Dhaxal la’aan ayaa jiilka dambe dhacarsan doonta. Sida dowladnimadii u luntay oo kale ayaa wax walba u lumeen oo deegaankii u burburay oo dhaqankiina u doorsoomay. Wax kastoo laga dhaxlay awooweyaashii hore oo ay ugu muhiimsan yihiin “deegaan barwaaqo iyo dhaqan suuban” Soomaalidu maanta waa ka salguurtay dhaxalkii awoowe, waxayna ka doorbiday inay deegaankeeda burburiso isla markaana ku milanto dhaqamada shisheeye. Sida la wada ogsoon yahay, Soomaalidu markey tagto waddamada Carabta waxay xirataa dharka Carabtu caanka ku tahay “qamiis, cigaal, cimaamad iwm”. Markey tagto waddamada Yurub iyo Woqooyi Ameerika waxay xirataa dharka reer Galbeedku caanka ku yahay “jeans, jaakad, qoorxir iwm” xataa markey tagto Adis Ababa degdeg bey ugu milantaa Xabashida oo afka Amxaariga u barataa. Taariikhdii dunidu soo martey waxaa lagu xusay qowmiyado qarniyo ka hor jiri-jirey, balse waa-dambe dabargo’ay ama wixii ka haray ay ku milmeen ummado kale oo ay maanta hayb wadaag la yihiin. Sansaanka muuqdaa haddaan Alle samatabixin jiilka maanta ama Soomaalida cusub waxay u egtahay ummad jiritaankeedu lumi doono oo ku milmi doonta ummadaha kale, dalkuna wuxuu ku dambeyn doonaa dhul aan cidna lahayn oo aan la kala xigin “no men’s land.” Af iyo dhaqan, dad iyo duunyo, deegaan iyo dalbarwaaqo, wax walba waa la burburiyey oo qeyb la caymiyey haba yaraatee ma jirto. Burburka dhan walba kala degey Somaalida maanta waxaa ugu xanuun badan:
HALKAN KA AQRISO QORMADA OO DHAMEYSTIRAN
Laashin, waa mareeg loogu talogalay, kobcinta iyo lafogurka, arrimaha ku aaddan; dhaqanka iyo hiddaha.