Wariye iyo warbaahin.Qaybtii 2aad. W/Q. Yaasiin xasan muuse.
Marka laga yimaado aqoonta iyo hibbadda qofka wariyaha ah uu gaarka u leeyahay, waxaa jira qoddobo kale oo lama huraan ah oo laga rabo wariyaha isla markaana lafdhabar u ah tabta iyo aqoonta warbaahineed, la’aantoodna ay adagtahay inuu wariyuhu ka midho dhaliyo hammigiisa wariyanimmo
Qodobadaasi waxaa ka mida ah
1- Hab-dhaqan:Dhaqanka, baxaaliga iyo alabka wanaagsani waa furaha ama astaamaha guusha,sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in wariyuhu leeyahay habdhaqan hagaagsan oo uu kula dhaqmo dadka ay shaqo wadaaga yihiin iyo bulshada ku xeeran.
Nabigeena Muxammad(SCW)wuxuu yidhi, “Dadka kulla dhaqma habdhaqan wanaagsan”.
Dadku waa indhow arag, hadba waxay kugu arkaan umbay kugu qiimayn, waxaa horay loo yidhi, “dhagax meel dhow buu ku dhacaa hadalna meel dheer” . Wariyahu waa in uu noqdaa qof dhisan oo ku tilmaaman habdhaqan suuban.
— (Reputation) milgo, dun-wanaagsan leh,
— (Personality) Dadnimo leh
— (Character) habdhaqan fiican leh.
Qof han leh, oo xushmo iyo xishood leh, oo xarago badan, horaa loo yidhi, “hu’gaagu wuu kula shir tagaa”,
2– Wariyahu waa inuu ahaada qof sariigta, dhac dhac aan aqoon oo dhag xumo iyo dhaliil ka dheer, mar waxa ay taasi teed u tahay qofnimadaada, marka xiga tabtaada iyo hawsha aad hayso, haddaan lagu kalsoonaan karin, haddaad dadka xuntooda keliya raadiso, haddaad dadka jirrabto oo aad xogtooda qarsoon ku handado, waxaas oo dhami waxa ay hoos u dhigayaan magacaaga,waxa aadna si foolxun u adeegsatay hawshii iyo adeegii hufnaa ee lagaa rabay.
Qof mug leh, xumaanta ka xeebta islamarkaana hamigiisa shaqo ku dhaata oo aan lahayn Isla wayni iyo cag culays.
3– Wariyahu waa inuu ahaada wariye dhaxdhaxaada ka fikara waxa uu qorayo ama tabinayo saamaynta taban ay dadka dalka iyo deegaankaba ku yeelan karto, isla markaana ilaaliyo magaca dalkiisa iyo dadkiisaoo aannu noqon mid faafiya, xumaanta dalkiisa, shisheeyaha u looga xogta qarsoon ee dalkiisa iyo dowladdiisa.
Waa maxay shaqadda wariyahu?
1- Si guud ahaan wariyaasha shaqadoodu waxay tahay oo ay ka howl galaan warbaahinta qeybaheeda kala duwan, sida Wargays, Idaacad, TV, iyo Mareeg. Waxay baahiyaan amma faafiyaan xoggaha dahsoon ee dadweynaha ka dedan iyo dhacdooyinka maalin laha ah ee ka dhaca meelo bulshada ka dheer oo ayna suurta gal ahaan lahayn warlalis iyo wariyaal la’aantood.
Si howsha laagu guto shaqaduna u kala socoto , wariyaashu waxay leeyihiin maamul, hannaan, qorshe iyo qaab lagu howlgalo.
wariyaashu waxa ay is dheer yihiin karti iyo hal-abuur, balse haddana ma jirto wariye hibbo u leh inuu kaalin walba buuxiyo ilaa in yar oo fara ku tirisa mooye, sidaa darteed wariye walba meel ayuu ku fiicanyahay, hadday ahaan lahayd barnaamij soo saaridda, tifaftirka, tabbinta, iyo xiriirinta.Waxaa kaloo lays dheer yahay aftahamadda, codkarnimadda iyo xaladaynta amma xiiso u yeelidda sheeko tabinta.
Shaqadda saxaafaddu runtii waa howl culus oo u baahan aqoon iyo ogaal kansho iyo karti,hayinimmo iyo hoggaansanaan, hubsiino iyo hal adeeg, dulqaad iyo daacadnimmo.
Wariyaha xilkaska ah isagoo maanka ku haya howsha culus ee bulshada u hayo iyo xilka baaxadda weyn ee korkiisa saaraan, waxa uu marwalba u taaganyahay gudashadda hawshiisa shaqo, wuxuu dadaal iyo kansho dheeriya galiyaa helidda xuuraansiga, raadinta, warar iyo warbixino lagu kalsoon yahay, sidoo kale marwalba waxa uu bulshada u soo gudbiyaa wax la shaandheeyay oo la hubiyay siday wax u dhaceen iyo halkii ay wax ka dhaceenba intaba.
Halka wariyayaasha qaarkood ayna xil iska saarin masuuliyadda shaqada warbaahinta iyo sharaf dhaca dadnimadooda, ama si ula kac iyo
aqoondaro ugu dhaqaaqa wax ka baxsan hannaanka warbaahinta islamarkaana baahiya warar iyo warbixinno aan sal iyo raad toona lahayn, taasoo bulshadda u horseedi karta dhib iyo jahwareer, qaarkoodna la adeegsado in ay dhaleeceeyaan dad aan waxba galabsana ay eedo iyo magacdil kula kacaan.
Wariyayaasha dalkeenu waxay ku shaqeeyaan xaalad adag iyo meertooyin adag.Iyaddoo sidaa tahay haddana waxaa dhacda mararka qaar inay wariyaashu iyagoo howlahooda warbaahineed ku gudajira inay dhinacyadda is haya dowladda iyo mucaaradka ay kala kulmaan dhibaabe fara badan, waxaa dhacda in mararka qaar loo gaysto dhibaatooyin kala duwan, dhimasho, dhaawac, jirdil, xarig, cagajuglayn, handadaad iyo qalabka ay ku shaqaynayaa oo lagala wareego ama lagaga jejebiyo.
Lasoco qaybta xigta haddu Eebe idmo.
W/Q Yaasiin Xasan Muuse