Sagaalka wasaaradood iyo halka waddan! W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Sagaalka wasaaradood iyo halka waddan! W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Sida aad ciwaankaba ka garan kartid, waddanka laga hadlayaahe, waa kaynaan Soomaliyeed, mana ahan (9) Sagaal wasaaradood iyo wax la eg, yeelkeede, waxaan rabaa, inaan faahfaahiyo, inta aynaan qormadayda u guda galin. Waa maxaay? (9) Sagaalka wasaaradod ee an  ka hadlayaahi?

(1). Wasaaradda warfaafinta dowladda federalka Soomaaliya.

(2). Wasaradda warfaafinta Soomaalilaan.

(3). Wasaaradda warfaafinta Butlaand

(4). Wasaaradda warfaafinta Jubbalaan.

(5). Wasaaradda warfaafinta koofurgalbeed.

(6). Wasaaradda warfaafinta Galmudug.

(7). Wasaradda warfaafinta khaatumo isteeti.

(8). Wasaradda warfaafinta Hraan iyo Sh/dhexe states? Tan wali la ma hayo, balse filo, mardhaw, jidka ayay ku soo jirtaa. Hadda ayaa la karinayaa.

(9). Wasaaradda warfaafinta Banaadirlaan, Muqdisho ambo Banaadirland? Tanna la ma hayo, balse filo iyana, hadii  Hiiraan iyo Sh. dhexe laga soo faraxasho. Waa halkii Bashiir M. Xersi, ka yiri;  HA DHAQLEEYSO! Ma dhaqlaa ka weyn!

Mar haddii aanu haysanno intaa oo wasaaradood, is kuna mid ah, wasaarad kastaahina (9) sagaal kale noqoneyso, dowladdii ambo maamulkii ugu tiroyarna (20) labaatan wasiir leeyahay, kana wada dhisan hal waddan, sow la ma dhihi karo, waa sidii kooxaha ciyaartoyda England, illeyn, gobol kastaahi, koox ayuu leeyahay mayee, waddanka wasiirrada kaba muhiimsane, waaa is ku xaq, waa is ku xaquuq, waa is ku xikmo, waa is ku xaajo, waa is ku xeelad, waa is ku xariiftan, waa isku xaqboob, waa isku………waa isku……….. Dereja siman iyo dulmi siman, dabadhilifnimo iyo duudsi siman.

Mar haddii xaalku sidaa yahay, maxaa xal ah, Soomaaliyeey yaase inna baday dhibkaan? Markaad fiiriso bulshada, gobol kastoo ay daggan tahayba, dadka horboodaya ama haya meelaha bulshada halbowlaha u ah, heer kasta iyo gole kasta, waxay u badan yihiin dad lagu magacaabomadaxweynayaal is magaacabay, oo badanaa ambo dhammaantood jeebkooda is ku soo doortay, illeyn xoolihii laga dhacay qaranka dayacan, ayaa nin walbo jeebka uga buuxo’e iyo ururro is bahaystay oo shisheeye gadaal uga daaban.

Bal tixdaan yar oo an ku cabirayo ila eeg!

Waa dal aan nadaam iyo leheyn, Ka la danbeeyntiiye

Duhurka iyo fiid laysku dhacoo, Daadsan yahay dhiige

Dumarkana dharaartii cadbaa, Leeska dibirsaaye

Ninkii duubka loo saaraybaa, Gabay dantoodiiye

Dalxiis iyo damaashaad ka dhigay, Darajadii guude

Ee diyaaradahaa raacayoo, Dayrshay sahcabkiiye

Dadnimiyo sinnaan laga tagyoo, Daalimaa yimide

Dadweynuhu ma doorane kuwaan, Waa xil dacareede

Misna diiday abidkood ma dhihin, Daacuflahan jaane

Iyagaa Durbaannada u tuma, Daayim abidkoode

Shacabyahow dantiisii gabaye, Doorshay magaciisa

Waan idiin dardaarmaahee maqala, Waano waa dahabe

Baxri doon korkeed saaranoo, Garan dilaabkeeda

Adigoon dabbaal baran waqaa, Laguma soo duufo

Adoon waa   dilin dawaco , Weerna didin waaga

Libaax deer fadhoo deega weyn, Loo ma qalab doonto

Dabbaal aan wax garan aa tohoo, Fulin dantiisiiye

Adya duulka hoos kaa dirood, Daa’in u adeegto

Denbigaaad geleysiin ogaaw, La i su daymaahe

Waa daanno ku taal dugiyo, Dayrka abidkaaye

Waa doog khalqigu wada ogyoo, Laysku daynaynine

Dulmiloow caddeystaa tahoo, lagu daneeystaaye.

(FG) cid gaar ah u la ma jeedo waa cabirid ra’yi iyo waxa maanta ka dhacaya gayigeeynna. Hadaad ku aragto maamulka qabiilkaada ambo gobolkaada, ha igu colaadin, waa wax jira oo xaqiiq ah, waana soo dhaweynayaa ciddii wax ku daree wax ka bedelee.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

cuute23@hotmail.com

Shiribmaal@gmail.com

SHEEKOOYIN