ABWAAN BARRE MAXAMED FIIDOOW | W.Q. Cabdinaasir Xiddig

ABWAAN BARRE MAXAMED FIIDOOW (LEENTO)

“Waajib adiga kuu yaal dadyahow, U.N. ha u dirane

Is la yaaba gobi waa middii, yac is tiraahdaaye”.

 

 

Barre Maxamed Fiidoow oo Leento lagu naanayso waa abwaan, musikayste, laxamayste, jilaa, hoobal iyo ugu dambayntii saahid u leexday dhanka caabudidda Eebbe Wayne.

Abwaan Barre wuxuu safka hore kaga jiraa suugaanyahanka Soomaaliyeed ee qaaraanka mugga wayn ku darsaday suugaanta soomaalida, wuxuuna curiyay heeso, gabayo iyo riwaayado caan ka noqday bulshada Soomaaliyeed dhaxdeeda.

Leento, wuxuu fanka ka soo dhaxmuuqday asagoo aad u dhallinyar, wuxuuna fannaan aan loo dhawaan karin ku noqday tumista muusiga iyo waliba laxamaynta heesaha taas oo ay u dheerayd curinta erayo ku raagay xusuusta dadka jecel fanka iyo suugaanta.

Suugaanyahan Barre Maxamed Fiidoow wuxuu dabshidkii 1952-dii ku dhashay miyiga degaanka Derri oo hoostagta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Asaga oo dhallinyaro ayuu yimid magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ku biiray dugsi lagu barto muusigga. Aqoontaas oo uu ugu dambayntii heer sare ka gaaray kana noqday bare sare.

Tumista muusigga ayaa la galaysa laxanaynta heesaha, curinta maansada jaadadkeeda kala duwan iyo falkinta fanka riwaayadaha taas oo ah derajada ugu sarreeysa ee uu abwaan ka gaaro derajooyinka suugaanta Soomaaliyeed.

Abwaan Barre wuxuu sanadkii 1974-tii wax ka dhidbay kooxdii Halgan ee guulwadayaasha, wuxuuna ka mid noqday barayaashii iyo hoggaamiyayaashii kooxda. Halkaa oo uu ku soo bandhigay hibooyinkiisii ay Soomaalidu la dhaceen iyo heesihiisii qalbi-ka-hadalka ahaa.

Abwaan Leento waxaa lagu xusuustaa riwaayadihii aadka loo jeclaystay ee ay ka mid ahaayeen:

1. KA JOOG ADIGA MAAHEE

2. BEENEY RAADKAA RAACDO KUGU MAQAN

3. QABRI-HADIM

4. MAANDEEQ oo abwaan Cabdi-Qays la curiyay.

Maansooyinka uu abwaan Leento curiyay mid ka mid aha waa tii uu lahaa:

“Isku daran dagaal iyo nacayb, daanno dabajooga

Isku diran is wada daga, sun iyo dacar is leefsiiya

Isku duula degelkeeda guba, dhiigga kala daadsha

Samadiida dawgiyo sharciga, daaha wadasaara

Fidnadoona nabaddii dafira, xumaha doormooda

Dan ma garato doqon wada qab wayn,duul aan wax is dhaamin.

Heesaha aadka u badan ee abwaan Barre curiyay waxaa ka mid ah heesta aadka u caanbaxday ee “MARKAAN DA’DA JIRAY 15” oo ah hees aan duugoobin oo ay ku madadaashaan fac kasta uuna ku luuqeeyo hoobalka Xasan Aadan Samatar.

Abwaan Barre wuxuu heestaan noogu bidhaaminayaa qayb ka mid ah waayihiisii dhallinyaranimo, gaar ahaan markii uu soo hanaqaaday ee uu raadinta u galay boqoraddii uu nolosha la wadaagi lahaa. Wuxuu hummaag ahaan nagu tusinayaa sidii ay ugu adkaatay in uu qoftiisii ka xusho geyaankiisi toolmoonaa ee ay isku loodka ahaayeen. Wuxuuna ku bilaabayaa:

Markaan da’da jiray 15

Markaan damac guur la soo kacay

Dookhayga markaan u sahan tagay.

Naftayda mid aan u doorbido

Da’deed anigoon ka garanayn

Hablaha ka daydayo midaan iri.

Dabeecadaha gaar iyo

Bal aan dul ahaan tilmaamee,

Cirkoo dambarsame ku hoDunida maansheeyay waa gu’e,

Midibka biyo dahab sidoodii

Ishaan daymada ka boganoo

Jeedaalada waa u dawiyo nabbad.

Caashaqa muddo badan i daashaday

Riyada taan doonisteedii

Hurdada deris ula ahaan jiray,

Dabayshiyo dhaxanta dayreed

Dugsiga tii iiga noqon lahayd

Armay daraneey adiga tahay?

Waxaa xusid mudan oo lagamatagaan ah heesta “IXTIRAAM GOBEED” ee ay ku luuqayso Xabiibo Xasan Tooxoow, taasi oo ay erayadeedu ka mid yihiin:

Ixtiraam gobaad iyo wanaag, baan isku ogaynee

Eed gashaye waxaa kugu wacan, waa afkalaqaade,

Sidaad ii gashaan wali ogoo, uurka ku hayaaye

Afar goysmo waxaa iiga daran, aabigii dhacaye,

Maxaan aamusnaadaa wadnahaad, igaga taallaaye

Qalbigayga igerta ah adaa u sida, maqaar baase

Qofka biyo agyaallaan haddana, ooman baan ahaye,

I dishee hadmuu imaan nabsigaad, urursataa waynee?

Indheergarad haddaad tahay, aqlaa la isku dhaafaaye

Oomasoore iigama tagteen, olol intaad beertoo

Indhahaaga oo shan ah adaa, kaa iskay baraye

Naf lagugu aaminay adiga baa, saaray oogada ee

Adigaa axdiga qaaday oo, waan adkayn yiriye

Si uun ii gal aadmiga adaan, kaaga soo go’aye.

Marka la soo hadal qaado abwaan Barre Maxamed Fiidoow, waxaa qasab ah in la soo xusuusto heesta caaqibada badan ee “RUUN” ee oo uu sida ashqaraarka leh u qaado fannaanka caanka ah ee Maxamed Xasan Xuseen “Lafoole” taas oo aan erayadeeda ka xusi karo:

Lafdhabarta araxda iyo

Unugyada dhiigiyo jiidhka

Laxaadka intiisa kale

Addimadii celinayaay.

Jacalykii waayo arag

Astaantii lagu xusaay

Ubucda beerka iyo wadnaha

Adaa masallaha dhigtoo

kaligaa kugu aaminee

cid kale looma oggola,

Ogoow Ruuneey ogoow

Adaan ifka kuu jeclahay.

Abwaan Barre Maxamed Fiidoow Leento, suugaantiisu kuma saabsana oo kaliya waddaniyadda iyo jacaylka, wuxuuse sidaa oo kale wax ka yiri arrimaha bulshada, waxaana jirta hees aan oran karayo waa heesta ugu caansan ee soo labaysa heesta astaanta qarankeenna, heestaas oo loo garan ogyahay magaca “ERGO DUMAR” waxaana ku luuqaysa oo qaab qalbi-taabad ah u qaadda hoobaladda caanka ah ee Xabiibo Xasan Tooxoow. Waa hees gardhigasho ah oo ay dumarka Soomaalidu ku xusuusinayaan ragga Soomaaliyeed xaqa ay ku leeyihiin uguna sheegayaan in abaalkii loo galay aysan ku baddalin qixin, kufsi, dilid iyo ku tumashada xaquuqda dumarkii soo nuujiyay. Waxaa erayada heestaas ka mid ah:

Aasaaskii dunida iyo

Anigu dumar baan ahaa,

Warshaddii aadmigiyo

Udubkii noloshaan ahaa,

Hayeeshee ina ragoow

Ergiyo iyo waxaan ahay dacwoo

Eed baan kaa tabanayaa.

Uurkaan ugu qaaday iyo

Waxaan fool arami kulal

Dhibaatada kugu umulay,

Horaaddada ibo macaan

Anqaris waxaan kaaga dhigey,

Asluubta wanaagsan iyo

Anshaxa dhaqankiyo hiddaha

Akhlaaqda waxaan ku baray.

Aad baan u nasiibdarnee

Madfaca aqalkayga gubay

Kan igu ridey ma adigaa?

Abaalkii hooyonnimo

Ma la iska illowsan yahay?

Ax iyo way ma adigaa?

Allaylehe ina ragoow

Ergo iyo waxaan ahay dacwoo

Eed baan kaa tabanayaa.

 

Shiribku Xamar kuma koobna

Abwaan Barre Fiidoow mar uu ka faallooday maansada “Shiribka” waxa uu sheegay in Shiribku uusan Xamar ku koobnayn ayna jiraan suugaanyahanno aan reer koofur ahayn oo shirbay waxa uu na yiri:

“Shiribku maahan suugaan Xamar ku kooban, xitaa abwaaniinta qaar baan ogayn. Abwaan Xasan Sh. Muumin riwaayaddiisa “Shabeelnaagood” waxaa ku jira hees ay qaaddo Maryan Mursal oo erayadeedu ka mid yihiin:

Maankayga wuu ka gurxamaa

Murugo ciil mir baan qabaa.

“Haddaba abwaan Xasan Sh. Muumin wuu shirbay,” ayuu Abwaan Leento sii raaciyay.

Abwaan Barre Maxamed Fiidoow, wuxuu safka hore ka galay abwaannadii suugaantooda ku dhaliilay taliskii Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna sidii laga filayayba farta ku fiiqay dulduleeladii hareeyay maamulkii ciidanku hoggaaminayay ee kacaankii 21-kii Oktoobar, si la mid ah wuxuu markooda erayo kulul ku hilgaaday jabhadihii la eeday ee dalka ka dhigay fawdada iyo maamul la’aanta.

1991-dii markii ay dhaceen dagaaladii sokeeye ee lagu hoobtay, abwaan Barre wuxuu ka mid ahaa dadkii naftooda kala baxsaday halaaggaas, wuxuuna in ka badan 20 sano dabad-joog ahaan ugu noolaa qaaradda Yurub, ka hor intii uusan dalka dib ugu soo laaban, wuxuuna maanta (2023) si milgo iyo maamuus leh ugu nool yahay magaaladii oo dabshidyada badan ka maqnaa ee Muqdisho.

Waxaa qoray: Cabdinaasir Xiddig

 

 

Xigasho

Astaan TV,

Goobjoog TV, iyo

Buugga ALEEL ee lagu kaydiyay qaar ka mid ah suugaanta Abwaan Barre Maxamed Fiidoow kaasi oo uu qoray qoraa Cabdirisaaq Xasan Jidhi

SHEEKOOYIN