Yaa Khaldan? Yaase Dulman? Q.126-130aad W/Q. Ahmed Hayow

Yaa khaldan

Yaasmiin markay albaabka soo garaacday, waxaa ka furtay Layla, ayadoo aan waxba waydiin ayay gudaha gashay, Layla waxay ka carootay qaabka ay Yaasmiin guriga u soo gashay waxay ku tiri: “Yaasmiin sidee xaalku kaa yahay?” Yaasmiin ayadoo aan u jawaabin ayay Raage wacday, markuu soo baxayna waxay la aaday guriga bannaankiisa, Layla wax hadal ah kama soo bixin, waxay taagneyd guriga albaabkiisa ayadoo fiirineysa Raage iyo Yaasmiin oo ku doodaaya meel aan sidaa uga fogeyn.
Yaasmiin ayaa Raage ku tiri: “waxaan kaa soo wacay telefoonkaagi, waxaana iga qabtay Cawil, marki aan ku waydiiyana wuxuu ii sheegay inaad ku jirtid farta walaashiis Layla, marki aan ku iri amruu ka soo dhacaana, wuxuu ii sheegay damaanada rikaatada ah, ay Deeqa igu qabsatay inay tahay mid jirta oo aan u maleeynaayo in Deeqa lagu cabsi geliyay, haddii ay diido in adiga lagula shukaansado in la kashifaayo beenti aad isku qabteen, taana ay keentay inay ogolaato Layla inay kula sheekeysato, sidaa daraadeed waxaan kuu sheegaayaa inaan aniga arrintaas wax lug ah ku laheyn iyo inaan marna ogolaaneyn Layla inay sidaa kugu hesho, xataa inay Deeqa kula guuraato raali kama ihi, waayoo wuxuu Cawil ii sheegay inuu ogoleyn inaad walaashiis la qabto Deeqa, sida muuqatana waxay rabaan inta ay Deeqa ku mashquulsan tahay xayaysiinta inaad guursato Layla, kadibna laga shaqeeyo sidi aad Deeqa isku seegi laheydeen” Raage ayaa yiri: “sheekada hadda ayay yeelatay albaab laga geli karo, waxaad i siisay furihi aan ku furan lahaa albaabkaas, inta kalana aad ayay iigu sahlan tahay inaan ka sal gaaro, midda kale telefoon gacanta lagu qaato ma baran, taa ayaana sabab u ah inaan uga soo tago meeshi aan gaariga ka saartay, Cawilna wuxuu gaariga u qaatay inuu kiisa ka haleysan yahay, inkastoo aanan Cawil iyo Layla ka helin war faahfaahsan, haddana wuxuu Cawil igu soo qaaday inaan Deeqa si run ah u furi karo, kadibna aan mid kale guursan karo, laakiin inay wadankaan mamnuuc ka tahay inaan laba naagood isla qabo, taana waxay markhaati u noqoneysaa hadalkiisa ah inuu raali ka aheyn inaan isla guuraado Deeqa iyo Layla” Yaasmiin ayaa tiri: “aniga xisaabta meelna ugama jiri miyaa?” Raage ayaa yiri: “adigu waxaa tahay qof raba inaan mid kale lala guursan, anigana waxaan ahay mid raba inuu hal naag guursado, marka soow lagama yaabo inaad halkaa xisaabta kaga jirto?” Yaasmiin ayaa tiri: “cabsi xoog leh ayaa igashay” Raage ayaa waydiiyay cabsida gashay, markaa ayay Yaasmiin tiri: “waxaan ka baqaa inay Layla kashifto arrinta aad dalka ku soo gasheen, kadibna dib leydinku celiyo Yaman” Raage ayaa yiri: “dhib malaha, waxaa laga yaabaa inuu kheyr ku jiro iyo inuu dalkeenu nabad noo noqdo oo aan xaafadaheeni ku laabano” Yaasmiin waxay ka shallaayday sababta ay ula dejisay Cawil iyo walaashiis, ayadoo markaa Raage u sheegtay inay islaheyd yaanay Deeqa ogaanin inaad asaga ku raad joogtid, laakiin aanay ku xisaabtamin inay arrintaasi marka dambe soo shaac bixi doonto, Raage ayaa yiri: “inti karaankaaga ah, waxaad sameysay dadaal fiican oo sax ah, waayoo haddii aad yeeli laheyd inaan toos kuula soo degno, waxaa dhici laheyd inaan aniga lafteyda kaa sii fogaan lahaa, laakiin abaalka aan kuu haayo wuxuu igu dhashay marki aan halkaan imid oo la ii sheegay inta aad noo qabatay, walow aan u arkaayay walaaltinimo, taasoo igu xambaartay inaan kaa soo ag dhawaano, ma i aamineysaa haddii aad iga hor timaado inaan salaanta kaa qaadi laheyn, haddii aanay walaalaheey igala kaa hadlin, xataa inti aan Yaman joogay haddii la ii sheegi lahaa inaad adiga wax walba ii qabaneyso waan diidi lahaa” Yaasmiin waxay aragtay meesha fog ay ka timid iyo halka ay hadda mareyso, markaa ayay tiri: “heerka aan kaa taagnaa iyo sida nafteydu kuugu baahan tahay waa kaaf iyo kala dheeri” Raage ayaa yiri: “weligaa ma aragtay qof wadnihiisu dhanka midigta ku jiro? wadnaheygu wuxuu ku jiraa dhanka midigta, marki laga soo tago Aabaheey iyo Hooyadeey, qofka labaad oo ogaada ayaad tahay, xataa walaalaheey ma oga” Yaasmiin ayaa waydiisay qofka kale oo og inuu wadnihiisu midigta ku jiro, Raage ayaa yiri: “waa umulisadi hooyadeey iga dhalisay, wixii ka dambeeysay weligeey  dhakhtar ma tegin, Alxamdulillaah waan caafimaad qabaa” Yaasmiin inay qososhay ayay tiri: “waa inaan wadnahaaga dhanka midig ka fiiriyaa ileyn dhanka bidix oo aan waxba ku oolin ayaan ku daalaayee” Raage inuu qoslay ayuu ku yiri: “berri ayaan kuu imaanaa oo adiga ayaan kula qadeeynaa, haddana waa la ii taagan yahay ee habeen wanaagsan” sidaa ayay Yaasmiin ku baxday.

127.
Layla waxay garatay in Raage ay waxyaabo badan isla soo qaadeen Yaasmiin iyo inuu ku qanciyay inay iska tagto, waxay dareentay isbedelka ka muuqday wada hadalkooda oo mar u muuqday inay doodaayaan, marna ay qoslaayaan iyo dareemka Yaasmiin siduu isu bedelaayay markuu Raage hadlaayo, sidaa daraadeed su’aashi ugu horeysay ay Raage waydiiso waxay noqotay: “Yaasmiin inay noqoto xaaskaaga seddaxaad miyay raali ku tahay?” Raage ayaa ugu jawaabay: “hal xaas ka badan ma rabo inaan yeesho” Layla ayaa waydiisay: “siday ku dheceysaa inaan aniga iyo Deeqa xaas kuu wada noqono?” Raage ayaa yiri: “inta aan ogahay idinka ayaa ku heshiiyay, laakiin aniga cid igala tashatay ma jirto, midda kale adigu raali maka tahay inaan Deeqa ama naag kale kula guursado!” Layla ayaa tiri: “maxaa sidaan kuu beddelay! soow adigi igu lahaa Deeqa ka soo dhammeyso inaad ila guursatid?” Raage ayaa ugu jawaabay: “majiro nin xaaskiisa u diraaya gabar kale inay ogolaansho ka soo hesho iyo naag ninkeeda u ogolaaneyso inay gabar kale la wadaagto, sidaa darteed waxaan iswaydiiyaa maxaa khaldan?” Layla ayaa tiri: “aniga waxa khaldan waxba igama gelin, balse go’aankeeygu wuxuu ahaa inaan adiga ku hanto haddii iyo haddii ay Deeqa ogoshahay ama diidan tahay, midda kale ma rabo inaad qof kale ila wadaagtid oo ma jecleyn inay Deeqa iiga kaa dambeeyso, wakhtigaana xilligeedi lama joogo” Raage ayaa yiri: “haddii ay Deeqa ogaan laheyd inaad rabin inay minyaro kuu noqoto, ma u maleynee inay ii kaa fasixi laheyd?” Layla ayaa tiri: “haa, sababtoo ah waxaan ku ballanay inaan kugu tartano, taana waxay ka dhigan tahay qofki kugu guuleysta inuu kaligii ku leeyahay” Raage ayaa waydiiyay: “maxay tahay sababta ay Deeqa ku ogolaatay arrintaas?” Layla ayaa tiri: “ma aqaano malaha waxay ka baqday hadal aan kula kaftamay” Raage ayaa waydiiyay hadalka ay kula kaftantay, markaa ayay Layla u sheegtay inuu ahaa inay sirtooda kashifeyso, markaa ayuu yiri: “wanaagi uu walaalkaa noo sameeyay, miyaad rabtaan inaad nagu gumeysataan oo wixi aad rabtaan nooga heshaan? haddii kalana nalaku celiyo halki aan ka nimid!” Layla ayaa tiri: “Raage waan iska dhahay hadalkaas, mana rabo in la iga kaa celiyo, laakiin uma haysan inay Deeqa run u qaadaneyso hadalkaa, haddiise ay sidaa iigu kaa fasaxday, anigu naag kale kuuguma fasexeen waxaas iyo wax lamid ah” waxay sii raacisay: “hadda waxaas oo dhan ka soo tag, waxaan ahay gabar yar oo ku jecel, haddii ay ku waydana aan aqoon sida mustaqbalkeedu noqon doono, waxaan kaa baryaa inaad badbaadiso nafteyda iyo mustaqbalkeeyga dambe” Raage ayaa ku yiri: “walaalkaa ii wac” Layla ayaa tiri: “inaad iga tagto miyaad rabtaa?” Raage ayaa ugu jawaabay: “telefoonkeeyga ayaan ka rabaa” markaa ayay Cawil wacday si uu xaafadda u soo aado.
Deeqa waxay gashay sitimaanki ugu mashquulka badnaa, laba maalmood waxaa la siiyay tabar, kadibna waxaa billowday barnaamijki bandhiga oo habeenki sabtida soo geleysay ayaa lagu qabtay Los Angeles, waxaana live looga soo daawaday Tv-yada Mareykanka, Deeqa habeenkaas waxay saalada soo martay in ka badan 40 jeer oo ay soo xiratay dhar kala nuuc ah, mar kasta ay saalada ka soo muuqato waxaa lala raacaayay kaamirada, ayadoo la leeyahay: (Dd gabadhi quruxda badneyd ee geeska Afrika oo xayaysiineysa dhar uu tolay farsamayaqaanki caanka ahaa Mr. Marcus) habeenkaa waxaa si aad ah u gadmeen dharki ay Deeqa xayaysiisay, weliba waxay jebisay rikoorki xayaysiinta iyo iibsigi hal habeen dhaca oo  noqday habeenkaa, waxay Deeqa la yaabtay farxadda ka dhacday iyo siday u boodboodeen Marcus iyo Tom, waxay habeenkaas ku dhufteen lacag hal billion ku dhow, sidaa daraadeed waxay istuseen inay aad u ilaashadaan ukuntaan qaaliga ah si intay dhulka ku dhacdo aanay sahal ugu jebin, Deeqana way daashay, sababta oo ah waxay socotay socod aanay weligeed socon oo lays walaaqaayo, waxay gashatay kabo aanay weligeed gashan oo ay ka baqday inay ku kufto, haddana ay isgiijineysay, waayoo lama ogola in hoos la fiiriyo, waxaa loo baahan yahay in dadka kor loo fiiriyo ayadoo la ilka caddeeynaayo, markay gudaha ku laabato waxaa laga soo tirtiraayay dhididka, waxaa loo soo gelinaayay dhar kale, haddana way soo wareegeysay, fadhi ma jiro, sidaa daraadeed daal ayay tacbaan la tahay, berri subaxna waxay u socdaan San Francisco.

128.
