XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 147aad
1-Kaftanka xakamee
Adiga waad iska kaftamaysaa ismana lihid
dareenka qof ayaad kaftankaaga ku dhaawacaysaa, dhabtase waxay tahay in mar
walba sida aad tahay waxna u dareentid ama u fahamtid uusan qofka kale kuula
ahaan karin.
Xaqiiqda ayaa waxay kugu xanuun badnaataa marka
aad gadaal ka ogaato in kaftankaagii uu dunida qof kale kor iyo hoos u rogay.
Kaftankaaga xakamee iskuna day in aad aqriso
dareenka qofka aad la kaftamayso ka hor inta aad kala furin baalka kaftnaka ee
hadalkaaga.
Mmusa
2-Wax aan
qarsoomayn qarintooda iska dhaaf.
Wax aan qarsoomi karayn qarintooda waa kuu caqli
xumo, sidoo kale waxay la mid tahay qarintaas aan qaraoomayn adiga oo og in aad
dhimanayso hadan in aad dhimanayso aysan kula ahayn.
Mmusa
3-Raad
fiican nooga tag.
Qof walba raad ayuu dunidan uga tagaa, is
waydiinta waxay tahay raad nuucee ah ayuu hebel ka tagay?
Raadadka qaar looga tago dunida waa kuwa ilaa
maanta caqabaddooda taagantahay.
Imisa qof ayaa ficil uu qof kale sameeyay
ciqaabtiisa ilaa maanta la tacaalaya, sidoo kale imisa qof ayaa maanta raad
xumadaas qof hebel ka tagay xanuunkiisa la nool ilaa maalinta ugu dambaysa
noloshoodana la noolaan doona?
Ku dadaal in aad raad fiican oo la mahdiyo ka
tagto, wax walba oo maanta lagu raaxeysto waa raad qof inooga tagay.
Isku xusuus nooma noqon karaan labada raad ee
midna aan dunida maanta ugu raaxeysano midna aan la tacaalno xal u heliddiisa
ilaa maanta.
Mmusa
4-Indhoole
xikmad leh
Isaga oo indha
la’ ayuu habeen u biya cabaal doontay Wabi ka ag dhawaa isaga oo wata Faynuus,
waase indhoole aan waxba arkin, waxaa la yaabay dadkii ka ag dhawaa oo
waydiiyay sababta uu faynuusta u wato maadaama uusan waxba arkayn, jawaabta uu
baxshay ayaa noqotay in uu u wato faynuusta in uu isaga ilaalsho kuwa wax arka
si aysan ugu dhicin.
Sida aad wax u malayso mararka qaar ma noqdaan.
Mmusa
5-Jacayl iyo nacayb
Jacaylka wuxuu naga qariyaa khaladkeena, halka
nacaybku naga qariyo xaqiiqda.
Mmusa
6-Umad
Umadda marka ay burburto waxaa ka lumo wax walba
oo ay ilaashan jirtay iyo wax walba oo ay lahayd, taasna waxay sababtaa ugu
dambaynta in iyaga lagu ilaashado maslaxad gaar ah lana yeesho jiritaankooda.
Mmusa
7-Dumarka
Dumarka waa jecelyihiin raga quruxda badan ee
joog iyo jamaalba isla wata, laakin waxay ka sii jecelyihiin kuwa ku foosha xun
Mugdiga ee shaqadooda la macaansado.
Mmusa
8-Raga
Ragu waa
jacelyihiin dumarka asluubta badan balse waxay ka sii jecelyihiin dumarka
aan asluubta ku lahayn sariirta.
Mmusa
9-Awood
iyo Qab
Aadanaha awood yar iyo qab hadduu meel ku
ogyahay si qaldan ayuu u adeegsadaa mar walba, waxaa kaloo sii bata
cabashadiisa iyo dacwadiisa.
Qab hadduu Alle ku siiyo waxaa wanaagsan in aad
si wacan uga faaiidaysato si la mid ah awoodana aadan ku xadgubin.
Mmusa
10-Kala duwanaanta
Waxaa jira qof
amaana wax walba oo xun oo xumaanta aan u arkin sida aad u aragto, taasna waa
kala duwanaanta iyo aragtida Aadanaha waana in la isku qaddariyaa.
Mmusa
11-Yaa ku fahmaya?
Waa adagtahay in la helo qof sida aad wax u
fahamta ama u dareento kuula dareemi kara ama kuula fahmi karo, waana sababtaas
sababta ugu weyn ee keenta khilaafka ka dhex dhaca dadka dad isugu jecel.
Mmusa
12-Taariikhda waa qaabka loo qoro.
aariikhda waa qaabka loo qoro, ma jirto
taariikh saxan, qofka taariikhda qorayo wuxuu u qoraa sida uu u jecelyahay in
fakarkiisa iyo caqiidadiisa looga dhex arko.
Xaqiiqda ayaa waxay tahay taariikh dhowrsan in
aysan jirin.
Aqriso taariikhda kana fahan wixii kaa anfacaya
balse ha u aaminin sida in ay tahay xaqiiq jirta.
Taariikh wanaagsan ayaa la xumeeyaa, mid xunna
waa la wanaajiyaa qoraal iyo qeexid ahaanba.
Mmusa
13-Siyaasiga
Siyaasiga aad
taageerayso fadlan ku qiimee waxqabadkiisa adiga oo u eegayn waxa uu yahay iyo
waxa uu aaminsan yahay.
Siyaasiga isaga oo aaminsan wax aad u aragto
xumaan ayaa laga yaaabaa hadana in uu qabto shaqo dhamaan idin wada anfacda ama
uu abuuro xaalad mustaqbal ahaan idin wada farsx galisa.
Tusaala gaaban waxaan kuu siin lahaa caddaanka
south africa waddanka waxay u dhiseen sida in aysan la lahayn Madowga ay
yasaan, ayaga oo isla markaana aaminsanaa in madowga aysan wax xuquuq ah
lahayn, laakin ugu dambayn waxuu ku biya shubatay waxqabadkooda in madowga u haro
Waddanka.
Wax waa mucaaradi kartaa laakin
mucaaradnimadaada yeysan noqon mid wax burburisa, ha noqoto mid wax sii dhista
oo iftiimisa dulduleelada siyaasiga wax maamulaya.
Mmusa
14-Dhaleecayn
Dhaleecayn qaran marka aad jeedinayso waa in ay
ku jeedaa ama ku qotontaa astaan qaran oo la wada fahmi karo, balse msrka
dhaleecayntaada u badato hebel oo mas’uul ah wax kasta uu sameeyo wanaagba ma
lahan, markaa dhaleecayntaada macna badan ma samaynayso.
Mmusa
15-Caddaalad
Dunida caddaalad kama jirto haddii lagu dhaho
waa run, balse wax u eg caddalad ayaa mararka qaar la sameeyaa, ma ogtahay
dadka mararka qaar laguu tuso in ay dambiilayaal yihiin aysan dambigaas lagu
soo eegay waxba ku lahayn lagana yaabo adiga marka caddaymo lagu tuso in aadba
aaminto in qofku dambiga gaystay.
Caddaalad Alle xagiisa ayaa laga sugayaa dunida
dadkeeda waa iska diideen Caddaalad.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur