XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 125aad
1-Aamusnaanta
qof walba oo aamusnaan badan macnaheeda maahan
in uusan hadalka awoodin.
Waxaa jira qof u aamusan in uu ka fogaado
darteed in qof kale uu hadalkiisa ku dhaawaco.
Sidoo kale waxaa jira qof aamusnaanta nafis u
tahay oo laga yaabo inta badan uu hadlo ay u noqoto in badan uu xanuunsado.
Sidoo kale waxaa jira qof is dhahaya hadalka
badan macna kuuma saaidinayo.
Sidoo kale waxaa jiro qof aamusa xilliga uu
xanaaqo si uusan hadal xun u dhihin qofka uu u xanaaqay oo laga yaabo in uu
yahay qof ku dheer oo wax badan kala dhaxeeyaan.
Mmusa
2-Sharaf u dhimasho
Sharaf u dhimasho qiima ma lahan marka aad liidato.
In aad is dhiibto ayaa dhaanta si aad jaanis
kale oo kusoo kabsato aad u hesho inta aad god gali lahayd.
Mmusa
3-Dalbashada
waqtiga
Waqtiga ayaa ah kan na bara mar walba xaaladaha
xalkeena ku jira.
Dunida maanta aan ku noolnahay waa mid naga
dalbaysa sabar, aamusnaan iyo is moogaysiis si nafteena u badbaado.
Mmusa
4-Xaqiiqda naftaada.
Ma ahan in aad naftaada u sheegto wax aan dhabta
ku salaysnayn balse dareenkaaga nafsnimo uu jecelyahay. Dhabta nolosha waa lama huraan in lagu noolaado wixii
xun in ay xun yihiin u daa.
waxba naftaada ha ku qasbin in wax xun aad
wanaag u ekaysiiso, sidoo kale qofka ku karaameeya karaamee kii ku liidana liid
oo iskala weynow waxna hala wadaagin.
Mmusa
5-Qaacidada
naftaada
Wax kasta oo farax galin noloshaada waa in ay
noqdaan wax aadan noloshaada ku qasbin oo ka saartaa muhiimad kaste ha
lahaadaan.
Marnaba naftaada ha ku qasbin wax wawal ku
beera, qaaciddada noloshaada ha noqoto waxaan i farax galinayn iskuma qasbayo.
Mmusa.
6-Dareen
gudbin
Ma lihin doorasha aan qofka aan rabno ku nacno
kaan rabnana ku jeclaano, waa dareen saamayn leh oo ka dhasha dareenka dadka
nolol ahaan nagu xeeran iyaga ayaa inagu beera sidaas ayaana iskugu
gudbinaa.
Mmusa
7-Laba
hadiyadood
Saakay dhamaanteen laba hadiyadood oo qaali ah
ayaan kala furnay!!
Waad la yaaban tihiin soo maahan waxa aan ka
wado, wax kale maahan dhamaanteen laba indhood aan leenahay waxna ku
aragno ayaan kala furnay, soo hadiyad qaali ah maahan?
Mmusa
8-Hebel
waa xun yahay!!
Waxaad maqashay
iyada oo la leeyahay hebel waa xun yahay markaas ayaad adigana hebelkaas nacday
umaddii kalana ugu sii sheekaysay in hebel oo aadan arkin uu xun yahay, waa
nacasnimo tan ugu xun.
Mmusa
9-Yaa
kuu qalma?
Qofkii qalbigaada wax wanaagsan ku dhex
samaystaa ayaa ah qofka kuu qalma.
Mmusa
10-Nafsiyan
Qofkii raba in uu kuu soo dhawaada wuu kuu soo
dhawaan karaa.
Qofkii raba aragtidaada wuu kuu imaan karaa kuna
arki karaa.
Qofkii doonaya maqalka codkaaga wuu kula soo
xiriiri karaa.
Dhamaan intaan waa xaalado aysan duruufta reebi
karin balse nafta haddii ay doonto ay samayn karto.
Mmusa
11-Siyaasadda lugooyada
Siyaasadda lugooyada waa mid kooban, dadka wadana waa kuwa
kooban, waxa ay qabtaan iyo qaabka ay u qabtaana waa koobantahay, balse intan
ayaa u asal ah.
Qabyaalad
Musuq
Khilaaf dhexdooda ah
Is aqbalid la’aan
Ismagacaabid kooban
Isdiid joogta ah
Ixtiraam darro
Damiir xumo
Calqigaada
Wax walba oo qabanayso waa in aad ka eegta dhanka
munaafacaadkaaga iyo sida aad uga faaiidaysan kartid.
Seefta haddii aadan ka qabsan salka dambe oo ka
qabsato dhanka ay sakiinta ka tahay taas macnaheeda waa in aad naftaada qatar
galiso balse marka aad ka qabsato halka ay tahay in laga qabsado naftaada ayaad
ku difaacan kartaa.
Cadowgaada waxaa jirto xeelad aad uga fiidaysan
karto isaga oo cadowgaada ah, caqligaada si dagan haddaad u isticmaasho wax
badan ayaad ku qabsan kartaa taasise waxay ku xirantahay heerka uu gaarsiisnaan
karo wax fahamkiisa iyo wax aragiisa.
Mmusa
12-caqabadaha
Caqabadahaaga oo yaraada waxay ka dhigantahay korriimadaada
oo caajis gasha, si la mid ah cadowgaada oo yaraada waa foojignaantaada oo
hawada ka sii baxda, qofka marka uu foojignaanta ka dhintana waa jirkiisa oo
difaaca ka dhintay, isaga ayaa si uusan dareemayn iskugu dhameynaya oo is
dilaya.
Mmusa
13-cadowgaada
Cadowgaada marka aad saaxiibka ka dhigtid soo ma aadan
burburin?
In aad caqabadaha hortaagan noloshaada iska hor
wareejiso uma baahna in aad naf goyso ama deegaan burburiso, mararka qaar
caqligaada oo si fiican uga shaqaysiiso ayaa xalka noqon kara.
Mmusa
14-Bal
is eeg!!!
Qofna ha isku
mashquulin.
Qofna ha daba ordin.
Waqtigaada ha lumin.
Naftaada wax badan ka baro.
Awoodaada iyo daciifnaantaada kala garo.
Hadafkaaga daba carar.
Qiimahaaga garo.
Naftaada wax u kordhi.
Isla xisaabtan dhab ahna naftaada la samee.
Mmusa