XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                      XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 144aad

                                                  1-Caawi fadlan.
Isaga oo socod ku maraya wadda xiriirisa gurigiisa iyo shaqadiisa ayuu mar walba ku ag mari jiray gabar cuuryaan ah oo cunug yar horta ku haysata, mararka qaar xaalad cimilo qabow ah oo daran iyada oo jirto aroorti hore ayuu ag mari jiray marna habeenkii afar saac iyada oo qof maraya waddada aysan jirin qofka kaliya ee waddada fadhiyaana ay ahayd gabadhaas meesha ka qaraabata.

Dhowr jeer ayuu iska dhaga tiray baaqeeda i caawida ah, laakin mararka qaar jeebkiisa ayuu gacanta galin jiray kana soo saari jiray wixii uu is leeyahay way kaa mudantahay.

Mar walba wuu jeclaa in uu wax siiyo laakin mararka qaar jeebkiisa ayaa marnaa, markaasna dhoola caddayn iyo niyad wanaagsan ayuu ku ag mari jiray, iyadana madaxa ayey ruxid ugu muujin jirtay in ay ka qanacsantahay.

Subax axad ah ayuu aroor hore soo maray meesha ay fadhiday aad ayuu u yaabay isaga oo yaaban ayuu subaxaas su’aal  waydiiyay ahayd ” maalinta kuugu fiicsn meeqa ayaad ka heshaa waddada aad ilaa habeenkii fadhidid? 1000 sh ayey ugu jawaab celisay, 2000 ayuu inta siiyay ku yiri “maanta iyo bari kaga naso qabowgan aad mar walba dul fadhido”.

Inta yara dhoola caddaysay ayey ku tiri “waad mahadsantahay ma ogtahay in qofka kaliya ee i waydiiyay baahidayda aad adiga tahay,  taasna ay aad ii farax galisay, dareen gooni ahna igu beertay? Markaas ayuu ugu jawaabay “maya ma ogi”.

Hoos ayey eegtay kadibna kor ayey usoo eegtay iyada oo ku dhahday “fadlan caawi qofka aad karto, mararka qaar waxaa laga yaabaa in aad adiga kaliya tahay kan uu qofkaas wax ka helo”.
Mmusa 

                                                 2-Awoodaada
Awoodaada inta ay gaarsiisantahay ku samee wax walba, ka fogow hagar iyo lugooyo in aad ku qabato ama qof ugu qabato.
Xusuusnow in uu Alle ku yiri “inta aad awooddo iga cabso”, taasna macna ahaan laga faaiidayo in hagar iyo lugooyo iyo wax awoodaada aysan gaarin aadan wax ku qaban.
Mmusa 

                                             3-Waayaha jacaylka
“Dareenkaaga xusuuta macaan marka uu igu soo dhaco ayaa ah midka kaliya ee aan suuraysto in uu i dhex geeyo Jannada dhabta ah ee qof walba uu ku hamminayo.

Janno waxaa kuu ah qof aad hubto in uu ku jecel yahay adna aad jeceshahay”
Waayaha jacaylka.
Mmusa 

                                                     4-Ku dag
Marka uu kusoo asiibayo ma eego darajada iyo heerka aad nolosha ka taagantahay, ma eego magacaaga iyo qabiilkaaga, sidoo kale ma eego mansabkaaga, faqri iyo taajir midka aad tahay, ma eego issirka aad tahay, sidoo kale shuqul kuma lahan Da’da aad tahay, laga yaabee in aad is waydiiso waxa aan ka hadlayo oo intaas oo astaamood aan soo tilmaanay aanan eegin waxa ay yihiin, maxaasa lagu magacaabaa?

Waa Jacayl, waa baahida qof walba, waa waxa ka maqan qof walba, waa darajada uu doonayo in qof walba la siiyo, waa macnaha nolosha qurxoon ee qof walba uu doonayo in noloshiisa lagu iidaamiyo.

Ani ahaan erayo kuma soo koobi karo dareenka uu noloshayda ku leeyahay ilaa maantadan la joogo, marka uu igu soo dhaco waxa kaliya aan jeclaysto ayaa ah in madaxayga aan ku dul tiiriyo laabta qofkaas qaaliga igu ah, halkaas oo aan ku dareemo daganaan tan ugu raaxada badan kuna dhoola caddeyo aniga oo qanaaco iyo qandiirka carafta ku dheehan ee qaalidaas ka soo qufmaya dareensanaya.

Haddiiba uu jiro qof qaali kugu ah la wadaag wax walba oo qanaaco iyo qalbi dagan siin kara, maxaa yeelay ma jiro qof og inta loo soo jiro.

Quruxda dhadhanka macaan waa mid lama helaan ah, qof walbana ma heli karo, ilaasho kuna dadaal fadlan in aad u ilaaliso sida naftaada aad u ilaashato.

Nabad iyo raaxo ku noolaada inta is jecel ee Alle nasiibka is dareemidda qalbiyadooda iskugu beeray.
Mmusa 

                                               5-Xaaladdii shalay.
Muhiimadda dadaalka noloshaada ma ahan in aad ku sal garayso in aad noqotid  mar walba kan ugu fiican ama ugu sarreeya, waa in aad ku sal garaysid in aad ugu yaraan xaaladdii shalay ka wanaagsantahay.
Mmusa 

                                                     6-Farxad lagu waaro.
Farxad waan ku siinayaa oo waaba sababta aan intaas oo umad ah kaaga soo dhex doortay, laakin ma fududaan doonto mana ahan wax sahal ah in qof dhan la baddalo waansa isku dayayaa ugu yaraan in aan saamayn kugu dhex yeesho aniga oo shaqsiyaddaada waxba ka baddalin.

Ma jiro qof sida Alle uu u abuuray qof kale ka baddali karo laakin abuurka Eebe uumay in aad wax ku dhex darsato waa samayn kartaa, waxaana isku dayi doonaa in aan sidaada aan saamayn kuugu yeesho.

Farxaddu way imaan doontaa, laakin waxaa ka horeeya taraanturo badan oo dhanka is fahamkeena ah, waa in aan dhab kuu wada aqriyaa ogaadaana waqtiga aad kululaan kartid iyo waqtiga aad qaboobi karto.

Tijaabadaas ma ahan mid aniga kaliya aan adiga kugu samaynayo adiga naftaada fakar iyo saamayn badan ayey maankaaga ku yeelan doonaan afcaasha aan samay  doonto taas oo sahal ka dhigi doonto in aad adigana i aqriso.

Waad farxi doontaa, Janno adduuna waan isku noqon doonaa, laakin marka hore waa in aan ku dhisaa ama is dhisnaa, talaabadaas inta aan qaadiddeeda ku guda jirana xanuun iyo xujo badan ayaa ka horaysa laakin natiijada dambe ma noqon doonto kala tag, ee farxad lagu waaro ayey ahaan doontaa.
Mmusa 

                                                           7-Aqbal
In aad wax walba fahamto xalka ma ahan mararka qaar, maxaa yeelay mararka qaar faham looma baahna ee aqbalid ayaa loo baahan yahay.
Mmusa 

                                                      8-Samee wax saxan.
Xikmadda Eebe abuurkiisa ayuu u qaybiyaya waana sababta loo yiri qof walba wuxuu Alle ka dhigay qof qof la mid ah uusan jirin.

Aniga oo marayo waddo ayey ahayd markii aan waddada dhinaceeda ku arkay nin oday ah oo hoy la’aan ahaa misana aan is iri xoogaa maskaxda ayaa looga jiray, waxaa isoo jiitay eray uu ku celcelinayay iyada oo qof la hadlaysaa aysan jirin  ” ka dooro samaynta saxsanaanta inta aad dooran lahayd samaynta wax fudud”.
Mmusa 

                                                       9-Tusaale noqo
In aad noqotaa qof la ogyhay ama qof u eke, micnaha qof kale aad iska yeesho ama ku dayasho qof aad hadaf ka dhigato waxaa ka wanaagsan in aad noqotid qof aan la saadaalin karin dunidana wali aan lagu arkin.

Dunida in aad wax kusoo kordhiso oo wax ka baddasho ayaa laguu keenay ee ma ahayn in sideeda aad uga mid noqoto.

Tusaale ha u noqoto noloshaada dadka kaa dambeeyay, qof astaan lagu garto marka uu dunida ka tagana noqo.
Mmusa 

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN