BOOLI BARAKAYSAN Q. 1AAD | W.Q. Cali M. Diini

BOOLI BARAKAYSAN
Q. 1AAD

W.Q. Cali M. Diini

Ka dib sitimaan aan bariga iyo koofurta Mudug gaalaabixinayey, aniga oo laylacalaawida aan wato u eg, habaaska iyo qaanjeerta igu taal, baan magaalada jidka Astaan Hobyo ka soo xaluushay. Wafdigii hay’adda ee inanta gaaban ee indhagashiga hoosiislaha ah iyo koofida baallaha fidsan ee cawda ka samaysan xirnayd hoggaaminaysay baan hoteelkiisi ku dejiyey dabadeedna dhanka aqalkeenna ayaan u geddoomay, si aan hooyo oo sii gaboobaysa, marwadayda iyo ubadkayga oo aan toddobaad ka maqnaa u soo salaamo, ka hor inta aanan aadin saaxiibbaday iyo golihii hoteelka iyo maqaaxida fadhiwacan.

In ka badan lixdan tuulo iyo ceelal ka sii badan baa waftiga hay’adda ee aan siday cagta soo mariyeen, laakiin waxa keliya ee ay geeyeen hadal buu ahaa waxa keliya ay kala soo noqdeenna waa masawirro iyo muuqaallo badan oo ay kaamaradaha ka soo buuxsadeen, iyo cad iyo caano ay feeraha iska soo saareen. Qofka aan aqoon ee arkaa waxa uu ku dhaaran lahaa in ay dalxiisayaal yihiin

Dhabtii waan u baahnaa safarkan sitimaanka qaatay. Saddexdii bilood ee tagay magaalada ayaan dhex yaxoobay. Qaadkii waan ka nastay. Waa caado aan qabatimay kolkan magaalada ka baxo in aanan qaad afka saarin, xataa haddii rakaabka baabuurka ii saarani qayilayaan. Afartii gu’ ee aan layladan ku xammaalanayayba sidaas baan ahaa. Horta miyaan kaaga warramay sidii aan layladan ku helay?

Toban sano ka hor aniga oo buufis la fuursan waa anigii Nayroobi tagey dabadeedna, dhawrii sano ee aan halkaa joogay, waa anigii afar walaalahay oo Maraykan jira har iyo hoyaad u diiday, aniga oo hooyo, iyo aabbe oo waagaas noolaa ka dhiganaya ul aan walaalahay ku garaaco. Waa tii ay labaatan kun oo doollar ii soo direen, si aan boos dhoofitaan ugu iibsado. Sannad iyo dheeraad markii layn dhoofitaan aan soo haaban waayay waa tii waalidka iyo walaalaba aan ka gaday in Suudaan aan jaamaacad u aado, aniga oo yoolkaygu yahay in aan tahriibo. Iyaga oo faraxsan u na qaadan la’ isbeddalka igu dhacay waa tii ay ii oggolaadeen.

Suudaan baan tagey dabadeedna jaamacadda caalamiga ee Afrika ayaan galay. Laakiin kolkii aan sannad bar dhiganayey baa buufiskii igu soo labokacleeyey. Dabadeedna habeen madow waa anigii Liibiya u guureeyey. Siddeed bilood kolkii aan Liibiya joogay, labo doonyood oo aan raaci lahaa oo iga buuxsamayna aan iyagii iyo rakaabkoodiiba il dambe la saarin, waa anigii baqay oo quustay dabeetana aniga oo madluun ah oo faramaran waa tii aan Soomaaliya isku soo tarxiilay.

Gaalkacyo iyo gurigii hooyaday baan soo yuurarsaday aniga oo la imoodo waraabe inta ugaarsi tagey gabbaldhacii godkiisii faramarnaan kula soo noqday. Mar kale ayaan hooyo jujuubay – aabbe intii aan Liibiya ku silcayay buu allaystay. Ugu dambayn hooyo waxa ay walaalo ku jujuubtay in ay waaraad ii gadaan. Ku darso oo, bilo yar ka dib markii waaraadku gacantayda soo galay waan guursaday hantidada aan ku guursadayna hooyo ayaa walaalahay feer iyo faralaab kaga soo qaadday. Ha se ahaatee, wax sannad ka yar baan waraadkii nacay, ka gadaal markii dhawr jeer uu cidla ciirsila igu la jabay, ama dhiiri igu la galay.

