Raage habeenkaas wuxuu gurigiisa yimid asagoo caga jiidaaya, intuu kursi ku fadhiistay ayuu la soo baxay sawirki ay Deeqa soo siisay, sawirkeedi intuu fiiriyay ayuu ku yiri: “Deeqa maxaad iga damacsan tahay? soow ma ogid inaan ku jecelahay?” waxay la noqotay inuu sawirku ku yiri (waan ogohay inaad i jeceshahay) asagoo weli sawirki fiirinaaya ayuu ku yiri: “soow ma ogid inaan kaa maarmi karin?” sawirki oo aanu jawaab ka helin ayuu ku yiri: “soow ima jeclid?” kadib siduu sawirka u fiirinaayay, markay indhaha ku xanuuneen ayuu ka jeestay, intuu dib u soo fiiriyay sawirki ayuu ku yiri: “waxaad ogaataa inaan kaa hareynin ilaa aan haa ama maya afkaaga ka keeno”.
Maalinti xigtay oo aheyd maalinta la soo dhejinaayay gurmadka halka ay u aadaayaan, ayay Deeqa iyo Raage isku arkeen wasaarada, nasiib wanaag waxaa lagu wada qoray xerada guulwadayaasha muqdisho, halkaas oo tababar looga billaabaayo maalinta sabtida.
Deeqa ayaa Raage ku tiri: “waan ku faraxsanahay inaan isku meel helnay” Raage oo ka aamusan ayay waydiisay: “soow kuma faraxsanid?” waxay u sii raacisay: “haddii meel kale lagugu qori lahaa, waxaan rabay inaan meeshaas u soo bedesho” Raage qalbigiisa wuu qashuucsanaa, laakiin markuu maqlay eraygaa dambe ayuu qalbigu u qaboobay, wuxuuna yiri: “adiga Aabe ayaa kuu soo qalqaaliyay, laakiin aniga nasiib ayaan ku helay in Xamar laygu qoro, waana ku faraxsanahay” markay isi soo raaceen ayay ku tiri: “Raage, waxaan ka baqaa inaad xalay iga carootay oo aad khalad iga fahamtay, waayoo sida iiga kaa muuqata, uma furfurnid sidi aad u furfurnaan jirtay” wuxuu ku yiri: “way jirtaa inaan kaa waayay sidi aan rabay, laakiin caadi ayaan ahay” Deeqa ayaa tiri: “weli ima aadan fahmin, waayoo dadku waxay yaqaanaan xiriir mustaqbal oo hore iyo guur dambe oo kali ah, laakiin waxaan aniga rabaa xiriir isbarasho caadi ah oo ka horeeya midka mustaqbalka, ma garatay?” Raage ayaa yiri: “hadda ayaan ku fahmay” markaa ayay tiri: “ma jiro wiil aan kala sheekeystay xiriir mustaqbal, mid walba wuxuu ku haraa midka isbarashada, laakiin adiga ayaa ugu dhaw wiil ku guuleysta inaan yeelano xiriir isbarasho oo wanaagsan” Raage oo aan garan waxay ku kala duwan yihiin, sheekada isbarashada iyo mida wada socoshada ayaa yiri: “hadda ma waxaan yeelaneynaa xiriir isbarasho?” Deeqa ayaa tiri: “waa haddii aad raali ka tahay, laakiin aanay jirin wax ballan ah oo ku saabsan mustaqbal dambe oo aan go’aankiisa la gaarin” Raage oo raba inuu ka diido ayaa soo xasuusatay halka uu halganka ka soo billaabay iyo meesha uu u maraayo, markaa ayuu ku yiri: “ma xuma inaan isbarano, raalina waa ka ahay, waayoo waa isku mid kan aad sheegeyso iyo midka aan rabay, sababtoo ah xiriirka wada socoshada laftiisa waa isbarasho ka horeysa guurka, haddii leysku fahmi waayana lagu kala tago” Deeqa ayaa tiri: “aniga waxaan jecelahay inaan isbarashada hore ku kala tagno inta aan la gaarin ballanta mustaqbalka, waayoo ma rabo inaan nafteyda siiyo wiil berri iga dhaqaaqaayo” kadib Deeqa waxay ka codsatay inuu sawirkiisa siiyo, markaa waxay soo mareen gurigiisa, Raagana wuxuu u dhiibay albumkiisa sawirda si ay uga xulato midka ay rabto, wixii ka dambeeyayna wuxuu Deeqa u soo dhaweeyay halka ay Taxiga ka raaceysay, Deeqa intay Taxigi fuushay ayay degdeg uga soo degatay, waayoo waxay soo xasuusatay ballanti Dooli, markaa ayay Raage ka daba qaylisay, kadibna waxay u sheegtay aroos inuu jiro habeenka jimcaha oo ah habeen dambe, Raagana asagoo labalabeeynaayo ayuu ku yiri: “waan imaanaa haddii aan fursad soo helo” Deeqa oo garan wayday waxa fursada ka qaaday ayaa tiri: “habeenkaas ma cid ayaad la ballansan tahay?” wuxuu ku yiri: “maya, laakiin muraad kale inaan yeesho ayaa laga yaabaa” Deeqa ayaa mar kale ku soo celisay: “waa caadi haddii aad qof kale la ballansan tahay” markuu uga jawaabi waayay ayay tiri: “caawa soow firaaqo ma lihid?” Raage ayaa yiri: “waan kuu imaanaa caawa, markaa kadib ayaan Dooli u tegaa” Deeqa ayaa tiri: “aniga caawa firaaqo malihi oo waxaa laga yaabaa inaan ayeeyo meel u raaco” Raage ayaa wuxuu soo xasuustay inuu waydiiyo cidda arooseysa, balse Deeqa waxay ku tiri: “ma aqaan, waana illoobay inaan waydiiyo” Raage ayaa yiri: “waxaa laga yaabaa inuu sidaa muhiim u ahayn, waxaana laga yaabaa inay arooska qabaan reeraha la degan, waayoo haddii uu asaga aroosaayo ama walaashiis la aroosaayo wuu kuu sheegi lahaa” Deeqa oo cudurdaarkaas u qaadatay mid uu Raage ku maqnaanaayo ayaa tiri: “adiga caawa ama galabta iska soo hubi, wax walba ayaa dhici karee” Raage wuu ka qaatay taladaas, sidaas ayayna ku kala tageen.
17.
Raage markuu ka dhaqaaqay Deeqa ayuu dib u dhadhansaday hadaladeedi, wuxuuna dareemay inay Deeqa is leedahay: (armuu gabar kale la sheekeystaa) waxayna ula muuqatay inay maseyrka taqaano, sidaa daraadeed wuxuu ku talamay inuu Deeqa ka maseyrsiiyo iyo in kale, balse wuxuu iskaga dhaafay inay jiraan dad aan sidaa wax looga helin oo ku sii fogaada iyo in aanay fiicneyn qof aad ku heshay ujeedo aad ugu tala gashay, ayadoo ay ugu sii daran tahay qof aad maseyr ku heshay, taasoo weligeed kaa shaki qabeysa, wuxuuna talo ku goostay inuu galabta Dooli ugu tago boosteejada Ceel Gaab, markaana soo ogaado arimaha arooska jira habeenka jimcaha, galabnimadi markuu boosteejada tegayna wuxuu arkay, gaarigi Jamaal oo uu wado darawal kale, balse kirishboygi ayaa u sheegay inuu Dooli isu diyaarinaayo aroos, laakiin Raage wuxuu naftiisa waydiiyay: (abaabul aroos kama muuqan saaxiibkeey Dooliye, maxay tahay degdegta?) isla markiiba wuxuu aaday xaafada Dooli.
Ina Daahir ayadoo ka walaacsan inuu Raage imaan waayo, ayay aaday guriga Dooli, si ay ugu sheegto hadaladi dhex maray ayada iyo Raage, markuu Dooli ka dhegeystay ayuu ku yiri: “haddii aad u sheegtay, waajibkaaga waa gudatay, waadna ku mahadsan tahay” Deeqa oo rabta inuu isagu doono si aanu Rr arooska uga baaqan ayaa tiri: “Raage ma oga inaad adiga arooseyso, waayoo waxaan ku iri ma aqaan cidda arooseysa, asagana wuxuu u haystaa in aanu muhiim aheyn marba haddii aad ii sheegin arooskaaga” Dooli ayaa waydiistay: “Dd, adiga malxiisad ma ii noqoneysaa habeen dambe?” Deeqa intay hadalki isku dardartay ayay tiri: “malxiisad, malxiisad ma aqaan, oo yaa malxiisna kuu noqonaaya?” Dooli ayaa yiri: “adiga la imoow malxiiska aad rabto” Deeqa waxay tiri: “maya, maya, maya aniga sheekadaas kuma jiro” Dooli oo gartay ujeedadeeda ayaa yiri: “dhib maleh haddii aad rabin inaad malxiisad ii noqoto” Deeqa ayaa tiri: “saaxiibkaa Raage maad ku tiraahdid malxiis ii noqo oo malxiisad la imoow?” Dooli intuu qoslay ayuu yiri: “haddii uu hortaa ii imaan lahaa Raage, waan ku dhihi lahaa malxiis ii noqo, laakiin waxaad adigu ii sheegtay in laga yaabo in aanu imaanayn arooska” Deeqa oo fekereysa ayuu Dooli yiri: “Deeqa, arrintaas waxba haysku murjinin, aniga ayaa xalinaaya” Deeqa oo u qaadatay inuu ula jeedo Raage inuu raadinaayo ayaa tiri: “markaan Raage berri is aragno, ayaan u sheegaa arrinta arooska iyo malxiiska” Dooli ayaa ku yiri: “labadaba haddii aad xalisay waa fiican iyo nus” Deeqa markaas ayuu miyuusik ku yeeray, waxay garatay inay is xakameyn wayday iyo inuu Dooli ka dhaliyay gool aad u qurux badan.
Ayagoo aan weli kala tegin Dooli iyo Deeqa ayuu Raage soo galay guriga, hal mar ayay isla soo fiiriyeen labadooda, markaa ayuu Dooli yiri: “Raage dhegta isqabo, waayoo hadda ayaan kaa hadleynay aniga iyo Dd” Deeqa markaas ayay fadhiga ka kacday oo inay baxdo damacday, laakiin waxaa celiyay hadal uu Raage yiri oo ahaa: “Deeqa iyo aniga waxaan ka xun nahay inaad hore noogu sheegin arooska” markaa Deeqa oo rabtay inay baxdo ayaa intay istaagtay waxay tiri: “waxaa kaaga sii daran, xataa kamaan dareemin inuu yahay ninka guursanaaya” Dooli oo raba inuu ka cudurdaarto eedaynta loo soo jeediyay ayaa billaabay sheeko.
Dooli wuxuu yiri: “Raage waad taqaanaa gabadha aan guursanaayo, waa gabadhi aan isku dugsiga aheyn oo aan khadda iskula dhigan jirnay waa Caasha Cumar, dhibka aan ka soo maray doonashadeeda, ayaa sabab u ah inaan arooska hore u sii faafin waayo” Deeqa ayaa waydiisay: “muxuu yahay dhibka kaa qabsaday?” Dooli ayaa sheegay in loo diiday gabadha iyo in lala rabay nin kale, wuxuu ku sii daray: “waa taariikh dheer” Deeqa oo u qaadatay inuu Dooli ogoleyn inay sheekada maqasho, ayaa intay istaagtay waxay tiri: “Raage, waxaan aadaa guriga ee iga soo mar” Dooli oo raba inay Dd joogto, ayay ka tagtay.
18.
Raage iyo Dooli markii ay isku soo hareen ayuu Dooli yiri: “Caasha waxaa igu qabsaday wiil la yiraahdo Faarax oo ay saaxiib yihiin Caasha walaalkeed Cali Cumar, wuxuu Cali la safnaa saaxiibkiis Faarax, taana waxay keentay inay reerku ii diidaan, ayagoo arkay inuu Faarax iga aqoon iyo xoolo badan yahay, wuxuuna Caasha ka kaalmayn jiray waxbarashada, ayadoo xataa ka diiday shukaansiga, laakiin markuu ogaaday inay aniga ii soo jeedo ayuu reerka ka soo doontay, wuxuuna bixiyay sooryo, laakiin nikaax ma dhicin, sidaa daraadeed arooskeenu maaha mid caadi u dhacaayo, waa aroos ah dhuumasho” Raage oo yaaban ayuu Dooli yiri: “berri galab ayaan Caasha ballansanahay, waxaan aadaynaa Cagaaran kadibna waxaan imaaneynaa gurigeena, waxaan rabaa inaad sacab nagu soo dhaweeysaan” Raage ayaa waydiiyay: “armuu dhib ka yimaadaa?” Dooli ayaa yiri: “gabadha lama qabo, ayadoo aan i rabina sooma af duubin, aniga iyo ayada waa is rabnaa, waana isi soo guursanaynaa oo nikaax la’aan igu lama joogeyso, marka maxaa keenaaya dhibka?” Raage ayaa yiri: “reerkeeda haddii ay dhahaan wiil kale ayay u doonan tahay?” Dooli intuu qoslay ayuu yiri: “naag la qabo nin uma doonaan karto, laakiin haddii ay rabaan inaan bixiyo lacagti uu Faarax sooryada u dhiibay, diyaar ayaan ahay”.
Raage wuxuu soo maray guriga reer Daahir oo ay albaabka ku kulmeen Deeqa Aabbaheed, markuu salaamay oo uu u sheegay muraadkiisa iyo waxa ka dhexeeya asaga iyo Deeqa, ayuu Aabe Daahir ku yiri: “gabadheyda ayaa iiga kaa sheekeysay, inaad gurmadka ku jirtaan iyo inaad isku meel tihiin” wuxuu u raaciyay: “soo dhaaf adeer, waxaan filaa inay Deeqa joogtee” waxay wada galeen gurigi, kadibna wuxuu Raage ugu tegay Dd ayadoo fadhida qolka fadhiga, markuu salka dhigay ayay waydiisay: “Rr ma kuu sheegay Dooli inuu u baahan yahay malxiis iyo malxiisad?” Raage oo garan waayay aroos dhuumasha ah, sida looga baahan yahay malxiis iyo malxiisad ayaa yiri: “see malxiis iyo malxiisad loogu baahan yahay?” Deeqa oo u qaadatay inuu Dooli ka baxay inay malxiis u noqdaan ayaa tiri: “dhib maleh, haddii uu u baahneyn, laakiin inta aadan noo imaan ayuu igu yiri: (malxiisad ii noqo)” kadib ayuu Raage u sheegay, arooska iyo sida uu yahay, Deeqa ayaa tiri: “gabar reerkeeda nin ka soo raacayso miyaa jirta?” Raage ayaa yiri: “way jiri kartaa, laakiin aniga khalad ayaan u arkaa” Deeqa ayaa tiri: “adiga gabar reerkeeda kuu diidan yahay ma guursaneysid miyaa?” Raage intuu madaxa qabsaday ayuu yiri: “inay reerkeeda raali iiga yihiin ayaan ka jecelahay, laakiin haddii ay ii diidan yihiin ma aqaan waxaan sameyn doono” Deeqa ayaa tiri: “haddii ay gabadhu ku jeceshahay, waxaa fiican inaad ku raacdo waxa dantu ka badin waydo” Raage ayaa yiri: “jaceylka ayaa wax walba ka weyn” wuxuu u sii raaciyay: “wuxuu Dooli nooga baahan yahay habeen dambe inaan soo dhaweyno asaga iyo xaaskiisa, sidaa daraadeed waxaan kuu imaanaa maqribki” sidaa ayay ku ballameen.
Raage markuu gaariga uga degay Ceel Gaab, ayuu maqlay gabar ka soo daba qeylineysa, markuu salaamay ayay Yaasmiin ku tiri: “Mr.Rr may xusuutaa? mise waxaad igu illoowday wakhtigi yaraa ee aan kala maqneyn?” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin, weli kuma illoobin” is wareysi kadib ayay Yaasmiin waydiisay xiriirka asaga iyo Deeqa, Raage ayaa ku yiri: “saaxiibtaa waxay leedahay hadda ma gaari karo go’aan mustaqbal” Raage wuxuu islahaa Yaasmiin u sheeg waxa jira, si ay saaxiibteed ula taliso, balse Yaasmiin oo ku faraxsan go’aan la’aanta labadooda ayaa tiri: “Raage xagee degan tahay?” markuu u sheegay xaafadiisa, ayay ka codsatay inuu soo baro, Raage oo yaaban ayaa xaafadiisa u kaxeeyay Yaasmiin.
19.
Raage hooyadiis markay aragtay gabadha kale ee la socota wiilkeeda, gabadhaas oo aan aheyn tii hore ula timid ayay niyada iska tiri: (wiilkaagu ciyaala suuq miyuu noqday?) Raage markii uu Yaasmiin fadhiisyay qolka fadhiga ayuu hooyadiis u yimid, markaa ayay hooyadiis waydiisay waxa ay tahay gabadhaan, Raage ayaa ku yiri: “hooyo, Xalane ayaan isku baranay, magaceedu waa Yaasmiin, waxaana lagu qoray Ciidanka Asluubta” hooyo Khadiija ayaa tiri: “sidaa kuuma waydiin, laakiin wiilasha fiican waxaa lagu arkaa hal gabar, ciyaala suuqana kuwa badan” Raage intuu qoslay ayuu yiri: “hooyo, barasho wax dhaafsan ma jiraan” hooyo Khadiija ayaa tiri: “waan gartay, balse dadka deriska ah oo arkaaya gabdhaha kula socda, waxba kama oga barashada aan wax kale la jirin”.
Raage oo sida tarmuus shaaha ayaa fadhiga ugu tegay Yaasmiin, wuxuu qolka galay ayadoo gacanta ku haysa sawiradiisa oo ay ka soo saartay albumkii uu Deeqa uga saaray sawirka, wuxuu Raage albumka ku illoobay miiska fadhiga, markaa Yaasmiin ayaa ku tiri: “midka aan rabo maka qaataa, sawiradaada?” Raage oo maya ka xishooday inuu dhaho ayaa yiri: “Deeqa ayaan xabad uga saaray maanta, waxaana ku illoobay miiska dushiisa, adigana midki aad rabto kala bax” Yaasmiin ayaa tiri: “Deeqa ma sawir ayay kaa qaadatay?” Raage ayaa yiri: “anigana keeda ayay i soo siisay” Yaasmiin intay qososhay ayay tiri: “waan gartay, laakiin marki hore waxaan mooday inaan wax idinka dhexeynin, markaa ayaan isiri yuu Rr ku dhaafin” Raage oo xishooday ayaa yiri: “saaxiibtaa ma kuu sheegin miyaa?” Yaasmiin ayaa tiri: “marki iigu dambeysay waxaan ku kala tagnay inay ku xajisato, haddii kalana ay booska ii baneyso” Yaasmiin intay qososhay ayay sii raacisay: “Rr, ma rabo booska saaxiibteey Dd, laakiin waxaad iga ballan qaadaa inaan keyd u ahaado oo haddii aad isfahmi waydaan, inaad iga ogolaato inaan sheekeysano, si aad ii barato anigana aan kuu barto” Raage oo hadli raba ayay Yaasmiin tiri: “weliba waxay Deeqa ii sheegtay inaad ogtahay inaan ku jecelahay, sidaa daraadeed ayaan u rabaa inaan sawirkaaga u qaato” Raage oo wuxuu ku hadlo garan la’ ayay Yaasmiin uga sheekeysay saaka inay rabtay inay wasaarada kula kulanto labadooda ama midkood, laakiin nasiib xumo inay wayday, halkaana ay joogtay ilaa ay maqribkaan ka soo tegay, nasiibna ay iskula kulmeen iyo inay ku faraxsan tahay barashada gurigiisa ay baratay, Raage markuu arkay sida aanu ka fileynin oo ay Yaasmiin u hadleyso, ayuu ku yiri: “waxaan islahaa Deeqa iyo Yaasmiin waa laba gabdhood oo saaxiib ah, Yaasmiina way ogtahay waxa Deeqa idinka dhexeeya, balse ma fileyn inuu run yahay Deeqa warki ay ii sheegi jirtay oo ahaa (Yaasmiin ayaa ku jecel) laakiin hadda ayaan ogaaday inuu warkaas jiray” Raage intuu cabbaar aamusay ayuu yiri: “haddii aad berigaas ii sheegi laheyd waxbay ahaan laheyd, laakiin hadda waan ka xumahay inaan muraadkaaga ku dhihi karin haa, waayoo ma aqaan haddii aan Deeqa waayo inaan gabar kale xiriir la yeelanaayo iyo in kale” Yaasmiin ayaa tiri: “sida aad mooday maaha, waayoo anigaba waan jecelahay inaad Dd hesho, laakiin haddii aad kala tagtaan, ayaan ku leeyahay fursad aan kaa helo, xataa haddii aad guur dabadii Deeqa kala tagtaan, diyaar ayaan kuu ahay” markaa ayay Yaasmiin fadhigi ka istaagtay, Raagana wuu soo raacay, waxay Yaasmiin gacanta ku sidatay sawirki Rr, markuu soo dhaweeyay oo ay yimaadeen halki ay gaariga ka raaci laheyd, ayay Raage ku tiri: “ha u sheegin Deeqa inaan is aragnay, waxaadna ogaataa inaan keyd kuu ahay, xataa haddii aan dib dambe nolosha kuugu arkin, middaa xasuusnoow oo yuu qalbigaaga ka bixin” Yaasmiin marki ay gaariga raacday ayuu Raage ka soo dhaqaaqay boosteejadi barxada Yaasiin.
Adigoo harsan waayay ma laguu soo hoyday ayay xaajadi ku noqotay Raage, wuxuu is yiri: (haddii ay run tahay inay Yaasmiin ku jeceshahay, maxay fursada u siineysaa Deeqa?) kadibna warkeeda wuxuu ka soo qaaday inuu been yahay.
20.
Habeenki arooska waxay Raage iyo Deeqa taagnaayeen, albaabka guriga laga soo galo, Raage wuxuu soo qaatay suud madoow ah, waxaana u xirnaa garafaati gaduud iyo buluug isku jira ah, galabtaas ayuu timaha soo jartay, wuxuuna madaxa soo marsaday saliida loo yaqaano (Barillantina Linetti) oo tumaha dhalaalineysa, wuxuu isku soo buufiyay barafuun loo yaqaano (Whisper) oo ah (Xanta) waayoo qofki soo marsada, waxaa lagu xantaa inuu barafuun soo marsaday, sidaa ayaana magaca loogu bixiyay, si kale uma taqaanide, wuxuu Raage u soo labistay si aan caadi aheyn oo ah inuu u socdo aroos caadi ah oo kale, laakiin Deeqa dhar caadi ah ayay soo qaadatay, waxayna la yaabtay siduu Raage ugu soo labistay arooska qarsoodiga ah, intay u soo dhawaatay ayay ku tiri: “Raage, ma inaan si fiican u soo labisto ayay aheyd?” wuxuu ku yiri: “haddaba waad labisan tahaye, ma wax kalaa kuu dhinaa?” Deeqa ayaa tiri: “adiga iyo saaxiibkaa meesha waa igu gaadeen, waayoo waxaad u soo labistay sidi aroos caadi ah oo kale” Raage ayaa yiri: “aroos yaraan ma galo, ninkana waa saaxiibkeey” Deeqa ayaa waydiisay: “soow aniga saaxiib kulama ihi?” Raage ayaa yiri: “haa, laakiin isku dugsi miyaan aheyn” Deeqa ayaa tiri: “aniga waxaan isku dugsi quraan aheyn saaxiibteey Yaasmiin, waana kuu sheegay inay ku jeceshahay oo kaama qarin, laakiin adiga wixi aad Dooli is dhahdeen iima aad sheegin” Raage wuxuu soo fiiriyay Deeqa markaa ayay Deeqa tiri: “maxaad iga soo fiirisay? ma inaan been sheegaayo ayaad mooday?” wuxuu ku yiri: “Yaasmiin isku xaafad miyaad aheydeen?” Deeqa ayaa tiri: “aniga, gurigaan aan deganahay ayaan ku dhashay, welina waa deganahay, laakiin waxaan kaa rabaa, yaa kuu sheegay inay xaafadeena Yaasmiin ka guurtay?” Raage ayaa yiri: “oo sidee ah!” Deeqa oo hadalkeeda sharaxaysa ayaa tiri: “marka aad i waydiineyso: Yaasmiin in aan isku xaafad aheyn, waxaad u egtahay qof ogaa inay xaafada deganeyd, haddana og inay ka guurtay, lagana yaabo inuu ogyahay halka ay degan tahay” waxay u raacisay: “soow saa maaha?”.
Waxaa soo muuqday gaarigi siday arooska iyo aroosada, markaa ayuu Raage yiri: “arooski ayaa soo socda ee sheekadaan dib noogu dhig” Deeqa maqane jooga ayay aheyd inti la soo dhaweeynaayay Dooli iyo Caasha, ayadoo aan la gaarin inay dadku baxaan ayay Deeqa gacanta kaga soo dhegtay Raage, waxayna soo bexeen ayadoo la leeyahay sharaabki ayaa dhiman, marki ay ka soo dhaqaaqeen guriga Dooli ilaa inti ay u soo socdeen gurigeeda, ayuu Raage u sheegay inuu Yaasmiin la kulmay, Deeqa ayaa ku tiri: “maxaad tiri, xaafada ayay ii raacday aa, Raage qof la aamini karo ma tihid, waayoo waa kuu sheegay inay gabadhaas ku jeceshahay” Raage oo hadalki ka dhex galay ayaa yiri: “ayadaba inay i jeceshahay waa ii sheegtay shalay galab, laakiin waxaan ku iri igama aad sugin, waxaan u sheegay inaan boos u haynin” Deeqa ayaa waydiisay: “qolka fadhiga miyay kula fadhiistay?” Raage ayaa ugu jawaabay: “waxaan fadhiga ugu galay ayadoo albumkeeyga kala baxday sawir” Deeqa ayaa la soo booday; “oo weliba sawirkaaga miyaad siisay!” Raage wuxuu la yaabay Deeqa iyo isbedelka ku dhacay, wuxuuna garowsaday inay u fiicneyd inuu qaato taladi Yaasmiin oo aheyd, Deeqa ha u sheegin inaan is aragnay, asagana wuxuu islahaa wax runta ka roon ma jiraan, ileyn haddii uu been sheego, wuxuu ka baqay inay Yaasmiin beentiisa kashifto iyo inay uga dan leedahay isku dirka labadooda inay ka faa’iideysato, haddii uu inkirana uu markhaati u noqdo sawirka ay ka qaadatay, wuxuu Deeqa ku yiri: “Dd, maxaad dhib uga dhigeysaa qof aan kuu sheegay waxa aan ku iri? aniga waad ogtahay inaan ku jecelahay, gabar kalana inaan fiirineyn” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “Raage waa kugu ciyaaraayay, waan ogahay, haddii aan damco inay Yaasmiin igala kaa wareegi karin” Raage oo cabsi qabay ayaa haddana Deeqa la yaabay, wuxuu ku yiri: “haddii aad igu ciyaareysay, maxaad cabitaanka arooska nooga soo waday, ileyn inaan farxadda la qeybsano arooska iyo aroosada ayay jeclaayeene?” Deeqa ayaa tiri: “soow maadan maqal aroos laguma raago, lagamana raago”.
Deeqa boor ayay isku qarisay, markuu Raage ku yiri (waad ogtahay inaan ku jecelahay) markaa ayay isbedeshay oo caadi iska dhigtay, waxay is dhahday Raage yaanu ku ogaanin inaad Yaasmiin ka maseyrtay, maahine waxay rabtay inay ku tiraahdo (Raage ka har gabadhaa, hana la hadlin haddii aad jidka ku aragto) iyo (sawirkaaga ka soo qaado), inkastoo ay Deeqa caadi iska dhigtay, haddana waxay ka sabri la’dahay sawirkiisa ay Yaasmiin haysato, waxayna rabaa dariiq sawirka looga soo qaado Yaasmiin.
La soco qeybaha dambe.