Anigoo roon bay I rogtey Q4AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

pizap.com14704152200801

Anigoo roon bay I rogtey Q4AAD

Mahad wuxuu maanta   baashaalkii iyo wareegii uu ku damaashadaayey deegaankiisa cusub, wuxuu ku soo bartey dhallinyaro cusub oo u dhalatey waddanka, wuxuu aad uga helay habka iyo hannaanka wanaagsan ee ay ula dhaqmeen siday ugu samafaleen una caawiyeen.Maalin laga joogo kulankii dhallinyarada Mahad dhawr maalmood ayaa wuxuu maalintii dambe maqlay, hadal ka baxaya qolkiisa bannaankiisa hadduuse bannaanka usoo baxay mise waa LORA iyo FRANK oo uu la socdo ninkii kaamka Masuulka ka ahaa, una soo tilmaamay qolka Mahad, Mahad oo markaas dharkiisii guri jooga iska sita ayay usoo galeen.

Soo dhaafa ayuu yidhi, markaasuu guri kala toosin iyo is hurguf galay, waa qol Sariir isa saar ahi taallo waxaa la degan wiil kale oo markaas maqan oo ehelkiisu dalka joogaan marmarna yimaada, waxaa u yaal, Qolka Kursi Saaloon qaada laba qof iyo Miis yar, Telefishin u dulsaaran Qaboojiyaha ama talaagadda, Armaajo laba qaybood ah oo qaybna uu ugu jiro dharkiisu qaybna agabyada kale ee macuunta iyo raashinka uu cuno.Wuxuu durbadiisa usoo dhigay Laba cabitaan oo kala duwan, iyo Kooban wuxuuna weydiiyey inuu shaah Soomaali kulul u keeno iyo in kale? LORA oo markay maqashay Soomaali u fahantey inuu ka duwan yahay kay taqaanay ayaa tidhi :” Haa waan jeclaan lahaa inaan maanta cabo shaah Soomaali” Frank oo qoslaya ayaa yidhi: “ Haddaanan arki lahayn Shaaha Turkidu samayso oo ka dhadhan duwan shaahyada kale, waan la yaabi lahaa Mahad, Aniguna waan rabaa inaan Shaah Soomaali cabo ayuu raaciyey”

Mahad ayaa telefishinka u shiday daaqada guriga u furey si hawo ay u helaan wuxuuna qaatey qalabkiisii, si uu martida u sooro, Jikaddu aad ugama foga wuxuu soo saaray Shaahii Soomaaliga ahaa, weliba wuxuu soo sameeyey mid mucamar ah oo Baraad ah isku karsan oo Shaah, Sonkor iyo Caanoba hal mar laysku kariyey.Markuu u shushubey ee ay dhadhamiyeen ayey dareemeen dhadhan ka duwan shaahey yaqaaneen, aad bay uga heleen waana ku celcesheen ilaa ay yidhaahdeen kani maaha shaah ee wax kale ayaad ku dartey. Mahad shaaha wuxuu ku darey Xawaaji isugu jira, Qorefal, Hayl, Filfil iyo waxyar oo Samjabiil ah, kuwaasoo udug iyo dhadhan kale u sameeyey.

Waa dabeecad aadanuhu ka siman yahay inay aad uga helaan aragtida muuqaalka ku cusub iyo sidoo kale dhadhanka cuntada iyo cabitaanka ku cusub, Mahad iyo saaxiibadii muddo ayay wada joogeen, waxaana Mahad loo sheegay in magaalada loo kaxaynayo oo ay caawa tahay habeenkii dhallinyarada, waa dabayaaqadii toddobaadka waa Galabnimo jimcaad, Beri oo sabti iyo axad ahna meel weliba waa xidhantahay, meheradaha qaarkood maahine, xafiisyada dowladda iyo goobaha waxbarashaduba, waxaana la gelayaa nasiinnadii toddobaadka.Mahad waa uu lebistey, labadii shay ee ugu qurxoonaa dharkiisa, kabbona waa la soo baxay, hubaal waa nin u dhashay hubqaad iyo xarago, waa nin dhallinyaro ah oo gole joogsi leh, had walba wuxuu gashadoba ku soo baxaya, uma arko dhib inuusan haysan wax walba waa nin niyad wanaagsan, markuu soo lebistay ayuu ka daba yimid iyagoo ka soo horbaxay oo ku sugaya barxada kaamka kuraas lagu fadhiisto oo meesha ku taalay.

Laysa soo raac wuxuuna u sheegay ninkii kaamka masuulka ka ahaa, inuu raacayo saaxiibadan isaguna wuxuu yidhi waa dabayaaqadii toddobaadka ee   baashaal wanaagsan.Mahad wuxuu maanta sugayaa gaadhigii yaraa ee korka ka furnaa inuu raaco, balse, wuxuu amakaagay markuu dul yimid, Baabuurta magaalada ugu qaalisan mid ka mid ah oo isna dusha ka furan oo uu watey FRANK, xaga hore ayaa la yidhi fadhiiso, LORA xaga dambe ayay gashay, waxaana loo dhaqaaqay dhinaca iyo magaalada weyn oo in doora u jirtey.Mahad hawada iyo muusiga loo daaray ayuu ku raaxaysanayey, waana la wada qaylinayaa saddexdooda maadaama   baabuurku dusha ka qaawan yahay xawaarena ku socdo, waxaa la soo gaadhay meel barxad ah oo weyn, waxaana markiiba la abaarey meel TAKE AWAY ah, waxaa la weydiiyey cuntada uu cunayo, wuxuuna u sheegay inuu rabo cunto aan Hilib lahayn, ka dibna waxaa loo dalbay Rooti iyo Malaay ama Kalluun iyadoo la dareemayo inuu dhawrayo diintiisa iyo dhaqankiisa.

Wuxuu is yidhi lacagta wax ka dhiib, balse, waxaa lagu wargeliyey inuu iyaga marti u yahay, waxaa lays weydiiyey inay weli casar dheere tahay loona baahan yahay wax waqtiga lagu lumiyo waxaana laysku raacay in la aaddo Shineemo, waxaa socda Filim Cusub oo caawa ugu horreysa Shineemooyinka dalka, isagii ayaana laysu raacay.Waxaa lays weydiiyey filinka luuqadee ku daawanaa? Waayo iyaga waxaa u fudud iney Afkooda ku daawadaan, balse, taasi ma xiiso gelinayso Mahad maxaa yeelay ma yaqaanno Af Jarmal, waxaa laysku raacay in Af ingiriisi lagu daawado maadaama labadaba mar qudha la wada heli karayo.Hubaal waa markii ugu horreysay ee Mahad uu Shineemo ku galo waddamada Yurub, mana soo gaadhin Shineemooyinki dalka ka jirey Soomaaliya waagii hore, aad bay u xiiso gelisay, wuxuuna galay jawi ka duwan kana beddelan kii uu ku daawan jirey Filimadii qolkiisa ama waagiisii hore ee dhalada yare ee guriga u taalay ama uu meelaha kale ka daawan jirey.

LORA markay waxay dhex fadhiisatay Mahad iyo Frank, waxayna aad u xiisanaysaa la sheekaysiga Mahad oo marba wax ka weydiinaysaa Filinka iyo qaabka uu uga helay, ama sheekada filinka qaabka uu u dareemay, Mahad waa dadka aadka u xiiseeya Filimada, wuxuuna si weyn ugu lafo gurey biyo dhaca sheekada filinka, sidoo kale wuxuu aad u ammaanay, Jillaaga oo uu sheegay dhawr filin uu leeyahay iyo inuu yahay nin Jilitaan wanaagsan, LORA oo arrin khaldan ka aaminsaneyd, dadka ka yimaada Afrika ama waddamada soo koraya ayaa la yaabtey heerkiisa ilbaxnimo, waxayna oggaatey ineysan waxba dheerayn dhallinta ku nool waddamada kale.

Mar kale ayaa cuntooyin macmacaan ah oo fudud la cuney markii la galay nasiinnada qaybaha Shineemada, ka dib markuu filinkii dhammaaday ayaa la fadhiistey, meel barxada waxaana laga sheekaystay wax badan, wuxuu weydiiyey saaxiibkood NICO markaasaa loo sheegay inuu lahaa hawlo kale, laakiin ay mar kale u wada iman doonaan.Mahad wuxuu helay dhallinyaro furfuran oo aqoon leh, wuxuu uga sheekeeyey Sooyaalka noloshiisa, qoyskiisa waxbarashadiisa iyo sababta uu yurub u yimid iney tahay inuu Jaamacad fiican helo, waxay aad ula dhaceen hankiisa iyo hammigiisii waxbarasho, wuxuu uga sheekeeyey higsigiisa nololeed.Waxay ka balan qaadeen inay caawin doonaan sidii uu ku gaadhi lahaa heerka uu jecelyahay iyo inay u noqon doonaan garab iyo gacalba.

Habeenkii markii si fiican ay usoo caweeyeen ayay isa soo raaceen waxaana la keenay xaafadiisii, markuu ka degay baabuurka ayaa FRANK, ku yidhi;” Mahadoow Kubbada ma xiisaysaa ciyaarteeda? Mahad ayaa la soo booday; “ Haa Soomaaliya naadi ayaan ka tirsanayaa waxaan u ahay weliba xariif” FRANK ayaa yidhi: “Beri Galabnimada ayaan ku kaxaynayaa, Kooxdeyda ayaad si tijaabo ah ugu soo ciyaareysaa, haddii Macalimiintu kaa helaana waad naga mid noqon doontaa, waxaadna u ciyaari doontaa xaafadda aad degantahay”.Sidii ayaa laysku macasaalamay kulanti dambe ayaana loo ballamey, markuu gaadhiga ka soo degay ayaa waxaa   soo degatey LORA si ay u fadhiisato kursiguu ka kacay, waxayna ku kulmeen daaqada dhinaceeda isagoo weli la hadlaya FRANK, markuu hadalkii dhameeyeyna, Labada dhaban intey ka dhunkatey ayay tidhi Habeen wanaagsan.

Mahad isagu ma dhunkan balse, Habeen wanaagsan ayuu ku celiyey.Ma garankaro ujeedka ka dambeeya, waase dhaqan ka mid ah kuwa yurub gaar ahaan dhallinyarada oo aan dhib weynba u arag, Mahadse wuxuu isagu u yaqaan in dadka wax ka dhexeeyaan ama xidhiidhka gaarka ah leh oo keliya ay sidan samayn karaan.Wuxuu hoyaadey oo qolkiisa galay isagoo arrintan ku wareersan madaxana xoqonaya,   isna weydiinaya tolow maxay uga dan lahayd? Isaga shaki weyn baa kaga jira in iyada iyo FRANK xidhiidh leeyihiin, balse, haddana ma jirto cid u sheegtay arrinkaas, wuxuuse ku qiyaasay wada socodkooda iyo qaabka ay u kaftamayaan.

La soco qaybaha kale.

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Galayr777@gmail.com

 

SHEEKOOYIN