KACDOOMINTA DHAANTADA ee CALI DHAANTO iyo AXMED BUDUL
Dhaantadu waxay ka mid tahay suugaanta qaddiimiga ah ee Soomaalida waxay na la fil tahay gabayga, guurowga iwm, haddii aysan ba ka da’waynayn. Hasayeeshee sannadihii dambe dhaantadu waxay samaysay kacdoon la yaab leh, halka sugaantii la mid ahaa ay aad u sii shiiqayaan ay na ku koobmeen goobaha akadhiimiyada iyo fadhiyada dadka waa wayn.
Dhaantadu miyiga ayay aad ugu xoogganayd waayihii hore waxaa na muusig u ahaa sacabka iyo jaanta. Balse, bartamihii qarnigii tagay markii heesaha casriga ah ee muusigga iyo cuudka lagu tumo soo baxeen dhaantadu waa ay shiiqday oo heesaha ayaa cadaadis saaray. Waxaa xusid mudan in bilowgii heesaha casriga ah, heesihii ugu horreeyay ahaayeen dhaantadii oo laxankoodi la beddalay oo halkii sacab iyo jaan lagu tumi jiray cuud iyo durbaan lagu beddalay.
Dhaantadu dhulalka Soomaalida waxay aad ugu xoogganayd gobollada galbeed (Somali State, Ethiopia), waqooyiga (Somaliland), waqooyi-bari (Puntland) iyo gobollada dhexe (Galmudug iyo Hiiraan). Balse waayihii dambe waxaa mooddaa in dhaantadu dhulalkaas aad ugu yaraatay marka laga reebo galbeedka (Somali State). Galbeedka qudheeda dhaantadu waxay aad u bulaashay tobankii (10) ama shan iyo tobankii (15) sannadood ee dambe. In ay dhaantadu galbeedka aad uga hanaqaaddo waxaa sabab u ah ayaan oran karaa rag dhawr ah oo galbeedka ka soo baxay kuwaas oo casriyan cajiib ah ku sameeyay dhaantada ka dib markii ay u sameeyeen muusig iyo laxan casri.
Ka hor inta aysan dhaantadu kacdoonka ka samayn galbeedka ogaantayda waxaa jiray dhawr nin oo dhaantada si casri ah u tumay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Baarleex iyo Jaangow oo asagu goor aan fogayn dhaanto casri ah ku heesay.
Ragga dhaantada galbeedka ka kacaamiyay sannadihii dambe waxaa hormuud u ah labada nin ee lagu magacaabo Cali Dhaanto iyo Axmed Budul. Dhaantada raggaani waa mid cajiib ah oo dhammaan meel walba oo Soomaali joogto maanta laga dhagaysto waliba shacbiyad ballaaran ku leh. Waxa aan ku doodi karaa dhaantada Cali Dhaanto iyo Axmed Budul waxay shacbiyad le’eg yihiin heesaha Soomaalida kuwa loogu jecel yahay. Dhaantada labadaan nin Soomaalidu yar iyo wayn waa dhagaystaan aad na waa u jecel yihiin. Xataa dadyow shisheeye oo aan af Soomaaliga aqoon ayaa dhagaysta dhaantada Cali Dhaanto iyo Axmed Budul.
Ninka Axmed Budul ahi asagu waa nin mucjiso ah oo dhaantadiisu jiidatay oo badaha waa wayn waa hore ayay ka gudubtay. Axmed Budul dhaantadiisa oo asagu u sameeyo erayada iyo laxankaba waa jaad gooni ah oo marka aad dhagaysanaysid xaaddu ku dhaqaaqayso aad na aad ugu qushuucaysid.
Waxa kale oo aan laga tagi karin oo in la sheego ay yahay waa adkaysiga (resilience) dadka Soomaaliyeed ee galbeedka (Somali State) oo ayaga oo in ka badan 100 sananadood ku hoos jiray taliska Itoobiya oo ah mid ka mid ah talisyada ugu qallafsan, ugu macangagsan ugu na arxandaran dunida ayay haddana dadkaasi ku dhageen oo ku fara’adaygeen afkooda iyo dhaqankooda halka Soomaalida kale ee la midka ah sida kuwa NFD iska dhaaf wax kale’e ku hadalkii af Soomaaligu gabaabsi ku yahay.
Waxa aan oran karaaba Soomaalida galbeedku waxa ay ba ku dhaadashada afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed kaga horreeyaan Soomaalida jamhuuriyadda.
W/Q: Cali M. Diini
Link-gu waa mid ka mid ah dhaantada Axmed Budul.