XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 140aad
1-Quruxda iyo Qalbiga
Nafta Aadanaha oo dhan waxaa jira wax ay si guud
u wada jeceshahay waxaas oo lagu magacaabo Qurux.
Quruxda tilmaanteeda iyo fahankeeda mar walba
waa lagu kala duwan yahay isku sina looma wada arko loomana wada fahamsana,
laakin midda la isku raacsan yahay ee qofka aad waydiisaba uusan maya kuugu
jawaabeen waa jacaylka iyo rabitaanka qofku u qabo Quruxda.
Hadaba is waydii maxay tahay Qurux, sideese u
tilmaami lahayd haddii lagu waydiiyo?
Quruxda dadka qaar waxay u yaqaanaan wax ay ka
arkaan muuqaalka qofka ha ahaato jir dhisnaantiisa iyo suuradda wajigiisa.
Aniga waxaan quruxda ku tilmaami lahaa in ay tahay iftiin ka soo butaaco qofka
qalbigiisa kaas oo laga arko dhaqankiisa iyo shaqsiyaddiisaba.
Quruxda waa il ka soo burqata qalbiga qofka,
mana ahan wax uu qof walba leeyahay.
Mmusa
2-Col ayey la yihiin
Oraah ayaa dhahaysa dadku mar walba col ayey la
yihiin wax walba oo aysan aqoon, hala yaabin marka xaaladaha aad ku dhex
nooshahay ee aad marqaatiga ka tahay.
Mmusa
3- Xor ayey isu haystaan
Dadka ayaga oo meel walba ka dabran ayey isu
haystaan in ay xor yihiin, waxa aad aaminsantahay dhab ahaan ugama tarjumayaan
xaqiiqda aad la nooshahay.
Mmusa
4-Saamaxaadda
Saamaxaadda ma ahan in aad u aragto mid aad ugu
danayso dadka kale, balse waa mid naftaada aad ugu raadinayso daganaan iyo
qanaaco nafsaani ah si aad horey ugu socoto.
Mmusa
5- Damaca sare
Wuxuu ku farxsan yahay damiciisa hoose oo uu ka
gun gaaray halka saaxiibkii uu wali guul u raadinayo sidii uu u gaari lahaa
damiciisa sare.
Damace sare oo aad gaari wayso ayaa ka qiima
badan mid hoose oo gaarto.
Mmusa
6- Maxay kula tahay?
Waxay dhaheen daqiiqad ayuu qof qaali kugu ah
kugu soo mari karaa.
Saacadna wuu kugu farax galin karaa.
Maalina waad ku jeclaan kartaa, laakin in aad
hilmaanto qofkaas waxay kugu qaadan kartaa inta aad nooshahay oo dhan.
Maxay kula tahay?
Mmusa
7-Runta
ka sheeg.
Wax walba sixid kaliya uma baahna ee in runta
laga sheego ayey u baahan yihiin.
Waxaanu ku noolnahay Duni 24keeda saacadood
daqiiqad kaliya runta laga sheego, wax walba oo maqashaa aragtaana been ayey u
badan yihiin.
Mmusa
8-Qalbi ku fahmo
Mararka qaar gacan qabasho iyo Qalbi na fahma
ayaan u baahanahay.
Mmusa
9-Maxay kula tahay?
Waxay dhaheen
Nolosha dhabta ah waxay ka bilaabataa halka ay ku dhamaato Raaxada, maxay kula
tahay?
10- Mahadnaq
Mar walba sabab ayaa jirayso ku tusta in aad
mahadnaqdo, hareerahaaga eeg, dibna isu xisaabi.
Mmusa
11-Illinta
Ma is tiraa
mararka qaar illin ayey u baahan yihiin indhahaaga si ay nadiif uga noqdaan
xumaanta ay arkeen?
Mmuaa
12-Lumid
Marka
farkarkaaga uu kusoo aruuro shalay maxaa iga dhacay, barrito maxaan ahaan
doono, markaas waxaa ogaataa in noloshaada ay tartiib kaaga sii lumayso, maxaa yeelay,
maba tihid mid maanta uu ku nool yahay u jeeda.
Mmusa
13-Dhib xallis
Haddii maskaxda iyo qalbiga aan ka shaqaysiino
dhib badan wuu xallismayaa, laakin marka hadalkeena uu bato dhib saa’ido mooyo
dhib xallisma ma jirayo.
Mmusa
14-Is qaabilid
Haddaan isku qaabilno Qalbi wanaagsan iyo
shuruud la’ aan, dhexdeena waxaa ka abuurmaya Kalsooni iyo Naxariis.
Mmusa
15-Ahow qofka aad tahay
Nolosha macnaheeda waa in aad ahaato qofka aad
jeceshahay in lagugu tilmaamo, samaysaa waxa aad jeceshahay in aad ku faanto
tilmaantooda, fahamtaa naftaada sida aad u jeceshahay in ay dadku kuu fahmaan.
Mmusa
16-Dadka
xanuunsan
Waxy ku tilmaamaan in uu waalan yahay dadka
yaqaano, laakin sidaa iilama muuqan.
Subax ayaan goob laga shaaheeyo ku kulanay isaga
oo gacamaha u hoorsanayo dadka, micnaha tuugsanayo, kolkaas ayaan jeebka inta
gacanta u galshay ku iri “fadhiiso shaah cab”.
Wuu iga aqbalay, xoogaa ayaan meesha ku
sheekaysanay, kolkaas ayuu igu yiri
“Dadkan in aan ka duwanahay darteed ayey
iigu qoslaan mar walba, anna waxaan la yaabanahay in ay dhamaantood isku mid
iigu muuqdaan”.
Dadka xanuunsan ee dagan xikmadda ka qaata.
Mmusa
17-Nabad
bey ku baaqaysaa!!!
Goobaha madaxa lagu jaro ayaan kula kulmay, nin
dagan ayuu iila ekaa ilaa aan arko qaabka madax jarriinka uu u dalbanayo
markaas oo aan ogaaday in wax badan ka qaldan yihiin.
Wuxuu dalbaday in dhexda laga bixiyo timaha
madaxda qaybtiisa dhexe uga yaalo si uu u yeesho Bidaarta loo yaqaano Jacaylka.
(Bidaar love)
Kadib markii uu Timajaraha sidaa ugu jaray ayaan
waydiiyay macnaha uu ula jeedo, kuyeh “Nabad bey ku baaqaysaa”!!!!
Mmusa 18-Dallad ayuu sitaa
Dallad ayuu sitaa mar walba, marka aad waydiisid maxaa dhacayna wuxuu kugu dhahayaa roob ayaan sugayaa!!!!
Mmusa
19-Ha ku dag dagin.
Qof kaamilan ma
jiro, qof kaamilnaan u qalmana ma jiro oo kaamilmaanta Alle ayaa iska leh.
Qof walba xaaladdiisa ayaa qoorta ugu jirta, ma
jiro qof ay mar walba wax u sahlan yihiin.
Ma garan kartid xaaladda uu qof la noolyahay,
sidaa darteed, is qabo oo ha ku dag dagin dhaleecayntooda iyo xukmintooda, qof
walba dagaal isaga u qaas ah ayuu noloshiisa kula jiraa.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur