BEN CARSON Q-5AAD W\Q. Cali M. DIINI

BEN CARSON Q5AAD

MASKAXDAADA ADEEGSO

Sidii aan hore u soo sheegnay Ben Carson hooyadiis waxa ahayd hooyo cajiib ah ayadaana sabab u ahayd in u heer sare gaaro. Ka sokow dhiirragelinta ay mar walba wiilasheeda la garab taagnayd waxaa dhaqan u ahay in aysan maranaba wiilashaeeda ku xanaaqin ama ku qaylin. Marka ay khalad sameeyaan waxaa halhays u ahayd oo ay ku oran jirtay “maskax ma lihidin miyaa? Maskaxdiinna adeegsada.”

KA FEKERA KOOMBADA SHISHADEEDA

Maalin ayaa Ben iyo walaalkiis Curtis waxay qaateen qori iyo rasaas qof haddiyad u siiyay si ay u soo shabbaaxaan (shiish bartaan). Waxay qaateen koombo waxa ayna dhigteenn meel guriga dhabarkiisa ah, kaddibna halkaas ayay ku shiish baranayeen ilaa rasaastii ka dhammaatay. Habeenkii ayaga iyo hooyadood oo guriga jooga ayaa waxaa albaabka ku soo garaacay nin daris la ahaa oo xanaaqsan. Markii hooyadood ninkii waydiisay waxa khaldan ayuu hooyadii iyo labadeedi wiil inta waday waxa uu geeyay gurigiisa kaddibna waxa uu tusay daaqadaha gurigiisa oo burburay sidii rasaas ugu dhacaysay. Ben iyo walaalkiis Curtis dambigii waa ay qirteen. Markii ay guriga ku soo laabteen ayaa hooyadood ku tiri “maskax ma lihidin miyaa? Sidee u garan waydeen in xabbadaha aad ridaysaan ay dhaafayaan koombada u na garan waydeen inaad ka fekertaan koombada shishadeeda?” waxa ay ugu dambayn ku tiri “ka fekera koombada shishadeeda.” Ninkii dariska ahaa iyo Curtis iyo Ben waxa ku heshiiyeen in ninku muraayadihii ka burburay soo iibsado ayaduna shaqada qabtaan oo guriga ugu dhejiyaan, maaadaama aysan haysan lacag ay magdhow u siiyaan.

Ben Carson markii uu sindheerta (teenage) noqday waxa uu noqday nin xanaaq badan oo gacabtu ka horreyso dhawr goorna waxa uu ku sigtay in iskoolka laga cayriyo dagaal uu sameeyay darteed balse hooyadiis mar walba waxa ku oran jirtay “maskaxdaada adeegso, sidii qof kale hadalkiis sabab ugu noqonayaa in iskoolka lagaa eryo ama aad intaas oo dhibaato ah martid? Ma ogtahay in dadka kale hadalkoodu uusan meel daloosha kaa galayn waxana uusan kuu dhibi karin? Marka adigu ha u yeelin miisaan aysan dadkaas lahayn oo isaga aamus.”

Ben maadaama uu qoys sabool ah ka dhashay waxa uu dareemi jiray in mar walba ardayda ay iskoolka isla dhigtaan yasaan ayaga oo ku quursanaya dharka uu wato oo ahaa mid duug ah. Ben hooyadiis ma awoodin in ay wiilkeeda u iibiso dharka ugu shidan magaalada oo dhallinyaradu markaas ku xarragoon jirtay. Ben waxa ay saaxiibbadiis iskoolku ugu wici jireen ‘surweel halaf, shaati wayne” iyo hadallo kale oo ay labbiskiisa ku durayaan. Maalin ayaa Ben hooyadiis ka codsaday in ay u soo iibiso surweel. Hooyadii markii ay suuqa tagtay waxa ay ogaatay in surweelka wiilkeedu rabo yahay qiimo dhan $70 ayaduna aysan lacag si na ku awoodin. Kaddib surweel rakhiis ah ayay u soo iibsay. Markii ay habeenkii surweelkii keentay Ben aad buu u xanaaq waxa uu na ku dhaartay in uusan surweelkaas qaadan doonin. Hooyadiis waxa Ben ku tiri “hagaag, wiilkaygiyoow, waxa aan kuu dhiibayaa lacagta aan bisha dhan shaqeeyo, sida ay u dhan tahayba farta ayaan kaa saarayaa, kaddib waxa aad bixinaysaa kirada guriga, biilka qoyska, korontada iyo biyaha iyo dhammaan biilasha kale, dabadeed wixii soo hara qaado oo surweelka aad rabtid ku soo gado.” Ben lacagtii ayuu hooyadiis ka qaaday kaddib waxa uu bixiyay kiradii, korontadii iyo biyihii, kaddib waxa uu arkay in lacagtiiba dhammaatay ayadoo weli adeeggii cuntadu harsan yahay. Kaddib hooyadiis ayuu u tagay ku yiri “hooyo raalli noqo kun iyo kow jeer. Ma garanayo hooyo sid aad nolosha qoyskeenna u debbartid, waa la yaab.” Ben Surweelkii rakhiiska ahaa ayuu asaga ku faraxsan qaatay.

La soco Q6aad haddio Eebbe idmo

W\Q. Cali M. Diini

SHEEKOOYIN