Noloshii Sareeda! Q2AAD

Waxa ay la wareegtay dhammaan shaqadii reerka. Subaxii waxa ay soo toostaa aroor hore si ay u aaddo Suuqa oo ay kasoo iibin jirtay qudaarta ay hooyadeed saarto miiska yar ee ay xaafadda ku iibiso. Sareeda, iyada oo gabar yar ah oo aan xoog badanna lahayn ayay soo xamaali jirtay qudaarta ay Suuqa ka keento maadaama aysan awoodin in ay gaari gacan ama qof kale oo xamaali ah usoo dhiibto lacagna ku siiso. Iyada oo ku fekeraysa in ganacsiga yar ee hooyadeed aan laga bixin karin lacag uu nin xamaali ahi qaato, ayaa waxa ay mar walba dusha kusoo xamaali jirtay qudaarta ay suuqa kasoo iibiso ee ay hooyo sii iibinayso.

Masaafo dheer ayay Sareeda yar lasoo lugayn jirtay qudaarta ay hooyadeed suuqa ugasoo qaadayso, balse wax kasta oo daal iyo diihaal ah oo ay ka dhaxashay taagganta adag ee ay u joogto, waxaa illowsiin jiray ififaalaha timaaddada oo mar walba wajigeeda ku dul xariiqi jiray calaamado bixinaya iftiin farxadeed oo ka keena dhoolla-cadayn aanay haysan xitaa kuwa nolosha tamashlaha ah markaas ku jira.

Mar dambe waxa ay shaqo nadaafad ah ka heshay Isbitaal ku yiillay meel u dhaw gurigooda, halkaas oo marka ay dugsiga ka timaaddo ka dib ay ka qaban jirtay howlaha dhul tirtiridda. Sidaas ayayna shaqadeeda maalmeed u qaybsanayd illaa ay ka dhammaysatay heerkeedii waxbarasho ee dugsiga dhexe.

Waxaa u furmay bog cusub oo nolosheedii waxbarasho quseeya. Waxa ay u baahatay in ay gasho dugsi sare si ay usii hormariso waxbarashadeeda. Hase yeeshee uma muuqan rajo ay ku gaari karto hankeedaas, maadaama aanay iyadu awoodin in ay iska bixiso lacagta dugsiga sare oo ka badnayd intii ay waxbarasho soo martay markaas ka hor. Reerkooduna ma ahayn kuwo ay awood dhaqaale ku tabayso si ay uga caawiyaan gaaritaanka yoolkeeda, waayo reerku iyagaaba galin ama laba galin uun wax cun jiray. Sidaa awgeed waxa ay go,aan ku gaartay in ay magaalada Muqdisho usoo wareegto, halkaas oo ay ku ogeed adeerkeed Faarax oo ganacsi ku lahaa suuqa Bakaaraha. Waxayna rajo ka qabtay in uu adeerkeed ka bixinayo lacagta Iskuulka.

Goor subax hore ah ayay gaari Bas ah kasoo raacday magalada Galkacyo oo usoo jihaysatay dhanka Muqdisho. Afar maalmood oo ay jidka kusoo jirtay ka dibna waxa ay si nabada kusoo gaartay Xamar.

Waxa ay kusoo dagtay xaafadda adeer Faarax, iyada oo ku faraxsan imaanshaha magaalada muqdisho oo aysan waligeed dhaaya saarin. Habeenkii markii uu adeerkeed soo hoyday ayuu u yeeray Sareeda si uu u weydiiyo waxa ay reerkoodii ugasoo tagtay oo magaaladan u timid, waxaana dhex martay sheekadan:-

Adeer Faarax: Ii warran gabadhaydi Sareeda, side tahay?

Sareeda: Nabad adeer, reerkii dhammaanna wuu nabad qabay.

Adeer Faarax: Haye. Bal war isii Sareeda, maxaad kasoo doontay magaaladan? Waana meel dhib badan oo lama qabsan kartide?

Sareeda: Adeer magaladan haddaad adigaba ku nooshahay anigana waan la qabsan karaa, umana immaan halkaan dheeldheel ee waxaan u imid in aan wax barto. Waxaana doonayaa in aan Dugsi sare billaabo oo aad adigana iga caawiso lacagta ku baxaysa waxbarashadaydaas.

Adeer Faarax: WAGAR! Naa waxbarashadaada ma ogiye orod oo quraanka iyo digriga baro. Adeer ma i maqlaysaa. Waxaan ku leeyahay“AQOON GABDHEED ALAAB DHAQID BAA U DAMBAYSA” . Mana aaminsani in gabadh lacag badan lagu khasaariyo oo Iskuulkeeda lagu daalo. Soco oo ciddii u noqo ee guriga iyo howshiisa gacan ka gayso. Intaas ayaa howl kuugu filan.    Maxay tahay waxbarashadan aad sheegayso? Subxaanallaahiye.

Sareeda wax hadal ah ayaa kasoo bixi waayay, sababtoo ah waxa ay adeerkeed ka maqashay ma ahayn mid ay ka filaysay. Iyada oo murugaysan oo wajigana hoos u foorarinaysa ayay ka kacday gambarkii ay kusoo fariisatay iyadoo faraxsan.

Caloolyoow iyo ciil daran ayaa noloshii Sareeda lasoo darsay waxa ayna isku canaanatay hadaad nasiib leedahay aabahaaba ma uusan dhinteen. Durba dib ayay u kacday oo iscanaanatay isna tustay reerkeedii iyo meesha ay ugasoo tagtay. Ma aysan ka niyad jabin hadafkeedii ahaa in ay dhammaysato waxbarashadii dugsiga sare. Hadalkii adeerkeedna waxa uu siiyay awood weyn, waayo waxa ay aaminsaneed in gabar wax baran karto, shaqeysan karto dadkana wax la qeybsan karto……

LA SOCO Q3AAD

W/Q: Fartuun Xassan Cagay

Gaalkacyo- Soomaaliya

Email: luulxl2@gmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/qaali.xasan.5?fref=ts 

 

SHEEKOOYIN