Xanuunkii igu helay xigaal la’aanta!
London waagii waa ka baryay. Sida caadada aheydna qof walba waxa uu u kallahay nolol maalmedkiisa caadiga ahaa. Aniga waxaan ka mid ahaa dadkaas risaqa raadsaday subaxaas. Mar la marayo barqadii baa waxaa i qabtay xanuun aad u daran. Shaqaalihii qaar ka mid ahaabaa waxay iigu yeeren gargaarka degdeggaa, markiiba waxaa la i geeyay cisbitaalki iigu dhowaa, oo ku yaallay bartamaha magaalada London.
Dawooyin badan baa la i siiyay. Xoogaa saacado ah ka dibna xanuunkii wuu iga yaraaday. Dhibka ugu weyn oo i heystay markaas waxa uu ahaa, in hooyadey i ogaato inaan cisbitaal ku jiro haddii ay i weysana xilliga caadada aheyd inaan guriga ku soo laabto way walwaleysaa. Mar aan quustaybaa mobilekeygii ii shaqeeyay. Waxaan la hadlay hooyo oon ku iri ha iga walwalin meel baan soo marayaa waxa dhici karta inaan soo daaho.
Xanuunka i haya waxa iigu darnaa dhabarka oo aan ka socon karin, balse, markii ay daawooyin fara badan i siiyeen waxaan dareemay, inaan dhaqaaqi karo. Dhakhtarkii baa iga diiday inaan boxo kaligey, waxa uuna igu yiri waa qasab, in qof kuu yimaado kuna kaxeeyo.
Runtii London oo dhan waxaan ka waayay qof waqtigaas aan is lahaa waa firaaqo, oo aan u yeerto. Dhakhtarkii baan ku iri,ma lihi nin iyo walaalba. Carruurteydu school bey jiraan, hooyadeyna waa qof jaban. Fadlan i fasax taxi baan bannaanka ka qaadanaya.
Ugu dambeyn waan ka soo baxay cisbitaalkii, balse, qaladka ugu weyn ee waligeey aan illaaween oo aan nafteyda ka galaybaa waxa uu ahaa, markii aan bus soo qaatay, ee aan is iri; waad socon kartaa. Waxaan ogeyn in dawada la i siiyay uu ka mid ahaa kaniin lagu hurdo dadka qaarkoodna is ku daroogeeyaan. Buskii markuu meeldhexe marayo baa wareer i qabtay, indhihi baan ka la qaadi waayay, dhul iyo cir meel aan joogo waan ka la garan waayay.
Waxay indhaheygu qabteen masaajid, markaan gudaha masaajidka galay, dadkii waan awoodi waayay, inaan hal eray ku iraahdo, carrabkii baa i cuslaaday. Wadaaddadii baan waxaan u taagay waraaqaddii dhakhtarka i soo siiyay, oo uu ku qornaa cinwaanka gurigeyga. Kursi meesha yaallay baan ku hurday, mar dambaan indhaha ka la qaaday, iyadoo maamulka masjidka i la hadlayaan. Waxay igu soo dareen taxi uu wiil soomali ah waday gurigeygii baana lay keenay.
Waan u duceeyay maamulka masjidkaas, balse, sidii markaas masjidka waan ka xishooda inaan tago, waxa uuna ahaa masjidka aan ugu jecelahay inaan tago. Waxaan aaminsana, inaan ahay qof ad-adag oo xallin karta mushkilaadka nolosha kaligeed, balse, maalinkaas baan ogaaday, inaan ahay qof aan is ku fillneyn.
W/Q; Shukri Cali Maxamed (Shukri Fiican)