Cawil markuu soo laabtay ayay Layla waydiisay telefoonki Raage, wuxuu ku yiri: “wuxuu yaalaa halki uu Raage uga soo tegay” markaa ayuu Raage ka qaatay furihi baabuurka, Layla waxay islaheyd telefoonka ayuu la soo baxaa, Cawilna wuxuu islahaa kaligii gaariga ma wedi karo, laakiin Raage wuxuu watay gaarigiisi, wuxuuna aaday guriga Yaasmiin oo ay la joogto gabar saaxiibteed ah oo la yiraahdo Siraad, waa gabadhi uga baxday heshiiski ay ku heshiiyeen inay Raage uga soo wado Yaman, ayadana ay walaalkeed uga keento Kenya, waxay Yaasmiin ugu timid inay u sheegto gabadhi ay ku ballameen inay ninkeeda u keento, ayadana walaalkeed u keento inay ayadu ka soo baxday ballanteedi, laakiin aan walaalkeed loo keenin, ilaa intaana la meermeerinaayay, waxay Yaasmiin ugu timid inay kala taliso sidi ay yeeli laheyd, Yaasmiin ayaa ku tiri: “waxaad ka qaadataa lacagta dadka lagu keeno, markaana waxaad boos ugu gaddaa walaalkaa” Siraad ayaa tiri: “lacag xataa iima ogolo, ayadana hadda waa walac, ninkana wuxuu ku qoran yahay inuu aniga iqabo, bal amuurtaas ka sheekee, xataa way sugi waysay inta aan iska furno” markaa ayuu albaabka soo garaacay Raage, waxaa ka furtay Yaasmiin oo ku faraxday inuu soo laabtay, marki lays baray Siraad, ayuu qolkiisa iska galay, Raage wuxuu rabay inuu helo nambarka Deeqa si uu ugala hadlo arrinta Cawil iyo walaashiis, sidaa daraadeed markuu wax yar qolka ku jiray ayuu soo xasuustay warqad ay Deeqa ku qortay nambarka telefoonka oo gurigeeda jirta, markaa ayuu degdeg u soo baxay, balse markuu bixi lahaa ayay Yaasmiin celisay waxayna ku tiri: “meesha aad aadeyso aniga ayaa kuu raacaayo ee isug inta aan Siraad kala faaruqeyno” isla markiiba Siraad ayaa fadhiga ka kacday oo Yaasmiin ku tiri: “dhib maleh anigaa berri galab kuu imaanaayo” Yaasmiin ayaa kula dardaarantay: “Siraad waxba ha sameyn ilaa aan isla ogaano” Siraadna ayadoo sii bexeysa ayay ka ogolaatay.
Yaasmiin waxay hore ka soo raacday gaarigi Rolls royce ka ahaa, waxayna soo wada aadeen gurigi Deeqa Daahir, boolis ayaa istaajiyay inti ay guriga u sii socdeen, waxaa laga qaaday teesarayaashi (ID cards) wax yar kadib ayaa loo soo celiyay, waxaana Raage lagu yiri: “gaariga kaligaa ha isku wadan ilaa qof ruqsad wadid haysta uu hore kaaga fadhiyo” wuxuu Raage ka shakiyay in booliska loo soo sheegay inuu kaligii gaariga wato, inkastoo uu u qaatay shaki oo kali ah, haddana wuxuu isku baraarujiyay inuu ka digtoonaado meelaha uu ka shaki qabo, markay guriga yimaadeen ayuu nambarki wacay, waxaa ka qabtay Tom oo haayay telefoonka Deeqa, ileyn nambarkeeda looma ogola inuu qof kale helo, Deeqana waxay ku mashquulsan tahay xayaysiin, Raage wuxuu isyiri armaad nambar khaldan garaacday, markaa ayuu yiri: “sorry” intuu demiyay ayuu mar kale ku celiyay, haddana waxaa ka qabtay Tom oo markaan ku yiri: “yaad rabtay?” Raage ayaa isu sheegay oo ku yiri: “waxaan rabay Deeqa, waxaan ahay odaygeedi Raage” Tom oo aad u faraxsan ayaa Raage ku yiri: “Deeqa caawa waxay soo hoysay guul weyn, waxaana jeclaa inaad caawa nala wadaagto farxadda guusha Dd, laakiin goor dhow ayay ka soo bexeysaa bandhiga oo hadda ayuu dhammaaday” Raage ayaa yiri: “nambarkaan ha iga soo wacdo” markay Deeqa u timid Tom wuxuu ku sigtay inuu kor u qaado, ayadana waxay aragtay siduu ugu faraxsanahay yahay guusha ay gaartay, markay soo raaceen gaarigi limousineka ahaa, ayuu u sheegay fariinti Raage u faray, kadib ayuu waydiiyay cidda iska leh nambarka uu Raage yiri ha iga soo wacdo, Hani oo caawa loo keenay inay u tarjumto ayaa Tom u sheegtay inay ogeyn cidda iska leh, laakiin ay ogaan doonto, wuxuu Tom ku yiri: “ninkaaga markuu ila hadlaayay, waxaan dareensanaa inuu qof kale la joogay, telefoonkaagana uma ogolin cid kale inay taqaano, sidaa daraadeed nambarka waan kaa beddeleynaa marki aad la hadasho” Kamaal waxba wuu ka keeni waayay Deeqa, ayadana waxay dalbatay in Hani loo soo celiyo, sababtaas ayaa loogu keenay Hani, marki ay casheeyeen ayaa hotelka loo qaaday.
Qolkeedi markay timid ayay telefoonki wacday, Raage iyo Yaasmiin oo ka sheekeeysanaaya arrimihi Siraad ayay Deeqa soo wacday, markuu ka qabtay waxay waydiisay: “Raage yaa guriga kula jooga?” Raage ayaa yiri: “telefoonkaaga maxaa Tom u dhiibay?” Deeqa ayaa tiri: “taas waa shaqadeyda ee adiga Layla miyaa saacadaan kula joogta? mise qof kalaa kula joogta? midda kale muxuu yahay telefoonka aad iga soo wacday?” Raage wuxuu ku yiri: “waa amaro igu cusub koow dheh, waxaan ka wada hadleynaa marki aad soo laabato, haddana habeen wanaagsan” ayadoo hadli rabta ayuu telefoonka ku demiyay, Deeqa ayaa ku soo celisay, markuu ka qabtay ayay ku tiri: “maxaad telefoonka iiga demisay?” wuxuu ku yiri: “hadda waa goordambe ee iska seexo, waa inoo mar kale haddii aad rabto inaan telefoon ku wada hadalno” Deeqa ayaa tiri: “nambarkaan berri waa la beddelaa” Raage ayaa yiri: “midkaan meel ku qoro, asaga ayaan la bedeleynin oo aniga ayaa iska leh” Deeqa ayaa tiri: “waa hagaag, haddii aad adiga leedahay, markaana keeyga lama beddelaayo, laakiin waxaa muhiim ah in la ogaado qofka kula jooga, ii sheeg yaa waaye?” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin ayaa ila joogto” Deeqa madaxa ayaa lagu dhuftay, intay Yaasmiin caaysay ayay Raage ku tiri: “naagtaas guriga iiga saar” Raage ayaa yiri: “isku xishoo, waa ceeb inaad hadaladaa ku hadasho” Deeqa ayaa tiri: “Yaasmiin gurigeeyga inay soo gasho uma ogoli” Raage ayaa yiri: “Layla inay soo gasho waad u ogoshahay soow maaha?” Deeqa ayaa tiri: “Layla waa gabar yar, ayada ayaana kaaga kalsoonahay Yaasmiin” Raage ayaa yiri: “Layla waxay rabtaa inaan kula guursado, laakiin Yaasmiin ma rabto inaan kula guursado” Deeqa oo qeylineysa ayaa tiri: “Layla waan u ogolahay, waxaana rabaa inay wehel kuu sii ahaato labada sano” Raage intuu indhaha isku qabsaday ayuu telefoonki dhulka ku dhuftay, wuxuu kala noqday laba cad.

129.
