WAAYIHII WARSAME Q5AAD
Dhawr bilood kaddibna Warsame waxaa laga dhigay kabalyeeri(Mudalab) cuntada dhiiba dalabkana qaada. Maalmihii hore waa uu ku dhibtooday qaadidda cuntada dhawr saxan oo bariis, baasto iyo hilib ahina waa ka daateen laakiin ugu dambayn waxa uu noqday kabalyeeri gacan fudud milkilaha, maamulaha, kuugga iyo macaamiishuba aad u jecel yihiin.
Warsame waxa kale oo uu caawiye u noqday maamulaha oo marmarka qaar asaga ayaa suuqa adeegga u dooni jiray marmarna maqalka lacagta lagu bixiyo ayuu fariistaa oo lacagaha dadka ka qaadaa.
Toddobada aroornimo ilaa kow iyo tobanka habeenimo ayuu shaqeeyaa toddobada maalmood ee asbuucana maalin qura ma nasto. Waxaa la siiyaa mushaar aan sidaas u buurnayn ku se filan asaga iyo qoyskiisa baaddiyaha ku nool. Bil walba waxa uu gaari u saara dhammaaan raashin waxay u baahan yihiin, Arad beel iyo agab kaleba, xoogaaga soo harana koombo ayuu ku aruursadaa.
Warsame macaamiisha maqaayadda kuwa cuntada ka cuna maqaayadda iyo kuwa adeegga maqaayadda laga soo iibiyaba aad ayay Warsame u jeclayeen waayo waxa uu ahaa wiil naxariis badan oo xushmad badan.
Warsame waxa kale uu ahaa wiil caawiya carruurta danyarta ah ee dariiqyada magaalada ku tabaalaysan. Habeenkii marka maqaayada la xirayo cunto badan ayaa soo harta, cuntadaas waa la daadin jiray markii hore laakiin tan iyo intii Warsame maqaayadda yimid cuntadaas la ma daadiyo. Digsi wayn ayuu ku guraa kadib na waxa uu u gayn jiray ciyaalka jidadka seexda.
Xattaa maalintii marka uu dalabaadka dhiibayo haddii uu arko qof cunto uu dalbaday asaga oo aan dhameyn miiska uga taga, Warsame waxa uu ku ridi jiray weel cuntada lagu qaadi karo, kaddib na waxa uu u gayn jiray darbijiifyada ugu horreeya ee uu laamiga uga jeedo.
Intaas kaliya ku ma ekayn caawimaadda Warsame u fidin jiray carruurta darbijiifka ah ee dhawr wiil oo darbijiif ah ayaa uu maqaayadda shaqo uga dhammeeyay oo waxa ay xaaqaan biyana ku rusheeyaan iridda hore ee maqaayadda balbalada ka mudan oo ay yaallaan kuraas lagu fariisto shaahana lagu cabo.
Waxa kale oo uu Xaaji Daahir kala hadlay in maqaayadda bannaankeeda hore ay labo wiil oo darbijiif ahi caseeye ka samaystaan, isaga ayaana maalgeliyey oo qalabka iyo alaabta caseeyaha u iibiyey Warsame, Xaaji Daahir na waa uu ka ogolaaday.
Burhaan wali gaarigii waynaa ayuu kirishbooy ka yahay waxa uu na u kala gooshaa koofur iyo waqooyi Gaalkacyana waa hakadka ugu wayn ee Burhaan.
Burhaan oo niyadda ku haya ballantii asaga iyo Warsame ee ku ballansanaayeen tuuladii reeruhu degi jireen dhawr goor ayaa uu maray oo dadka tuulada waydiiyay Warsame laakiin war iyo wacaal ka ma uusan helin. Burhaan waxa uu u qaatay in Warsame geeljiranimadii la fogaatay sidaas darteed ayaa uu isaga hilmaamay Warsame iyo warkiisa.
Caadiyan gaariga Burhaan la shaqeeyo oo uu u kala goosha Muqdisho iyo Hargaysa, Gaalkacyana habeen dhax ama maaljoog ayaa uu joogaa kaddib na waa uu ka shiraacdaa. Sidaas awgeed Burhaan kansho u ma helo uu Gaalkacyo ku wareego. Maalin ayaa se baabuurkii Gaalkacyo ku hallaabay intii gaariga la samaynayay ayaa Burhaan iyo darawalkii, Gayre go’aansadeen in ay magaalada hoose u dhaadhacaan oo ka soo qadeeyaan.