Lacagtii aan waaraadka iibiyey baa laylada dhashay. Intaa dabadeedna, nin aan dhanka hooyo qaraabo ka nahay oo hay’ad reer galbeed horjooge u ah baan laylada iyo hooyo u la tagey. Madaxa hooyaday buu aniga iyo layladaydiiba nagu shaqaalaysiiyay. Lix boqol oo doollar baan bil walba qaadanayaa, ama aan shaqeeyo ama yaanan shaqayn, shidaalkana hay’addaa qabta. Haddii shaqo magaalada ka baxsan aan qabanayo, sida tan aan hadda ka imid, saddex boqol oo dheeraad ah, biyaajo walba, ayaan qaadanayaa. Laakiin badanaa magaaladaba ka ma aan baxo, shaqada ugu badan ee aan qabtaana waa mar mar naadir ah oo aan garoonka diyaaradaha qof hay’adaha u shaqeeya ka doono. Inta kale gurigayga, xafiiska hay’adda iyo fadhiwacan baan u dhexeeyaa. Sidaas baan raalli iyo nus ku ahay. Dalkaba ninkii NGO laga naasnuujiyo un baa qadeeya qaybta qaadka ahna xarrago ku qaadan kara.

Lixda boqol ee doollar labo marwada ayaan farta ka saaraa boqolna hooyo. Saddexda kalena islaanta qaadka iyo fadhiwacan baa iska leh. Runtii, boqolka aan hooyo siiyo isaga oo labalaaban, ama ka badan, buu jeebkayga dib u soo galaa. Sidaa oo kale, intaa ka badan bay hooyo marwada iyo ubadkayga siisaa. Xaqiiqo ahaan, reerka hooyo ayaa biilka walaalo u soo diraan ka biisha. Si wacan baan taa u og ahay. Inta hooyaday naftu ku jirto nin tol leh ama buur ku tiirsan baan ahay. Waan ogsoon ahay, aad baan uga ayaan badan ahay badi dhallinyada Gaalkacyo iyo dalkaba. Halkan, waxa aad taqaan waxaa ka muhiimsan qofafka aad taqaan, siifiiguna waa ina adeer iyo ina abti.

Saddex gu’ ka hor, intii aan qurbaawigu fadhiwacan furin, Gaalkacyo meel hoogtay oo reer magaalka xarragada ku qayila u daran bay ahayd. Waxa aad ku qasbanayd in balbalooyinka jidadka ku teedsan aad kadalloobsato, ama qol dhagax ah oo kulayl iyo huur badan aad ku dhuumato. Aniga iyo saaxiibbaday, oo iyagana faleenbo NGO suran tahay, qol dhagax ah baan ku dhuuman jirnay, ilaa Ilaahay Mataan-Ameerika magaalka keenay.

Magaceeda rasmiga ahi waa Mataan Hoteel and Restaurant, laakiin maanta qof magacaa u yaqaani Gaalkacyo ma joogo haddii uu joogana waa farakutiris. Kuraasta debacsan ee salku uusan ku daalayn; barxadda waasaca ah ee cawska doogga ahi goglan yahay, iyo geedaha haraca ah ee hoostooda naftu ku xasilayso; geed-beereedyada cagaaran ee hareeraha ku teedsan, iyo geed-ubaxlaha doc walba kaa xiga ee biyuhu ka tis leeyihiin darteed baa Fadhiwacan loogu bixiyey.
Gasada fadhiwacan waxaa ku taalla hooso mudduladii Baraawe u eg taas oo gudaheeda roog buluug ahi goglan yahay fadhicarbeed gaaban oo dhawr senti mitir dhulka ka kacsan oo tobaneeyo qof qaadaana si qurux badan u meegaaran yahay. Iridda kolka aad ka soo gasho, indhahaagu waxa ay qabanayaan qaboojiye ku dheggan derbiga hoosadu ku tiirsan tahay. sararaha feergashi caw laga sameeyay baa ku dadban, kuwaas oo marka loo baahdo dhinaca derbiga loo duubi karo, si geesaha looga neecawsado; saqafkana guluub nuxuus ah baa ka soo lusha.