Markuu Raage soo laaban waayay ayay Layla fahamtay inuu ka carooday, markaa ayay walaalkeed u sheegtay inay Yaasmiin u timid, Cawil ayaa uga sheekeeyay hadaladi ay isdhaafsadeen asaga Yaasmiin, markii ay soo wacday telefoonka Raage, ayadoo ka xun sirta ka fakatay ayay walaalkeed ku tiri: “Raage markuu la soo hadlay Yaasmiin, wuxuu ii soo laabtay asagoo raba inuu xaqiiqsado waxa ay u sheegtay, adiga ayaana kashifay qorshihi aan Deeqa ku cabsi geliyay ee hadda maxaan sameynaa?” Cawil ayaa yiri: “aniga qof Deeqa iiga reebta Raage ayaan rabaa, haddii aad awoodi karin Yaasmiin ayaan howshaas u adeegsanaa” Layla way kari wayday inay walaalkeed ku tiraahdo: (anigana waxaan rabaa nin Deeqa iiga reeba Raage, waxaana howshaas u adeegsanaa Kamaal) laakiin waxay ku tiri: “anigaa mar kale isku dayaayo inaan Raage kaaga reebo, laakiin adiga markaan iga qabo Yaasmiin ileyn Deeqa way maqan tahay, haddii ay timaadana mar kasta way safreysaa, balse waxaan meelna aadaynin waa Yaasmiin” Cawil ayaa yiri: “Susan inti aan isbaran ka hor ayaan Yaasmiin ka helay, marki aan u sheegay waxay hadal iiga billowday: (hays daalin, waayoo nafteedu ruux aan la ogeyn inuu noolyahay iyo inuu dhintay ayay jeceshahay) sidaan u daba socday ayaan ka quustay, aniga oo kaliya maaha ragga ka quustay oo way badan yihiin, haddana ma rabo inaan sheekadaas ku soo qaado, waayoo waxay ogaatay xiriirki Susan iyo halkuu gaaray, balse waan awoodaa inaan ku qalqaaliyo Raage oo aan sirteeda la socdo” Layla oo niyad jabsan ayay Deeqa soo wacday, ayadoo ka quusatay telefoonki Raage, waxay ku tiri: “Layla waxaan kaa rabaa inaad Raage nooga celiso Yaasmiin oo hadda gurigeeyga la joogta” Layla ayaa tiri: “yaa maxaad tiri, Yaasmiin miyaa gurigaaga la joogta Raage?” Deeqa ayaa tiri: “hadda intaad baxdo tag guriga, waxaadna u sheegtaa Yaasmiin inay gurigeeyga dib dambe u soo gelin, waxaad ii soo wacdaa daqiiqad daqiiqad, Raagana iigu dhiib telefoonkaaga”.
Layla waxay soo qaadatay gaarigi walaalkeed, markay gurigi timidna waxay aragtay gaarigi Raage oo aan aalin, markaa ayay aaday guriga Yaasmiin, waxay aragtay inay joogaan, markay albaabka u garaacday waxaa ka furay Raage oo sugaayay inay Layla imaaneyso, wuxuu ku yiri: “soo gal gudaha” markay soo gashay waxay fadhiga ugu tageen Yaasmiin oo careysan, Raagana uu markaa maslaxeynaayay, waxay Yaasmiin ka xumaatay telefoonka uu jebiyay, waxayna Raage kula doodeysay: (maxaad telefoonka u jebisay adigoo qofka la hadli kara, kuna dhihi kara waxaas raali kama ihi!) Raagana wuxuu cudurdaar ka dhiganaayay inay caro ka tan badisay, markay soo fadhiifteen ayay Yaasmiin damacday inay u firaaqeyso, laakiin Raage ayaa ka diiday oo ku yiri: “Yaaska fadhiiso, wax lagaa qarinaayo meesha ma yaalaane” Layla oo aragtay inuu qorsheheedi gaarka ahaa soconeynin ayaa u sheegtay inay Deeqa soo wacday iyo waxa ay ku soo tiri, Yaasmiin oo wakhti yar ka hor ka careysneyd siduu Raage ula dhaqmay ayaa tiri: “Deeqa u sheeg inaan gurigeeda dib dambe aanan u geleynin, laakiin uu kaygu u furan yahay” sheekada halkaa markay mareyso ayaa lays fiiriyay ileyn qorsha kale oo laga wada hadlo ma furna, farriinti ay Layla keentana wuu dhammaaday, markaa ayay Yaasmiin iska aaday qolkeeda.
Layla waxay telefoonki uga soo tagtay gaariga ay wadatay, Deeqana waxay telefoon uga sugeysay daqiiqad daqiiqad inay wax walba ula soo socodsiiso, waxayna soo wacday in badan, kadib ayadoo careysan ayay soo wacday booliska New York, si ay gurigeeda u tagaan ayna u soo ogaadaan xaalada uu ninkeedu ku sugan yahay, waxay booliska u sheegtay inay gabar la yiraahdo Yaasmiin ay ninkeeda la joogto iyo inay gabadhaas guriga uga saaraan ayna dib dambe gurigeeda u soo gelin, habaankaas wuxuu Deeqa u ahaa, kii ugu xumaa ee soo mara, ayada oo daalan ayay haddana dhex gashay buuq iyo qeylo, carada wejigeeda ka muuqata waxaad moodaa in kob dacas ah looga garaacay, waayoo wejigeedu ciil iyo caro ayuu la gaduutay, mana seexan habeenkaas oo dhan.
Layla iyo Raage markay isku soo hareen ayay Layla waydiisay: “ma fiirisay warqadaadi bakhtiyaa nasiibka?” Raage ayaa yiri: “maya ma fiirin oo jeebka shaarki aan geliyay kama soo saarin” Layla ayaa tiri: “lacagti waa la helay, waxaana la sheegay in New York laga helay, laakiin aan weli la haaynin qofki ku guuleystay” Raage wuu ku guuleystay lacagtaas, balse nasiib daro waxaa warqadi lagu dhaqay shaarki uu watay, Maana ayaa qasaalada la gelisay shaarki, kadibna ayadoo googo’day ayay qashinka ku dartay, Layla waxay guda gashay arrimaheedi gaarka u ahaa, markuu Raage ka diiday ayay baryo iyo raali gelin u gashay, asagana wuxuu ku yiri: “waan ka xumahay inaan waxba kuu qaban karin” markaa ayay Layla ku tiri: “waan ogahay inaad Deeqa jeceshahay, ayadana way ii kaa ogoshahay, marka waxaan kaa baryaa inaad igu labeysato, waxaana kuu ballan qaadaa inaan guriga ka adeego oo aan idiin buuxiyo booska ay Maana ku jirto”.

130.
Layla ayadoo niyad jabsan markay ka soo baxday guriga Yaasmiin, ayay aragtay inay Deeqa in badan soo wacday, ayadoo gaariga dhex fadhida ayuu soo dhacay telefoonki, markay qabatayna waxay Deeqa ka hor keentay cannaan iyo qeylo ayadoo leh: “naa maxaad telefoonka iigu qaban wayday?” Layla ayaa tiri: “maxaan telefoon kaa qabtaa, ninkeeni wuxuu la joogaa Yaasmiin, wuuna diiday inuu ka soo agtago” Deeqa markay intaa Layla u sheegtay ayay telefoonka ku demisay, waxayna soo wacday telefoonka Yaasmiin oo ay wax badan ka warwareeganeysay, Raage oo markaa qolkiisa galay ayaa maqlay telefoonka dhacaaya saqda dhexe, markuu qabtay oo uu gartay inay Deeqa tahay ayuu telefoonki ku demiyay, fiiladi ayuuna ka saaray si aan mar dambe loogu soo kicin, sariirtiisa markuu tegay ayuu feker galay, wuxuu go’aan ku gaaray inuu Mareykanka iskaga tago markay yimaadaan walaalkiis Xasan iyo Xaaskiisa iyo inuu berri woco walaalkiis Maxamed si uu wax uga waydiiyo xaalada gurigoodi iyo beer ay ku lahaayeen Warmaxan, markuu ogaado xaladahaasna uu dib ugu laabto halkaana nolol ka billaabo.
Deeqa waxay wacday Tom oo si degdeg ah ugu yimid hotelka asagoo hore u soo maray Hani oo hurdada laga toosiyay saq dhexe, markay Deeqa u yimaadeen waxay arkeen rafaadka iyo carada wejigeeda saaran, waxay u sheegtay dhibka ka haysta ninkeeda iyo inay rabto in loo kireeyo diyaarad khaas ah si ay arrintaas u soo xalliso kadibna ay degdeg ugu soo laabato, Tom ayaa yiri: “hadda waa koowdii habeenimo, mana heli karno diyaarad khaas ah, waayoo diyaaradaheeni khaaska ahaa waxay ku mashquulsan yihiin rarista badeedaha lagu iibin doono San Francisco, qorshaheenu wuxuu ahaa inaan adiga ku geeyno San Francisco siddeeda subaxnimo si aad iskugu diyaariso bandhiga, sharcigeena waxaa ku jirta in la kala saaro shaqada iyo arrimaha qeyska” wuxuu Tom sii raaciyay: “New York hadda waa afartii habeenimo, dhowr saacadood kadib ayaad waci kartaa inkastoo ay sitimaanka dhammaadkiisa tahay, haddii kale ninkaaga waxaan u dereynaa wakiil gaar ah oo arrimihiina kala soo hadla” Deeqa markay waxba u suura geli waayeen ayay iska qanacday, waxay Tom ku tiri: “cidna ha u dirin, laakiin i fasax maalinta ugu dambeeysa oo xaflada kambaniga la dhigi doono, waa maalinta isniinta si aan howlaheeyga u raacdo” Tom wuxuu yiri: “maalintaas ayadana waa maalin qadarin mudan, waa maalinta abaalmarinta shirkadda iyo shaqalaheeda oo aad adiga ugu muhimsan tahay, waa sanadguurada 24aad ee shirkada iyo maalinta dhalashadaada oo ku beegan maalintaas, waxaan ugu tala galnay inaan kuu dhigno xaflad dhalasho oo aan kaaga yaabsano adiga oo aan ogeyn, sidaa daraadeed inaad naga maqnaato kuma qurux badna, waxaana kaa codsanaa inaad nala joogto, annagoo jecel inaan kula wadaagno farxadda dhalashadaada” Deeqa way waysay muraadki ay laheyd, waxayna ku qasbanaatay inay maalintaana joogto.
Tom markuu Deeqa ka soo tegay ayuu wacday Kamaal oo ugu yimid coffee shop, wuxuu ku yiri: “muhiimada ay Deeqa noogu fadhido waad ogtahay, mana aha mid kaa qarsoon ula jeedada aan ka leenahay farxadeeda iyo raaligelinteeda, waayoo marabno inay cidla dareento, mana rabno inay jiraan waxay ka fekereyso ama nolosheeda ka maqan, waana taa sababta aan kuu iri ku dadaal Deeqa inay gacantaada soo gasho, laakiin waxaan ka xumahay inuu weli raad ku leeyahay ninkeeda aan ogoleyn shaqada ay noo hayso, waxaan adiga kuu siinay labada milyan waxay aheyd inaad Deeqa maqsuud nooga dhigtid, adiga oo tixgelinaaya wakhtiga aan u baahan nahay inay uur yeelanin, laakiin waxaan hadda ku khasbanahay inaan ninkeeda lacag uga iibsano muraadka aan leenahay, sidaa daraadeed waxaad aadaysaa New York, waxaadna heshiis laba milyan ah la soo geleysaa Mr. Rooble iyo inuu ka soo qeyb galo maalinta isniinta ah xafladda dhalashada xaaskiisa been beenta ah, haddii kale waxaad u sheegtaa inuu xaalku si kale isu beddeli doono” Kamaal oo ka baqay in lacagtiisa laga goosto ayaa yiri: “aniga waxaad ila gashay heshiis shan milyan ah, haddana waxaad iiga dhigtay laba milyan, hadda labadaas miyaad iiga baxday?” Tom wuxuu yiri: “heshiiskaaga kama bixin oo waa sidiisi, haddana heshiis kale oo ah inaad Raage soo gacan geliso ayaan kuu wadaa, haddii aad arrintaa soo dhammeysana waxaad heleysaa milyan oo dheeri ah, haddana waxaan kuu qoraa jeega Mr. Rooble”.

La soco qeybaha dambe.

SHEEKOOYIN