XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 158aad
1-Carrabkaaga
Ducada carrabkaaga macna ma yeelato haddiiba
carrabkaaga uu cusleynayo dareenka dadka kale.
Mmusa
2-Dadka daacadda ah
Dadka caadda ah waa dheeman sida lagu helo ay
adagtahay, umadda waxaa ku badan inta dhagarta badan hadana isu ekeysiiya in ay
daacad yihiin .
Mmusa
3-Haka daalin
Noloshaada waa taariikhdaada iyo sheekada lagaa
sheegi doono marka aad dunida ka tagto, si wanaagsan u qor, in aad qortana ha
ka daalin, waliba si wanaagsan u qurxi inta aad wax ku dari kartana ku dar
qurxinteeda.
Mmusa
4-qurxi ficiladaada
Noloshaadii shalay xabad kama baddali kartid
waxna kuma dari kartid sida ay u dhacday ayey ahaanaysaa, laakin waxaad awood u
leedahay in aad maanta wanaajiso waxna ka go’aamiso sida ay ku dhammaanayso
adiga oo qurxinaya ficiladaada maanta.
Mmusa
5- Dadka beenta aaminsan
Waxaa jira dadka qaar kuwa been u sheega
naftooda sidaasna aamina, dadka nuucaas ah marka aad la kulanto maba ahan in
aad waqtiga isaga sii lumiso wax ka dhaadhincintooda iyo la murankoodaba.
Mmusa
6-
Ha inkirin
Ha inkirin dadaalka xiriirnta ku saleysan ee qof
kula sameeyo, maxaa yeelay danaynta iyo waqti siintaas qof walba lagama helo.
Mmusa
7- Laba sababood
Laba sababood oo aadan u aamini karin wax walba
ayaa jiri karta.
Mid waa in aad taqaan
Midna waa in aadan aqoon.
Mmusa
8- Waa waxa ay yihiin!!
Mararka qaarkood ma ahan waxa aad haysatid waxa
macnaha sameeya ee waa waxa ay yihiin waxa aad haysato.
Mmusa
9- Sugo
Sugasho walba fursaddeeda qaaliga ah ayey
wadataa.
Mmusa
10- U wanaagsanow naftaada
Dadka u wanaagsanow ma xuma, laakin ogow in
muhiimadda koowaad ay tahay in naftaada aad u wanaagsanaato.
Mmusa
11- Qaarkood
Qaarkooda waxay baahidaada dareeman marka ay
dareemaan boos ka maqan oo ay kugu buuxsadaan.
Mmusa
12- Waligaa waad sugaysaa.
Dadka qaar waxay dhahaan waxaas ma samayn karno,
oo maxaadan u samayn karin haddii la waydiiyana waxay kuugu jawaabayaa wali uma
diyaarsani samaynta waxaas, xaqiiqda nolosha ayaasa ah in ay sugayaan waligood,
maxaa yeelay, waqtiga ayaanba ka xishoon xilliga uu kaa dhamaanayo oo is
dhahayn kan u kaadi wax badan ayaa ka kala daadsanee.
Mmusa
13- Kala garo
Is waydiinta Laba in aad kala garataa noloshaada
ayey muhiim u tahay.
Waqti u samaynta naftaada
Iyo waqtiga aad naftaada u haysid.
Mmusa
14-
Laga yaabee.
Lagaa yaabee sababta uu Alle noloshaada dadka
qaar uga saaray in ay tahay dhagartooda oo uu dheehday iyo in aysan u qalmin
qayb ka noqoshada safarkaaga nololeed.
Mmusa
15- Dadka laabta
xiran.
Dadka laabta xiran ceebtooda ayaa ah in mar
walba uu afkooda iska furan yahay, oo waxa ay dhahayaan aysan u xisaabsanayn.
Mmusa
16- Filashada baahidaada yaree
Waddada waa Nathan road waddankuna waa Hongkong/
China, waxay ahayd galab Axad ah, waa gabar yar oo qurux badan, waxay ku
ooynaysay oo ku barooranaysay waddada dhexdeeda goob aad u cariiri badan, qof
walba oo soo mara wuu eegayay, dadka qaarna waxay u dhiibayeen wax ay illinta
ka qubanaysay iskaga tirto, qaarna way iska ag taagnaayeen ayaga oo dareen
ahaan muujinaya in ay ka xun yihiin waxa ku dhacay, balse waxaa iigu yaab
badnayd oo isoo jiitay markii uu soo maray nin Cabtooy oo waayeel ah oo u
hadlaya sida qof Gabyaya ayaa yiri ” nolosha waxay i bartay in aanan qofna
wax uga baahan, filashadayda baahidayda ku salaysana aan yareeyo, markaas ayaan
helaa laab dagan, noqdaana qof aan la jabin karin wax kasta oo lagu
dhufto”
Mmusa
17-
Dulqaad iyo sugasho
Waxaa jiro wax aysan dadku kala saari karin, si
kale haddaan u dhigo waa in dadku aysan fahamsanayn farqiga u dhaxeeya dulqaad
iyo waqti sugasho.
Qofku waa in uu kala garto sugashada iyo dulqaadka
farqiga u dhaxeeyo.
Sugashada waa wax haddaad hesho iyo haddii aadan
helin ay iskugu kaa mid yihiin oo wax aad ka maaranto ayey tilmaan u tahay,
halka dulqaadku uu ka duwan yahay, waa in aad u dulqaadata wax aad jeceshahay
oo aadan ka maarmin ogayna xilliga aad helayso.
Mmusa
18- Waqti gaaban
Waqtigaada si farxad leh ugu noolow, waan
ognahay in aan isku xiranahay oo dadka qaar ay saamayn ku yeelan karaan
dareenkeena farxadeed, hadana waa in aan xisaabta ku darsanaa oo is waydiinaa
in waqtiga nolosheena uu gaaban yahay.
Mmusa
19- Dadka kula mid maahan
Qaladaadka ugu badan ee aad ka gasho naftaada
waa marka aad u malayso in dadka oo dhan ay u fakaraan sidaada oo kale.
Dadku kugu fakar maahan, sida aad wax u aragto
ama u dareentana uma dareemaan, in ay kaa dareen duwan yihiin ku qiimee kuna
qaddari.
Mmusa
20- Maalmaha qaraar
Waxaa jiro maalma qaraar oo laga yaabo in aad is
waydiiso su’aalo iimaankaaga wax u dhibo, waa maalin aad dareento in wax ku
yaqaanaba aysan jirin, oo wax walba aad u dareento in ay ku dafirayaan.
Mmusa
21- Adkaysi u yeelo
Adkaysi u yeelo in aad qaabisho diidmada iyo
guuldarrada, maxaa yeelay, waa labadaas labada aan ugu necebnahay.
Qof walba wuxuu doonayaa in la jeclaado iyo in
uu guuleysto.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur