XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 157aad
1-Jacayl iyo qiimeyn
Dadka qaar wey ku jecel yihiin balse kuma
qiimeeyaan, kuwana wey ku qiimeeyaan ee kuma jecla.
Qiimaha ayaa ka sarreya jacaylka, noqo mid qiimaha ka door
bida jaclaanta.
Mmusa
2-Ma hanan kartid.
Haddii aadan guuldarrada aqbli karin karin ma
hanan kartid guusha.
Mmusa
3-Jid mar
Jid mar.
Ha moodin in ay shaqsiyaddaada kugu jecelyihiin, mararka qaar
jid mar ayaad u tahay.
Mmusa
4-Ha isku sawirin masaakiinta
Ha isku sawirin masaakiinta.
Marka aad masaakiinta caawinaysid fadlan kaamirada uga tag
gurigaada, ma mudna maskiinka in la isku sawiro ee wuxuu mudan yahay in loo
sawiro dunida uu tabayo.
Mmusa
5-Aqoontaada waa dhaqankaag
Aqoontaada waa dhaqankaaga.
Shahaadaada waa warqad oo kaliya, aqoontaada dhabta ah waa
dhaqankaaga, qof dhaqan xun aqoon ma lahan, waa hubaal haddii uu ku magacaaban
yahayna waa iska warqad wax ku qoran yihiin.
Mmusa
6-Sidaas maahan
Jacaylkaaga badi.
Aaminaadaada yaree.
Wax walba sida ay u muuqdaan maahan,
Qof walbana run ma sheego
Illin walba oo da’dana kama dhigna in ay murugoonayso.
Sawir walba oo qurux badana, kama dhigna in qofka ku dhex
jiraa uu farxad haysto.
Mmusa
7-Ha
is weyn.
Haka walwalin in aad qof weyso, ka wal in aad is weyso inta
aad isku dayeyso farxad galnta iyo qancinta qof kale.
Mmusa
8-Qorrax dhaca.
Quruxda Qorrax dhaca wuxuu daliil u noqon karaa in
dhammaadkaagaba uu noqon karo mid aad ka raali noqoto.
Mmusa
9-Maskax furan.
Waxay dhaheen maskaxdu waxay la mid tahay Dallad oo kale,
marka la furo ayey waxtar badantahay.
Yaraa inta maskaxdooda inta furta isticmaasha!!!
10-Cafiska badi
Qof walba oo
cafisa waxay ka dhigantahay in aad daweysay boog dhaawac ahayd oo jirkaaga ku
tiil
Mmusa
11-Khilaaf qoyseed
I aamin oo ka fogow inta aad ka fogaan karto khilaaf qoyseed,
maxaa yeelay qalalaasaha qoyska wuxuu gabi ahaanba dumiyaa farxaddaada, in laga
soo kabtana ma fududa.
Mmusa
12-Guushaada
Guushaada sheeg-sheegiddeeda dadka qaar ayey
waali u horseedaa, sidaa darteed, guushaada si dabiicyan ah ha u muuqato ee
yeysan noqon mid aan la qeyliso.
Mmusa
13-Dumin
iyo dhisid
Kartida iyo awoodda
aad wax ku dumin karto wax ku dhis, mar walba duminta dareen xun ayaa laga
dhaxlaa, balse dhisidda farxad iyo dareen macaan ayey dhalisaa.
Mmusa
14-Adkeysi.
Mar walba ma adkeysan kartid, laakin mar walba Geesi waad
ahaan kartaa.
Geesinimada iyo kartida adkaysinimada mar walba waa kala
duwan yihiin.
Geesigu mar walba wuu u diyaarsan yahay in uu wajaho wax
walba oo ka hor yimaado, balse adkaysi walba ma adka, waa qasab in uu jirayo
dareen jilciya adkaysi walba.
Mmusa
15-Illinta
Illintu ma cusla, balse dareen culus iyo
farriin culus ayey siddaa mar walba ay timaado.
Mmusa
16-Af
furan iyo qalbi xiran
Afakaaga hadduu mar walba furan yahay waxay ka dhigantahay in
qalbigaadu xiran yahay.
Mmusa
17-Buuqa
gudaha
Marka aad nacdid waxa aad jeclayd waa calaamad ka mid ah
calaamadaha muujinayo nafsad ahaan in aadan daganayn, buuq gudahana uu kugu
furan yahay.
Mmusa
18-Wajihidda caqabadaha
Caqabadaha nolosha sida aan u wada wajahno waa isku mid, waxa
aan ku kala duwanahay waa xaaladaha iyo goobta aan dhibaatada ku wajahayno iyo
sheyadaanka ama qofka aan wajahayno.
Waxa kala duwan waa dunideena ee dhibaatada qolo walba si
ayey ula diriraysaa.
Mmusa
19-Saddex sirayso
Saddex sirtooda waa in aada qofna la wadaagin,
maxaa yeelay waa noloshaada muhiimaddeeda
1-Dakhligaada ( waxa kusoo galo ee dhaqaala ah)
2- jacaylka noloshaada
3- tallaabada xigta ee hormarkaaga.
Mmusa
20-Doqonnimo
Doqonnimo ma ahan haddii dantaada aad raadsato, balse, waxaa
doqonnimo ah marka dantaada ay dhaawacayso dad badan.
Mmusa
21-Yaree rajada dunida
Dunida waa mid niyad jabka iyo ilqabatada murugada ay ku
badantahay, sidaa darteed, waa in ay yaraataa rajadaada dunida mar walba.
Mmusa
22-Qalbi iyo Maskax
Shaqada maskaxeed
aad qabatida iyada oo usan qalbigaada la sacon waxay ka dhigantahay hal bacaad
lagu lisay.
Mmusa
23-Garahadaada ayaa badato
Waxaa la isku raacay in inta badan ay daacadnimadaadu badato
ay ka dhigantahay niyad jabka iyo dhaawaca oo kugu bato, balse faaiidada ayaa
ah in garashadaada ay ku siyaado.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
xabuu8@gmail.com