Baadi goob Baahi badan!!!. W/Q :Mohamed Muuse Sh. Nuur

Baadi goob baahi badan!!!

Qaybta 7aad
Maryan waxay argagax ka qaaday xaaladda ay indhaheeda ku aragtay ee Qadar lagu dilay, waxayna ogaatay in xaalad qatar nafteeda ah ay soo wajahday.
Dhinaca kale C/rashiid wuxuu waday howlihiisa dabargoynta Qoyska reer Xaashi oo uu gurigooda kusoo koray, markan wuxuu ku wargaliyay Xaashi sida ay siciido ula soo xiriirtay uguna dadaalayso sida wiilkeeda Daahir uu ula wareegi lahaa shaqada.
Dabcan hadalkaas Xaashi wuu ku farxay laakin wuxuu xanaaqay kadib markii uu c/ rashiid ka maqlay in Siciido ay la xiriirtay gacaliyaheeda guurkooda ka hor Mustaf oo asagana Nin ladan ahaa balse shaqadiisa oo dhan ku wareejiyaya gabadha kaliya ee uu dhalay oo lagu magacaabo Leyla.
Danta ay ula xiriirtay ayaa ahayd howlo ganacsi oo ay qaas u lahayd iyo iyada oo doonaysay in ay wiilkeeda barto, c/rashiid oo hadalka sii wata ayaa ku wargaliyay xaashi in mustaf iyo gabadhiisa ay dhawaan imaan doonaan doonayaana in ay la sixiixdaan heshiisyo ganacsi, shaqadaasna daahir ay u xilsaartay isagana c/rashiid ahna ah ku kormerayo.
Xaaahi qaybta dambe ee ganacsiga ku saabsan wuu u riyaaqay laakin mustaf nin aysan is jeclayn ayuu ahaa oo mar walba xifaaltan dhanka siciido ah uu ka dhaxeeyay.
Haajir oo xaaladaha hoose ee howlgaladda qolyahah mucaaradka Xaashi ku ah la socday ayaa xaashi dhagtiisa ku dhibciyay waxa ku dhacay Qadar iyo sida Maryan ay ugu sigatay in la dilo
Xaashi oo arrinkaa si hoose ula socday ayaa ku wargalshay muxudiin in uu badiyo u dhawaanshiyaha Maryan amaankeedana la sugo iyada oo aan la dareensiinayn in kooxda aabaheed ay kor kala socdaan xaaladdeeda.
Dhinaca kale Guure wuxuu u dabaal dagayay xabsiga laga soo daayay, wuxuuna guda galay isku dubaridka kooxdiisa laakin reer xaashi si dhow ayey ula socdeen dhaqdhaqaaqiisa xaashina waa lagu wargaliyay xaaladda Guure.
C/rashiid waxaa galay shaka badan, wuxuu doonayay in wax badan uu ka ogaado ninkan isagana qareenka ah balse xisaabiye ahaanta ugu shaqeeya shirakaddooda( Muxudiin)  oo kasbanayay kalsoonida Xaashi, xaashina uu u xilsaaray la socodka Gabadhiisa maryama, wuxuu ahaa wajiga dadban oo uu xaashi kula xiriiro gabadhiisa, xaaladdaasna c/ rashiid wuu dhibsanay maxaa yeelay, qof walba oo usoo dhaqaado xaashi c/ rashiid wuxuu jeclaa in uu wax badan ka ogaado.
Isaga oo gaatamaya doonayana in uu maryan ka waraysto muxuudiin oo waayadan agteeda ka dhawaa inta ay aqoon u leedahay dabcan hadduu jaanis meeshaas ka heli lahaana ku dadaali lahaa in uu kala fogeeyo labadooda isaga oo dhiig xun dhexdooda in uu ku beero qorshihiisa ahaa.
Waxaa soo gashay gurigeeda maryan oo daalan soona aastay maydka Qadar murugana wajigeeda ka muuqato.
C/rashiid oo albaabkeeda meel aan ka fogayn ku diyaarsanaa ayaa uga dhuuntay darbi yar si aysan u arkin laakin maryan dareen ah in qof meelaha ka dhowyahay wuu galay laakin ma aysan arkin.
Isaga oo albaabkeeda usoo dhawaaday daaqaddana ka eegaya Maryan ayuu wuxuu meel aan dheerayn ka arkay muxudiin oo gaarigiisa nalka soo ifinayo isala darbigii uu iski qariyay ayuu misana isku qariyay, indhahana ka buuxsaday muxudiin oo u keenay hadiyad, maryana gudaha ay sii galinaysay.
Shakiga uu sii qabay ayaa sii laba jibaarmay wuxuuna go’aansaday qorshe uu wax badan kaga ogaanayo Muxudiin in uu la yimaado.
Dhinaca kale Muxudiin oo gudaha guriga maryan soo galay ayaa Maryan uga tacsiyadeeyay xaaladda gacaliyaheeda Qadar.
Maryan oo aqbalaysa tacsidiisa ayaa ku tiri ” Qadar wax badan ayuu ii qabtay runtii aniga naftiisa xitaa waan badbaadin waayay xilliga uu ii baahnaa”
Muxudiin oo xaaldda dhaqaale ee maryan hoose ula socday ayaa ku yiri wali ma eegin miyaa koontadaada, maad eegtid in ay wax ku jiraan ayaa suurowda ama lacag caymis ah oo hooyadaa sugaysay in lagauugu soo shubay ayaa suurowdee.
Maryan waxay u sheegtay in ay jeclaa lahayd in ay shaqo hesho laakin magaalada oo dhan aabaheed loo wada shaqeeyo iyana ay doonayso shaqo aabaheed ka madax bannaan.
Muxudiin ayaa ugu bishaareeyay in uu u raadinayo shaqo ka madax banaan aabaheed laakin Maryan oo la kaftamaysa ayaa tiri “aabahay ayaad u shaqaysaa ma waxaa keeni kartaa wax ka baxsan shaqooyinka aabahay?
Waan dadaalayaa ayuu ku yiri laakin koontadaada bal eeg quusta badan ee dhaqaala xumadaada la xiriirta iska dhaafee.
Khadra iyo daahir oo waqtigooda qaadanaya ayaa waxaa soo dhacaya tel ka socda Booliska waxaana khadra lagu wargalinyaa in la helay maydka aabaheed booliskana ay doonayaan in ay wax badan ka ogaadaan qaabak dilka u dhacay.
“Aabahay waa la dilay aa!!! ” ayey khadra kala hortagtay qofka kala hadlayay saldhiga oo arrinkaas u qeexay, laakin khadra ayaa isla markiina waydiiysay cidda dishay aabaheed, waxaana loogu jawaabay in baaritaan wali socdo lana ogaan doono marka la soo gunaanado.
Wuxuu wali si habsami leh u waday dhex wareega uu ku dhex wareegayo qosyka xaashi, C/rashiid, ciyaar siyaasadeed oo culus ayuu ku jiray, wuxuu isku dayay in uu kasbado qof walba oo reer Xaashi ah, Daahir gooni ayuu ula shaqaynayay wax kasta uu jecel yahay samayntooda wuu ku dhiiri galinayay, sidoo kale hooyadood siciido iyo ilhaan, wuxuu qof walba u muujinayay sida uu u garab taagnaa, hadana sidaas ay tahay qorshihiisa wuxuu biya dhac uga dhigay in qof guulaystaa oo reer Xaashi ah uusan jirin, kan guulaysta ee la wada hoos yimaadana uu isagu noqdo.
Guure oo xabsiga ka soo baxay ayaa markan wuxuu falalkiisa gurracan ku jeediyay dhanka Maryan oo uu u arkay in ay tahay laanta jilicsan oo uu xaashi kala diriiri karo ayey isaga iyo Yaasin yimaadeen guriga maryan.
Markan waxay leeyihiin saaxiibka qadar lacag cadadkeedu badan yahay ayuu naga qabay ee lacagtaas haddaad na siiso waan ku sii daynaynaa haddii kalana waxaad ku qasbantahay in aad noo shaqayso.
Maryan ayaa ku tiri xagee ka keenayaa lacagtaas faraha badan maba shaqeeyee, teeda kale ma jirto lacag uu Qadar igu wareejiayay ,wax aan ogahay ma jirto qadar in aad disheen oo naftiisa qaadateen ma idinku filnaa waysay?
Qadar waajibkiisa ayuu maray wuxuuna helay wuxuu u qalmay ee adiga ayey hadda ku taagantahay ee xoolaheena na sii ama noo shaqee inta aan xoolaheena kaa heleyno.
“Aabaha ayaa magalaada oo dhan u shaqaysaa bax ka soo qaad lacagteena waa cadad yar marka loo eego Xaashi gabadhiisa qiimaha ay leedahay” ayuu Guure ku yiri.
“Dhimashi ayaan ka xigaa inta aan aabahay u shaqayn lahaa ee maxaa idiin qabtaa oo naftayda ku badbaadsan karaa” ayey ku tiri.
Waxaa loo dhiibay alaab kontorobaan ah oo mamnuuc ahayd, qorshaha guure lahaana wuxuu ahaa in Maryan xabsiga loo taxaabo ee lacag uu ka doonayo maryan ma jirin, waxa dhan shirqool ayey ahaayeen, maryana sidaas ayey ku aqbashay codsigooda.
Kadib maryan waxaa loo dhiibay boorso ay alaabtaas mamnuuca ah ka buuxday isla markiina booliska ayaa loo soo farmuuqay waa la qabtay inta ay ku guda jirtay shaqadeeda.
Taliye daacad ayey u ahayd war farxad leh in uu gabadha Xaashi gacanta ku dhigo, maryan waxay isku dayday in ay inkirto wax walba balse caddayn ayaa la soo hordhigay.
Qaladka uu galay taliye daacad ayaa ahaa in uu alaabta uu maryan ku qabtay u diray baaritaan, jaanis ay gaadayeen reer xaashi ayey ahayd oo waxaa la gatay qoladii baaritaanka sameynaysay, baaritaankiina waxaa lagu soo gunaanaday in Maryan alaabta ay wadday aysan ahayn alaab mamnuuc ah.
Taliye daacad aad ayuu u xanaaqay, maryan waxaas oo dhan waxba kama ogayn laba maalin markii ay xabsiga ku jirtay ayey muxudiin wacatay, muxudiin arrinta kor ayuu kala socday oo isla markiiba maryan wuu u yimid, wuxuuna u balan qaaday in ay saacad kadib soo baxayso wax walbana uu soo dhameeyay.
Waa kan taliye daacad oo maryan ku dhahaya “waad fasaxantahay iska bax wax dambi ah waa lagugu waayay”.
Taliye daacad wax walba wuu ogaa balse caddayn la’aan waxba ma qaban karin, reex xaashi magaalada oo dhan ayaa u shaqeysay.
Daahir wuxuu soo diyaariyay qorshihii shaqo ee loo igmaday wuxuuna qabtay tijaabo bandhigiisa uu ku muujinayay oo ay goob joog ka ahaayeen hooyadiis Siciido iyo S/rashiid, waa lala dhacay runtii.
Qorshihiisa balse waa in uu ka dhaadhacshaa Leyla iyo aabaheed Mustaf oo dhawaan booqasho ugu imaan doono.
Kadib soo bandhigiddiisa ayuu ku wargaliyay hooyadiis in khadro aabaheed uu dhintay uuna doonayo in uu garab istaago xilligan adag, hooyadiis oo fakar taa ka duwan qabtay ayaa ku tiri ballanta martida aan heshiiska kunturaada la sixiixan doono wax yar ayaa ka dhiman ee fadlan diiradda saar sidii uu heshiiskan ku hir gali lahaa.
Siciido waxay doonaynaysay in wiilkeeda uu kasbado kalsoonida aabihii dhawaan shaqada in uu ka fadhiisto doonayay, dadaal badan ayey ugu jirtay sidii ay u dhisi lahayd wiilkeeda maadaama gabadheeda ay wadda kale cagta saaray, caddaysayna in aysan diyaar u ahayn shaqada aabaheed in ay lug ku yeelato oo madax banaanideeda ay doonayso, inkastoo fakarkaas uusan Xaashi qabin .
Xaashi naftiis dadaal dhinacya badan ayuu waday uu ku doonayo in uu dhashiisa kaga helo qofka booskiisa buuxin karo.
Xaashi dhanka kale wuxuu difaac adag uga jiray taliye daacad oo caddaymo la xiriiro dilka tima jilic hayay, wuxuu diyaariyay dad kiiska dhan jahwareerin ku sameeyo, wuxuu soo qabsaday xaashi nin maskiin ah oo dambiga dilka tima jilic qirta lacag badana ku wareejiyay qoyskiisa.
Xaashi wuxuu ahaa ninka magaalada dhan ay u shaqaysi si walba uu isku difaaco wuu heli karay, taliya daacadna maadaama xeeladdan loo adeegsaday wuu iska daayay ninkii maskiinka ahaa isaga oo ku dhahay waan ogahay in aadan dambi lahayn oo lagu soo gatay, laakin aniga dambi kuuma yeelayo, waxaan ka door bidayaa inta taas dhici lahayd in aan iska kaa daayo sidaas ayuuna ku sii daayay taas oo ka dhigtay in xaashi howsha dambi kusoo oogidiida ay waji kale yeelatay markan.
Siciido oo barito sugaysa Marti aysan kala tashan ayaa ku wargalisay Xaashi in ay barito imaanayaan, laakin Xaashi warkan siciido kuma cusbo oo C/rashiid ayaa horey ugu sheegay balse wuu iska hilmaamay isaga oo in uu hilmamay in la fahmo ka fogaanaya ayuu ku yiri adiga siciido ah ayey ahayd in aad ii sheegto in gacaliyahaagi hore uu imaanayo.
Ma ahan gacaliyahayga ninkaas adiga ayaan kaa doortay waxa uu u imaanayana waa shaqo, gabadhiisa Leyla ayaa la socota in si wanaagsan martidaas safarka shaqa inoogu imaanayso loo soo dhaweyo ayaan kaa rajaynayaa wayna ka dhaqaajisay iyada oo muujinaysa in ay ku dhibsatay qaabka uu ula hadlay.
Waxaa timid martidii la wada sugaya waa Mustaf iyo gabadhiisa Leyla, soo dhawayn heer sare ah ayaa loo sameeyay, Xaashi soo dhawayntiisa waxaa laga dareemi karay Masayr iyo  hadalo sarbeeban oo ku dhacayay dhagaha Mustaf.
Mustaf naftiisa dab yar ma shidayn oo mar walba wuxuu muujinayay in uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee siciido xuubkeeda rogo isaga xaashi ahna uu ahaa nin waqtiga wanaagsan la soo kowsday, wuxuuna si dadban u xusuusiyay qaabka uu ku hantay Siciido sida uu ahaa.
Siciido ujeedadeeda waxay ahayd qalbi wanaag iyo ka hadal ganacsi oo markaas ay xooga saaraysay in uu hirgalo.
Waa Waax ka mid ah waaxaha shaqo ee xaashi uu u xilsaaray wiilkiisa Daahir in uu ka soo dhalaalo waxayna ahayd tijaabo adag oo uu xaashi dul dhigay wiilkiisa iyo hooyadiis.
Siciido dadaal xoog leh ayey ku bixinaysay in kunturaadaas ay hirgasho, xaashina ay kalsoonidiiaa kasbadaan.
Daahir marka hore si daacad ah oo ilbaxnimo shaqo ku dheehantahay ayuu u wajahay leyla oo ahayd gabadha la wareegtay masuuliyadda shirkadda aabaheed Mustaf, aabaheedna uu ku qeexay shirkii soo dhawaynta in wax aysan gabadhiisa qalinka ku duugin aysan ka soconayn halkan.
Laakin qaabka uu u wajahay Daahir leyla ma aysan jeclaysan, layla waxay ahayd gabar jecel marqaanka daahirna ma uusan fahmi karin taas ilaa ay ka tiraa meel fiican oo lagu jabo na gee.
Waa daahir shaqadiisa taas, daroogo iyo marqaan, nuuc walba waa waxa kaliya ee uu aqoonta u leeyahay.
Mustaf oo ahaa nin dumarka xagooda aan laga marin ayaa waxaa soo jiitay ilhaan oo uu dhowr jeer in uu u dhawaado isku dayay balse ilhaan aysan ku baraarugin ujeedada odaygan uu ka lahaa.
Dhowr hadiyadood ayuu u keenay, iyada waxay u ahayd in hadiayadahan ay ku helayso magaca hooyadeed, maadaama ninkan uu ahaa ninkii hore ee hooyadeed yaraanteeday is gacaloodeen
Dhinca kale waxaa culays wayn saarayay c/ rashiid oo aad iskugu dayay in uu xooga saaro soo xera galinta ilhaan, isaga oo xitaa la wadaagay in uu doonayo in ay kala tagaan xaaskiisa Najma.
C/ rashiid wax badan ayuu maleegayay xarko badan ayuuna isku xirayay oo waxaa ka go’nayd in uu ka dhigo qoyska reer xaashi tusbax go’ay oo mid walba meel ku faniinay cid isku soo uruurisaana aysan jirin. Waa dhagar runtii aad u xun, cuqdad iyo ciil uu iska dhaadhiciyay ayaa ka buuxday laabtiisa.
Mustaf iyo Siciido waxaa u bilaabatay ka sheekaynta waayo waayo, Xaashi masayr ayuu dhiq la ahaa, howshana il gaar ah ayuu ku hayay, dhowr jeer oo ay siciido arrimo isku soo qaadeena qaab wanaagsan kuma dhamaan.
Waa subax qoyska reer xaashi ay usoo wada fadhiisteen quraacdooda waxaa gacanta laacday cabitaan ay is lahayd cab ilhaan, hooyo siciido ayaa aragtay katiinad gacan xirasha ah oo uu hadda ka hor siiyay Mustaf iyada gabadheedana gacanta ugu xiran.
Waxay waydiisay halka ay ka keentay balse si dareen la’aan oo daacadnimo leh ayey u dhahday hooyo adeer Mustaf ayaa hadaiyad ahaan ii siiyay.
Quraacda ayey ka istaagtay Siciido xanaaq dartii, Xaashi, C/ rashiid, Daahir iyo Ilhaan dhamaan waa la wada fadhiyay hal mar ayaana la is fiirshay iyada oo lala yaabanaa waxa helay Siciido, laakin Xaashi wuu dsreensanaa.
Xaashi oo dareen cara leh qabo ayaa qolka ugu soo galay siciido fakar kursi la fadhida markaas ayuu ku yiri “xitaa wuu ka xishoon waayay gabadhaada oo wuu kugu qaddarin waayay, waxaas ayaad rabtay in aad nin aahaan ula noolaato uf”.
Siciido oo illin indhaheeda ka tiraysa ayaa tiri, “wuu kaa fiican yahay kaana naxariis badan yahay, balse adiga oo ka shaqsiyad fiican ayaan kaa doortay oo kusoo raacay taasna ha illaabin”.
Daahir oo ka soo socda meel uu markaa kasoo shaahay ayey waddada ku kulmeen c/rashiid oo isagana meel ku dhow balan ku lahaa.
C/ rashiid ayaa ku yiri soo bax aan soo wada caweynee, sidii ayey isku raaceen oo cawayskii lagu guda galay.
C/ rashiid aad ayuu u sarqaamiyay daahir ujeedadana waxay ahay in uu banjariyo qorshaha kunturaada ee mustaf iyo gabadhiisa lala saxiixan lahaayeen.
Maadaama uu ahaa daahir nin jecel  tamashlaha balwaddana balaayo ku ahaa wuxuu habeenkaa waqti dambe ku hoyaday hotel uu waqtiga uga dhacay subixii balanta ahayd waqtigii loogu tala galay wuu ka soo dib dhacay.
Daahir waqti dambe ayuu yimid isaga oo sarqaarsan indhahana gaduudan yihiin, xaalad aad u liidata ayuu ku sugnaa oo xitaa ma uusan hadli karin, balse wuu is adkeynayay laakin dhibaatada sarqaanka way ka muuqatay runtii.
Intii kulanka soo xaadirtay ay ku jireen hooyo siciido iyo c/rashiid , musataf iyo layla dhammaan waa la wada fajacay.
Hooyo siciido indhaheeda waxaa kusoo istaagay illin murugana wajigeeda waa laga dheehan karay, mustaf iyo gabadhiisa leylana kulanka waa ka istaageen waxayna sheegeen in qofka nuucan ah aysan hanitidooda ku aamini karin shaqana la samayn karin.
Mustaf oo la hadlaya siciido canaana u jeedinaya ayaa ku yiri sidan ayaa wax u barbaarisay waa kan wiilkaagi naftiisa maamuli la’ anaga ayaad markaas waqti naga soo lumisay oo waqtigeena halka ku beer dareysay.
Leyla oo si kajan ku dheehan ugu dhaga hadlaysa Siciido iyo c/Rashid ayaa tiri aabo horey ayaan kuugu sheegay in meeshan shaqo aysan ka jirin, dad darooga dilatay ayaad nagu soo lugoysay ee naga soo wad meesha.
Fashil iyo waji xumo ayey kulankaas kala soo kulmeen reer Xaashi, qof walba murugo ayuu muujinayay marka laga reebo c/rashiid oo isagu in ay sidan noqoto ku tala galsanaa, farxad aan la muujinayna kusoo dhaweynayay natiijada soo baxday.
Xaashi oo sugayay natiijada soo baxayday tijaabo uu wiilkiisa tijaabinayaynna ahayd ayaa loo sheegay in wax walba ay fashi kusoo dhamaadeen.
Sida uu u xanaaqay waa lala yaabay, dharbaaxo ayuu ku lagday wiilkiisa ilaa qof walba oo meesha joogo la yaabay qayladiisa iyo qaabka ay jirkiisa carada u wada saamaysay.
La soco qaybta 8aad
Qore : Mohamed Musa Sh. Noor 

SHEEKOOYIN