteedii:
Hooyo saaka waa idiin sheekeynaya, ee i dhegeysta. Carruurteeda oo awalba jeclaa sheekada hooyadood, ayaa dhegta u soo taagay. Waxay tiri: Shekdaan idinka iyo adoogiinba ka ma warqabtaan.
-Waxaan ku dhashay magaalada Tooxin ee bari ina ka sii xigta. Aabbahay waa boqorka magaaladaas, carruur keligay buu ka lahaa. Wuxu ahaa hooddaar, deeqsi u samafala danyarta dadkiisa, garsoorkana aad ugu dadaala.
Aabahay oo aad ii jeclaa, wuxuu ii diyaarin jiray, in aan gadaashiisa talada la wareego, saas darteed, ayuu wuxuu ii qabtay barayaal i bara laamaha kala duwan, ee aqoonta. Waxaa ka mid ahaa barayaashaas la taliyaha aabbahay, oo ogeys ku ahaa arrimaha maamulka, aabbahayna si indha la’ uu ugu kalsoonaa, hase yeeshee, qabay cudurka handabo haween.
Ka dib dhimashadii hooyaday, aabbahay wuxu badsaday aadidda ugaarsashada kaymahaas labada webi u dhexeeyaa. Boqorkii oo maqan, ayaa maalin lataliyaha oo casharkii ii dhigaya xaggayga gacmihiisa u soo taagay, si uu ii maraaciyo. Anoo yaabban, inta aan sara joogsaday, ayaan u yeeray ilaaladii kuuddayda gaarka ii ahayd. Asagoo ii gooddiyaya ayuu wuxu yiri: Waa ka qoomameyn doontaa, oo waa ogtahay, in aabbahaa aniga i rumeysanayo, oo si indho la’aan ah ii maqlayo. Waxan u sheegayaa, in wahaabiga magaaladu ay saf kaa galaan!
Waa socotaa, waxaana qoray:
Maxamed Cabdullaahi Jaamac