XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 111aad
1- Riyadu waxay noqotaa hadaf.
Riyadu waxay
noqotaa hadaf la gaari karo marka ficil la raacsho, balse hadafku qorshe ayuu u
baahan yahay.
Waxay dhaheen hadaf aan qorsha lahayn waa iska
riya ku nooli.
Mmusa
2-Inta filashadaada ahaan lahayd.
Inta filashadaada ahaan lahayd in is baddalku ka yimaado dad kale waa in uu adiga kaa yimaadaa ficil ahaan.
Mmusa
3-Masayr iyo Xasad.
Waxay ku dhahaan guul iyo khayr ayaan kuu rajaynaynaa, marka guul iyo khayr Alle ku siiyana way kugu nacaan oo Masayr iyo Xasad ayaa kasoo hara!!.
Mmusa
4-Guusha Nolosha.
Guusha nolosha
waa sida gaari oo kale, kaas oo ku dhaqaaqo taayark lagu magacaabo shaqa adag
iyo dulqaad, balse gaarigaas ma dhaqaaqi karo isaga oo helin shidaal lagu
magacaabo kalsooni nafeed.
Mmusa
5-Shaqada nololeed.
Shaqada noleed
ee ku hortaala kama weyna awoodda kaa damabayso oo Alle ah, sidaas darteed,
kalsoonidaada Alle badi, wax walba wey kuu hagaagayaan hubanti.
Mmusa
6-Runta waa la wada jecelyahay.
Runta waanu
wada jecelnahay qof walbana in uu runta ogaado ayuu jecel yahay balse, la
yaabka wuxuu yahay in qof walba uusan doonayn in uu noqdo Daacad.
Mmusa
7-Hal abuuris.
Sirta nolosha ma ahan in aad wax ogaataa mar walba ee waa in aad la timaadaa hal abuurnimo, in naftaada aad mar walba wax u abuurto waxay ka qiima badantahay in aad mar walba wax ogaato.
Ogaalka hal abuurista ayaa ka qiima badan.
Mmusa
8-Jeclaanta maqluuqa.
Jeclaanta Maquulqa oo baahisaa waxay cirib tirtaa Nacaybka
Ha isku hallayn!
Isku hallayn la’aanta aadan isku hallayn dadka waxay gogosha u xaartaa in aadan niyad jabin oo murugoon, quusanna.
Mmusa
9-Sirta farxaddaada.
Sirta
farxaddaada waa in aad samaysaa waxa aad jeceshahay markaas ayey guushaada
timaada, wax walba sir ayey leeyihiin, guushaada sirteedana waa in aad
jeclaataa waxa aad samaynayso.
Mmusa
10-Xalka Nolosha.
Xalka nolosha
dhibaatooyinkeeda waxaa lagu xallin karaa iyada oo lala noolaa, ma ahan in laga
cararaa ama la iska indha tiraa.
Mmusa
11-Sahan.
Safarka waa la
sahansadaa si la mid ah nolosha marka aad raadinayso dhan walba ayaa laga dayaa
meesha ay kugula qumanaato ayaa laga galaa, cillad lama eego, cillad xalkeeda
waa xallin, waxaana xalliya cidda ay haysato.
Mmusa
12-Laba laba.
Laba labo
Laba waa is qoysay
Labana waa qar darraadday
laba waa qaadi wayday
labana waa qarqartay
laba waa maqli wayday.
Labada is qoysay, waa marka laga duqoobo labada indhood oo illintu ka daadato.
Labada qar darraaday, waa labada saxarada ka timaada
Laba waa qaadi wayday, waa labada lugood marka ay socodka gabaan
Laba waa qarqartay, waa labada gacmood marka ay jareeyaan
Laba waa maqli wayda waa labada dhagood.
Mmusa
13-Jihad dunida.
Dunida qaabka ay kuu soo wajahdo ayaa loola jahdaa, sheegasho iyo dhibsasho gadaal ayey kuu celinayaan ee waxba kama baddalayaan jihada ay dunida kuusoo wajahday
Meesha aad u socota ma taqaan?
Meesha aad u
socoto ma taqaanaa? Waa muhim in aad fahamsantahay halka aad u socoto iyo waxa
aad doonayso.
Mmusa
14-Buundada nolosha
Marka adiga oo
socdo aad laba buundo oo bidix iyo mididg u kala laabanaya aad kusoo dhex
dhacdo go’aanka aad qaadato wuxuu ku geynayaa meesha ay buundadaas ku dhamaato,
noloshaada waa sidaas oo kale, muhiim maahan in aad go’aan qaadato oo meel
aadan aqoon ka dhacdo, waxaa muhiim ah in aad go’aan qaadato adiga oo og meesha
uu go’aankaas kugu ridayo.
Mmusa
15-Saamaxaadda
Saamaxaadda
Saamaxadda waa wax aan u baahanahay mar walba oo
dambi galno balse, waxaa ka wanaagsan inta saamaxaad aad baryi lahayd hadhow
dambe in aad ka fogaato wax walba oo kuu keeni kara in aad ku dhacdo gaf ama
dambi.
Xaqiiqda noolaha ayaa waxay tahay in saamaxadda
ay tahay waxa uu ugu baahi badan yahay marka uu gaf galo.
Ma jiro qof u baahan in uu dambi galo
balse, maadaama aysan ahayn mararka qaar mid aan koontarooli karno waxaa
wanaagsan in aan ka dogtoonaano in aan ku dhacno dambiga.
Mmusa
16-Waqtiga
Waqtiga wuxuu
awood u leeyahay in marka uu rabo uu kor kuu qaado marka uu rabana dhulka ku
dhigo, waxaase taas ka muhiimsan in aad awood ugu yeelato naftaada in aad mar
walba kor u qaadi karto xaaladdu sida ay doontaba ha noqotee.
Waqtiga haddduu ku tuso in uu dhulka ku dhigi
karo tusi adigana in aad kor uga kici karto.
Mmusa
17-Maamule
Maamule
Maamule waxaad noqon kartaa markaad naftaada maamusho, balse naftaada maamulkeeda adiga oo si fiican u qabsan in aad damaacido maamulidda wax kale waa mid aad ku qaldantahay.
Maamul naftaada aad dadka maamule noqotidee.
Mmusa
18-Saddex
Saddex suubintooda waxay sugtaa in dadku ay kugu
jeclaadaan.
Fadhigooda oo wanaajiso.
Nabad galya oo u muujiso.
Waxa ay jecel yihiin oo ugu yeerto.
Mmusa
19-Qofka dadka
Qofka dadka
loogu jeclaado waa qofka ceebtaada astura.
Mmusa
20-Ma ogtahay
Ma ogtahay in
caddaantu aysan qurux ahayn, mase ogtahay in madoobaantu aysan ka dhignayn
foolxumo.
Ma ogtahay in karfantu ay tahay mid laga cabsado
haddana caddaan ah.
Mase ogtahay in kacbadu madow tahay balse qurux
badantahay.
Ma ogtahay in qofka quruxdiisa ay tahay
Akhlaaqda ee uusan muuqaalkiisu qurxin.
Ma ogtahay in raganimadu aysan ahayn Codkarnimo
iyo Qayladheeri, haddii taas lagu noqonayo ragna uu Eeygu noqon lahaa Boqorka
raganimada maadaama wax ka qayla badan ama dheer aysan jirin.
Ma ogtahay in Labnimadu aysan la macna ahayn is
qaawin iyo cowro feedasho, haddii taas ay qurux noqon lahaydna Daanyeerta labka
ah ay quruxdaas dhan qaadan lahayd.
Mmusa
W/Q: Mohamed Musa Noor