XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 109aad
1-Dadka qaar
Dadka qaar waa dhabta ku nool
Dadka qaarna waa wanaag ku nool
Dadka qaar waa been ku nool
Dadka qaar waxay ku wanaagsan yihiin in ay
beenta ku noolaadaan.
Mmusa
2-Is ahow
Adiga oo ku dhex nool duni doonaysa in wax aadan
ahayn ay kaa dhigto haddaad garato in naftaada, waxa ay tahayna aad noqoto waa
guusha ugu wayn ee nolosha aad ka gaartay.
Qaarkeen waxay dhintaan ayaga oo is waydiinaya
yaan ahay?
Mmusa
3-Xaqiiq jirta.
In aan xaqiiqo jirto nahay waan ku dhalanay kuna dhiman doonaa balse, in aad qalad ka nasahanay kuma dhalan mana naloo samayn.
Mmusa
4-Waad ku qasbantahay.
Waad ku qasbantahay mararka qaar in aad bulshada waqti ka
qaadato si naftaada aad wax badan iskaga ogaataan.
Mmusa
5-Fursaddu.
Fursaddu waa sida qorax soo baxaysa oo kale, haddaad
sugiddeeda badsatid waa ku dhaaftaa, fursad lama sugo ee falkeeda ayaa la
galaa.
Mmusa
6-Fakar aan ficil lahayn.
Fakar aan ficil lahayn macna ma lahan, qof walba fakar wuu leeyahay waxa la isku dhaafay waa ficilka
7-Dadka qaar iyo guusha.
Dadka qaar guusha riyo ahaan ayey ku gaaraan kuwana ficil
ahaan ayey ku gaaraan, labadooda midka aad tahay adiga ayaa garan kara.
Mmusa
8-Is baddal
Hadal horumar laguma
gaaro ee ficil ayaa lagu gaaraa, kuwa maanta kula qaldan ee aad eedaynayso waa
kuwa ficil samayn ku dhex jira, marka qof ficil samayn wada qaladkiisa Af
laguma saxo ee ficil kale ayaa lagu saxaa.
Wax is baddalaya ma jiraan ama dhacaya iyada oo
aanan la baddalin ama la samayn.
Mmusa
9-Waad cabsan kartaa
Waad ka cabsan kartaa ficil aad samayn lahayd natiijada ka
dhalan karta, balse waxaad ogaataa haddaadan waxba samayn in natiijaba aysan
jiri doonin dhanka ay rabtaba ha noqota’e.
Nolosha waa tijaabo natiijo laga helo,ha xumaato
ama ha wanaagsanaato.
10-Hadaf yeelasho.
Hadaf yeelasho iyo ficil raacsiin lagu daray dadaal aan laga
daalin waa waxa ku gaarsiin kara barta aad nolosha ka rabto in aad ka gaarto.
Mmusa
11-Daacad
Daacad ayaan ahay afka
haka dhihin fadlan haddaadan ficil ahaan u muujin karin.
Adiga lagugu dhahayana ha aaminin ilaa ficil
ahaan laguu tuso.
Mmusa
12-Dardaaran.
Dadaal, guul, is jacayl, u diyaar garowga Aakhiro, iyo Shaqo wanaagsan ayaan idinkula dardaarmayaa.
Mmusa
13-Fursaddu waa wax la abuurto.
Fursadda waa wax la abuurto ma ahan wax iska yimaada, fursad
inta ay isoo marayso ayaan sugayaa haddaad dhahdo micnaheeda waa qaddar ayaan
sugayaa taas oo aadan aqoon waqtiga uu iman karo, sidaa darteed, ha sugin inta
fursadda kaa soo marayso abuuro fursad.
Mmusa
14-Xadkaaga nolosha.
Xadkaga nolosha waa inta aad rabtid in aad dhaqaaqdo oo
kaliya, sidaa darteed, nolosha xudduudkeeda waa dhimasho inta kale adiga ayaa
samaysta ee lamaba samayn.
Mmusa
15-Ha sugin
Ha sugin inta xaaladuhu isi saxayaan, in aad bilowdo in aad
wax saxdo ayaa abuurta xaaladaha wax ku saxmaan.
Mmusa
16-Waxa aad jeceshahay.
Waxa aad jeceshahay u samee in aad jeceshahay dartood ee ha u
samayn in aad ku qasbantahay samayntooda.
Marka waxa aad jeceshahay aad si niyad ah u
qabatid waxaad abuurtaa ama yeelataa awood aan la hakin karayn.
Mmusa
17-Ficil samaynta.
Ficil samayta waa talaabo hore u qaadid ka dhigan in aad
heshay assalka ama saldhig aad uga duuli lahayd gaaridda hadafkaaga.
Mmusa
18-Niyad wanaag
Si wax kaste oo wanaagsan loo sii wado waa in niyad wanaag
iyo aragtida wacan lasii wadaa.
Mmusa
19-Ficil ha samayn adiga oo xanaagsan
Xanaaq aad qabtid dartiis talaabo ama ficil ha u samayn maxaa
yeelay, wax walba oo xanaaq loo sameeyaa waa wax aan laga fiirsan, wax aan laga
fiirsana waa wax keena dhibaato.
Mmusa
20-Ha dhagaysan.
Haddii qof qaab hadalkiisa aadan jeclayn haba dhagaysan.
Haddii muuqaalka qof uusan ku qancin haba eegin.
Haddii qaab dhaqanka qof uusan ku qancina
niyaddaadaba ka saar.
Maxaa isku dhibaysaa ama qof wax uga sheegaysaa
adiga oo sidan aan kor kusoo sheegay samayn kara?
21-Waqtiga munaasabka ah.
Waqtiga munaasabka ah ayaan sugaa isku maaweelintiisa inta
iska dhaaftid adiga samayso waqtiga munaasabka kuu ah.
Mmusa
22-Sida ay tahay ku aqbal.
Naftaada waa in aad sida ay tahay ku aqbashaa oo ku
kalsoonaata ama waa in talaaba aad wax uga baddalayso qaaddaa.
Mmusa
23-Inta aadan go’aan gaarin.
Inta badan oo go’aan qaadata waa inta badan oo waxa aad ku
fakarayso aad ficil ahaan u samayso, mar walba oo talaaba ficil ah aad qaadana
waxaad usii dhawaanaysaa fulinta riyadaada.
Mmusa
24-Xusuusnow.
Xusuunow in dadku afcaashaada kugu xukminayaan ee aysan weedhaada
xukminayn.
Mmusa
25-Talaaba qaadistu.
Talaaba qaadistu mararka qaar waxay noqotaa been sida hadalka
oo kale, fadlan jooji haddadan daacad u qaadi karin.
Mmusa
26-Riyadaada haka waynaato.
Riyadaada haka weynaato cabsidaada, ficilkaaguna haka
weynaado hadalkaaga.
Mmusa
27-Shalay haddaad rabtay.
Shalay haddaad rabtay in aad ogaato, eeg xaaladdaada maanta,
haddaad rabtid in aad ogaato ififaalaha mustaqbalkaagana eeg waxa aad maanta
samaynaysid.
Mmusa
28-Qaddarta ha sugin.
Ma ahan in aad qaddarta yabooheeda sugataa, waa in aad
abuurataa mustaqbalkaaga adiga oo hagaajinaya talaabooyinka aad qaadayso.
Mmusa
W/Q: Mohamed Musa Noor