2020: Gugii FANKU gablamay!

Gugan 2020, dunida siyaabo kala duwan ayuu ugu summadan yahay, samayskiisa saameyn owgeed. Waxa ugu weyn ee lagu xusidoono laguna xusuusan waa cudurka faafa ee Koroona (Koofid19) oo qod walba gaaray, annaguna (Soomaali) aan ka mid noqonnay dalalka uu saameeyey, bulshadeennana u dhaawacay; dhug la’aan, dhaqmoxumo iyo dhigaal dhaymo la’aan.

Marka taa laga soo tago, welibana la raaciyo, in aan wax iska baddalin; amnixumadii, xasilloonidarradii, maamul marooqsigii, musuqii, hawl (shaqo) la’aantii, farsamoyaridii, warshado weyntood, faragelintii shisheeye, sokeeyihii isku sirnaa, haddana laga cabsi qabo, in doorashadii dadbaneed la dedo oo kororsi la karkarinayo.

Intaa oo silac nololeed iyo saxallo naanaabnimadood ah, haddana, gugan si kale ayuu saamayn fog noogu yeeshay oo dhimasho dhaayo ma lahane, waxay naga dishay hormuud iyo horseed bulsho, kuwoodii ugu sugnaa, ugu saamayn badnaa, uguna sarreeyey.

Gugan aan maraynno bartamihiisa, waxaa bulshada ka baxay afar macallin, afar hal-abuur, afar fannaan, afar farsamoyaqaan, afar suugaan saabeeye, afar bulsho daaddihiye, afar heeso habeeye, afar isku darsatay maskax curin iyo gacan farsameed: farshaxaneed.

Lix bil gudahood waxaa geeriyu gablamisay, fankii ewelba sii go’ayey ee gabaabsiga ahaa oo guntiisii, gurban garaacii, geblayntii iyo cod gariirintoodii hooballo geyigeenna heer sare ka gaarayey kaallin bulsheedka, ifintooda af iyo aqoon ummadeedna lagu boqray, ayaa heddoodu go’ay.

Waxa la yaabka leh ee malaha u baahan, in si gaar ah loo dhugto laguna baraarugo waa in afartuba kabanlayaal ahaayeen, haba kala heeso badnaadeen oo malaha muujinaysa la mid uun; kabankii ama cuudkii oo waayihii dambana ku yaraa fanka dhexdiisa, in uu si rasmi ah u sii libray, geerida afartan tiir debadood ama in uu waacusub u furmi doono oo kabankii dib u soo noolaan doono.

Kabanka keliya ma ahan ee laxaminta heesaha oo ah farshaxannimo kale oo leh kaallinteeda ayey afartuba wada lahaayeen oo kaban garaaca, laxaminta ay ku darsanayeen qaadista iyo codeynta heesaha.

Bulsho dabargo’eed wuxuu ka billowdaa, marka iyada oo kala daadsan, kalana didsan iskuna diran, kalana dilan uu ayaanku uga dheelo ayaahaooda dambe oo intii indheergarad, aqoonin, aqoolin iyo ogaal lagu tirinayey ay geeridu maalinba mid la dhuumato, iyada oo aysan jirin fac u diyaarsan gelidda booskooda iyo buuxinta kaalintooda, sidoo kalana aysan bulshdaa haysan xarumo, xalqado iyo xerooyin soo saara in u dhow ama u dhigma ee dhaqangeliya, dhawra oo dhiteeeya dhigaalkooda.

Daa’uud Cali Masxaf, (1950 – 24/01/2020)
Axmad Ismaaciil ‘Xudeydi’ (1928 – 07/04/2020)
Cumar Cabdulle ‘Shoolli’ (1940 – 15/04/2020)
Cabdi Tahliil Warsame (1952 – 05/06/2020)

Qof walba maalin leh; dhalasho iyo dhimasho u dhaxayso ama ku dheehan dheef iyo dhib. Waa wareeg, meerto iyo meegaar uu ku dhexjiro qofku, uuna sina uga baxayn, ugana fakanayn. Jirid iyo jarid ayaan u dhexeennaa rabid iyo ogaal la’aan. Imaatin iyo bixid ay ku laban tahay liibaan iyo lur is ku ligan ama ka la leexsan.

  • “Geeriyaay kadeedleey
  • Kurbo iyo xanuunleey
  • Kadab gooya halisaay
  • Kalgacayl yareeyaay
  • Kaadirrada dhammaysaay
  • Kooraha u rarataay
  • Kaymaha xabaalaha
  • Hadba kadin aguugaay
  • Hadba koox ka nixiyaay
  • In kastoo Kitaabkiyo
  • Eebbe kaatib kaa dhigay
  • Kashu way ku neceb tahay.
  • Kaallintaadu waa qarin
  • Kartidaadu waa duug
  • Kedin iyo dil weeyaan.
  • Gacal ka la fogeeyaay
  • Kalaxyada u sidataay
  • Kalxammada ka jabisaay
  • Hadba koona joogay
  • Hadba kaymo jeexaay
  • Kurayada ka nixiyaay
  • Gabdhahana kadlamiyaay
  • Hooyada karkariyaay.(1)” Bashiir M. Xersi

(1) meerisyo ka mid ah; maansadii: “Kaadir ‘Kadare’”. Halkan hoose ka dhugo:

Maansada: Kaadir “Ka dare”

Farriin: weli cudurka Koroona waa dambeeyaahe; isjir oo muuji feejignaan badan, ha noqon cudur gudbiye ama gudogashte.
Mahdin.

W/D: INA CUBTAN, Xarunta dhaqanka iyo suugaanta Shuuriye

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com
Daa’uud Cali Masxaf, (1950 – 24/01/2020)
Axmad Ismaaciil ‘Xudeydi’ (1928 – 07/04/2020)
Cumar Cabdulle ‘Shoolli’ (1940 – 15/04/2020)
Cabdi Tahliil Warsame (1952 – 05/06/2020)

Xarunta dhaqanka iyo suugaanta Shuuriye

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.