XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 148aad
1-Madax
banaanida.
Si madaxbanaanidaada ay usii jirto waa in aad
muujisaa in laguu baahan yahay lagaana maarmayn.
Inta badan oo la isku kaa halleeyo waa inta
badan oo aad sii xorowdaa, ku dadaal in la isku kaa halleyo .
Qofka haddii uu qalbi ahaan u aamino in
farxaddiisa iyo barwaaqadiisaba ay ku jirto in uu kugu kalsoonaado adigana si
dhab ah aad taas u muujiso ma jirayaan wax aad dunidan ka cabsato.
Balse haddii aad ku guul darraysto in aad
saamayn ku yeelato laabta dadka markaas macna uma yeelanaysid, taas
macnaheedana waa in aad adiga u addoonsantahay, maxaa yeelay baahidaada ayaa
ayaga ku xiran mar walba.
Mmusa
2-Caawin
Mar walba oo aad qof wax ka codsanayso ku dadaal
in aad codsigaada ku lifaaqodo dan farax galin karta qofkaas in uu kaa arko.
Dadku in naxariis la waydiisto wax kuma qabtaan
sida badan ee waxay wax ku qabtaan in dantooda meeshaas laga dhex tuso.
Caawin haddaad codsanayso ku lifaaq fulinta
qofka aad wax ka codsanayso dantiisa.
Mmusa
3-Caqliga dagan.
Maskaxdaada marka aad adeegsato waxay ku
gaarsiisa in wax walba laguu qabto inta aad qabsan lahayd oo dhib badan kala
kulmi lahayd.
Caqliga dagan ciil in aadan galin ayuu kugu
abaal marshaa.
Mmusa
4-Deeqsinimada
Deeqsinimada laabta qof walba ma haysto, waxaad
ogaataa in ay deeqsinamada qalbiga tahay Hadiyad qaali ah oo Alle dadka qaar u
hibeeyay, haddii aad ka mid tahay dadka taas lagu mannaystay mahad celin
dheeraad ah la imow.
Mmusa
5-Naftaada bar
Inta badan aad laabtaada ka dhaadhiciso in ay
wax sugato waa inta badan oo rajadaada sii xumaato sugashadaadana ay sii
dheeraato, laakin marka aad laabtaada ka dhaadhiciso in wax la sugaa aysan
jirin wax walbana waqtiga aad joogto aad uga faaiidaysato waxaa yaraada
sugashadaada iyo rajaxumadaada.
Naftaads in ay wax sugto ha barin ee bar in waxa
ay waqtigaas la nooshahay ku qanacdo lana dhaqanto.
Mmusa
6-Dalbka
Nolosha
Ducada dadka aad u ducaysid Alle wuu maqlayaa
wuuna kaa aqbalayaa sidaas si la mid ah ducada laguu soo duceeyo waa laguu
aqbalayaa.
Nolosha ma ahan oo kaliya wax aad naftaada u
dalabto ee waa wax laguu dalbo iyo wax aad u dalabto dad kale.
Mmusa
7-La qosol
In aad wof
walba ku qososha waxay kuu abuurtaa Nacayb, Cadaawad, Xasad iyo xilksanimo
xumo, balse in aad wof walba la qososho waxay kuu abuurtaa asxaab badan
naxariis iyo in qof walba kuu dhimriyo.
Mmusa
9-Ku guulayso wax walba.
In aad qof walba ka adkaato noloshaada macna uma
samayso laakin in aad wax walba ku guulaysato ayaa macna u sameeya noloshaada.
Mmusa
10-Wada jirka
Wada jirka heliddiisa si fudud laguma helo
laakin marka la isku waafaqo in la wada jiro waxtarkiisa wuxuu noqdaa awood aan
la rujin karin.
Tusaale ahaan Geedka marka la talaalo in la
rujiyo isaga oo dhan waa fududahay, laakin marka uu koro rujintiisa mararka
qaar waxaa loo adeegsadaa Mashiino.
Ujeedada aan tusaalahaas u soo qaatay ayaa ah
wax walba oo wanaagsan wanaagooda lama dareemo inta ay bilow yihiin laakin
marka la joogteeyo samayntooda saamaynta ay yeelan karaan xumaan walba wax kama
tari karto.
Mmusa
11-Nolosha
macaankeeda
Nolosha macaan
kuma yeelato in aad wax walba hesho ee waxay ku macaataa in wax kaa maqan
yihiin waxna aad tabayso.
Qof qiimihiisa laguma dareemo joogiddiisa ee
maqnaashihiisa ayaa macna u sameeya jiritaankiisa.
Mmusa
12-Rajadaada iyo baryadaada.
Xanuunka, dhibaatada, murugada, dhamaam way
dhamaanayaan, waxaana baddali doona farxad iyo caafimaad.
Rajadaada iyo baryadaada marnaba yeysan hoos u dhicin.
Mmusa
13-Is maamul
Caqligaada wuxuu abuuraa dhaqankaaga, dhaqankaagana wuxuu abuuraa ficilkaaga, ficilkaagana
wuxuu abuuraa natiijada noloshaada.
Caqligaaga, dhaqankagaa, iyo ficilkaaga oo si fiican u hagtaa natiijada ka dhalan karta waa nolol
macaan oo aad ku raaxeysato haddii kale waxay noqon karaysaa dhinaca aan la jeclayn.
Mmusa
14-Kalsooni darrada
Kalsooni darrada naftaada mar walba waxay ka timaadaa sida aad uga falceliso qaabka ay
nolosha kuu soo wajahdo ma ahan qaabka ay nolosha u sameysantahay.
Nolosha qaabka loo sameeyay ayaa ah in aysan adiga ku qancin, taas macnaheedana maahan in
aan laguugu tala galin, ee waa in qanaacada qaabka aad u fahmayso ama u rabtid uusan qofka
kale u fahmayn una rabin, taasna waa sababta ay qasab kuugu tahay in aad ka fal celiso.
Mmusa
15-Xaalad Culus
Marka ay kusoo wajahdo xaalad aadan waxba ka qaban karin halkii aad ka fadhiisan lahayd oo
gacmaha is dulsaaran lahayd niyad xunna wajigaaga laga dheehan lahaa, naftaada kula dagaalan
qaabkii aad u wada wajihi lahaydeen xaaladdaas adag, maxaa yeelay waa halka kaliya aad ka
wada heli kartaan awooddiina qarsoon ee aad uga guulaysan kartaan xaaladdan culus.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur