Shukaansi Shirib, Bille iyo Barni Q1AAD W/Q Cabdi Nuur Waddani

 

quotescover-JPG-19

Hasaawe Suugaaneed, Bille iyo Barni, W/Q Cabdi Nuur Waddani

Waa haasaawe suugaaneed u baxaya habdhaca Shiribka, waxaa is weydaarsanaya wiil iyo gabadh, ku kulmay meel ka dibna, haasaawe iyo ilaaqtan dhexmarey, bogasho wacan.

 

Bille

  • Barqa wanaag san baatilleey
  • Buufisku waa isoo baxshee,

Barni

  • Barqa la mida baashiyoow
  • Bahalna ways baheysatiin,

Bille

  • Bahal miyaa ninkuu boggee
  • Ku baadi goobay barniyeey?

Barni

  • Wax buufis raaca baashiyoow
  • Bahal jawaan oggaay bishaan,

Bille

  • Bar baar igaar ah barniyeey
  • Bidhaanta dumar waa u baad,

Barni

  • Bacleeli haay wixii birqaa
  • Bohol inaad gashuu badnaa,

Bille

  • Nin buka oo la baaniyaa
  • Berow u seexdo woow basiid,

Barni

  • Bellaa tehee bal ii banneey
  • Baxsad ari ahaa bexee,

Bille

  • Bishaaro aan is barannee
  • Bahdiinu horta waa berkee?

Barni

  • Baxuur igaar ah baashiyoow
  • Inuu I barto waaka baas,

Bille

  • Barasho waa bannaantehee
  • Haddaan ku boqray xow bukee?

Barni

  • Barasho waa bannaanteeee
  • Xaasoo badaaya baashiyow?

Bille

  • Boqor allaa og barniyeey
  • Inaan badshaasa woow badaa,

Barni

  • Baqaasu mowsan been ahayn
  • Burkaas ayeey degtaa bahdeey,

Bille

  • Been sheegi maaya baalaxoof
  • Bareerna woow gellaa baddaas,

Barni

  • Ma baqdidi waasa lays baraa
  • Waana baxaahe soo barii,

Bille

  • Bixidya ka hor soo barii
  • Balan ma qaaday aan bureeyn?

Barni

  • Billaahi waaye aan burreyn
  • Ee hayga baaqan baashiyoow,

Bille

  • Burtugle iyo been hawaas
  • Bugleey amey na buujisaa?

Barni

  • Budo ninkii tuntaa bogtee
  • Barkintu caawa kuu bannaan,

La soco qaybaha dambe  ee  taxanaha  Shukaansiga Shiribka.

W/Q Cabdi nuur Waddani.

SHEEKOOYIN