Waxa ay soo galeen maqaayad wayn oo aad u mashquul badan, waxa ay fariisteen miis labo qof loogu talogalay. Maqaayaddu ma leh waraaqo cuntooyinka lagu gado ku qoran yihiin, waa maqaayadihii hore, kabalyeeriga ayaa cuntada maqaayadda taalla yeeriya asaga oo codkiisa dheeraynaya kaddib na macaamiishu cuntooyinka ay afkiisa ka maqlaan ayay inta ay rabaan ka doortaan.
Gayre ayaa kabalyeerigii ku yiri adeer maxaa yaalla? Kabalyeerigii: waxaa yaal bariis, baasto fiino, baasto makarooni, suqaar, kalaalakal, hilib ari, hilib geel, waryaa waryaa, dhaylo, kalluun, dooro iyo caynba-cayn, haafaan haaf, feridaato, saldaato, isku dhiish, roos, iyo dayaxiyo xiddigo.
Gayre: Waar fuul caynba-cayn ah iyo labo wasaladood oo hilib ari ah noo keen. Burhaan hadalkii kabalyeeriga ayaa dareen galiyay waxa uu maqlay cod ay naftiisa taqaan ase aysan hadda soo dhifan karin.
Markii kabalyeerigii dalabkii la gaddoomay ayaq uu sii yara eegay ma se uusan garan. Xoogaa kadib waa kabalyeerigii oo dalabkii wada markii u dhulka dhigay ayuu yiri “Cabitaan maxaad cabaysaan?” Burhaan oo eegayay ayaa gartay ilkahii gaduudnaa iyo dhagihii balacsanaa ee Warsame. “Waryaa wallaahi waa Warsame!” ayuu yiri.
Warsame asaga maskaxdiisu waxa ay xisaabinaysaa dalabka badan ee ee jikada ku maqan iyo kan uu hadda gayn doono sidaas darteed hadalka Burhaan ma ba uusan sugin ee waa uu isgaddiyay isla markiiba oo miis kale oo dad badani fadhiyeen ayaa uu dalabaad kale ka sii qaaday dabadeed na dhankii jikada u sii gudbay.
Gayre ayaa Burhaan waydiiyay Warsamaha uu sheegayo Burhaan na waa u sheegay, Warsame iyo Gayre isma yaqaannaan sidaas ayuusan Gayre sheekadii u sii wadin.
Markii cuntada ay cuneen Gayre iyo Burhaan waxa ay u dhaqaaqeen tubbadii faraxalka, markii ay gacmaha iska soo dhaqeen Gayre waxa uu u dhaqaaqay maqalkii lacag bixinta balse Burhaan waxa uu aaday Warsame oo dhaqdhaqaaqooda kor kala socda si uu tirada lacagta ay ku qadeeyeen ugu sheego marka ay maqalka istaagaan.
Warsame markii uu arkay Burhaan oo xaggiisa u soo socda waxa uu u maleeyay in uu lacagta tiradeeda waydiin rabo, 32,000 oo shilin ayuu kor ugu qayliyay. Burhaan inta uu yara dhoollacaddeeyay ayuu ku yiri saaxiib sow Warsame Faarax ma tihid?
Warsame oo ay niyaddiisu ku foogan tahay bal in ay garato ruuxaan salaamaya ayaa yiri; “Haa Waa Warsame, ee ma Burhaan baa?” kadib na waa la isku soo booday xabadka iyo garbaha la iska dhaafsaday dabadeed na gacmaha la isku salaamay oo cabbaar la kilkilay.
“Waryaa Warsame war ninyohow waa kortaye?” ayuu Burhaan yiri.
Warsame: “Adba sow adigaan tiirka noqday? In aad iga dheer tahay u ma malayn jirin.”
Burhaan: “Waar kaama dheeriye adigu wali waad koraysaa, adba so adigaan naaxay? Ma maqaayadle ayaad noqotay? Hahaha.
Warsame oo xasuustay dalabaadka laga sugayo ayaa yiri “War dalab baa la iga sugayaaye ee galabta sagaalka saac ii imow ama ii sheeg halka lagaa helo anigaa kuu imaanayee.
Burhaan ayaa la soo booday: “Maya maya anigaa kuu imanaya” Markii la kala dhaqaaqay ayuu Warsame maqalka ku orday oo maamulihii ku yiri labadaas nin lacag ha ka qaadin aniga igu qor.
Sagaalkii galabnimo ayaa Warsame iyo Burhaan soo fariisteen kuraas taal balbalada hore ee maqaayada ee laamiga ku jeedda. Wiil qaybta shaaha iyo kafeega ka shaqeeya ayaa labo caddays ah dheerdheer la warsaday kaddibna sheeko dheer laga soo bilaabay berigii waxaraha la raaci jiray ilaa geeljirnimadii lagu xejiyay waayo waayo iyo ciyaar gud, wixii ay isla soo mareen ayaa xasuus iyo sheeko loogu dhaqaaqay.
Warsame ayaa Burhaan ku eedeeyay in uu ballantii uga baxay oo uu dhawr berri sugayay. Burhaan oo isdifaacaya ayaa yiri “Saaxiib baabuurka ayaa Xamar inooga jabay, bil dhan ayaan Xamar fadhinnay, kaddib na Kismaayo ayaan aadnay.”
Warsame: “Waad fogaatay”
Burhaan: “Haa, adiga ii warran sidee halkaan ku timid?”
Warsame: “Si Ilaahay ogyahay, ha i xasuusin”
Burhaan: “Ma soo lugaysay?”
Warsame: “Hahaha maya, markaan magaalada imid qof na ka ma aqoon, haddii aan odayga maqaaxidaan leh Ilaahay ii bixin maanta ma hubo in aan noolaan lahaa.”
Burhaan: Rag waa kii jab soo mara”
Warsame: Waa sax
Burhaan: “Hadda baabuur ma gadan kartaa?”
Warsame: “In aan maqaaxi yeesho ayaa ka horreysa.”
Burhaan: “Waan kugu ogaa fiiradheerida”
Warsame: “Adiga wali ma kirishboy baa tahay mise hadda adigaa baabuurka wada”
Burhaan: “Wali dabakafuul baan ahay, fursad aan baabuurka ku barto ma ba la ii ogola.”
Warsame: “Hadday sidaas tahay waqti dambe ha isaga lumin ee isaga soo deg.”
Burhaan: Oo maxaan kale oo qabanayaa?”
Warsame: “Ka warran haddii aan maqaayadda shaqo kaaga qalqaaliyo?”
Burhaan: “Cuntada sida loo cuno ayaan aqaane ma aqaanni sida loo kariyo!”
Warsame: “Ahahaha, waa lagu barayaa, ee diyaar ma tahay”
Burhaan: “Waa talo fiican saaxiibkayow waad mahadsan tahay.”
Warsame: “Saaxiib maqaayadda ayaa kaaga fiican in aad baabuur saarnaatid maalin walba lacag ahaan iyo caafimaad ahaan ba. Aniga ayaad ila degaysaa oo kaligay ayaan qol degganahay. Nin magaalo jooga oo shaqaysta ayaad noqonaysaa. Gelin waad shaqaynaysaa gelinna wax baad baranaysaa.”
Burhaan: “Waan yeelay, aan safarkaan la soo dhammeeyo gaariga kadib na aniga oo ogaysiiyay ayaan ka soo tagayaa.”
Warsame: “Waa dhammaatay. Hadda goormaad baxaysaan?
Burhaan: “Isla galabta maqribkii waddada ayaan cagta saaraynnaa Muqdisho ayaan tageynnaa 5 maalmood kaddib na Hargaysa ayaan u soo shiraacanaynnaa, markaas ayaan halkaan uga harayaa.”
Warsame: “Haye, markaad soo noqotid ayaa inoo ballan ah, aniguna Xaajiga maqaaxida leh ayaan shaqada ka soo dhammaynayaa boqolkiiba boqol waan hubaa waa uu ogolaanayaa.”
Burhaan: “Haye, nooli kulantee.”
Asbuuc kadib Warsame waxa uu sugayaa in Burhaan yimaado, shaqadii ayaa uu Xaaji Daahir uga soo dhammeeyay qolkiina joodari ayuu u soo dhigay. Balse Burhaan ma imaan. Warsame ma hayo taleefan iyo meel kale oo uu kala xiriiro.
La soco qaybaha kale.
W/Q: Cali M Diini