Saddexdii gu’ ee u dambaysayba aniga iyo saaxiibbaday halkan baan galab Alle keeno jilibka laabaynnay, marka Jimcada laga reebo. Ruux aan kooxdeenna ka tiranayn in uu halkan foodda soo geliyo looma oggola. Waa xeer aan innagu qorannay milkilaha fadhiwacanna samcan wa daacan ku meelmariyay. Hoosadaba innaguu inoo waabay. Xeerarkeenna waxaa ka mid ah in labada duhurnimo ka hor aan halkan midkeenna imaan karin. Ninkii waqtigaas ka hor qayilaad bilaabaya isaga ayay jirtaa halka uu fadhiisanayo, xeerkeennu se waxa uu ku talinayaa in qayilaadda labada duhurnimo ka horraysaa aysan wacnayn. Waxa kale oo xeerkeennu qorayaa in siddeedda habeennimo ka dib hoosadani cidla noqoto oo nin walbaa hoygiisa u hoyaado. Badankeennu se afarta galabnimo ka hor halkan ma nimaanno qaadna afka ma saarno. Waxa aynnu isku raacsan nahay in dadka afarta galabnimo ka hor iyo siddeedda habeennimo ka dib qayila ay karaamada qayilaadda meel kaga dhaceen aysanna ka mid ahayn reer magaalka xarragada u marqaama. Kooxdeenanu waxa ay ka siman tahay in ay muddo badan ku soo noolaadeen magaalooyin waawayn sida Muqdisho, Hargeysa iyo Nayroobi. Waxa kale ee ay ka siman yihiin waa in ay leeyihiin tacliin dugsi sare ugu hooseeyo. Dhammaantood af Ingiriisiga iyo Carabiga ayay yaqaannnaan ama ugu yaraan fahmaan oo akhrin karaan. Sidaas oo ay tahay badi kooxdani caado akhris ma leh oo wax mareegaha wararka iyo wargeysyada dhaafsan ma akhriyaan, marka aniga iyo labo inan oo kale laga reebo. Qudheennu wax quman ma akhrinno oo bishii baa midkeen hal buug soo akhriyaa dabadeedna buuggaas baan qayilaadda ku iidaamannaa oo ku faaqidnaa.

Kolkii aan guriga tagey, qubays deg deg ah ka dib, qado reerka u bislayd baan inta halhaleel ku laqlaqay, dabadeedna layladaydii ku dhacay. Saacaddu afartii ayay daqiiqado dhaaftay. Berri waa Jimce oo maalin qayilaad ma aha, toddobaad ku dhanna ma aanan qayilin. Sidaas awgeed buu qaadka galabta xiise gooni ah igu hayaa. Intii jidka ku sii jiray baan islaantii qaadka wacay u na sheegay in ay marduuf xul ah deg deg u soo dirto.
Kaadka hoosada aan istaagayba, ishaydu waxa ay ku dhacday booskaygii oo diyaarsan marduufkiina igu sugayo, orod badanaa jinni cunku!, falaas shaah ah, labo caag oo biyasaxo ah iyo qarsho kooka koolla ahina hareeraha marduufka qotomaan; iyo saaxiibbaday oo soo noqoshayda u xiise qaba. Waxa kale oo ishaydu qabatay nin cusub oo fadhiya booska kayga deriska la ah, dhinaca midig. Bilahanba marti cusubi na ma soo booqan. Waa nin da’diisu qiyaastii afartameeyo tahay, dherer iyo lexaad leh aadna u madow, timo adag oo gaaban oo mar aan fogayn in ay timajaraha booqdeen laga dareemayo leh. Waxa uu xiran yahay sabarhindi midabkeedu yahay caddays iyo buluug isku milan, iyo funaanad madow oo gacmaheeda gaaban murqihiisa kuuskuusana soo cadaadinayaan. Abidkay Gaalkacyo ku ma arag nin sidaas u murqo kuusan. Murqaha keliya ma ahane ninka jirkiisa oo dhan baa si la yaab leh u dhisan. Muuqaalkiisu waxa uu i xusuusiyay nimankii Kiiniyaanka ahaa ee goobaha jirdhiska ee Nayroobi aan ku arki jiray. Ninka indhahiisu xinjir dhiig ah bay u eg yihiin bu’dooduna aad bay u madow dahay, sida dhuxusha. Marka uu ku soo eego waxaa la moodaa jeneraal Ruush oo xanaaqsan. Xirxirnaan, naxariisdarro, macangagnimo, shaki iyo feejignaan baa fiiradiisa iyo foolkiisaba saaran. Labo majood oo qaad ah, xabbad kooko ah, caagad liitar qaad biyo ah iyo baakad sigaar ah ayaa hortiisa yaalla. Waxa uu labada gacmood ku hayaa oo ku hundhuraa wargeyska The Guardian ee Ingiriiska ka soo baxa. Suxulsaarka fadhicarbeedka ee ninka iyo booskayga u dhexeeya waxaa saaran labo warside oo Nayroobi ka soo baxa: Daily Nation iyo The Standard. Weli ma arag qof wargeys shisheeye Gaalkacyo ku akhrisanaya.

Dhammaan raggii madasha fadhiyay inta aan gacanqaaday oo booskayga fadhiistay baan ninkii cusubaa ee i la soo dersay mar labaad gacanqaaday aniga oo ku iri: “Sidee tahay, xaalka ka warran walaal? Magacaygu waa Burhaan.”
Calacal ballaaran iyo gacan xoog iyo culays badan isaga gacantaydii dhuubnayd ku kilkilaya ayuu igu: “Waa khayr, waa la fiican yahay, Barre ayaa la i dhahaa.”
“Horay kuu ma aanan arag, waxa aan filayaa in aad magaalada ku cusub tahay, ee ku soo dhowoow golahan fadhiwacan,” ayaan ku iri.
“Waa dhab, magaalada waa ku cusub ahay, dhawr iyo labaatan sano ka hor baa Gaalkacyo iigu dambaysay,” ayuu igu yiri.
“Ma qurbaha ayaad ka timid?”
“Ka ma imaan ee waa la iga keenay. Dhankaa iyo carro Ingiriis.”

Ma aanan fahmin waxa uu u la jeedo “waa la iga keenay.” Dhaqancelisna ninkan wayni u ma egee sidee wax u jiraan? Baan isku la faqay. Aniga oo garan la’ si aan jawaabtiisa uga halceliyo ayaan ku iri: “Ma mar dhow baad dalka timid?”
“Ilaa lix bilood baan joogay, inta badan Xamar baan joogay, Nayroobi na kol baan yara gaaray, in yar ka dib se waan ka sii noqday,” ayuu iigu jawaabay.

Intaa dabadeed, sheeko wadareed guud baan raggii madashi fadhiyay la miilaysannay. Ninka cusubina in uu nin degaanka ah yahay ogaaday balse wax intaas dhaafsan ka ma aanan ogaan. Waxaa ii xiisegeliyay wargeysyada uu akhrisanayo. Aniguna wargeysyadii akhriyay. Kolkii aan wayddiiyay sida uu wargeysyadan ku helayna waxa uu ii sheegay in nin ay ilmo adeer yihiin oo diyaaradaha qaadka Nayroobi ka soo raraa uu wargeysyada Kiiniya ka soo baxa diyaaradda qaadka u soo saaro, halka kan Ingiriiska ka soo baxa uu nin saaxiibkiisa ah bishiiba mar Landhan uga soo diro.

Khamiistaas aan Barre isbarannay khamiistii xigtay, kolkii aan fadhiwacan ka soo kacnay baan Barre ka codsaday in aan hoygiisa geeyo, maadaama uusan baabuur wadan, isaguna waa iga oggolaaday. Toddobaadkaas aan galab walba Barre wada fadhiisanaynay waxyaabo badan baan aniga iyo isagu ka sheekaysannay, laakiin mar kasta oo aan noloshiisii Ingiriiska la soo hadalqaadaba waxa uu igu oranayay “waan sheeko dheer, mar baan si gooni kuugu warrami doonaa.” Sidaas darteed buu Barre, maadaama uu ka dheregsanaa sida aan sheekadiisa u danaynayo, markii aan gaariga fuulnayba igu yiri:
“Waan dareensan ahay sida aad sheekadaydii qurbaha u xiisaynaysid. Kolley, waxa aan filayaa in dareen ku galay, oo duunkaagu kuu sheegayo sheeko xiise iyo xasaasiyad leh oo aniga igu saabsan. Foolkaaga iyo oogo-hadalkaaga ayaa sidaas ii muujiyay. Waxaa iyaduna xiise leh sida saaxiibbadaa aysan dareenkaas kuula qabin oo aysan wacaalkayga u sii jeedaalin. Waxa aan is leeyahay waxaa jira walax aniga iyo adigu aan ka siman nahay walaxdaas oo isu kaaya soo jiidaya. Malahayga walaxdaasi waa sheeko jacaylka. Waana sababtaas, ayaan is leeyahay, sababta aad saaxiibbadaa iga ga dhowaatay, muddada kooban ee aynnu isnaqiin. Sidaas awgeed baan sheekayda kuugu sheegayaa, aniga oo kaa filaya in aad tahay nin masuul ah oo siraha shakhsiga ah ilaalin kara.”
“Wacaal kasta oo qurbaha ku saabsan waan xiisaynayaa,” anigaa iri.
“Sheekadaydu waa tu dheer oo ka sheekaynteedu saacado badan qaadanaysee ma immikan kuu bilaabaa mise mar kale ayaad u dhiganaysaa?” ayuu yiri.
“Imminkaba ii sheeg,” ayaan dhahay.
“Waa tahay. Haddaba waa in aan u fadhiisanno qayilaaddana sii ambaqaadno. Ha ka welwelin halka fadhiisanayno, guri fillo ah ayaan keligay deggan ahay ee na sii mari meel aan qaad iyo shaah ka sii qaadanno.”
“Shaah iyo cabitaan un baan u baahan nahay, qaad nagu filan waan wadannaa oo marduufkii galabta aan soo qaatay nus ka mid ah ayaan weli hayaa. Oday adeerkay ah qaadka ku saamalayla baan rabay in aan ku sii tuuro,” kolkan ku irina “waa hagaag ee i na mari,” ku soo gunaanaday.

Labo falaas oo shaah iyo dhawr caag oo biyo ah innaga oo sidanna ayaan fillo mar dhow la bineeyay baaburkii hordhigannay.

 

La soco qaybta xigta

SHEEKOOYIN