XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 160aad
1- Xusuusta xun.
Xusuusta xumaanta badan ayaa nooga raagid badan
tan wanaagsan, isla taas ayaana nagu reebto tiiraanyo iyo muuqaalo uurkutaalo
leh oo inoo muuqda, xitaa mararka qaar mugdi galsha qaabka uu inoogu muuqan
karo mustaqbalkeena.
Waxa macaan oo quruxda badan ee aan haysano mar
walba qiima nooma yeeshaan inta aan xusuusan karno xusuusta murugada, waasa
dabeecaddena in aan waxba u arkin wanaaga, maadaama aan mar walba xumaanta ka
baqayno.
Khayr wax kaama dhibee shar u tooghaay ayaan
maqli jiray.
Mmusa
2- Jeclow kan ku
arka waqtiga aan lagu arkin.
Waxaa jira qof ku arki kara xilli aysan dadka
dhan ku arki karin kuna yaqaan xilli aysan dadka dhan ku aqoon, qofkaas ayaa u
qalma jacaylkaaga iyo waqtigaada, laakin is waydiintu waxay tahay ma garan
karnaa dadka nuucaas ah qiimaha ay ku leeyihiin nolosheena xilliga ku haboon ee
ay noogu baahi badan yihiin ?
Mmusa
3- isbaddalka
Is baddalka ayaa ah hagaajiyaha wax walba,
sidaas oo kale noloshaada, way wacnaa lahayd haddii markii xoogaa la joogaba
aad qalinka iyo warqadda inta qaadato xoogaa yar oo xisaabin ah aad ugu
dhaqaaqdo qaabka ay u socoto noloshaada, wixii hagaajin u baahana aad dib isaga
saxdo.
Noloshaada fursad kusoo martay kuma baddalanto
ee is baddal aad samaysay ayaa saamayn balaaran ku yeesha, kaas ayaana u muujin
kara qaabka ay u ekaan karayso.
Mmusa
4- Raali galin
Haddiiba raali galintaada aysan waxba ka
baddalayn qaladka aad gashay, markaas raali galin ma ahan waxaaga ee waa ku
digasho.
Raali galintu waa in ay samaysaa isbaddal, haddii
aan taa lagaa helina waa raali galin aan run ahayn.
Mmusa
5-
Filashada Mustqabalka
Waxa aad abuurato ama maanta samayso ayaad ku
saadaalin kartaa mustaqbalkaaga kuna qorshayn kartaa, balse, haddiiba wax aad
abuurato ama haysataba aysan jirin waa rajo markaas mustaqbalkaaga.
Mmusa
6-Nagaasho
Ballanta waa la wada qaadaa, laakin sida loo
kala qaado looma kala qiima badna ee sida loo kala oofiyo ayaa loo kala qiima
bataa. Si kale haddaan u dhigo macna ma lahan, sida loo ballan qaado ee waa
sida la iskugu nagaado.
Mmusa
7-Naxariista
Naxariistu way ku qurxisaa sida uu doono
muuqaalkaagu ha u keedo,
Mmusa
8-Naftaada
ku amaan
Naftaada ku amaan maalmaha adag ay kula soo
martay ee aad sida wadajirka ah uga soo guuleysateen marka ay xaaladuhu
adkaayeen.
Mmusa
9-Dhaawac
aadan u qalmin
Qaddarinta ay u qalmaa ka badan marka aad
siisid ayey ku dhaawacaan dhaawac aadan u qalmin.
Mmusa
10-Sida ay doonto ha noqoto .
Qalbigaada sida
uu doono ha u wanaagsanaado, wanaagu xad ayuu leeyahay, waana ku qasbantahay
dadka qaar in sida ay kuula dhaqmaan aad ula dhaqanto xaaladdu sida ay doonto
ha noqoto.
mmusa
11-wanaag beero.
Beero wanaag, xitaa meel uusan ku haboonayn ku
beero, maxaa yeelay wanaag waa wanaag mar walba, marnaba kuma qasaaraysid.
mmusa
12-Kor u qaad qiimahaaga
Laga yaabee qaarkood in ay kaaga haybaysan
labiskaaga, gaarigaaga, gurigaaga, iyo qaabka guud ee noloshaada.
U sheeg oo dareensii in aad leedahay qoys quudin
kaa sugaya ee aadan lahayn bulsho aad indhahooda quruxdaada ku farax galiso.
Qiimahaaga maahan cajab galinta indhaha dadka ee
waa kor u qaadidda damiirkaaga, haddii aad leedahay damiir wanaagsan waxaa kor
u qaadma qiimahaaga.
Mmusa
13-Dhagar iyo dhoola caddayn!!
Waxay dhaheen dhoola caddayn walba dhab maahan,
dhiila iyaga oo wata ayey dhoola caddeeyaan.
Waxay kaloo dhaheen illin walba xanuun la hubo
maahan, xitaa farxaddaba waa lala ilmeeyaa, sidaas si la mid ah dhagarta.
Mmusa
14-Maya, Baraha Bulshada.
Dhibkooda ayey bulshada u sheegtaan, dhibkooda
ayey baraha bulshada noogu sheegaan,dhibkooda iyo isku digashadooda ayey noo
soo bandhigaan, dhibaatadooda ayey iskula dhaga hadlaan ayaga oo adeegsanayaa
baraha bulshada iyo Aaladaha kale ee lagu xiriiro.
Waa hubaal in ay xanuunsanayaan, doonayaana in
ay xanuunkooda xal u helaan, balse xalka marka aad ka raadisid halka uusan kaa
jirin, micnaheeda waa in aad abuuranayso xaddiga in la eg dhibka ku haystay mid
la mid ah ama ka badan.
Waxaan ku dhihi lahaa, ” dhibkaaga Alle u
sheego, maya Baraha Bulshada”
Mmusa
15-Taas igu dhicimayso!!
Taas igu dhici mayso micnaheeda waa in aad la
baratamayso awooda aan muuqan ee kuu qorshaysa sakanka dambe ee noloshaada sida
aad ahaan doonto.
Sidoo kale waxay la macna tahay ku digashada qof
awoodaada oo kale lahaa balse duruufta iyo waqtiga ay halkaa dhigeen.
Dunida waa weerto kolba dhinac ku doorta ama ku
wareegaysata, shalay qofka aad ahayd maanta ma tihid, maanta sida aad tahay
shalay ma ahayn, taasna macnaheeda waa in aadan haysan damaanad kaa difaaci
karto xaaladda uu qof kale ku jiro, lagana yaabo in aad ku digato.
Mmusa
15-Dulqaadka
Dulqaadka ma ahan inta aad wax sugi karto ee waa
dhaqanka iyo dhiiranaanta aad la timaado inta aad dulqaadanayso.
Mmusa
16- ha aaminin
Ha aaminin waligaa waxa aad iskula sheekeysatid
marka aad kaligaa tahay iyo marka aad tiiraanyeesantahay.
Mmusa
17- Dulqaad
In aad tahay qof dagan misana sugashada ku
fiican kama dhigna in aad tahay qof dulqaadan badan.
Inta aad sugashada ku jirtid qaab dhaqankaaga wanaagsan iyo
dulqaadka aad samayso ayaa ka dhigan ama tilmaan ka baxsha sifada in aad qof
dulqaad leh tahay.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur