159.
Deeqa waxay aragtay dadki soo sagootiyay Raage oo uu ka mid yahay Xasan Rooble, laakiin wax hadal ah kuma darsan, waayoo waxay aaminsan tahay inuu ka mid yahay dadka Yaasmiin u ahaa taageerayaasha, waxaa dadka ku jirtay Siraad oo loogu sheegay inay tahay gabadhi rabtay inay Raage ka keento Yaman oo ay Yaasmiin u dirsan rabtay, markaa ayay Siraad u yeeratay waxayna ku tiri: “ma taaqaanaa telefoonka Xasan walaalkiis Maxamed oo Ingiriiska jooga?” Siraad ayaa ku tiri: “maya ma aqaano, maxaa i baray telefoonkiisa?” Deeqa ayaa tiri: “waxaan mooday inaad is barateen waagi aad Raage ka dooni rabtay Yaman” Siraad ayaa tiri: “maba aqoonin Raagaha laftiisa, laakiin Yaasmiin ayaan ku heshiinay inaan u soo geliyo Mareykanka, ayadana ay walaalkeey Kenya iiga keento” Deeqa ayaa waydiisay inuu walaalkkeed hadda u yimid iyo in kale, markaa ayay Siraad u sheegtay inay ku khayaantay naagti ay ku heshiiyeen oo ay ninkeeda u keentay, balse walaalkeed aanay waxba u xereynin, Deeqa oo ka faa’iideysaneysa baahida Siraad ay u qabto inuu walaalkeed u yimaado ayaa tiri: “hadda ma rabtaa inuu walaalkaa kuu yimaado?” Siraad ayaa tiri: “siduu iigu imaan karaa haddii aanan bixin karin 15 kun oo doolar, fursadi aan ka faa’iidaysan lahaana ay tacab khasaare noqotay?!” Deeqa ayaa tiri: “haddii aad ii keento telefoonka Maxamed Rooble, waxaan ku siinaa lacagta walaalkaa lagu keenaayo, midda kale haddii aad ii keento telefoonka Raage ee Soomaaliyana, waxaan ku siinaa lacag la mid ah, laakiin yaanay cidna ogaanin sirteena” Siraad waxaa loo qoray telefoonka Deeqa, waxaana gacanta loogu laabay afar boqol.
Raage iyo Yaasmiin markay diyaarada fuuleen oo ay kuraastoodi fadhiisteen ayuu Raage daaqadda ka fiiriyay magaaladi New York, Yaasmiin oo dhinac fadhiday ayaa ku tiri: “nolosheeyda oo dhan majirto maalin iiga farxad badan, maalinka maanta ah” Raage ayaa yiri: “waxaan ka fekeraayaa wixi aan kuugu abaal gudi lahaa, mana haayo wax ay nafteedu ku qanacdo inaan kuugu abaal gudo, waayoo maalinti iigu farxadda badneyd waa maalinta aad iga nadiifisay wasakhda, waxaad i soo xasuusisay hooyadeey oo markii aan yaraa wasakhda iga nadiifin jirtay, waxaad i soo xasuusisay maalin aan u ooyay inay ila dhalan gabar walaasheey ah oo aan jeclaa inay ila dhalato, sidaa daraadeed waxaan kuu arkaa inaad iiga naxayso sidi hooyadeey iyo gabar ila dhalatay oo kale, mar waxaan is iraahdaa Yaasmiin ugu abaal gud inaad uga naxdid sidi inaad waalid ama walaal u tahay oo kale” Yaasmiin oo hadalki ka dhexgashay ayaa tiri: “waxa aan kuu qabtay waxay ahaayeen waajib iga kaa saarnaa iyo jaceyl xad dhaaf ah aan kuu qabay, sidaa daraadeed diyaar ayaan u ahay inaan waalid kuu noqdo, inaan walaal kuu noqdo, inaan saaxiib kuu noqdo iyo inaan xaas kuu noqdo” Raage ayaa yiri: “galabti aan ku bartay oo aad Deeqa la socotay, galabtaas waxaad i salaantay inta ay Deeqa isalaamin ka hor, inkastoo aan fiirinaayay wejiga Deeqa, haddana waxaa wadnaheyga dhex jibaaxay neecoow qaboow, waxaan u qaatay inay Deeqa dhankeeda iiga imaaneysay oo ay nafteedu jecleysatay inay hesho, ka waran haddii aan aniga iyo Deeqa weligeen isi salaamin, laakiin waxaan gacantaada mar kale dareemay marki aad kalkaaliyaha caafimaad ii noqotay” Yaasmiin ayaa tiri: “waa runtaa oo galabtaasba waa i dhex qaaday, haddana Deeqa ayaan kugu xushmeeynaayay, wayna ogeyd inaan ku jecelahay oo habeenki aan Xalane ka soo bexeynay ayaan ku iri: (Raage yaanu kaa baxsanin, haddii aad sii deyneysana ma rabo inuu labadeena na dhaafo) balse waan ka shallaayaa erayadi aan habeenkaas ku iri, waayoo waxaan aaminsanahay inay aniga daraadeey kuu jeclaatay oo ay diidaneyd inaan fursad kugu helo, taasaana waxay keentay inay ugu dheeraato inaan ku helo adigoo Deeqa ka madax bannaan, sidaa oo ay tahayna ma rabin inaan sabab u noqdo kala tagiina”.
Waxay taransit dhowr saacadood ah ku ahaayeen Roma oo aanay diyaaradda ka degan, kadibna waxay u duuleen Nairobi Kenya si ay uga raacaan diyaarad ku socota No.50 oo ah gobalka Shabeelaha Hoose.
160.
Diyaaradi waxay caga dhigatay garoonki Nairobi, markay ka soo degeen Raage iyo Yaasmiin, waxay arkeen dad u diyaarsan inay raacaan diyaaradi keentay, dadkaas oo u badan Soomaali qaxootinimo ugu socota dalka Mareykanka, Raage wuxuu fiiriyay farxadda ka muuqata wejiyadooda, wuxuu soo xasuusatay maalinti uu Soomaaliya ka baxaayay ee uu lugta la helay markabki Boolimoog iyo siduu ugu faraxnaa inuu ka mid noqonin dadki aan fursadda u helin inay raacaan, wuxuu soo xasuustay maalintaas markuu markabku ka dhaqaaqay dekadda ee uu gadaal u soo fiiriyay dadki laga reebay siday u niyad jabsanaayeen, kadibna wuxuu soo xasuustay oonki iyo rafaadki ku qabsaday Markabka dushiisa oo ay dad badan ugu geeriyoodeen, markay soo galeen gudaha madaarka Joome kenyata, wuxuu arkay dad la mid ah kuwii markabka ka haray oo aan fursad u helin inay diyaarada raacaan, waxay Raage iyo Yaasmiin u baahnaayeen hal habeen inay joogaan Nairobi, maalinta ku xigtana ay ka raacaan diyaarad u socota No.50 oo ah diyaarad yar oo isla qaada rakaab iyo badeeco Qaad u badan, laakiin waxay ku kalluftay halkaa habeen inay laaluush u bixiyaan 100 doolar si loogu ogolaado gudaha Magaalada Nairobi, waxaana Airoporki ka qaaday Taxi geeyay hotel ay habeenkaas laba qol ka kala seexdaan.
Nasiib xumo uma suurta gelin inay maalinti xigtay Nairobi inay ka duulaan, waayoo waxaa dagaalo ka socdeen Magaalada Muqdisho iyo agagaaraheeda, dagaalkaas oo u dhexeeyay Midoowga Maxaakiimta Islaamiga ah (MMI) iyo hagaamiye kooxeedyadi ka talinaayay Caasimadda, diyaaradina waxay u baaqatay cabsi laga qabay dagaalka oo ku soo dhawaa No.50, rakaabki ay ka mid ahaayeen Raage iyo Yaasmiina waxaa loo sheegay inaan la haynin wakhti cayiman oo ay ku bixi karaan, waxaana sabab looga dhigay haddii garoonka laga qabsado qolooyinka ay heshiiska la galeen, inay u baahan yihiin heshiis kale oo ay la galaan kuwa qabsada, Raage waxaa halkaa uga soo baxday in shirkaduhu ay hishiis la galaan shakhsiyaad oo aanay wada shaqeyn kala dhexeynin Dowlad, muddooyinki uu ku noolaa dalka dibadiisa ayuu ku illoobay dalka wuxuu ku sugan yahay, inkastoo uu la socdo inay ka jirto Dowlad ku meel gaar ah, haddana waxaa ka daadegi la’ sida uu xaalku yahay, waxba kalama socon arrimaha siyaasada, mana jecleyn inuu ka hadlo, hadda uun baa waagu u baryay, wuxuuna islahaa waxaad tegeysaa dal ay ka jirto kala dambeyn iyo Dowladnimo, mana jecleyn wax aan ku dhisneyn nidaam iyo sharci Dowladnimo.
Walaac xoogan ayaa galay Raage, balse wuxuu go’aansaday inuu ka mid noqdo shacabka ku dhex nool dagaalada iyo inuu meelna taageerin, waayoo marabo inuu dhib ka soo gaaro dhanka kale, Yaasmiina wuxuu ka dhaadhiciyay qaabka uu u rabo inay bulshada ula noolaadaan, ayadana way ku raacday aragtida uu u soo jeediyay oo aheyd inay siyaasadda ka fogaadaan, shacabkana ay u qabtaan waxa ay u awoodaan, hanoqoto inay qaar wax baraan, qaarna shaqo u abuuraan, taas ayay isku raaceen, waxayna u noqotay qorshe fiican oo niyadooda cabsidi ka saartay.
Xasan Rooble ayaa marki la dhaafay xilligi ay isku ogaayeen inuu Raage ka soo woco Soomaaliya, ayaa aad uga walwalay walaalkiis iyo Yaasmiin, waayoo wuxuu raadiyaasha ka dhegeystay, dagaalada socda aawgood inay u baaqdeen diyaarado badan oo dalka ka degi lahaa, wuxuuna baqdin weyn ka qabay inuu walaalkii dhexda uga dhoco dagaalada ku sii siqaaya Degmada Afgooye, ileyn markuu diyaarada kaga soo dego No.50, halka uu dagaalku ka socdo waa wadada uu u maraayay gudaha magaalada oo uu gurigoodu ku yaalo.
Siraad maalin walba waxay timaadaa guriga Xasan oo ay ka qaaday telefoonki walaalkiis Maxamed, telefoonkaas oo ay Deeqa kaga heshay 15ki kun ay walaalkeed ku keensan laheyd, marki ay Deeqa siisayna ay sidaa ku aamintay inay ka heleyso lacagta kale, haddii ay soo hesho telefoonka Raage oo warkiisa la la’ yahay, Deeqa waxay niyadda ka inkaartay Yaasmiin oo sabab u aheyd inuu Soomaliya aado, dhanka kalana waxay eeda saartay Xasan iyo Xaaskiisa oo ay u aragto inay Yaasmiin taageeraan, maadaama ay mataanahooda ugu magacdareen Raage iyo Yaasmiin, middaa ayaa caddeyn ugu filan oo wax shaki ah kama qabto, sidaa daraadeed ayay uga fogaatay reer Xasan Rooble.
La soco qeybaha dambe.