XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 162aad
1- waa hubaal
Waaba hubaal in qof walba uu ku dhaawacayo mar
ay noqotaba, ha ka fakarin goormee iyo sidee, ka fakar oo kaliya qofka ku
dhaawacaya ma yahay qof aad ka mudantahay dhaawacaas adigase ma muteysatay?
Mmusa
2-ha u ogolaan
Ha u ogolaan xanuunka in uu kugu beero Nacayb.
Dhibaatada iyo duruufaha yeysan qaadan
dhadhankaaga macaan.
Mmusa
3- u dabacsanow
U dabacaanow dadka, saamaynta duruufaha
qallafsan ee xagooda kaaga imaanaya yeysan ku baddalin.
Mmusa
4-caajislow
Waan mashquulsanahaydaada oo badata waxay ka
dhigantahay in aad waligaa waqti helayn.
Sidoo kale waqti ma haysto iyana waxay ka
dhigantahay ma aqaan sida waqtiga loo dhowrto.
Barito ayaan qabanayaana waxay astaan u tahay in
aad caajislow tahay.
Mmusa
5- awood muujin
Hadal xumaanta iyo is adkaynta aan macnaha ku
dhisnayn waa awood muujinta qofka daciifka ah.
Mmusa
6-Jafasho iyo riixid
Gaari gacanku wuxuu nafci yeeshaa marka la
isticmaalo oo la riixo, balse marka uu meel iska yaalo wax tar ma lahan, dadka
qaar waa sidaa, waxay waxtar ku leeyihiin in la riixdo oo la jajafto, hadana
waxaa laga yaabaa in si fudud ay kaaga caroodaan.
Mmusa
7-Dhadhanka nolosha
Dhadhanka macaan ee nolosha ma ahan in aad mar
walba ku raaxeysato waqti wanaagsan ee waa in aad mararka qaar la kulantaa
caqabado ku bara dhanka kale ee nolosha cadiban leedahay.
Mmusa
8-Xilside
Wey wanaagsantahay in aad qiimayn ku sameyso
dadka noloshaada ku xeeran oo dalacsiiso qofka u qalma, darajadana ka dhinta
qofka aan u qalmin, noloshaada ka ceyriso kan aan waxba kusoo kordhinayn, kuna
soo biiriso kan wax soo kordhin kara.
Xusuunow in aad tahay xilsidaha noloshaada.
Mmusa
9-Naftaada waqti la qaado
Waqtiga in laga faaiidaysto wuu wanaagsanyahay
mar walba, balse ka faaiidaysiga waqtiga mararka qaar waa in uu noqdaa in aad
naftaada la kaliyowdo adiga oo waxba qabanayn, sida inta meel hawo macaan,
muuqaal qurxoona leh aad fadhiisato aad iska daawato bilicda qurxoon ee kuu
muuqato.
Mmusa
10-Waxaad raadinayso
Waxa aad raadinayso marka aad raadinayso in
aadan helin ayaa laga yaabaa, balse, waxaa cajiib leh in adiga oo raadin ay
kusoo raadsadaan mararka qaar isla waxaas.
Mmusa
11- Baahida laguu baahan yahay
Baahida laguu baahan yahay haddii ay tahay mid
dan gaar ah lagaaga fushanayo ma ahan baahi markaa laguu baahan yahay ee waa ku
daneysi.
Waa in qofka kuu baahan ay baahidiisu noqotaa
mid aan shardi lahayn, wax uu kaaga dalbanayana aysan jirin.
Mmusa
12-Naftaada
Haddiiba naftaada aadan ku necayn qaladaadka ay
gasho oo mar walba aad u diyaarsantahay in aad jaanis siiso, sidee ku dhici
kartaa in aad dadka ku nacdo qaladkooda.
Waa run laakin xoogaa waxay igula muuqataa si kale!!!.
Mmusa
13-Erayada
Erayada afkaaga ka soo baxo waxaad xaq u
leedahay oo maamulkooda aad gacan ku leedahay inta aadan ku dhawaaqin, balse
marka dhawaqooda la maqlo waxa kaliya aad dalban karto waa cafis waana lagu
cafin karaa, laakin in la hilmaamo adigaba iska illow, sidaa darteed, wey
wanaagsantahay eray walba oo afkaaga kasoo baxayo in aad si fiican u ruugto inta
aadan ku dhawaaqin.
Mmusa
14-Ha baqin
Jacaylka aad wax jeceshahay ama lagu jecel
yahay waa in uusan ahaan mid cabsi ku dhisan oo aad baqayso ama lagaa baqayo.
Mmusa
15-Naftaada qiima u yeel
Haddii ay ku daneynayaan dhaqsa ayaad u ogaan
kartaa, haddii aysan ku daneenayn waxaad garatay halka aad ka taagantahay,
balse waxaa lagaaga baahan yahay marka hore in aad naftaada qiime u yeesho oo
meel walba aadan daadsanaan.
Mmusa
16-Dunida qalbigaada ha dhex dhigin.
Waa iska caadi in aad aragto Doon dul sabbeynaysa Biyaha
dushooda, balse waa khatar markaad aragto biyhii oo doonta dhex jibaaxaya,
natiijadaas waa fahmi kartaa ayaan filaa.
Dunida qalbigeeda adiga dhex dag, laakin qalbigaada dunida ha
dhex dajin, haddii kale waxaad la mid noqonaysaa doonta biyaha dhex jiifaan.
Mmusa
17-Eray iyo aamus
Eray walba oo afkaaga ka soo baxo wuxuu qatar
ugu jiraa in qalad loo fahmo ama loo fasiro, xitaa aamusnaanta haddaad maciin
baddo mararka qaar waxaa suurowda in iyada nafteeda si heer xun loo fahmo ama
loo fasirto.
Mmusa
18-Ma ogtahay
Ma ogtahay xubinta kaliya ee aan nasan marka jirkeena
intiisa kale uu nasanayo waa xilliga hurdadee ay tahay xubinta qaabilsan
Maqalka?
Mmusa
19-Ma ogtahay
Fakarka iska dhaaf qofkii ku dhaho ku dheh lama
dhaafi karo fakar inta la noolyahay, nolosha ayaaba iska ah fakar.
Mmusa
20-Nasiib xumo
Dadka qaar nasiib umaba yeeshaan jacayl kasbasho xitaa haddii
ay naxariis badan yihiin, waxa ay la kulmaan ayaa ah nacayb iyo faalo xun.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur