BOOLI BARAKAYSAN
Q. 2AAD
W.Q. Cali M. Diini
Waa hagaag. Sheekada aan kaaga sheekayn doono waxa aan ugu magacdaray Booli Barakaysan. Waxa aan kaa doonayaa in aadan sheekada iga koobin ee keliya aad iga dhegaysato. Waxa kale oo aan kaa doonayaa in aad ii cudurdaarto kolkolka aan sheekada erayo Ingiriisi ah dhexgeliyo, adiga oo maanka ku haya in aan labaatan sano iyo dheeraad Ingiriiska ku noolaa.
Tanina waa sheekadayda.
Waxa aan ku dhashay tuulada Lebidhiin oo ah degsiimo tuulo ka weyn baahiyihii magaaladana aan weli buuxin. Hooyaday aniga oo gu’ jir ah ayay dhimatay. Aabbahay, Sheekh Jimcaale Sheekh Jaamac, sheekha, wadaadka iyo muftiga Lebidhiin ayuu ahaa. Sidii Aw Faarax na arrimaha diinta oo keliya ku ma uu koobnayne murshidka sare ee talada Lebidhiin aan laga ga dabadhufan ayuu ahaa. Hoggaanka Lebidhiin, talo adduun iyo mid aakhriba, aabbe waxa uu ka dhaxlay aabbihii, Sheekh Jaamac Aw Diini, oo degmada aasaasay. Aabbe, hooyo ma ahane labo xaas oo kale ayuu yeeshay. Minweyntu tuulada ayay degganayd, dabadeedna hooyaday ayuu guursaday oo iyadana tuulada dejiyay, laakiin markii hooyo dhimatay xaas kale ayuu guursaday oo uu miyiga dejiyey, maadaama uu aabbe xoolo badan lahaa. Aniga markii hooyo dhimatay aayada weyn ayaa aabbe ii geeyay, iyadaa i korisay, aayo qiime badan bay ahayd. Noloshayda ilaa toban iyo lix jir aan gaaray Lebidhiin ayaan ku qaatay. Iyada ayaan dugsiga quraanka oo aabbe lahaa ka dhigtay ka gadaalna waxa aan ka mid noqday xerta aabbe kutubaha u akhriyo, dugsiga quraankana macallin ayaan ka ahaan jiray. Dugsigu dugsi ballaaran oo arday badani dhigato ayuu ahaa, sidaa daraaddeed saddex ilaa afar macallin baa wax ka dhigi jiray. Anigu macallin aan joogto ahayn baan ahaan jiray. Markii aan toban iyo lix jir noqday ayuu aabbe Gaalkacyo ii diray si aan sheekh weyn oo halkaa deggan cilmiga uga barto. Sannad kasta lix bilood oo ka mid ah Gaalkacyo ayaan ku qaadan jiray, lixda kalena Lebidhiin iyo xerta aabbe ayaan la qaadan jiray. Kolkii aan toban iyo siddeed jir noqday baa noloshaydii jid aanan abidkay suuraysan afka saartay. Ragga aabbahay dhalay aniga ayaa ugu weynaa oo carruurta iga waaweyn oo dhani gabdho ayay ahaayeen, sidaa daraaddeed baa aabbe kolkii an dhashay Ileeye iigu bixiyay. Magaca Barre waa naanays dugsigii quraanka iga soo raacday, bar badow oo cududda midig iga ga taal darteed. Aabbahay aad buu ii jeclaa. Nin fahmo badan oo waxbarashada ku fiican baan ahaa, aabbena waxa uu rejaynayey in aan dhaxli doono oo tooshka diinta iyo kan dariiqada iyo kan hoggaanka Lebidhiin ba kala wareegi doono. Laakiin wax aan aabbe iyo reer Lebidhiin midkoodna filayn baa dhacay. Fal qof kasta oo degsiimada iyo Mudug ba deggan ka fajiciyey baan falay.
Habeen aan Gaalkacyo ka imid, ayaa aabbe qoyskiisii miyiga ii diray. Waxa uu i faray in aan saddex wan oo jar ah ariga ka soo wado dabadeedna Gaalkacyo geeyo oo qoyska raashin ugu soo iibiyo. Galab casarliiq ah baan Lebidhiin ka carraabay. Qoysku meel aan tuulada ka durugsanayn buu yiillay. Habeendhax ka dib aroortii baan saddexdii wan isku soo xirtay oo dhanka tuulada u la soo dhaqaaqay. Aniga oo wanankii soo marinaya meel tuulada u muuqata ayaan ku soo baxay qof dumar oo dhulka barraaqda oo barooranaysa. Waa gabadh yar oo da’deeda aan ku qiyaasay toban iyo saddex ama toban iyo afar jir. Waa gabadh dheer balse weyd ah. Kolkii ay i aragtay ayay inta fadhigii ka boodday garbasaar baati ah oo duluf ah garbaheeda, laabteeda iyo cududaheeda ku fidfidisay. Dirac isaguna baati ah oo tafaha ka tifmay bay isku dayday in ay dhudhumadeeda dhaadheer ku qariso. Garbasaarkii daraftiisa ayay inta gacanta midig ku laabtay afka iyo foolka ku daboolatay dhinacii aan ka taagnaa ma ahane dhinacii kale isku dadabtay. Ka sokow in ay xishoonaysey, waxa ay ekayd in ay illintii baroorta iska tirayso.
“Ma nabad baa walaal? Iyo sidee wax ku jiraan?” baan isku raaciyay.
“Waa nabad,” ayay cod nuxuus ah igu tiri.
“Maxaa jira? Oo ku dhacay?” baan ku iri. Ii ma aysan jawaabin. Mar kale ayaan muuqaalkeeda iyo huggeedaba eegay. Dacas googo’ay ayay illanayd. Cagta bidix suulkeedu waa dhiigayey oo iyada oo cararaysa in ay kurtun ku dhufatay bay u muuqatay. Lugaheeda dhawr meelood oo kale nabarro cusub iyo xagatimo ayaa uga yaallay. Suxulkeeda midig isagana dhiig baa ka qoyanaa. Isla gacanta midig, cududda bartankeedu wax qaniinyo dad u eg bay la bararsanayd.
Dhawr jeer baan ku celceliyay in ay ii sheegto wax ku dhacay laakiin mar walba oo aan su’aal wayddiiyo wax aan maqlayay fiqfiqda oohin ay isku celinayso. Caagad biyo ku jiraan oo garabka ii surnayd baan inta u soo taagay ku iri “bal horta biyo cab, waad harraadan tahaye.” Markii ay caagadda iga qabanaysay baan foolkeeda toos u arkay. Naxdin baa calooshu i la wareegtay. Wejigeeda oo dhani waa bararsanaa; bushimahana sidoo kale dhaawacyo ayaa uga yaallay; dhiig angagay raadkiisuna waa ka sii muuqday. Markii ay biyihii cabtay bay xoogaa roonaatay oo oohintii iyo fool daboolashadii joojisay.
“Magacaa?”
“Baxsan.”
“Baxsan ayo?”
“Baxsan Geelle.”
Waan gartay. Odagii shalay galab isaga oo turub dheelaya aan tuulada uga soo tagey baa dhalay. Waa nin aan si fiican u garanayo. Waxa kale oo aan gartay Baxsan qudheeda.
“Sow gabadhii habarlada ahayd ma tihid?”
“Haa.”
Waa dhab, sidayda oo kale ayay rajo aayo la kor ah tahay. Xabaasha tan hooyaday ku lammaansani waa Baxsan hooyadeed, Baahila. Aroor walba oo Jimce ah, marka aan Lebidhiin joogo, kolka aan xabaasha hooyaday Sareedo dul tago si isku mid ah baan hooyaday iyo Baxsan hooyadeedba ugu duceeyaa. Xataa aaskeedii iyo markii xabaasha hooyaday lagu barbar aasayey baan xusuustaa, waxa aan ahaa siddeed jir. Labada wiil ee Baxsan ka yar yar midka yar bay Baahila ku ummulraacatay. Janaasadii lagu tukaday ee aabbahay tujinayey baan xusuustaa.
“Yaa sidan kuu galay?” baan haybiyey.
“Aayaday.” Waxa sii sii raacisay, “weligeedba way i dili jirtay laakiin saaka in ay qudha iga jarto ayay rabtay. Ma doonayo in aan dib dambe ugu noqdo.”
“Halkeed u socotaa hadda?” ayaan wayddiiyey.
“Ma garanayo meel aan u cararo iyo cid aan u ciirsado, tuulada ma tagi karo oo odagii baa iga ga horreeya. Haddii uu i arkana sidan si ka daran intuu ii garaaco ayuu dib ii celinayaa, si ay iyaduna mar kale ii disho.”
Markii hore oohinta waa ay qarsanaysaye imminka si dhab ah ayay u barooratay.
“Gurigeenna ayaan ku geynayaa ee ina keen, odagana anigaa kaala hadlayee,” ayaan ku iri.
‘Maya, odagaasi hadal ma yeelayo. In aan arko ma doonayo,” ayay iigu jawaabtay.
In ay qoyskii ku noqoto ayaan ku qalqaaliyey laakiin iga diidday, in ay gurigeenna tuulada ii raacdana ka dhaaratay. Wax aan sameeyo garan waayay. Dabadeed iyada oo kobtii taagan baan isaga tagey, aniga oo ka xun laakiin wax kale oo aan yeelo garan la’.
Maqaaxi weyn oo tan Lebidhiin ugu caansan ah, barbarna dukaan ka ah gudaheedana fadhi harac qabow ah oo raggu shaxda ku ciyaaraan raadiyahana ku dhegaystaan ku taallo ayaan kolkii aan Baxsan cidlada kaga dhaqaaqay aniga oo tuulada dhexmaraya oo wanankii wada agmaray. Waxaa i soo gaaray dananka hees rikoodhka maqaaxida ka daaran ka baxaysa. Waa Cumar Dhuule Cali iyo kabankiisii:
Waa laguu gafoo lagaa gardarraadayee
Gacalkaad lahayd baa yaxaas afka kaaga gashee
Gilgishaye waxna kuuma goyn karayee
Galbataye Allow gaban yahay kuu gargaar
Garabkaaga Ilaah ha galee
Garabkaaga Ilaah ha galee.
Dareen murugo ayaa isaaqay. Halkii aan Baxsan kaga soo dhaqaaqay baan dib u gocday. Miskiinnimadeedii iyo daqarradii dusheeda ku yiil iyo garab la’aantii haysay baa ii sawirmay. Ma sidaas baad uga tageysaa? Ma halkaas baad Baxsan uga tageysaa oo sidaas baad ku hilmaamaysa? Maxaa ku dhaci doona Baxsan, haddii aan sidaas uga tago? Ma gar baa in aan miskiintaas u gargaari waayo gaboodfalka lagu hayana ka gilgilan waayo? Sow gunnimo maaha haddii aan miskiintaas, sidaada oo kale rajada ah, garab iyo gaashaan u noqon waayo? Sow Eebbe aakhiro i ma wayddiin doono? Hooyo la’aanta ayaa lagu ciilayaa oo lagu gumaysanayaa. Waan hubaa in aan hooyadeed sidaas bahalnimada ah u cunteen. Aabbaheedna uga ma roona, waayo halkii markan oo kale ay isaga ku carari lahayd, waa taa isagiina ka cararaysa.
Walow aan aayaday dhib weyn oo aan xusuusto iyo xumaan aanan illoobi karin i yeelin haddana waxa aan la dareen ahay Baxsan, maxaa yeelay, ma jiro qof kaalinta hooyadaa kuu geli kara. Qof barbaarintii hooyo ka qaday baa Baxsan la dareen noqon kara, si dhab ah.
Intaan wanankii geed miriri ah oo daaradda gurigeenna ku yaallay ku hoos xiray baan halkii aan Baxsan uga soo tagey ku noqday.
Iyada oo bartii yuururta welina barooranaysa ayaan u tagey.
“Baxsan, waan ku kaalmaynayaa ee ii sheeg halka aad rabto in aad aaddo. Meel Alle meeshii aad rabto in aan ku geeyo ayaan diyaar u ahay ii sheeg halkeed rabtaa?”
Inta ay oohintii joojisay xoogaa dhiirranaan ahna iska baartay ayay igu tiri: “Habaryartay oo Xamar jirta in aan u tago ayaan rabaa. Meel Xamar ka sokaysa habeen ku ma gam’ayo maalinna ma hargalayo.”
Aniga weli Xamar waa ii dhimman tahay, aadisteedana marar badan baan ka fekerey. Waxaaba ii muuqatay fursad aan Xamar ku aadi karo.
“Waa tahay. Waa war dhan. Haddaba diyaar baan u ahay si walba oo aad Xamar ku tagi karto in aan falo. Een… een, laakiin horta oodi siday u kala korraysaa loo kala guraaye, bal imminka waa in aan helno meel aad ku maadan karto, ee ina keen aan gurigeenna ku geeyee, dabadeed berri ama saadambe baabuurka Gaalkacyo ka imaan doono ayaan ku saarayaa. Anigaa xataa Gaalkacyo kuu raacaya dabadeedna baabuurta Xamar u baxaysa ku saarayee.”
“Maya walaal, taasi suuragal ma aha. Hadddaan gurigiinna tago aabbe ayaa i ogaanaya. Haddii xataa uusan i ogaan sidee ayaan baabuurka ku raacayaa sow aabbe i ma arkayo? Xataa haddii uusan isagu i arag, oo tuulada uu ka tago, sow dadka tuuladu i ma sheegayaan ka gadaalna aabbe Gaalkacyo iga ga ma daba imaanayo?”
Wallaahi waa runteed baan niyadda iska iri. Haddii aan guriga geeyo sow aayo iyo aabbe ma oranayaan ‘naa orod reerkiinnii ku noqo’, haddii ay diiddana aabbaheed u ma yeerayaan? Baabuurka se halkee baan ka saarayaa? Sow aabbaheed tuulada ma joogo? Xataa haddii uusan joogin, oo uu galabta ama berri galab reerkiisii u hoyaado, sow dadka tuuladu ma ogaanayaan dabadeedna aabbaheed u ma qaylo dirayaan? Maxaan yeelaa?
Cabbaar baan fekerey. Fikrad qumman baan qalow igu soo tiri. Dhanka galbeed ee Lebidhiin, qiyaastii labo kiilo mitir wax aan dhammayn, waddada Gaalkacyo aadda dhinaceeda midig, waxaa ku taalla kayn yar oo dhir geedka booca la yiraahdo u badani ka baxo. Waa kayn cidlo ah aaggeedana aan cidi degganayn. Halkaas haddii ay ku dhuumato marka baabuurku yimaado dabadeedna uu Gaalkacyo ku noqonayo ayay horay u sii raacaysaa.
“Baxsaneey i dhegayso, deg deg u dhaqaaqa kayntaas boocley waad garanaysaa sow ma aha?”
“Haa, waan garanayaa. Sow taas hummaageedu inoo muuqdo ma aha?”
“Haa, waa iyada. Waad dhaqaaqaysaa. Afaafka hore ee kaynta ee ina soo xiga ayaad ku dhuumanaysaa. Halkaas igu sug. Marka gabbalku dhaco, salaadda maqrib ka dib, baan halkaa kuugu imanayaa aniga oo casho sida. Hadda dhaqaaq aadna isku ilaali, yaan qofna ku arkin. Hadda dhaqaaq, biyahaanna qaado,” inta aan caagaddii garabka ii surnayd u taagey.
Kolkii Baxsan dhankii kaynta u dhaqaaqday baan anigu dhankii tuulada u geddoomay, aniga oo Baxsan oo aan ka soo tagey ku leh ‘waa kuu goyn karayaa, wax weyn baan kuu goyn karayaa kuu na goyn doonaa, sidii Cumar Dhuule na “waxna kuuma goyn karayee” kaaga ma tageyo’.
Salaaddii maqrib oo masaajidka aabbahay imaamka ka yahay kutubtana ku akhriyo aan ku tukaday ayaan markii laga baxay aabbahay oo shalay galab iigu dambasay u tagey dabadeedna u sheegay in aan wanankii jarka ahaa keenay, haddii caawa baabuurku yimaadana aan aroortii la raaci doono. Aabbe inta uu ii duceeyay buu igu yiri “salaadda cishaha ka dib kitaabka imow.” Aniguna “haye aabbe intaan iri ayaan ka dhaqaaqay. Ka dib maqaaxidii tuulada ugu waynayd intaan tagey baan saddex qaad caano geel ah iyo saxan digir iyo bariis ah, iyo liitar iyo bar qaad biyasaxo ah ka safaariyeystay. Dabadeedn gurigeennii ayaan aniga oo hal il aayo iyo walaalo iska jiraya galay. Nasiib wanaag guriga aayo keliya ayaa joogtay iyaduna jikada ayay ku jirtay oo i ma aysan arkin. Qol walaashay oo Xamar ka soo noqotay boorso dhar ahi u taallay baan galay. Garbasaar baati ah iyo saako iyo jaakad madow intaan boorsadii kala baxay oo bac madow oo meesha taallay ku ritay baan aniga sida tuuggii faraha fooddooda ku socda gurigii ka baxay. Ka gadaalna cashadii oo aan kolkii horeba deyrka derbiga ah ee geedsaarku ku hagoogan yahat ku soo xashaystay inta ka sii dhifsaday orod isku taabtay oo kayntii boocley afka saaray.
Kolkii aan dhawr mitir kayntii gudaha u galay baan ‘Baxsaneey, Baxsaneey’ ku tannaagooday. Booc weyn oo laamihiisa qaar dhulka daadsan yihiin oo dhawr tallaabo ii jira ayay Baxsan mudh ka soo tiri.
“Horta hadalku ha inoo dambeeyee bal ina fadhiisi oo nafta cesho,” intaan bacdii cashadu ku jirtay dhulka dhigay dabadeedna afkeedii kala furay baan caanihiina ku iimadaay.
“Keligay ma cashaynayee ma wada cashaynnaa?” Baxsan oo sidii maanta ka dhiirran baa igu tiri.
In gabadh ugubi nin islaameed cunno ku hor cunto waa dhaqan aan degaankan laga aqoon. Aniga oo taas dareensan baan inta ‘haye’ iri caagaddii biyaha ahayd inta daboolka ka qaaday oo gacanta bidix ku qabtay calaacasha midig ku mayrtay, dabadeedna Baxsan baan biyihii calaacalaha ugu shubay, iyada oo faraxalanaysa.
Innaga oo raashinkii faraha ku jirna ayaan guux baabuur maqalnay, ilbiriqso ka gadaalna layrka fatuurad Gaalkacyo ka timid baa dhanka tuulada inoo dhaafay. Waddadu dhawr oo boqol mitir bay kaynta u jirtaa. Aad baan aniga iyo Baxsan ba imaanshaha fatuuradda ugu faraxnay.
Waagu marka uu dillaaco, kolka salaadda subax laga baxo, in indhaheedu dhanka tuulada ku foognaadaan, marka ay muuqa fatuuradda ujeeddana ay dhanka waddada u soo deg degto; iyo in ay dharka cusub ee aan u keenay keedii hore ka dul gashato geed dugsi lehna hoos xaluulato maadaama ay xilli roobaad dayreed ahayd, in kasta oo aan habeenkaa roob da’ayn, ayaan Baxsan ku kala hoyannay.
Aniga oo geesinnimada Baxsan la yaabban baan dhankii tuuladu iga xigtay u dhaqaaqay. Kayn cidlo ah oo mugdi ah in ay keligeed habeen mugdi ah ku hoyato oo seexato Baxsan ka ma aysan labalabayn, iska daa in ay ka cabsatee.
Intii aan sii socday waxa aan ka fekerayey waxii aan aabbahay u sheegi lahaa, maadaama aanan kitaabtii xaadirin. Aabbe in aan been u sheego igu ma uusan aqoonin. Waxa aan rejaynayey in aabbe oo seexday aan guriga tago. Arrinta kale ee welwelka daran igu haysay ayaa ahayd in Baxsan aabbaheed ay qaylo maqnaanshaha Baxsan ku saabsani u timaaddo. Kolley caawa maqribkii markii aan tuulada ka soo tageyey halkii buu weli turub ku ciyaarayey jaadna ku ruugayey, xilligaas ka dib na in uu qoyskiisii u dheelmado u ma badna. Haddii se ay dhacdo in uu dheelmaday, ma laga yaabaa in uu berri foog intaan fatuuraddu Gaalkacyo u bixin isaga oo qaylodhaan ah yimaado? Haddii taasi dhacdo oo dadka baabuurka raacayaa maqnaanshaha Baxsan ogaadaan maxaa dhacaya? Baxsan baabuurka ma raaci doontaa? Ka warran haddii odagu fatuuraddaba raaco, isaga oo is leh Baxsan Gaalkacyo uga dabatag? Ka warran haddii Baxsan baabuur aabbaheed fuushan yahay waddada u soo istaagto? Maxaa dhaci doona? Ilaahow in aysan taasi dhacin baan ka baryayaa.
Saacadda oo saddex saac oo habeennimo toban daqiiqo dhaaftay baan maqaaxidii oo BBC SOMALI ka daaran tahay la soo wareegay. Waan hubaa, aabbahay xilligan ma soo jeedo. Sideedda iyo barka marka uu kitaabka ka baxo gurigiisa oo masaajidka boqollaal tallaabo u jira ayuu toos u abbaaraa sagaalka inta aan la gaarinna kubbeertadiisa ayuu ku hoos jiraa oo waaba uu gam’aa. Weligiis la ma arag isaga oo sagaalka ka dib soo jeeda, isaga oo gurigiisa jooga. Taasi nanuuro ayay ii ahayd. Waxa kale oo nanuuro ii ahayd markii aan arkay Geelle oo ragga raadiyaha dhegaysanaya dhexfadhiya, isaga oo wax dareen ah oo tabani uusan ka muuqan.
Aroortii markii aan salaaddii fajar laga baxay baa aabbe ii yeeray, isaga oo halkii uu salaadda ku tujiyey fadhiya. Aniga oo welwelsan oo tolow maxuu ku oran doonaa is leh buu igu yiri: “Maandhe Ileeyow Ilaahay tawfiiqda ha ku waaafajiyo walad saalix ahna waa tahay janno ha kugu abaalmariyo ubad sida aad baarri iyo saalix u tahay u ahna ha ku siiyo. Baabuurkii waa taagan yahay ee raac oo sidii aan ku faray yeel, baabuurka ugu horreeya ee soo baxayana la soo noqo. Anigu toddobaadkii khilaawada ayaan galayaa berri xerta badankeeduna fasax toddobaaad ah ayay qaadanayaan oo reerahoodii ayay aadayaan. Sidaa daraaddeed, marka aad soo noqoto qoyskii miyiga raashinka u geeya dabadeedna dugsiga quraanka tag, waayo macallin Cali iyo macallin Abshir fasax ayay qaadanayaan, markaa macallin Cabdi keligii dugsiga ku ma filla ee u tag oo kaalmee. Waxa kale oo aan kaa doonayaa in ardadii berigii dhowayd quraanka dhammaysay aad Safiinaha iyo Arbaciinka u bilowdo. Macallin Cali baan rabay in uu xilkaa qaado laakiin beryahan muluqmuluqdiisa badan, sidaa aawadeed waxa aan rabaa in aad adigu xilkaa qaaddo. Marka aan khilaawada ka soo baxo, haddii Alle idmo, ayaan arrintaa si fiican uga wada hadlaynaa. Maandhe Ileeyow ogow in la gaaray waqtigii aad adigu dadka waxbari lahayd. Sidaas baan isku og nahay maandhe. Alle ha kula jiro meel aad joogtaba.”
“Haye aabbe, hawlahaas aad ii dirtay sida aad iigu dirtay baan u fulinayaa. Haddii Alle idmo,” intaan ku iri ayaan ka tagey.
Aabbe waxa uu caado u lahaa lixdii biloodba in uu toddobaad khilaawayn galo. Daash yar oo masaajidka dhanka qorrax soo baxa uga dheggan, iriddiisuna dhanka qiblada ma ahane dhanka kale u jeeddo daah adag oo kabad ka samaysanna leh ayuu aabbe marka uu khilaawaynayo maalinta Jimcada, saaladda Jimcada ka dib, gali jirat, waxa uu ka soo baxi jiray Jimcada xigta, salaadda Jimcada saacad ka hor. Dabadeed inta uu dadka salaadda Jimcada tujiyo ayuu dadka uga warrami jiray waxyaabihii uu khilaawaynta ku arkay. Mar mar waxa uu dadka u sheegi jiray farriimo ka nixiya, sida colaado iyo abaaro dhaci doona dadkana fari jiray in Allebari la dhigo oo xoolo tiro cayiman ah la qalo lana ducaysto. Mar mar waxa uu dadka ugu bishaarayn jiray in timaaddo wacan la tusay taas qudheeda Allebari mahadnaq ah ayaa loo dhigi jiray. Mararka qaarkood odayaasha iyo habraha tuulada ayuu mid walba si gaar ah waxa mustaqbalku u soo walwaalayo wacaal uga siin jiray, ka dib baa qof walbaa maal saddaqo ah aabbe u siin jiray duco iyo xirsixirna ka dalban jiray.
Aabbe inta uu khilaawaynta ku jiro qof lama hadlo qofna u ma galo. Cunnada iyo cabitaanka aayo ayaa u gayn jirtay, iyaduna u ma gali jirin la ma na hadli jirine inta ay daaha wax yar kor u fayddo ayay weelasha quudku ku jiro daashka gudihiisa ku riixi jirtay. Aabbena weelasha uu cunnada ka cuno daaha hoostiisa ayuu ka soo riixi jiray. Maalintii labo goor baa aayo aabbe cunno u gayn jirtay, aroortii iyo maqribkii.
Fatuuradii waxa ay hortaagan tahay maqaaxidii tuulada ugu weynayd saddexdaydii wanna gurada fatuuradda ayay dhawr neef oo kale kula xiran yihiin. Labo islaamood iyo saddex oday baa iyaguna gurada fatuuradda fadhfadhiya. Ninka fatuuradda darawalka ah waa nin aan si fiican isku naqaanno macriifana nahay. Oo ma qof aynaan is aqoon baa degaankan jooga. Kuwa xataa aan qof ahaan ii aqooni wiilkii sheekha ayay ii garanayaan iguna qaddariyaan. Aniga qudheyda xushmadda sheekha mid u dhow baa la i siiyaa oo xataa marka aan baabuurta raacayo wadayaashu meel aan shirka ahayn i ma fadhiisiyaan. Saaka xataa darawalku in aan shirka fadhiisto ayuu ii qorsheeyay, laakiin anigaa qorshe kale ii degsan yahay. Sidaas darteed baan booskaygii oday waayeel ah u siiyay; waa kaa oday kale oo horay shirka ugu jiray la sheekaysanaya.
Buudiga baabuurka ayaan ku tiirsan ahay ishayduna rag barxadda maqaaxida jiifjiifa ayay ilaalo ka haysaa. Oday Geelle ayaa ragga barxadda hurda ku jira. Waxa aan ka cabsi qabaa in intuu soo kaco uu fatuuradda soo fuulo. Hoos ayaan Eebbe ka tuugayaa in uusan Geelle soo toosin.
Ugu dambayn waa kaa darawalkii fatuuraddu maqaaxida ka soo baxay dabadeedna igu yiri “sheekh maxaad sugaysaa? Waan soconaynaa ee baabuurka fuul.”
“Haye, ina socodsii,” ayaan ku iri. Waxa aan u sii raaciyay “booskaygii shirka oday waayeel ah ayaan siiyay.” Taas oo macnaheedu yahay lacagta gurada lagu raacayo ayaan ku siinayaa ee lacagta shirka odaga ka qaado.
Baabuurkii waa dhaqaaqay. Oday Geelle na weli halkii ayuu bilqan yahay.
Gurada fatuuradda, dhinac darawalka xiga ayaan qabsaday. Ku talagal baan taas u yeelay: si aan darawalka ugu sheego in uu baabuurka joojiyo marka baabuurku kaynta gaaro.
Daqiiqado yar ka dib waa taa kayntii inoo soo dhowaatay. Baxsan na waa taa labadii caag gacanta bidix ku laalaadinaysa gacanta midigna baabuurka u taagaysa.
“Darawal gabadha u istaag,” baan ku iri. Isaguna waa kaa u istaagay. Baxsan inta baabuurka dhinacii aan ka saarnaa soo istaagtay bay labadii caag ii soo taagtay. Aniga oo labadii caag ka qaadaya ayaan darawalkii ku iri “aniga ayaa lacagta gabadha ku siinaya.”
Baxsan oo muuq ahaan iyo dareen sidii shalay ka duwan baa inta dhinacayga soo fadhiisatay si gaaban oo ay adag tahay in la maqlo igu tiri “aabbahay ma aragtay? Tuulada ma joogay?”
“Barxaddii tuulada ayuu jiifay,” baan si aan dadka kale ee baabuurka la fuushani maqli karin ugu sheegay.
Labo saac ka dib Gaalkacyo ayaannu galnay. Maadaama gaarigu ari beec ah siday, waxa uu abbaaray suuqa xoolaha ee bartanka magaalada ku yaalla. Markii aan suuqii xoolaha tagnay dillaal aan garanayey oo suuqa taagnaa ayaan saddexdii wan u ku wareejiyey dabadeedna Baxsan baan inta u dhowaaday ku iri “i soo dabakac dhawr tallaabana iga dambee.”
Magaaladu sida ay haddaba labo ugu qaybsan tahay bay berigaana labo ugu qaybsanayd. Geddiga waqooyi dhinaca koofurta soo xiga gabadh dukaan dhar lagu iibiyo ku lahayd oo aan macrifo ahayn gurigeeduna galbeedka magaalada ku yiil baan Baxsan u geeyay. Inta aan gabadhii gooni u la baxay baan ku iri “gabadhan gurigaaga ii gee oo iigu hay, qof kale oo Alle abuurayna yuusan ogaan. Kolka aan kuu soo noqdo ayaan wacaalkeeda kaaga warramayaaye.”
Inan gob ah ayay ahayde “haye” inta ay igu tiri ayay wiil xammaali ah oo u shaqaynayey ku tiri “gabadhan kaxee oo guriga gee, gabdhaha guriga joogana u sheeg quraac iyo qado ha u sameeyaan.”
Halkaas baan Baxsan uga soo tagey oo waxa aan ku noqday suuqii xoolaha ee geddiga koofureed ee magaalada.
La soco qaybta xigta