XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 156aad
1-Maxaa
runta u sheegtay?
Dunida layaabkeeda waxaa ka mid ah in mararka qaarkood dambiga laguu ciqaabo uu
noqdo maxaa runta u sheegtay?
Mmusa
2-Xaalad iyo Natiijo
Xaalad walba iyo natiijada ka dhalata ma maamuli kartid laakin waxaad haysataa
jaanis aad mar walba ku maamusho falcelintaada, taas ayaana ah natiijada dhabta
ah ee saamaynta kaaga yeelan karto xaaladda timid iyo natiijada ka dhalatay.
Mmusa
3-Hooyo neefta iga fuji!!
“Hooyo neefta ayaa iga fuji” waa erayga ugu dambeeyay ee
Farxiyo kula hadashay hooyadeed laakin Najma oo la dhimatay farxiyo iyada
nasiib uma yeelan in erayna uu afkeeda ka soo baxo.
Waa laba gabdhood oo da’dooda ay ku sheegtay hooyadood 7 iyo 5 jir, dambiga ay
naftooda ku waayeen wuxuu ahaa sida ay hooyadood ku sheegtay aabahood oo
dhibsaday hooyada iyo labada gabdhood dhaqankooda kadib markii la oofsaday
wiilka kaliya ee reerka kaas oo ay sheegtay in odayga uu ku eedeeyay
dhimashadiisa in ay sabab u ahayd dayacaad ay dayacday kadib markii uu ku dhex
dhacay kuna harqaday Haan biyaa oo guriga u tiil.
Waxay tiri ” musiibadaas uu wiilkeena ku dhintay sida ay u dhacday ninkayga
wuu is baddalay dhaqan xun ayuu nagula dhaqmi jiray, si darana wuu noo ciqaabi
jiray aniga iyo labadayda gandhood, waa sababtaas sababta aan u go’aansaday in
gabdhahayga aan ka badbaadiyo naxariis darradaas iyo cadaabtaas cawaanimada leh
ee uu aabahood nagula dhaqmayay.
Ma uusan u arkayn in aan ehelkiisa nahay, wiilka kaliya ayuu u arkayay in uu
ahaa qofka kaliya ee uu reerka ku leeyahay, taasna waa midda igu kalliftay in
aan tallaabadan qaado.
Kuma faraxsani runtii falkan iga dhacay oo hadda waan ka shllaaynayaa laakin
waxaan u arkayay xilliga aan suubinayay ciqaab aan ku xanuujin karo
ninkayga kuna badbaadin karo gabdhahayga, balse taas hadda iima muuqato.
Waan ka shallaaynayaa runtii waana xannuun inta noloshayda ka dhiman i ugaarsan
doono, wali waan maqlayaa codka ugu dambeeyay gabadhayda farxiyo ee ahaa
“hooyo neefta iga fuji”.
FG: ragow dumarka uma fakaraan sida aan u fakarno, dunida aan ku noolnahay ee
aan wax ka aragnana kuma noola, runta waxay tahay in ay gabi ahaanba naga duwan
yihiin, Dadnimo ayaan wadaagnaa waana isku baahanahay, fadlan ha ula dhaqmin
sida raga aad ula dhaqmi lahayd, natiijada ka dhalan karto marka aad ka fisho
in ay kuula fakaraan ama wax u arkaan sida aad u arkaysid waa natiijo mar walba
dhinaca aad filayso ka iman.
Mmusa
4-Wax walba waa dhammaadaan
Jirrada waa laga caafimaadaa
Maqnaashiyahana waa laga soo laabtaa
Murugadana waa laga farxaa
Kurbadana waa feedantaa.
Mmusa
5-Naftaada
Waxay dhaheen naftaada waa waxa aad u sheegtid, haddaad u sheegto in
aad daciif tahay daciif ayaad ahaanaysaa haddaad u sheegtid in aad adagtahayna
waad adkaanaysaa.
Mmusa
6-Caddaalad darro
Isaga oo ku yimid caddaalad darro kuna
dhaqma caddaalad darro in caddaaladda uu u hogaansamana aan diyaar u ahayn
marka uu ku yiraa caddaalad ayaa loo baahanyahay caddaladna waan sameynayaa
maxaa filan lahayd?.
Mmusa
7-Inta badan
Inta badan ay badato danayntaada waa inta badan uu dhaawacaagu bato.
Si la mid ah inta badan ay yaraato danayntaada waa inta badan uu dhaawacaagu
yaraado.
Mmusa
8-Danaystayaal
Haddii ay daneystayaal kugu noqdaan, ku caawi
adigana in ay noqdaan kuwa u fasaxan doorashadooda.
Mmusa
9-Xanuun muuqda
Xanuunka murugada daris lama ahan oo kaliya , mararka qaar wuxuu la socdaa dhoola caddayntaa is qarisa.
Mmusa
10-Waad cafin kartaa
Waad u cafin kartaa qalad qof walba balse isla
qaladkii uu shalay qofkaa kaa galay maya.
Mmusa
11-Side u dhadhamaysaa?
Sidee u dhadhamaysaa ayaad is leedahay in qof
ku aaminay aadan been u sheegim, sidoo kalana qof been kuu sheegay aadan
waligaa aaminin.
Mmusa
12-Wanaaga ma fududa!!
Waxaa cajiib leh in wax walba oo xun ay sahlan
yihiin in la gaaro, halka wax walba oo wanaagsan ay adagtahay gaaristooda.
In aad wax nacdo waa kuu fududahay balse kuuma
fududa in aad wax jeclaato.
Mmusa
13-Waa hubaal
Waaba hubaal in qof walba uu ku dhaawacayo mar
ay noqotaba, ha ka fakarin goormee iyo sidee, ka fakar oo kaliya qofka ku
dhaawacaya ma yahay qof aad ka mudantahay dhaawacaas adigase ma muteysatay?
Mmusa
14-Ha u ogolaan
Ha u ogolaan xanuunka in uu kugu beero Nacayb.
Dhibaatada iyo duruufaha yeysan qaadan dhadhankaaga macaan.
Mmusa
15-U dabacsanow
U dabacaanow dadka, saamaynta duruufaha
qallafsan ee xagooda kaaga imaanaya yeysan ku baddalin.
Mmusa
16-Wahel la’aan
Waxqabadka, naftaada ha kugu kali noqdo laakin, marnaba ha
aqbalin ahaanshiya wahel la’aanta.
mmusa
17-Yabooha
Nolosha.
Waxaan sawiranaa in aysan noloshu noo yaboohin wax walba oo
aan jecelnahay, laakin hubaal macnaha fahamkiisa ma ahan sidaa, waxaad ka
heshaa wax kasto oo jeceshahay kan kula jecel waana taas nolosha fahamkeeda.
Mmusa
18-Hanti iyo Qiimo
Qiimahaaga waad la dhimanaysaa, laakin hantidaada waad ka tageysaa.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
xabuu8@gmail.com