XUSKA IYO XUSUUSTA: Danjire Cabdiraxiim Caabbi Faarax W/D: Maxamed Xaaji Ingiriis

XUSKA IYO XUSUUSTA: Danjire Cabdiraxiim Caabbi Faarax
 
Soomaaliya waxay qiime lahayd markii ay madaxda ka ahaayeen dadkii qiimaha lahaa. Run ahaantii, Soomaali kuma yara mutacallim iyo mufakar, hase yeeshee yaa wax weydiinayaa. Soomaalidu waxay ku maahmahdaa, “Qur’aanka ayaan xafidsanahay waxaa ka adag yaa kaa akhrisanaya”. Waa laga soo gudbay maalintii gabyaageenii weynaa ee Soomaaliyeed, Cabdullaahi Suldaan Timacadde, uu lahaa “geesiga madow uma oggola, guusha reer Yurub”. Maanta waxay maraysaa in Soomaalidii aysan iyagu isu oggoleyn wax guul iyo garasho ah. 
Meel walba oo aad tagtid, waxaa ordaya charlatans iyo chameleons. Waa sababtaas sababta Soomaaliya ay god ugu sii dhacayso maalin walba, halkii la filaayey inay ka soo baxdo godka. Maanta ninkii la raadin lahaa intuusan la dhiman wuxuu ogyahay, ee talo laga weydiin lahaa siyaaasadda Itoobiya, oo la wici lahaa waa Cabdiraxiim Caabbi Faarax Maxamed Buureed, oo ahaa Safiirkii u horreeyey ee Soomaaliyeed ee magaalada Addis Ababa, oo kaddib noqday Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, isagoo uga sii gudbiyay xilka Ku-Xigeenka Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay.
 
Waa kuma Cabdiraxiim? Wuxuu ku dhashay magaalada Barry oo ka tirsan gobolka Wales ee dalka Ingiriiska. Aabbe Soomaaliyeed iyo hooyo Tunisian ah (oo ay dhashay hooyo Ingiriiska u dhalatay) ayaa iska dhalay. Markii uu Grammar School ku dhammeeyey Wales, wuxuu noqday ninkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee dhigta Jaamacadda Oxford, isagoo ka qaatay Bachelor’s, kaddibna jaamacad kale ayuu sii galay. Waxaa cajiib ahayd halkii uu ka tegi lahaa British Somaliland oo uu asal ahaan aabbihiis ka soo jeeday, wuxuu sannadkii 1951-kii, sannad kaddib markii la sameeyey maamulkii AFIS ee koonfurta Soomaaliya, uu u wareegay Muqdisho, halkaas oo uu garab u noqday Ra’iisal Wasaarihii xukunka daakhiliga Cabdullaahi Ciise Maxamuud Bidaar, isagoo wax ka dhisay hay’adihii cusbaa ee loo diyaarinayey qaranka dhalan doona ee Soomaaliya. Wuxuu Cabdiraxiim isla markiiba madax ka noqday hay’addii warfaafinta Soomaaliyeed (Somali Information Service).   
 
1961-kii illaa 1963-kii, Cabdiraxiim wuxuu safiir ka ahaa Itoobiya. 1965-kii illaa 1972-kii, wuxuu ahaa Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay. Si ku meel gaar ah wuxuu 1966-kii noqday Kusimaha Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. 1973-kii illaa 1978-kii, wuxuu ahaa Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay. 1979-kii illaa iyo 1990-kii, wuxuu ahaa Ku-xigeenka Xoghayaha-Guud. Waa ninkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee darajadaas weligiiba gaaray.
 
Muddadii uu xilkaas hayey, wuxuu dhanka gudaha u ololeeyey oo ku dadaalay in Soomaaliweyn oo dhan la mideeyo. Wuxuu kaloo ku can-baxay, dhanka dibadda, in dalalkii Afrika ee ku haray gacmaha gumeysiga la xoreeyo. Wuxuu Cabdiraxiim ahaa ninkii u istaagay, ee u ololeeyey, in geesigii Afrikada madow Nelson Mandela laga sii daayo xabbiska xukunkii midab-kala-sooca South Africa. Intuu Itoobiya joogay, wuxuu xukunkii Xayle Selassie ku guuleysan waayey inay Soomaaliya nuuxiyaan, ama naxuusiyaan, xitaa iyagoo Soomaaliya u soo diray nin safiir ah oo horey uga baxay Jaamacadda Oxford.
 
Sannadkii 1989-kii, isaga oo aad u murugeysan, wuxuu Cabdiraxiim u sheegay Dr Alice Bettis Hashim, oo xilligaas PhD ka qoraysay siyaasadda Soomaaliya, in qaar ka mid ah qoyskiisu ay ku dhinteen duqeymihii ay calooshood-u-shaqeystayaal South African ah, oo ay soo kireysteen taliskii Maxamed Siyaad Barre, ay ka geysteen Hargeysa. Markii ay Soomaaliya burburtay, wuxuu Cabdiraxiim tagay magaalada Berbera, halkaas oo uu ka sameeyey hay’ad wax u qabata dadka ku naafoobay miinooyinka, wuxuuna nolol u abuuray dad badan oo ay miinooyinku naafeeyeen.  
 
Laba sano ka hor, anigoo shir u tagay Wales, waxaan booqday gurigii uu ku soo koray oo ku yaalla Thompson Street. Waxay ahayd xusuus xamaasad leh in meeshaas uu ku dhashay wiil qiime weyn ugu fariistay dhismaha qaranka Soomaaliyeed, kontomeeyadii iyo lixdameeyadii. Iyaga oo s
harfaya taariikhdaas qiimaha leh (dadkiisa, dalkiisa iyo dibadda-ba uu ku taray) ee Cabdiraxiim u soo jiiday magaaladooda ayaa dadka deggan 
Berry waxay magaciisa ku dareen Black History Month bishii December ee sannadkii 2014. Su’aashu waxay tahay: Soomaali ma ku hareen wax qiimeeya dadkooda qiimahaas leh?.
 
W/D: Maxamed Xaaji Ingiriis
 
F.G: Maxamed Xaaji Ingiriis, waa Research Fellow, African Leadership Centre, Jaamacadda King’s College London, isla markaana waa PhD Candidate, Jaamacadda Oxford.

SHEEKOOYIN