XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 118aad
1-Biyaha
Biyaha oo bata iyo biyaha oo yaraadaba uma fiicno wax soo saarka.
Xikmadda ayaa ah in waxa badan aan doonayno aysan nolosheena u wanaagsanayn sidaas si la mid ah waxa yar .
Mmusa
2-Ha waayin.
Ha waayin sharaftaada adiga oo ilaalinaya laabta qof aan daneenayn jiritaankaaga.
Mmusa
3-Qofna ha siin
Qofna ha siin wax xaqiisa dhaafsiisan, ma ogtahay in ubaxubo ku dhinto biyaha badan?
Mmusa
4-Qalbigaada u fur
Qofkii raba in uu kula joogo qalbigaada u fur.
Qofki raba in uu baxana waddada u fur.
Mmusa
5-Ziyaadada niyadjabkaaga
Waxaa wax laga xumaadaa ah in aad wax aan macquul ahayn u samayso ama u balan qaado qof, ugu dambayntina aad ogaato in qofka aad waxaas u samaynaysay in uu noqdo qof kugu dhibsado dadaalkaas hagar la’aanta ah aad farxaddiisa u samaysay.
Sidaa darteed, saaid wax ha u jeclaan, saaid wax ha u aaminin, saaid wax ha u rajayn.
Maxaa yeelay saaid oo wax walba laabtaada aad ugu xirto waa Ziyaadada niyad jabkaaga iyo xanuunkaaga.
Mmusa
6-Raaxada naftaada
Ku mashquulidda dadka iyo wixii tagay, midna wuxuu la tagaa mustaqbalkaaga kan kalana raaxada naftaada.
Mmusa
7-Nidaamka sharaf ee naftaada
Qofna ha ku qasbin in uu ku daneeyo waxna iska kaa waydiiyo.
Qofka ku jecel isaga ayaa kuu soo raadinaya sida in ay wax qaali ah ka lumeen oo kale.
Danaynta waa sifo uusan qofna samaysan karin, hana isku dayin in aad qof ku qasabto, haddii taa ay dhacdana waxaa ogaataa in aad waraabinayso geed macmal ah in uu Miro kuu dhalana aad ka sugayso.
Mmusa
8-Dulli iyo xaq
Qofka waad ugu dulqaadan kartaa wax walba balse marka uu xaqaaqa doonayo in uu ku dudsiiyo dullina ku badayo waa in aad u istaagtaa dhacsashada xaqaaga iyo iska dulqaadidda dullaysiga.
Mmusa
9-Farxad iyo jacayl
Ninka waxaa laga doonayaa in uu farxad siiyo qoyskiisa, halka hayweenayda xaaska ah laga doonayo in ay farxaddaas la siiyay ku baddasho Jacayl.
Ninka farxad ma siin karo qoyskiisa isaga oo jacayl ka helin xaaskiisa, halka xaasku aysan jacayl siin karin ninkeeda farxad la’aan.
Mmusa
10-Xaasidka ugu weyn
Xaasidka ugu wayn ma ahan kan doonayo in uu kula sinmo ee waa midka doonayo in aad dhulka gasho isaguna kaa sara maro.
Mohamed Qafaar
11-Go’aan qaadashada
Go’aan
qaadashada dumarka mar walba waa mid aad u dambeeysa, balse marka ay go’aan
qaataan waa kuwa ka toosni badan mar walba Ragga.
Mmusa
12-Ma ihi mid kala dhiman
Wuxuu yiri “ma ihi mid kala dhiman oo sugayaa qofkii kaamili lahaa, sidayda ayuu Alle abuuristayda u kaamilay wax iga maqan ma jiraan.
Waxaan sugayaa qofkii ii qurxin lahaa sida sammada ay xidigaha u qurxiyaan, haddii aan helo qofkaasna waa qof sida sammada ay xidigaha u qurxiyaan ii qurxiyay, haddii qofkaas uu noloshayda ka baxo ama ka tago, waxaan ahay saafi sidiisa ku qurux badan, sammada quruxdeeda waxay muuqataa marka midabkeeda buluga ah uu maalintii si saafi ah usoo baxo”.
Mmusa 13-Kuma filna
Qaarkood kuma
filna soo banbixinta ceebtaada ee waxay kusii dadaalaan qarinta wanaagaaga oo
dhan.
Mmusa
14-Ha dareensiin
Qof marka uu si indha la’aan ah kuu aamino ha dareensiin in uu indha la’yahay.
Mmusa
15- kala duwanaanta
Kala duwanaanta
waa farqi kooni ah oo u baahan in lala noolaado.
Jibriil ayaa u yimid Nabigeena csw markaas ayuu
ku yiri ” Maxamed u noolow sida aad rabtid balse waa dhimanaysaa ogow, u
camal falo sida aad doonto, waa lagaa abaal marin, qofka aad rabto jeclow waad
ka tagaysaa mar uun, ogow in sharafta qofka mu’minka ah ay ku jirto salaadda
habeenkii iyo ka maarmidda Dadka.
Mmusa
16-kallinimada
Kallinimada
mararka qaar waxay leedahay awood dadka qaar aysan iska caabin karin!!
Mmusa
17-Farxaddaada
Farxaddaada
waxay ku jirtaa gacanta Alle, saaxiib farxaddaada sida geed camal u siibi kar
ma jiro, qof aad jeclaatay oo farxaddaada jeexi karana ma jiro, sidoo kale qof
kuu dhow oo farxaddaada xukumi karana ma jiro.
Adiga laguuma abuurin dadka dartood, taas
xusuusnow.
Mmusa
18-Qofna ha nicin
Qofna ha ku nicin dambiilanimadiisa ee kunac dambiga uu sameeyay.
Mmusa
19-Xaaladaha iyo adiga
Dadka way kugula yaaabi karaan xaaladahaaga balse alle manarba kugulama yaabo, maxaa yeelay isaga ayaa sameeyay xaaladaha iyo adigaba.
Mmusa
20-Ka taxadar
Dhug u yeelo waxa aad ku fakarayso, maxaa yeelay waxay noqon karaan ficilkaaga.
Ficilkaaga naftiisana dib u eegis ku samee maxaa yeelay wuxuu noqon karaa caadadaada.
Caadaadana waxay isku baddashaa dabeecaddaada.
Dabeecaddaadana waa midda xaddida ayaaha noloshaada.
Mmusa
21-Laabta buuxiya
Wixii maskaxdaada buuxiya ayaa laabtaada maamula.
Mmusa
22-Garo nimcada Alle
Wuxuu booqday dhaqtarka isaga oo la taahaya
xanuunka Sokorta, markaas ayuu dhaqtarkii ku wargaliyay in ay qasab tahay in
lugtiisa la jaro si uu naftiisa badbaado ugu helo, dhaqtarka raja galin iyo naf
badbaadin ayey ka ahayd balse ninkan hadalkan wuxuu u ahaa hadalkii ugu xumaa
uguna naxdinta badnaa ee noloshiiisa uu maqlo.
Wuxuu go’aansaday in uusan daalin oo dhaqaatiir
kale raadsado, ugu dambayn hal dhaqtar ayaa ku yiri lugtaada waa la badbaadin
karaa iyo naftaadaba adiga oo waxba lagaa jarin, si caadi ah ayaa laguu daweyn
karaa. Markaas ayuu yiri inta aan dunida ku noolaa hadalkii iigu farxadda
badnaa maanta ayaan maqlay, maantana waa maalinta iigu farxadda badan
noloshayda.
Bal eeg kuma uusan guulaysan malaayiin doolar,
guri cusubna ma helin, wuxuu ogaaday oo kaliya in lugtiisa aysan ka tagayn oo
la joogi doonto kuna socon doono mar kale.
Fadlan si nolol farxad leh aad ugu noolaato garo
nimcada Alle kugu mannaystay.
La wadaag asxaabtaada fadlan.
Mmusa
W/Q: Mohamed Musa Noor